Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Sooyaalkii iyo Waxqabadkii Gabra’iil Gaarshiya Markees

31 May, 2025
Image
Sooyaalkii iyo Waxqabadkii Gabra’iil Gaarshiya Markees
Share

Waayadii ay inta badan adduunyadu u foorartay gumaystaha reer Yurub, geyiga Soomaalida na inta Kacdoonkii Daraawiisheed laga adkaaday ay dul barraaheen afarta gumayste ee qurubyada u ka dhigay, arooryo cimilo diraaceed leh oo roobabow ah, 9-kii subaxnimo 6-dii bishii Maarso, 1927-kii,  waxaa xeebta koonfureed ee badda Kariibiyaanka, gaar ahaan magaalada Araka-taaka ee ka tirsan gobolka Magdaleena, waqooyiga waddanka Kolombiya ku dhashay wiil yar oo ooyaya, kaas oo ka yaabin doona adduunka kaddib markuu allifay ‘Jacaylkii Waayaha Kolleeraha’. Gabra’iil Gaarshiya Markees oo lagu naanayso Gaabow wuxuu ahaa astaan ka mid ah astaamaha suugaanta tibaaxda ah ee caalamka loogu jecel yahay. Buugtiisa dunida amakaagga ku ridday ee uu ku weeleeyey dareenka, durraanka iyo waaya aragnimada aadanaha ka dhexaysa ee uu summada uga dhigay baadi-soocda u gaarka ah qoraayada Laatiin Ameerika. Isku dhafanka dhabta iyo dhalanteedka ee ashqaraarka ah ayaa ka dhigtay buugaagtiisa kuwo lagu turjumo inta badan luuqadaha adduunka laga na iibsado malaayiin nuskho, intuu noolaa iyo geeridiisa kaddib.

Gabra’iil Gaarsiya Markees wuxuu ahaa qoraa iyo wariye, sheeko faneedda dheer iyo sheekada gaaban labada ba qora. Sidoo kale, wuxuu ahaa filimqore iyo qurbe-joog uga hijrooday waddankii uu ku dhashay gardarrada iyo gawdiidka keligii-taliyaha, caloolxumada dagaallada sokeeye iyo dacdarrada dawlad xumada iyo musuqmaasuqa. Noloshiisa  inteedii badnayd wuxuu isaga kala gooshay darafyada qaaradda cusub ee Ameerika iyo dacalka waqooyi ee qaaradda gabowday ee Yurub. Kolombiya, Kuubba, Maksiko iyo Maraykanka ayuu cagta mariyey. Inkasta oo uu noloshiisa inteeda badan danyare ahaa, haddana sanadkii 1982-kii, wuxuu ku guulaystay abaalmarinta ay ku riyoodaan  badi suugaanyahannada adduunku ee Noobasha Suugaanta oo qiimaheedu yahay hal milyan iyo dheeraad doollarka Maraykanka ah.

Markii uu qoray dhextaalkiisa ashqaraarka ah ee ‘Boqolkii Sano ee Go’doonka’ isaga oo ku sugan tuuladii uu ku dhashay ee Araka-Taaka, wuxuu tahli waayey qarashkii uu ku gaadhsiin lahaa madbacadii daabaci lahayd. Waxaa si qarsoodi ah u dirtay xaaskiisii Maarsheedis oo intay timeheedii iibisay bixisay nooligii boostada isaga oo aan ogayn. Tobaneeyo sheeko oo dhaadheer iyo labaataneeyo gaagaaban iyo labo wiil ayuu adduunka kaga tegay isaga oo da’diisu tahay 87 sanno waxaanu ku geeriyooday Caasimadda Maksiko 17, Apriil 2014.

Barbaaristii iyo waxbarashadii Gabra’iil

Gabra’iil wuxuu ku barbaaray tuuladii uu ku dhashay ee Araka-taaka, isaga oo kula noolaa awoowgii iyo ayeeydii aabbe. Qoyskiisa uu ka dhashay wuxuu ahaa mid burbursan. Arrintaas oo aad u saamaysay noloshiisa guud iyo gaar ahaan qoraalladiisa iyo buugaagtiisa. Tusaale ahaan sheekadiisa dhextaalka ah ee ‘Boqolkii Sano ee Go’doonka’, waxaa si wayn uga dhex muuqda noloshii awowgii oo ahaa kornayl saameyn badan ku lahaa degmadiisa. Kornaylku, wuxuu ku caan baxay diidmadii uu diiday inuu ka aamuso Xasuuqii Muuska iyo qaybtii uu ku lahaa dagaalladii sokeeye ee xorriyad doonka ahaa. 
Halka qisada dheer ee uu ku farayaraystay ee ‘Jacaylkii Waayaha Kolleeraha’ ay ka dhex muuqato qisada labadiisa waalid oo laga dhex akhrisan karo, walow uu farqi u dhexeeyaa jiro. Sidoo kale, waxaa qaabeeyey jacaylkiisa sheekada iyo sheekaynta awoowgii iyo ayeydii oo uga sheekayn jiray sheekooyin xiiso badan oo isugu jira dhacdooyin jiraal ah oo ay u soo taagnaayeen, gaar ahaan awoowgii iyo sheeko xariiro. Waxaa na la dhihi karaa waa meesha ay ka farcantay hannaanka qoraaleed ee u ku caan baxay ee isku dhafanka dhabta iyo dhalanteedka.

Gaabow noloshiisii hore waxay ahayd nolol halgan ah. Danyarnimada iyo faqriga waxaa u dheeraa dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee waddankiisa ka dhacay. Sidoo kale, waxay waxyeello weyn u gaysteen hayaankii aqooneed oo muddadii uu jaamacadda dhiganeyey waxaa gubtay gurigiisii, sidoo kale waxaa la xidhay jaamacaddii uu ka dhiganayey magaalada caasimadda ah ee Bogoto. Wuxuu derejada jaamacadeed ku qaatay cilmiga qaanuunka. Diyaarinta maaddada qaanuunka waxay ahayd doonis xagga aabbihii ka timi, balse waxa uu aad u jeclaa suugaanta. Wuxuu dedaal badan gelin jiray muddadii uu jaamacadda dhiganeyey akhriska buugagga suugaanta.

Isku dhafka dhabta iyo dhalanteedka

Hannaankani waa qaab qoraaleed sheekooyinka suugaamaysan loo qoro, iyada oo la isku lifaaqayo dhacdooyinka jiraalka ah ee taariikheed iyo dhacdooyinka la male awaalay. 1925-kii ayaa markii u horraysay sifadani ku soo caan baxday bandhig suugaaneed lagu qabtay magaalada Manihaym ee waddanka Jarmalka. Isku dhafidda iyo is dhex gelinta dhacdooyinka macquulka lagu ladho awoodo aan macquul ahayn iyo dhacdooyin sixir ah, kuwaas oo aan dhab ahaan in ay u dhacaan aanay suuragalayn ayaa aad u soo caan baxay muddadii labadii dagaal ee adduunka u dhaxaysay 1920 – 1940.  Hab qoristani si dabiici ah ayaa sheeko xariirada carruurta iyo qisaskii hore khuraafiga ah ay uga dhex muuqan jirtay, balse in ay noqoto hannaan suugaameed oo wax loo qoro, ragga ku caan baxay ee aad u bullaaliyey ayuu ka mid yahay Gabra’iil. Gaar ahaan  sheekadiisa ‘Boqolkii Sano ee Go’doonka’ 1967.

Shaqada iyo qoyskii Gabra’iil

Gaabow wuxuu shaqadiisii koowaad ka bilaabay Saxaafadda, isaga oo ka shaqayn jiray Majaladda El Universal ee ka soo bixi jirtay magaalada Kartagena, Kolombiya. Sidoo kale wuxuu tiir qoraaleed ku lahaa majaladda Heraldo. Mar uu ka hadlayey qoraaladiisii majaladdaa Heraldo wuxuu yidhi Gaabo “qoritaanka halkii maqaal ba waxay igu siin jireen saddex Biisad halka laga yaabo inay saddex kale na igu siiyaan tifaftirka “. Halkaa waxaan ka dheehan karnaa xaaladdiisa dhaqaale ee uu ku maarayn jiray nolosha maalinlaha ah inay ahayd mid adag. Waxay is dooneen xaaskiisii Marsheedis Barsha isaga oo 13 jir ah. Halka ay is guursadeen sanadkii 1958-kii. Waxay na isu dhaleen Rodriigo Garshiya oo iminka ah filim sameeye weyn iyo Gonsaalo Garshiya.

Gaabow noloshiisa waxay ahayd mid uu safarro badan galay, isaga oo u soo tacabbiray Yurub gaar ahaan waddanka Isbayn oo ku noolaa muddo 7 sano ah. Arrinta yaabka leh waxay tahay waxay saaxiibo isku dhaw ahaayeen madaxwaynihii waddanka Kuubba, Fiidal Kaastaro, oo ahaa keligii-taliye macangeg ah oo aaminsan mabaadi’da hantiwadaagga. Arrintaas oo keentay in loo qaadan waayo dad badani na ay ku dhaliileen, sidoo kale waxaa laga xayiray in uu u safri karo waddanka Maraykan oo uu doonayey inuu u galo. Balse, markii uu madaxtinimada Maraykanka ku guulaystay Biil Kilinton sannadkii 1993-kii ayuu xayiraaddii ka qaaday isla markaa na dalku galka waddankaasi siiyey, maadaama uu ahaa qoraagiisa koowaad ee uu buugtiisa ugu jeclaa. Isla saaxiibtinimadaa Fiidal Kaastaro ayuu marar badan ugu safray caasimadda wadanka Kolombiya, Bogota, ee uu u dhashay isaga oo ah safiir metelaya Kuubba.

Buugaagtiisa

Guulaystaha Abaalmarinta Nobel ee Gabra’iil wuxuu leeyahay in ka badan soddomeeyo buug oo isugu jira kuwo dhab  ah iyo kuwo mala’awaal ku dhisanba. Balse wuxuu aad ugu caan baxay allifidda buugaagta sheeko faneedda ah, teeda gaaban iyo kuwa dhaadheer ba. Tusaale ahaan sheekadiisii ugu horraysay ee uu qoro, waxaa la dhahaa “Kornaylka Cidi na Wax uma soo Qorto” waxay ahayd sheeko gaaban oo ka kooban wax ka yar boqol bog, waa na sheekada keliya ee Afsoomaali loo turjumay illaa iminka. Inta badan sheekooyinka Gaabow wuxuu wax ku qori jiray luuqadda Isbaanishka balse buugaagtiisa intooda badan waxaa loo turjumay luuqadaha waaweyn ee adduunka, sida Carabiga, Ingiriisida, Faransiiska.  Sidaas awgeed na wuxuu noqday qoraa dunida oo dhan laga yaqaan aad loo jecelyahay suugaantiisa. Haddaan is dultaagno qaar ka buugaagtiisa caanka ah waxaa ka mid ah:

Boqolkii Sano ee Go’doonka (1967)

Waa sheekada u horseedday in la guddoonsiiyo abaalmarinta suugaanta ugu sarraysa ee Nobasha suugaanta. Waa sheeko faneed dheer oo uu kaga sheekaynayo taariikhda magaalo mala’awaal ah oo Makondho la dhaho, taas oo afar fac oo qoyska aasaasay ee Reer Arkaadiyo ah. Gabra’iil wuxuu sheekadan ku lafagurayaa guud ahaan halxidhaalayaasha nolosha aadanaha, dhaqamada iyo waayaragnimada binii aadamka.

Waxaa la sheegay, in uu muddo ka fekerayey in uu qoro qiso noocaas ah, isaga oo garan la’aa meeshii uu ka bilaabi lahaa iyo sawir maskaxeedkii uu ku dhisi lahaa. Maalin isaga oo safar ah oo ka yimi tuuladiisii Araka-Taaka, qoyskiisu na ay la socdaan ayuu helay afkii dunta. Kaddb inta uu dib u laabtay, gaadhigiisii na iibiyey oo uu reerkii uga tegay si ay u biishadaan, ayuu 18 bilood qol isku xidhay si uu sheekadaas u dhamaystiro. Maalintii na saddex baakidh oo sigaar ah ayuu cabbi jiray. Markii uu khatimay qoraalka sheekada wuxuu soo baxay iyada reerkiisii lagu leeyahay $12,000 oo dayn ah. Balse markii la daabacay buuggii waxaa muddo kooban gudeheeda lagu iibsaday 30 milyan oo nuskhadood.

Kornaylka Cidi na Wax uma soo Qorto (1961)

Buuggan waa buuggii ugu horreeyey ee uu qoray , waxaa na markii u horraysay ldaabacay 1961-kii. Sheekada buuggani ma ah mid ay ku jiraan tijaabooyin khatar, xiiso gelin iyo kelifaad toona leh. Waa nolol caadi ah iyo dhacdooyin maalinle ah. Waa khibrad nololeed dabiici ah. Waa sheeko faneed deggan, laakiin taabanaysa halka ugu hoosaysa ee ruuxda. Waa sheeko faneed dhamaystiran oo sawirrada oo buuxo ku tusaysa. Waxaad ku noolanaysaa tuulada kornaylka, waxaad na kala baranaysaa dhammaan luuqyadeeda, xaafadeheeda, dukaamadeeda iyo dekaddeeda. Sidoo kale waxaad la saaxiibaysaa cid walba oo ay kornaylka is yaqaannaan, ama uu xidhiidh la leeyahay. Sheekadan dadkeedu magacyo ma leh, kulligood waa hebelka waxaas qabta iyo hebelka halkaa jooga. Waa kornaylka, dawaarlaha, islaanta odayga iyo wax la mid ah. Isku soo duub, waa sheeko ku dareensiinaysa sida nidaamka dawladnimo ee xun iyo dawladnimada musuqmaasuqa ku dhisani ay u ciqaabaan nolosha muwaadiniinta.

Jacaylkii Waayaha Kolleeraha (1985)

Waa buug ka kooban 149,397 kelmadood oo aadan ka xiisa goynayn illaa kelmedda u danbaysa aad gaadhid. Sheekadani waa mid ka mid sheekooyinka ugu caansan suugaanta caalamiga ah. Filimaan badan oo ku salaysan sheekada buugga ayaa la soo saaray oo shaneemooyinka laga shiday. Folerentiina Areesa iyo Firmiino Daasa, waxay isku jeclaanayaan caruurnimo. Dhowr sano oo ay waraaqo ku wada xidhiidhayaan si qarsoodi ah kadib, waxaa horjoogsanaya guurkoodii Firmina aabbeheed, kaas oo ka iibinaya inantiisa Dhakhtar Burjuwaasi oo uu hanti ugu xishay. Gaabow wuxuu si xeeldheer hadda na fudud kuu dhex mushaaxsiinayaa duruufaha nololeed ee la dabbaalanayaan labadaas dhibbane, inta u dhaxaysa maalinta Firmina la aqalgeeyo iyo 50 sannadood kaddib maalinta ay inta markab badda dhex socon doona weligii isku go’doominayaan labadoodu si aan jacaylkooda mar kale loo carqaladayn.

U nool si uu sheeko u weriyo (2003)

Waa buug uu ka qoray taariikh nololeedkiisa oo u qoran hannaan sheeko ah. Waa buug aad u qiimo badan oo ku soo werinayo waayo aragnimadiisii iyo safarkii noloshiisa. Waa mid ka mid ah buugaagta jiraha ah ee aan mala’waalka ahayn. Wuxuu kaga faalloonayaa falsafadiisii nololeed iyo mabaadi’dii uu aaminsanaa.  

Ugu danbeyn Gaabow wuxuu ahaa qoraagii ugu horreeyey ee Kolombiyaan ah ee abaalmarintan Nobalka Suugaanta kku guulaysta iyo qofkii afraad ee qaaradda Laatiin Ameerika u dhashay ee ku guulaysta. Wuxuu munaasibaddii abaalmarinta lagu gudoonsiiyey ka yidhi hadal macnihiisu aha: “Waxaan u malaynayaa in abaalmarintan ay ka dhigan tahay in xisaabta ay ku jirto abaalmarinta suugaanta qaaradda hoose oo dhan, anigu na aan metelayo dhammaan suugaanleyda qaaradda Laatiin Ameerika oo dhan”. 

Liiska Buugaagta Gabra’iil

Sheekooyinka Dhaadheer

  1. Saacaddii Baasayd – In Evil Hour (1962)

  2. Boqol Sanno oo Go’doon ah – One Hundred Years of Solitude (1967)

  3. Dayrtii Wadaadka – The Autumn of the Patriarch (1975) 

  4. Jacaylkii Waayaha Kolleeraha – Love in the Time of Cholera (1985)

  5. Dayowgii Generalka – The General in His Labyrinth (1989)

  6. Jacaylka iyo Shayaadiin kale – Of Love and Other Demons (1994)

Sheekooyinka Gaaban

  1. Duufaan Caleemeed – Leaf Storm (1955)

  2. Kornaylka Cidna wax uma soo qorto – No One Writes to the Colonel (1961)

  3. Diiwaanka Geeridii laga Digay – Chronicle of a Death Foretold (1981) 

  4. Indhaha Eyga Buluugan – Eyes of a Blue Dog (1947)

  5. Geeridii Hooyada Weyn – Big Mama’s Funeral (1962)

  6. Xujaajtii Qariibka ahayd – Strange Pilgrims (1993)

  7. A Very Old Man with Enormous Wings (1955)

Buugaag dhab ka hadal ah

  1. Qisada Naakhuudihii Doonta Geddoontay – The Story of a Shipwrecked Sailor (1970)

  2. Go’doonka Laatiin Ameerika – The Solitude of Latin America (1982)

  3. Uduggii Saytuunka – The Fragrance of Guava (1982) 

  4. Bedelaadda Taariikhda Afrika – Changing the History of Africa: Angola and Namibia (1991) 

  5. Warkii Afduubka – News of a Kidnapping (1996)

  6. Waddan Carruureed – A Country for Children (1998)

  7. U Nool si uu Qiso u Weriya - Living to Tell the Tale (2002) 

Tags
sooyaal Feker