Saturday 8 November 2025
Bishii Juun, 1963-kii, Maalkom X iyo Alex Haley waxa ay bilaabeen ka shaqaynta buugga wax badan ka beddelay noloshooda. Qabanqaabadu waxa ay ahayd mid fudud. Maalkom guriga uu ka degganaa Niyuu Yook waxa uu, badanka, iman jiray sagaalka fiidnimo, isaga oo la liicaya daalkii shaqada maalintaas. Ka dibna, labada nin waxa ay ku saamalayli jireen wadasheekaysi, iyaga oo ka hadlaya siyaasad, diin iyo isir, oo fiiqsanaya bunka jaban ee aan dhammaadka lahayn. Subaxa habeenkaas, Haley, oo daalkii saamalaylku indhihiisa ka muuqdo, ayaa qoraalkii u roga buug qabyoqoraal ah, isaga oo isku-dayaya in uu codka Maalkom dib u soo nooleeyo oo uu waariyo. Qabyoqoraalkaasi waa ka aakhirkii noqday “Taariikh-nololeedka Maalkom X (1965)— raad weyn oo suugaanta Maraykanka galay, kana mid noqday buugaagta taariikh-nololeedka ee loogu iibsiga badan yahay sooyaalka cusub.
Guushani waxa ay taariikh-nololeedkan siisay in uu saamayn joogto ah yeesho. Ereyadii Maalkom X waxa ay shidaaliyeen, oo ay hageen, kacdoonno iyo olole siyaasadeed oo dunida oo dhan ah, hadalladiisana waxa lagu ladhay muusig iyo waxqabad-faneedyo kale, laga soo bilaabo Niyuu Yook ilaa Nayroobi. Sidaas oo ay tahay, sannadihii dambe, taariikhyahannadu waxa ay bilaabeen in ay dhaliilaan faragelinta uu qoraa Haley ku sameeyey hadalka Maalkom. Haley waxa uu sheegtay in uu yahay “taariikheeye dhawrsan”, se haddana kuwa dhaliilay waxa ay sheegeen in uu ku talaxtagay qaybo ka mid ah noloshii Maalkom, qaybo kalena iska indhotiray. Isbeddelkii filan-waaga ahaa ee ku yimi nolosha Maalkom X awgii, Haley waxa uu doorbiday in uu dhacdooyin samaysto, si uu meelaha dhiman sheekadiisa u buuxiyo. Natiijada ka soo baxday waa buug aan hadalkii Maalkom oo keliya ahayn, allifaaddii Haley oo keliyana aan ahayn. Waa arrin markhaatifur u ah xidhiidhkooda kakan iyo duruufihii adkaa ee ku hareeraysnaa qoridda buugga.
Waa taariikh-nololeed ka soo dhexbaxay mid ka mid ah halgannadii ugu adkaa ee loo galay xuquuqda madaniga. Bishii Juun ee 1963-kii, kolkii Maalkom iyo Haley ay fadhiyeen Niyuu Yook, Koongarayskuna waxa uu ka doodayey qabyorqoraalka xeerka xuquuqda madaniga, oo ahaa sharci sooyaalka meel weyn kaga jira, ballanqaadayna soo afjaridda midabtakoorkii iyo dambiyeynta kala soocidda isirrada. Dadka xuquuqda u ololeeya ee Maraykanka daafihiisa kala joogay waxa ay ku mashquulsanaayeen diyaarinta Ololihii Waashintoon, oo ahaa olole aan hore loo arag, laguna taageerayey xuquuqda madaniga iyo dhaqaalaha. Iyaga oo arrinkan ka falcelinaya, cunsuriyiinta caddaanka ahi waxa ay wadeen olole kale oo cabsi gelin ah. Alabama, badhasaabkii gobolku, George Wallace, waxa uu ka hor muddaharaaday jaamacad dawladdu leedahay, isaga oo isku-dayay in ardayda madawga ah loo diido in ay jaamacadda xaadiraan. Gobolka Mississippi, waxa isna gurigiisa lagu toogtay Medgar Evers, u doodihii xuquuqda rayidka, waxaana falka gaystay xubin ka tirsan kooxdii Ku Klux Klan.
Maalkom X si wanaagsan ayaa uu u garanayay qalalaasaha socda. Waxa uu ahaa sabool ku soo barbaaray galbeedka dhexe ee Maraykanka, oo bulshooyinka madawga ahi ku noolaayeen, iyaga oo cabsi joogto ah ka qabay kooxaha cunsuriyiinta ah. Waxa uu bartay sida uu ugu dhex noolaan karo xaafadaha Booston iyo Niyuu Yook ee caddaanka iyo madawga loo kala qaybiyay, isaga oo ka baxsanayay askarayntii qasabka ahayd, lacagna ka sameeya shaqadii yaraantiisa uu bilaabay ee budhcadnimada, waana shaqada ku hoggaamisay in uu muddo jeelka ku jiro. Ugu dambayn, waxa uu nasiino ku helay kooxda “Umat al-Islaam”, oo ahayd koox diineed ku dhiirrigelisay Maraykanka madaw ku laabashada caqiidadii awoowyaashood ee Islaamka ahayd. Minbirkiisii ku yaallay Harlem ee uu Maalkom hadalka ka jeedin jiray, waxa uu bulshada raacsan ugu baaqay in ay diidaan isdhexgalka, isaga oo ku dooday in bulshada madaw aanay is difaaci karin, iyaga oo bulshada cad ka soocan mooyi e. Isaga oo kaftamaya ayuu yidhi: bunka iyo labeentu (kiriimka bunka) waa labada kaliya ee aan jeclaysto isku milankooda.
Haley, si kasta waa uu uga duwanaa. Waxa uu ka dhashay qoys madaw ah oo degganaa waqooyiga gobolka Niyuu Yook, waxaanu ahaa libaraali taageersan isdhexgalka iyo isdhammaystirka, oo taageersan dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ee kolkaas taagnaa. Intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Dunidu, waxa uu ka shaqeeyey Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka, isaga oo xilliyada nasashada qori jiray sheekooyin, ka dib saacado badan oo shaqada ciidamada ah. Kolkii dambe, waxa uu weriye u ahaa ciidamada Maraykanka toban sanno wax ka badan. Sannadkii 1963-kii, waxa uu magac ka sameeyey weriyannimada, isaga oo u shaqaynayey mid ka mid ah wargeysyada, una qaabbilsanaa waraysiyada dadka caanka ah laga qaado. Waxa kale oo uu bilaabay mashruuc qoraal, oo markii dambe noqday sheekadiisa Roots, ee uu baahiyey 1976-kii.
Maalkom X waa uu ka soo horjeeday isdhexgalka caddaanka iyo madowga, ha se ahaato e Haley waa uu kaga duwanaa taas waxana u sabab ah korriinkoodii hore iyo xidhiidhka ay la kala lahaayeen dawladda
Kolkii koowaad ee uu Haley Alex waraysi la yeesho Maalkom X, waxa uu ahaa maqaal uu sannadkii 1960-kii ku baahiyey wergayska Reader’s Digest, oo uu kaga waraystay ururka “Umat al’Islaam”. Bilawgii, xidhiidhka labadan nin waxa uu ku bilaabmay kala shaki. Haley waxa uu Maalkom ku tuhunsanaa in uu dambiile dadka kiciya yahay, halka Maalkom-na ka shakisanaa in Haley uu sirdoon u yahay xukuumadda. Waa cabsi waaqacaas ka trjumaysay; taariikhyahan Manning Marable, buuggiisa taariikh-nololeedka Maalkom ee uu soo saaray 2011-kii, waxa uu ku soo bandhigayaa in mid ka mid ah maqaalladii Haley Alex ee ku saabsanaa kooxda “Umat al-Islaam” uu ka mid ahaa faylasha sirdoonka Maraykanka ku jira, oo la tusay Alfred Balk, oo wax la qorayey Haley. Taariikhyahanka kale ee Robert J Norrell, waxa uu 2015-kii sheegay in Haley Alex uu ka mid ahaa weriyayaashii ugu horreeyay ee soo bandhigay dhabnimada dhaqdhaqaaqii Muslimka madaw. Sida uu Haley ku sheegay wargeyska Reader’s Digest, hadallada nacaybka ah ee lagu baahiyo wargeyska The Nation, waxa ay ahaayeen digniin xooggan oo ka digaya in halis ka soo socoto, haddii ay dawladda Maraykanku ku guuldarraysato wax ka qabashada Maraykanka Madaw.
Bilawgii, xidhiidhka Maalkom X iyo Haley Alex waxa uu ku bilaabmay kala shaki. Haley waxa uu Maalkom ku tuhunsanaa in uu dambiile dadka kiciya yahay, halka Maalkom-na ka shakisanaa in Haley uu sirdoon u yahay xukuumadda. Waa cabsi waaqacaas ka trjumaysay
Bishii Maaj ee 1963-kii, Haley Alex waxa uu waraysi la yeeshay Maalkom X, isaga oo markan u shaqaynaya wargeyska kale ee Playboy, waxaanu wayddiiyey in uu diyaar u yahay in ay iska kaashadaan qoraalka taariikh-nololeedka. Maalkom X, bilawgii, waa uu ka labalabaynayay, isaga oo ka walaacsan in mashruucaasi u muuqdo mid uu indhaha kaga kasbanayo hoggaamiyihii kooxda “Umat al-Islaam”, Elijah Maxamed. Haley Alex waxa uu arrinkan ku xalliyey in uu u safray guriga Elijah Maxamed oo Arizona ku yaallay, si uu mashruucan uga codsado in uu taageero. Ka dib oggolaanshaha, labada nin waxa ay heshiis labaatan kun oo doollar ah la saxeexdeen madbacadda Doubleday. Iyada oo uu Maalkom sidaa ku adkaystay, Haley waxa uu saxeexay heshiis ah in aanu faafin wax qabyoqoraalkaas ka mid ah, inta aanu oggolaanshaha Maalkom helin. Haley waxa xaq loo siiyey in uu qoro gebgebo u saamaxaysa in uu aragtiyihiisa ku darsado.
Fadhiyada kulannadii u horreeyay waxa ay ahaayeen kuwo aan nabdiga laga degganayn. Sida uu Haley sheegayo, Maalkom waxa uu badanka gurigiisa Niyuu Yook ku yaallay soo geli jiray isaga oo leh: “Tijaabo – kow, laba, saddex!” sidii oo uu tijaabinayo makarafoon qarsoon. Maalkom waxa uu ka cagajiidayay in uu soo bandhigo tafaasiisha noloshiisa, Haley-na waxa uu kursiga Maalkom kaga hoos tegi jiray warqado bannaan, isaga oo rejaynaya in uu xusuusqor ku qoro. Si kasta oo ay ahaataba, muddo ka dib xidhiidh shaqo oo deggan ayaa ay yeesheen. Maalkom waxa uu hawaalawarrankiisa ka soo bilaabay carruurnimadiisii Mijigaan iyo tijaabadiisii saboolnimada, geeridii aabbihii ka dib. Waxa uu bilaabay in uu ka hadlo dhallinyarnimadiisii Boostan iyo Niyuu Yook, isaga oo marar ka kacaya kursiga oo farodhacsanaya, dhaqdhaqaaq jaas u eegna samaynaya. Waxa uu si faahfaahsan u tabiyay sooyaalkii budhcadda iyo ku biiriddiisii kooxda “Ummadda Islaamka”, kolkii uu xidhnaa. Haley Alex arrimahan waa uu ku farxay, waxaanu ku dhiirrigeliyay in uu xogo badan sheego, si uu qaybaha maqan ee sheekada uu u buuxiyo. Waxa uu Maalkom u qoray bishii Ogos ee 1963-kii: “Si wanaagsan baan u garanayaa waxa aan u baahanahay, mawduucna mawduuc ayaa uu ii gudbin, ilaa xogta loo baahanyahay ay iskeed isaga buuxsanto”. Labadooduba waxa ay bilaabeen in ay qoraalka tifaftiraan, soojeedinaha Maalkom waxa y ku qornaayeen qalin cas, kuwa Haley-na qalin cagaaran.
Qaabayntani waxa ay Maalkom iyo Haley u sahashay in ay sheekada taariikh-nololeedkan u qaabeeyaan habka ay rabaan. Waa qodob ku cad labada cutub ee hore, oo la dhammeeyey bishii Sebtember ee 1963-kii. Sheekada cutubyadan, oo ka hadlaysa carruurnimadii iyo barbaariddii Maalkom, laguma xusin shaqadii siyaasadeed ee Maalkom hooyadii, waxaana si kooban loogu xusay shaqadii aabbihii. Labadiisa waalidba waxa ay xubno firfircoon ka ahaayeen Ururkii Caalamiga ahaa ee Marcus Garvey ee Horumarinta Dadka Madow. Waxa uu ahaa Urur qawmi ah oo dadka madaw ee qurbaha ugu baaqa ku laabashada Afrika iyo dhisidda bulsho isku filan. Maalkom aad ayaa uu ugu raadaysmay aragtiyihii Garvey ee ku saabsanaa isirka, sooyaalka iyo horumarinta bulshada, aad baanu uga sheekayn jiray. Sida ay xuseen dadkii ay isku yaqaanneen Niyuu Yook, dhallinyarinnimadiisii waxbuu ka akhriyey qoraallada Hantiwadaagga, kulannada xisbigana waa uu ka soo qaybgeli jiray. Buuggan taariikh-nololeedka ahi waxa uu baraarugga siyaasadeed ee Maalkom u tiirinayaa hal meel oo ah kooxdii “Umadda Islaamka”. Buugga uu taariikh-nololeedka Maalkom ka qoray Marable, waxa uu tilmaamayaa in Haley Alex uu ku dhiirrigeliyey in uu xogahaas iska dhaafo, si sheekada loo fudaydiyo. Dhinaca kalena, Maalkom waxa uu ku dedaalay in uu galladda shaqadiisa siyaasadeed ku koobo macallinkiisii Elijah Maxamed.
Maalkom X, labadiisa waalidba waxa ay xubno firfircoon ka ahaayeen Ururkii Caalamiga ahaa ee Marcus Garvey ee Horumarinta Dadka Madow oo ugu baaqi jiray ku laabashada Afrika iyo dhisidda bulsho isku filan. Maalkom, isna, aad ayaa uu ugu saamoobay aragtiyihii Garvey
Marable waxa kale uu tilmaamayaa in Maalkom uu ku dheeraaday ka sheekaynta shaqadiisii budhcadnimo, laga bilaabo cutubka saddexaad ilaa ka sagaalaad ee taariikh-nololeedkiisa, waa ka sheekayn ku talaxtag u muuqan karta. Waraysiyo lala yeeshay saaxiibbadiisii Booston iyo Niyuu Yook, Les iyo Tamara Payne, waxa ay xaqiijiyeen in uu Maalkom ka shaqayn jiray daroogaada marijuwaanada, kana tirsanaa koox tuugo ah oo hubaysan oo ah sababta ugu dambayn loo xidhay. Dhammaadkii 1963-kii, Haley waxa uu bilaabay in uu Maalkom ku cadaadiyo tebinta sheekooyinkaas budhcadnimada ku saabsan, si uu u soo bandhigo sida filan-waaga ah ee uu xabsiga isugu beddelay. Mararka qaar sheekooyinkani waxa ay geddinayeen xaqiiqada si ula kac ah. Cutubka sagaalaad, tusaale ahaan, waxa lagu sawirayaa Maalkom oo ciyaaraya ciyaarta Ruushka ah ee Roulette, si uu u bajiyo saaxiibbadiisa kooxda la ah. Waa tafaasiil uu Maalkom ka codsaday Haley in uu qoraalka ka saaro, isaga oo ku dooday in “dad badani ay si khaldan u fahmi karaan”.
Xidhiidhkan wadashaqaynta ku abuurmay waxa uu burburkiisu bilaabmay ka dib marka noloshii Maalkom u jihaysatay dhinac aan la filayn. Xilliga dhammaystirka buugga loo ballansanaa waa Aktoobar 1963-kii, wax ka yar shan bilood ka dib markii heshiiska lala saxeexday madbacaddii Doubleday. Bishii Diisambar 1963-kii, Maalkom waxa aamusiiyay kooxdii “Ummadda Islaamka”, ka dib markii khudbad uu jeediyey uu ku tilmaamay in John F. Kennedy, oo kolkaas la toogtay, uu u qalmay masiirkaas. Aamusiintani waxa ay Maalkom iyo Elijah Maxamed dhex dhigtay khilaaf, waxaanu ka sii daray kolkii uu Maalkom ogaaday in Elijah Maxamed uu xidhiidh jacayl la sameeyay dumarka xoghaynta uga ahaa gurigiisa ku yaallay Arizona. Haley waxa uu khilaafkan uga falceliyay qaab aan wanaagsanayn. Kolkan, Marable waxa uu soo bandhigayaa in Haley uu qaybtiisii macaashka buugga isticmaalay oo uu qorsheeyay in uu si degdeg ah isaga dhammeeyo, mashruucyo kalena uga gudbo. Waxa uu si qarsoodi ah ugu safray Arizona oo uu kula kulmay Elijah Maxamed, isaga oo ka codsanaya in ciqaabta Maalkom la soo gabagabeeyo. Elijah waxa uu ballanqaaday in arrinkani yahay mid kooban oo aan joogto noqonayn, se Maalkom dib uguma noqon kooxdii “Umadda Islaamka”.
Taas beddelkeeda, Maalkom waxa uu bilaabay in uu falsafaddiisa ballaadhiyo. Farriimo uu u diray saaxiibbadii, waxa uu qirtay in aanu dib ugu kalsoonaanayn macallinkiisii hore. Hadallo dhexmaray walaashii oo aanay isku aabbe ahayn, Ella Collins, waxa ka muuqata in uu bilaabay ka shakinta dhigaallada iyo mabaadi’da kooxda “Ummadda Islaamka”. Waxa uu bilaabay in uu qorsheeyo siyaasad han fog leh, oo ujeeddadu tahay isu keenidda dhaqdhaqaaqayaasha dhexdhexaadka ah iyo kuwo xagjirka ah, si loogu mideeyo ka soo horjeedsashada cunsuriyadda. Haley, arrintani wanaag iyo dhib is huwanba waa ay ku ahayd; waa mar e, waa siyaasad dhinacyadii isku soo dhawaysay, marka kale se, Maalkom in uu wakhti ku bixiyo mustaqbalka ayaa uu ka doorbiday wakhti ku bixinta tagtadii iyo sooyaalkiisii. Bishii Maaris, 1964-kii, mar ayaa uu Maalkom ugu cawday Haley: “Sidee ayaa ay suurogal u tahay in qof taariikh-nololeed laga qoro, iyada oo lagu noolyahay dunida sidan fudud isku beddelaysa?” Rejadii Haley waxa ay sii kala daadatay markii Maalkom go’aansaday in uu safarro ku maro Afrika iyo Eeshiya, bilihii Abriil ilaa Maaj ee 1964-kii. Kolkii uu Maalkom tagay Sucuudiga, waxa uu ka sii fogaaday kooxdii “Umadda Islaamka”, waxaanu si dhab ah u raacay Islaamka Sunniga ah. Waxa uu dib uga noqday afkaarihii xagjirnimada ahaa ee madawga, isaga oo ku barbartukanaya Yurubiyaanka Muslimka ah, kuna baaqaya caalaminnimada diinta. Qoraal uu Maka ku qoray waxa uu ku yidhi: “Toddobaadkii hore filan-waa ayaa aan la kulmay, waxaana iga yaabsaday dhibirsanaanta aan kala kulmay dadkii i hareera joogay ee isir walba lahaa”. Waxa uu ballaadhiyey diiradda siyaasaddiisa, oo waxa uu wakhti la qaatay dhaqdhaqaaqayaal ka yimi Masar, Nayjeeriya iyo Gaana. Kolkaas oo qaaradda Afrika xornimada helaysay, kacdoonnadii guulaystay ee gumeysiga lagaga soo horjeeday waxa ay muunad lagu daydo u noqdeen dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee Maraykanka.
Markii uu Sucuudiga tagay Maalkom X waxa uu ka sii fogaaday kooxdii Ummadda Islaamka oo uu horeba uga shakiyay mabaadi’dooda, waxana si toos ah u raacay Islaamka Sunniga ah, isaga oo ka noqday aragtiyihii xagjirka ahaa ee madowga
Wararka ka soo cusboonaaday Maalkom, waxa uu Haley ka heli jiray xaaskii Maalkom ee Betty Shabazz, waxaanu fursad u helay warqadihii shakhsiga ahaa ee Maalkom. Cutubyada buugga ee 17aad iyo 19aad, oo ka hadlaya tijaabadii Maalkom ee Maka iyo barashadiisii salaadda, waxa si toos ah looga soo qaatay xusuusqorka Maalkom ee socdaalkiisa. Goobo kale, Haley Alex waxa uu dib u oo dheegtay qoraalladiisii hore, sida faallada uu Maalkom ka bixiyey heesaagii Mahalia Jackson, waxa si toos ah looga soo qaatay maqaal uu hore Haley ugu qoray Reader’s Digest. Haley waxa kale oo marar raacay habab la yaab iyo amakaag leh, si uu u buuxiyo waxa ka dhiman sheekada. Tusaale ahaan, Juun, 1964-kii, waxa uu mid ka mid ah farriimihii boostada ee Maalkom X u diray khabiir farqoraalka abla’ableeya oo caddeeyey in farta Maalkom X muujinayso in uu “yool cad leeyahay”, se “aanu ahayn mufeker si qotodheer wax u rogrogi kara”. Haley natiijadan waxa uu ku ladhay gunaanadka buugga, se isaga oo hab sidan u maad ah ku kalsoonaaday, buuggaas taariikh-nololeedka ah si cad uma wayddiin Maalkom wakhtigii dhalashadiisa ee rasmiga ahayd.
Baahida uu u qabay xog awgeed, Haley waxa uu xaday qoraallada qoraa kale. Alice Windom, oo ahayd shaqaale arrimaha bulshada ah, kana soo jeedday gobolka Missouri, jibbadii qawmiyadda iyo afrikaannimada awgeed, waxa ay doorbidday in ay Maraykanka ka guurto, iyada oo degtay dalka Gaana, oo kolkaas uun madaxbannaani helay, waxaanay xidhiidh adag la samaysay kooxo xagjir ah oo Maraykanka Madaw ah. Bishii Maaj ee 1964-kii, kolkaas oo uu Maalkom X bookhday Gaana, Alice iyo asxaab kale ayaa aasaasay guddi soo dhawayn oo aan rasmi ahayn, magaaladana ku martigaliyay. Alice waxa ay asxaabteedii Maraykanka u soo dirtay lix bog oo ay kaga hadlayso ujeeddada iyo tijaabada Maalkom ee Gaana, iyada oo ku dardaarantay in aan la baahin qoraalkan, se ula wadaagtay in aanay saxaafadda Maraykanku sumcad xumaynin bookhashada Maalkom ee Gaana. Buugga Haley ka qoray taariikh-nololeedka Maalkom X waxa ku jira 56 jumladood oo uu si toos ah uga soo qaatay farriintaas Alice Windom, isaga oo ka dhigaya hadalkii Maalkom. Alice Windom waxa ay mar dambe qirtay, in aanay xitaa garanayn sida farriintaasi ku gaadhay Haley.
Maalkom X waxa uu Maraykanka ku soo laabtay 21 Maaj ee 1964-kii, waxaanay kulmeen Haley. Muddo kooban ayaa ay ka sii wada shaqeeyeen buugga taariikh-nololeedka ah, se markiiba waxa caddaatay in Maalkom waxyaabo kale niyadda ku hayo. Isaga oo ka shidaalqaadanaya waxa uu ku soo bartay safarkiisii Maka, waxa uu isku dayay in uu xubnihii kooxda “Umadda Islaamka” ku xidho Islaamka Sunniga ah, dunida kale ee Islaamka ahna ku xidho. Waxa kale oo uu guda galay in uu isku xidho Maraykanka Madaw iyo kooxaha kale ee gumaysi la dirirka ah, isaga oo aasaasay urur cusub oo ah Midnimada Afrika-Ameerikaanka (OAAU). Muddadan waxa kale oo hanjabaado dil ahi uga imanayeen kuwa taageersan Elijah Maxamed, ugu dambaynna waxa talooyinka qoyska iyo saaxiibbadu ku khasbeen in uu Maraykanka ka baxo, kuna laabto Masar. Dadka talada ka bixitaanka Maraykanka siiyay waxa ka mid ah Haley.
Masar waxa uu ka sii waday dhaqdhaqaaqiisii, waxaanu ka qaybgalay shirkii Ururka Midnimada Afrika ee ay ku midoobeen dalalkii Afrika ee xornimada ka qaatay gumaysigu. Waxa uu shirka ku metelay, walow aanay rasmi ahayn, Maraykanka Madaw. Waxa uu Alice Windom u magacaabay in ay Gaana ku metesho ururkiisa cusub. Waxa uu la kulmay kooxihii kacdoonka ka waday Tansaaniya ee ka soo horjeeday kaalmada Maraykanka. Niyuu Yook waxa lagu qaybin jiray qoraallada ururkiisa, oo ballanqaaday in ururkani ururinayo cid kasta oo la dhibaataysan nidaamka gumaysiga iyo takoorka.
Maalkom X waxa uu Masar kaga qaybgalay shirkii Ururka Midnimada Afrika ee ay ku midoobeen dalalkii Afrika ee xornimada ka qaatay gumaysigu. Waxa uu shirka ku metelay, walow aanay rasmi ahayn, Maraykanka Madaw.
Ka tegitaankiisa Maraykanku waxa uu qaabeeyey aragtiyahiisii diimeed oo waxa uu farriimo u diray saaxiibbadiisa Maraykanka ee ku sheegay in uu ka fogaaday jidkii Elijah Maxamed, oo uu ku eedeeyey qof aan u danayn dadka madaw ee naftiisa uun u danaysta. Golaha Arrimaha Islaamka ee Masar ayaa siiyey shahaado caddaynaysa in Maalkom loo wakiishay fidinta Islaamka, waxa kale oo uu xidhiidh adag la sameeyey ururka Iskuxidhka Dunida Islaamka ee Sucuudiga ku yaalla, xidhiidhadan oo dhaliyey in labada ururba ay Maraykanka Madaw siiyaan deeqo waxbarasho oo jaamacadaha Islaamka ah. Waxa cad in aanu Maalkom doonahayn in shaqooyinkiisan diimeed lagu daro xusuus-qorkiisa, oo farriimo uu saaxiibbadiisa Maraykanka u diray, ahna warbixinno ku saabsan shaqooyinka diiniga ah, waxa uu diiday in lala wadaago Haley. Buugga oo aan dhammaystirnayn ayaa la daabacay, oo wax badan oo noloshii Maalkom ah ka tagay, sida dhaqdhaqaaqiisa diineed. Waxa kale oo cad in Haley uu si badheedh ah uga tagay sheekada ku biiridda Maalkom ee Islaamka oo faahfaahsan. Haley waxa uu iskii u kala dooranayey aaminaadaha siyaasadeed ee Maalkom, oo keliya waxa uu buuggu ku dedaalay in uu Maalkom u soo bandhigo sidii shakhsiyad caalami ah, se kala naqaysanaya aaminaadihiisii siyaasadeed. Tusaale ahaan, Haley waxa uu gunaanadka buugga ku baaqayaa in hoggaanka Maraykanka Madoobi u fikiraan qaab caalami ah, se waxa uu ka tagayaa ururrada uu Maalkom aasaasay ee madawga Ameerika iyo dunida kale isku xidhayay. Haley oo, siyaasad ahaan, liberaali ahaa waxa caddaanaysa in aaminaadihiisa siyaasadeed ku riixeen qaabeynta taariikh-nololeedka Maalkom, iyo in uu la soo baxo inta aanu ka didsanayn. Waa sababta uu buuggu uga gaabsanayo dedaalladii uu Maalkom sameeyay ee raadhikaalka ahaa iyo dhaliishii uu u hayay hoggaanka xuquuqda madaniga ah ee bulshooyinka madaw kula talinayay in ay is xakameeyaan.
Sida muuqata, waxa uu Haley kala naqeystay taariikh-nololeedka Maalkom, isaga aaminaadihiisa siyaasadeed ku dhisaya, waxana ka tagay faahfaahinta sheekada ku biiritaanka Maalkom ee Islaamka
Haley waxa uu buugga dhammaystiray Feebarweri, 1965-kii. Maalkom waa uu u xammaasadaysnaa in uu arko buugga oo soo baxa, weliba isaga oo quud’darraynayay in uu il dhaqaale u noqdo qoyskiisa, geeridiisa ka dib. Se kolkan waxa dib u soo cusboonaaday hanjabaadihii dilka oo heer adag gaadhay. 14-kii Feebarweri waxa gurigiisa weerar ku ekeeyay koox aan la aqoonsan, ugu dambaynna, 21-kii Feebarweri, waxa Maalkom X lagu toogtay fagaare masraxa Audubon ee magaalada Niyuu Yook, isaga oo 39 jir ah. Naxdinta geeridiisu waxa ay dhalisay jahawareer, buuggiina dib ayaa uu u dhacay. Maalmo ka dib, madbacaddii Doubleday waxa ay shaacisay in ay joojisay daabacadda buuggan, iyada oo ka cabsatay in maktabadda la weeraro. Bilo ka dib, madbacadda Grove Press ayaa daabacday. Buuggan taariikh-nololeedka ahi waxa uu ka saramaray saadaashii hore oo halka ay madbacaddii hore qiyaastay in 20 kun oo nuskhadood la iibsan doono, muddadii u dhaxaysay 1965-kii ilaa 1969-kii, waxa la iibsaday laba milyan oo nuskhadood, markii la soo gaadhay 1977-kiina, wax ka badan 6 milyan oo nuskhadood ayaa la iibsaday. Haley waxa uu helay sumcad weyn oo u saamaxday in uu buugaag kale qoro, in taariikh-nololeedka Maalkom X filin TV ka baxa loo beddelaana sumcaddiisa ayaa uu sii laba jibbaaray, walow tuhunka ku tagrifalku uu daba socday Haley, noloshiisa oo dhan.
Ka sokow in Haley lagu tuhmay in uu isagu buugga badh badan farsameeyay, haddana muran kuma jiro in Maalkom X qayb laxaad leh ka qaatay tifaftirka buugga, siiba qaybaha hore. Qaybaha dambe ee buugga waxa ka muuqda dedaal ka yar ka qaybaha hore lagu bixiyey, waxaana si looga dhex akhrisanayaa aragtiyihii liberaaliga ahaa ee Haley. Waxa uu Haley, maqaal uu faafiyey 1971-kii, ku xusay in Maalkom uu taariikh-nololeedkiisa qori karayay oo uu qoraa caan ah noqon karayay, se aanu wakhti ku filan helin.