Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Sucaad Carraale: Gargaarku Xal Maaha

14 February, 2025
Image
Sucaad Carraale
Sucaad Carraale, xuquuqda sawirka madasha may fakaraan.
Share
Sucaad waraysigan ay Geeska siisay waxa ay ku soo gudbinaysaa isbeddelada ku yimi shaqooyinka arrimaha gargaarka, musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira iyo hab fekerka dadka hadda ku biira shaqooyinka gargaarka.

Dhaqaalayahannadda reer Saambiya, Dambisa Moyo, ayaa sannadku markuu ahaa 2009 soo saartay buug ay ugu wanqashay Dead Aid kaas oo Saxardiid Axmed af soomaali ahaan ku  turjumay Cad Quudheed,  Moya waxa ay dood ka keenaysaa qaabka uu u shaqeeyo gargaarka ka yimaada reer Galbeedka ee ku socda Afrika. Waxa ay ku doodaysaa in gargaarku uu qaaradda u horseeday ku tiirsanaanta reer Galbeedka, korriinka musuqmaasuq baahsan iyo horumar la’aan, kuwaas oo meesha ka saaraya sawirka uu gargaarku wato ee ah caawinta qaaradda Afrika, waxa ayna muujinaysaa in gargaarku uu abuuray dawlado ku tiirsan gargaarka. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka aadka ugu tiirsan gargaarka, laga soo bilaabo dawladdii rayidka ahayd, tii kacaanka iyo burburkii ka dib oo uu sii xoogaystay, isla jeerkaas gargaarka waxaa dhinac socday musuq baahsan oo qaarkood ka soo bilaabanayay dalalka deeqda bixinaya. Wolfgang Achtner oo 1993 wargayska Washington Post maqaal ku baahiyay, waxa uu sheegay sida ay dawladda Talyaaniga iyo burjuwaasiyiintoodu Soomaaliya uga dhigteen garoon ay ku kala goostaan gargaarka uu dalkiisu siiyo oo asalkiisa shacabka laga soo qaaday, inkastoo meelaha qaar aanay wax uga jirin sida uu u tilmaamay, haddana waa qayb ka mid ah waxyaabaha caddaynaya sida uu musuqu u saameeyay dalalka deeqaha bixiya iyo kuwa la siiyo. Intaa uu gargaarku ka jiray Soomaaliya, waxaa soo baxayay dhaliilo badan oo ku aadan habka loo maamulo lacagta iyo qaabka ay u shaqeeyaan. 

Haddaba , waxa Geesku arrintan kala sheekaystay Sucaad Xasan Carraale oo muddo aad u dheer ka shaqaynaysay arrimaha bini’aadantinimada iyo bulshada, waxa ay waxbarashadeeda sare ka soo bilowday dugsiga reer miyiga ee Buraan (Buraan Rural Institute, BRI), iskuulkan oo ay hore dawladda dhexe ee Soomaaliya uga hirgalisay Sanaag, balse, ay haayadda Horn Relief (hadda; Adeso) oo ay hogagaminaysay Faadimo Jibriil ku samaysay dib u habayn iyo casriyayn, kana bilowday waxbarasho aasaasi ah. Waqtigaas oo ay adkayd in gabadh ay waxbarato, si gaar ahna iskuulkaas looga baahiyay dacaayado kala duwan ayay Sucaad fursad u heshay in waalidkeed u ogolaadaan in ay waxbarato. Ka dib iskuulkan, waxa ay Boosaaso ka heshay waxbarasho kale iyo tababarro  ku saabsan shaqooyinka haayadah, waxa ayna ka heli jirtay isla haayadda Adeso, muddo ka dibna waxa ay ka mid noqotay dhallinyarta u joogta haayadda tababarka shaqaalenimo, halkaas ayayna kala jaanqaaday. Waxa ay ka soo shaqaysay lacag qaybintii ugu horraysay Soomaaliya ee dadkii abaartu ku saamaysay Sanaag loo saameeyay 2004, waxa ayna ka hawlgashay haayado kala duwan oo ay ugu mudan yihiin Adeso, NCA oo ay hadda madax uga tahay Buntilaan, OXFAM Novib, NRC iyo Acted. 

Sucaad waraysigan ay Geeska siisay waxa uu xoogga saarayaa isbeddelka ku yimi shaqooyinka arrimaha gargaarka, musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira iyo hab fekerka dadka hadda ku biira shaqooyinka gargaarka. Waxa kale oo ay Sucaad soo jeedinaysaa talooyinkeeda ku aadan dhibaatooyinka ay xustay, sidoo kale, waxa ay talooyin siinaysa haweenka ku jira ama jecel in ay ka shaqeeyaan arrimaha gargaarka. Waraysiga dhexdiisa, marar badan waxa aad ku arkaysaa Sucaad oo xusaysa Faadumo Jibriil, Faadumo waa aasaasaha haayadda Adeso waana u doode arrimaha deegaanka ah oo qayb ka ahaa safarka Sucaad. 

Axmed Sanwilwilo: Ka hor inta aynnaan guda gelin mawduuceenna,  muxuu yahay waxa ugu weyn ee kugu riixay in aad ka shaqayso arrimaha bini’aadantinimada ama haayadaha ka shaqeeya arrimahan iyo aqoontaada?

Sucaad Caraale: Horta dadku aqoon iyo iskuul waa aadaan, taas isma lihi cid baad kaga duwan tahay, waana laga yaabaa aqoonta aan  helay iyo sida aan u helay in ay tahay. Laakiin, waxa ugu weyn waxa weeye, anigu waxa aan helay fursad marka aan waxbarashadii ka soo baxay aan shaqo ku bilaabay oo waxa aan samaynayo ku baranayay. Tusaale, markii aan iskuulkii Buraan soo dhammeeyay ee aan shaqo galay anaa raadsaday jaamacadda, markaan arkay in shaqada aan qabanayo ay u baahan tahay in aan aqoontayda sii ballaadhiyo, Ingiriisida iyo wixii kale aan u baahdona anaa online ku samayn jiray, Faadimo Jibriilna way iga caawin jirtay oo buuggag ayay ii keeni jirtay. Waxyaabaha aan Faadumo, Alle abaal weyn haka siiyee, aan ku jeclaa waxaa ka mid ahaa, markasta waxa ay ii keeni jirtay buuggag aan markaa aad u jeclaa, laakiin akhriska ma jeclayn, ee waxa aan u arkaayay in aan wax akhriyo in ay tahay meesha aan hore uga sii socon lahaa, tusaale buug ayay ii keenaysaa, kolkaasay i odhan jirtay ‘sidaa iyo sidaa samee’. Markaa anigu waxa aan odhan karaa, fursadda baan helay oo ah  dad isiinaayay hagid (mentor) fiican iyo tababbar wanaagsan, iguna saacidaayay in aan qabto shaqada. Fursad kalena waxa ay ahayd, dadka kale ee aan ku dhex jiray, anigu aqoontayda inta ugu badan jaamacad kama aanan baran, iskuulka haa oo aasaas fiican waan ka soo qaatay, laakiin inta ugu badan waxa aan ka bartay dadka aan la shaqaynayay iyo shaqada aan qabanayay.

AS: Adiga oo ku sallaynaya khibraddaada, waxaa jira dadyow badan oo dhaliila habka ay uu u shaqeeyo gargaarka ay haayaduhu maamulaan, adigu dhaliil ma u haysaa mase u malaynaysaa in ay qayb ka tahay hanaqaad la’aanta dawladnimada Soomaaliya? 

SC: Haa, dhaliil badan bay leeyihiin. Gargaarku horta iskiiba waa marxalad ay keentay in dadku isku filnaan waayeen oo sababtay in dadka la caawiyo, sideeda bannaanba ma aha xal, waxyaabo badan oo halis ahna wuu leeyahay haddii lagu sii dhex jiro. Aniga hadda, wax badan waan soo qabtay, wax badan waan bartay, laakiin, haddii aad i dhahdid; wixii aad soo qabatay maxaa ugu farxad badan? Waxa aan sheegi karaa, tusaale, markii aan Durduri joogay oo aan Faadumo Jibriil dhirta la beeraayay ayaan ugu jeclahay, runta marka aan ka hadlo oo qalbigayga ah, laakiin, ma jecli markaan arko dadkaygii oo maallin walba IDP (Internally Displaced Person) ku jiro oo lacag la siinaayo oo meeshii iska dhex fadhiyo oo aan helin qorshe ay uga baxaan. Dhanka kale, waagii hore, ka shaqaynta gargaarku nadiif ayay ahaayeen, aniguna waxyaabaha aan Ilaahay ugu mahadceliyo waxaa ka mid ah, in aan Faadumo Jibriil iyo Adeso la shaqeeyo, inkastoo ay qofka isagana ku xidhan tahay, waxa ay i bartay Faadimo in aan anigu ahay qof dadka saacidaayo (samafale), haddii dadka loogu talagalay laba xabbo oo buskut ah ama xoogaa kaash ah, in aan anigu wax ugu daro maahee in aanan waxba ka raadsan, laakiin, hadda waxaa soo badanaya dadyow raba inay ka shaqaystaan, waa arin wanaagsan in laga shaqaysto waayo wadanka fursadaha shaqada ayaa yar, laakiin garkaarku maahan meel dhaqaalo loo soo doonto ama musuqmaasuq laga sameeyo, waa inaad u samafashaa dadka dhibaataysan, gaarsiisaa qoondadii loogu talo galay si hufan oo sharafta dadka waxba u dhimayn. Waxaa soo badanaysa waayadaan danbe in kaalmadii loogu talo galay dadka la leexiyo oo la siyaasadeeyo, marka aan leeyahay la siyaasadeeyo waxaan ka wadaa in aan wax la gaarsiin meelaha u baahan.

 Gargaarku waxaas oo dhan ma’aha oo bini’aadantimadu mabaadii` (Humanitarian Principles)  ayay lee dahay, waa in ay dhexdhexaadnimo ahaato, sinaan ahaato, waana in aan qofka shardi lagu xirin ee waxa uu u baahan yahay la siiyo, sidoo kalena waa in ay isla-xisaabtan jirto, haddase waa yar tahay cid si dhab ah isula xisaabtanta. Anigu waxa aan yaabay mar aan tagay tababbar, waxaa noo timi Deggan Cali oo taababbar na siinaysay, waxa ay sheegtay in aan barnaamijkii lacag qaybinta (Cash Transfer) ee Sanaag laga hirgaliyay aan ka shaqaynayay, markay intaa tidhi ayay dadkii i soo fiiriyeen, waxa ay i dheheen “immisaa bixisay?” anna waan u sheegay oo waxa aan lacag siinay in ka badan 13,000 oo qoys oo midkiiba $50 la siiyay hal mar, isla markiiba waxa ay idheheen “immisa guri ayaad dhisatay?”, anigii waan yaabay oo waqtigaa (taariikhdu waa 2004) wax mushahar ah ma aanan qaadanayn oo lacag yar oo dhiirigalin/gunno ah ayaan lahaa, waan xasuustaa oo qayb badan oo ka mid ah lacagta yar ee aan bishaa qaatay waxa ay iga raacday dadkii oo qof aan ka naxayo ayaan siiyay. In aan su’aashooda iyo malahooda fahmi waayona waxaa keentay in meesha aan ka shaqaynaayay aanay waqtigaa ka hawlgalayn haayado badan oo qaarkood musuq sameeyaan ama wax khariban oo leexinta gargaarku ka mid tahay. Waxa aan odhan karaa anigu, dhaliilo badan ayay leeyihiin dadku oo xagga aragtida maskaxda ah, qofka waxaa la rabaa marka uu mashruuc ama  marka aad keenaysid mashruuc in dadkaaga aad si hagar la’aan ah ugu samaysid, u sheeg in waxan ay fursad yar oo kooban tahay. Waxyaabaha aan ka bartay Faadumo waxaa ka mid ah, waxa ay oran jirtay; “markaa rabtaan dadka in aad runta u sheegtaan, dhaha halkaasaan dhigay shaarkii Adeso, hadda waxaa idinla hadlaya aniga oo xidhan shaadhkaygii ina hebel hebel” sidaas ayay odhan jirtay, markaa qofku haayad kuuma arko, marka kalese waxa aad tahay gabadhii haayadda oo waxaa la dhahayaa gabadhii haayaddaa tidhi ama ninkii haayadda. Shaqaalaha arrimaha bini’aadantinimadu wacyigalin way haystaan, laakiin, falsafadda ah in laga shaqaysto meesha oo wixii la doono laga samaysto ayaa aad u soo badanaysa hadda, dadka waxa gaarayana wax yar oo aan tayo lahayn ayay noqonaysaa, waxan gargaarka lagu lee yahayna 30% waxa ay ku soo hadhaysaa kharashaadka hawl socodsiinta wax la dhoho, shaqaalaha, kirada xafiisyada iyo gaadiidka, waxaana laga yaabaa in ugu badnaan 70% ama 60% ay lacagta mashruucu gaaraan dadka loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan, ka warran haddii 60%-k ay dadkii gaarto 20% oo kaliya oo gacmaha kale oo badan ah, maxay soo kordhisay ? Kaliya waxa ay soo kordhisay in ay dadku bartaan in ay wax leexiyaan. Marka, dhaliilo badan ayaa jira oo ah habka wax loo sameeyo. 

AS: Maxaa isbeddel ah oo ku yimi macaawinooyinkii la bixin jiray waqtiga aad shaqadan ku soo biirtay iyo midda hadda la bixiyo? 

SC: Boqolkiiba boqol sida ay hadda wax yihiin iyo sidii ay waagii hore ahaayeen aad ayay u kala duwan yihiin. Hadda qofka nadiifta ah ee doonaya in uu arrimaha gargaarka ka shaqeeyo aad ayuu isku ilaalinayaa, adoo aan rabin in aad wax musuqmaasuqdo dad ayaa kuula imaanaya oo miiska kuu soo saaraya oo gorgortan ayaa lagu la galayaa. Qofkii kuugu dhawaa ayaa samaynaya, xafiiska kugu xigaa laga samaynayaa, kii bannaankaa ee aad shaqada la samaynaysaa ku leh 50% ayaa kuu ogolahay ee mashruucan isii, marka meeqo qof ayaa intaa iska celin karo, tirada dadka ee intaa maya odhan kara oo dhahaya ‘aniga shaqadaydu waxa weeye in aan intan qabto ee ma’aha in aan gorgoran kula galo ee xaga iga tag’ miyay jirtaa? Waddankan aynu joogno dhallinyarada markaa fiiriso, way yar tahay in la helo.

AS: Dhankee ayaa loo tiirin karaa musuqmaasuqa ku dhex jira macaawinooyinka, siiba dhallinyarada?

SC: Haayadaha deeqbixiyayaasha ah, siyaasad ayay ka leeyihiin ay ku baaraan, qofkasta waxaa laga saxiixayaa warqad ay ku qoran tahay; inay mabnuuc tahay in musuqmaamuq la sameeyo iyo hababka loo wargeliyo  lacala haddii aad aragtid musqmaasuq. Waxayna leeyihiin “waan samaynay annaga, shaqaalihii waan ku wacyigalinay, waan ku tababarnay, qof walba halkan ayuu saxiixay oo waxa aan leenahay habkan oo aan dhisanay hala raaco” laakiin, sida dhabta ah waxay ka timaaddaa islaxisaabtan la’aan iyo nidaam xumo jirta, adba ka aragti qaado, in badan ma arkaan waxa socda xaalado amni dartood. Taas ayaan ka shakisanay marka anigu, wayna jiraan dad badan oo nadiif ah oo ay bini’aadantinimo ku jirto oo doonaya in ay dadka caawiyaan oo ay hobbigooda tahay caawintu. Caqbadaha hadda taagan waxa weeye, muddo ayaa waxaa loo dagaallamayay in Soomaalidu noqdaan hoggaanka haayadaha, waagii hore markaa u fiirsato boosaska ugu sarreeya haayadaha waxaa ahaa ajaaniib, laakiin hadda waqti badan oo la dedaalay Soomaali baa ah inta badan. Soomaalidii fursadda la siiyay intooda badan waa ay lumiyeen, waxa ayna ku lumiyeen musuqmaasuq iyo waxyaabo kale oo badan. Nidaamka qofku inta uu ku jirayna waa ka qayb oo qofka way u fududaanaysaa in uu wax leexiyo, sababtoo ah, wuxuu garanayaa waxa laga rabo, waraaqaha oo saxan marka uu miiska soo saarana ma jirto qof su’aal ka keeni kara, kii su’aal keenana waraaqaha akhri ayuu aayar dhahayaa. Meelaha ugu badan ee musuqmaasuqu ka dhacona waa meelaha ugu baahida badan ee ay Soomaalidu joogto, waa meelaha aan la tagi karin (bilaa waddo) ee aan la fiirfiirin karin. Mararka qaar waxa ay haayadaha kuwa shaqada fulinaya ka baxsan ay sameeyaan in ay hawlgaliyaan qof aan haayadda ka tirsaneen, tusaale; meel ceel laga qoday in uu soo hubiyo, waxaa mararka qaarkood ka soo baxda in aan meesha waxbaba laga qaban mise tayada hoosayso. Hadda caadi ayuuba noqday oo meel walba oo uu gargaarku ka socdo waa ka jiraa musuqu, oo hadda sannadkii ina soo dhaafay ee 2023 gargaarkii ugu badnaa ee la leexiyo ayaa dhacay.

AS: Maxaad u aragtaa xal oo ku aadan gargaarka?

SC: Aniguxalka waxa aan u arkaa; gargaarka waa loo baahan yahay horta, runta marka laga hadlana hooyada maskiinta ah ee joogta kaamka Muqdisho bannaankeeda ah oo aan waxba ka shaqaysan, haddii lacag la siiyo ama biyo ay u baahan tahay ama dawo, way u baahan tahay, sababtoo ah ma haysato, waana nolol aad u adag, laakiin, waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah in uu yimaado. Haddii aan qof soomaaliyeed ee musuq sameeyay aan maxkamad la soo taagin oo aan la sheegin! Nidaamku haba hooseeyee waa in uu nidaamku shaqeeyaa. Anigu waxa aan odhan lahaa, meelaha ay nidaamyadu ka shaqeeyaan in dadka falalka musuqa ku kaca sharciga lala aado. 

AS: Sida la tilmaamo, dadka deeqaha bixiya, waxa lagu qabanayo lacagta ay bixiyeen iyaga ayaa dejiya oo badanaa duruufta u muuqata iyo midda dhabta ah ee taalla isku mid ma’aha, saameyn intee le’eg  ayey taasi ku leedahay in guul laga gaaro ujeedka gargaarka? 

SC: Waa run, mararka qaarkood iyagaa jaangooya, saameyn weyn ayayna ku lee dahay, tusaale, hadda labadii asbuuc ee la soo dhaafay qorshe ayaan ka sahqaynaayay, qorshahaas tilmaamo aad u raacaysid oo dheer ayay ku siinayaan oo wax walba oo aad ku qorayso waa in uu tilmaamtaa ay kuu sheegeen ku sallaysan yahay ama la xidhiidhaa, haddii aad ka baxdid sharci uma yeelanaysid oo lacagta laguu fasixi maayo. Marka hore waxaa laga yaabaa haddii aad si maskax furan u fekertid in aad cilmiyayn karto, waxayna ka mid tahay faa’idooyinka ay lee dahay in dad soomaali ah miisaskan fadhiyaan waxan marka la diyaarinayo, haddii uu yahay qofku qof aasaaska ka dhisan maskaxdiisana ku jirto in dadka la caawiyo, waa qaabayn kartaa saa wax u dhigayso, laakiin, mararka qaybtood gacmahaa lagaa xidhayaa, iska dhaaf in lagu dhoho lacagtan waxaasaa u isticmaalaysaa, waxayba ku dhahayaan kaliya degmadaa ayaa tagaysaa adiga oo og in degmo kale ay waxan u baahan tahay in ka badan tan ay kuu sheegeen, markaa waxay kugu khasbaysaa in aad meel cayiman ka hawlgasho oo aad shan haayadood isugu timaadaan. Waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah meelaha fogaanta ah ee adeegu ku yar yahay dadku ma jecla in ay ka shaqeeyaan, haddii aad adiguna rabtid in aad meel raaxo ah ku shaqaysid ma tihid qof ka shaqayn kara arrimaha bini’aadantinimada, been baad sheegaysaa, sababtoo ah, meeshaa dhibaatadu ka jirto ayaa lagaaga baahan yahay, waxaa la rabaa meelaha aan la gaari karin oo dadka aad ugu baahan yihiin wixii in aad tagtid oo aad gaarsiisid. 

AS: Haweenka hadda soo galaya shaqooyinka arrimaha bini’aadantinimada ama hadda shaqeeya maxaad kula talin lahayd? 

SC: Horta saan kuu sheegay arrimaha bini’aadantinimadu waa dheer tahay, haddiiba ay rabaan in haweenku ku jiraan oo jecel yihiin, shaqadan waa shaqo fiican waa shaqo adoo lacag helaaya aad qof bini’aadan ah ku caawinaysid, waa wax fiican oo aad mararka qaar farxad ka helaysid. Waagii hore waxyaabaha i farxad gelin jiray waxaa ka mid ahaa marka aan diiwangalin samaynaayo oo aan soo arko hooyo dibaataysan oo kaamka joogta oo marka danbe marka aan lacagta siino aan u tago iyada oo faraxsan oo ilmeheeda kabo u iibisay oo mid iskuulka gaysay, markaa aragto farxad bay ku siinaysaa, markaa waa wax fiican, laakiin, waa in qofku is ilaaliyo oo nadiif ahaado, shaqadaan maaha shaqo aad u soo gali kartid hanti, haddii aad rabto in aad shaqadan si fiican u qabato oo aad doonayso in aad taariikh ka reebto nadiif ahow (ka ahow musuqa iyo wixii la mid ah), si aad jeceshahayna u qabo, marka aad bulshadaada ku dhex jirto sow si dadka uma caawisid, sidaa u shaqee, mushaharna waad ku qaadataa oo nadiif iska dhig. Caqabadaha kale ee jiraa, gabdhuhu hadda kuma yara haayadaha, laakiin, qaybta maamulka jooga ma badna oo waa yar yihiin. Marka waxaa la rabaa in qofku uu dhiso aqoonta uu ku shaqaynayo, waxaa jira koorasyo lagu barto mabaadii’da shaqada, siyaasadda gargaarka oo ay tahay in aad akhrido oo aad baratid, waxaa kaloo jira anshax ay shaqadu lee dahay, bini’aadanka aad u shaqaynaysidna sharaf bay lee yihiin, dad  baahan oo intaad wax ku tuurto ka dhaqaaqaysid maaha, si sharaf ku jirto oo bini’aadannimo ku jirto oo ehelnimo ku jirto waa inaad ugu adeegtid intaa u adeegayso. Sidoo kale in aad dadkaaga ku xirnaato oo aad la shaqaysaan ayaan gabdhaha kula talin laha. Gabdhaha caqabado badan ayaa horyaalla, sababtoo ah, gabadh marka la arko in ay xafiiska ama meesha hoggaamiye ka tahay baaba si kale loo arkayaa, laakiin, waxaa laga rabaa in gabadhu la timaaddo dulqaad oo ay xidhiidh fiican yeelato hagaajisona xirfaddeeda xidhiidhka, sababtoo ah, waa in aad shaqaalahaaga la hadashid, ogaatid waxa ka dhex guuxaya, waxa ay u baahan yihiin iyo waxa ay tabayaan, sidoo kale, in aad lee dahay iskuxir, marka uu qofku joogana darajada maamulka waxaa fiican in uu aqoonta u gudbiyo shaqaalaha oo waxa uu qabanayo la qabto haddii ay ku adag tahayna la fududeeyo. Hadda dumarku fursad ayay haystaan oo badanaa deeqbixiyayaasha ayaa tixgaliya in dumarku hoggaanka qabtaan, inkastoo ay caqabado ka jiraan dhanka bulshada.