Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan
Title

Sooyaalka Lacagta shalay iyo maanta

10 June, 2025
Image
Sooyaalka Lacagta shalay iyo maanta
Share

Goortu waa bilowgii hore ee aadamaha. Goobtuna waa meel uu ka baxaayo dab ay koox dadkii hore ka mid ahi kulaalayaan. Mid ka mid ah ayaa yidhi: “Waxarkaa yar ma i siin kartaa hebelow ?” Dabadeedna gacanta ayaa laga saaray. Qiimihiisa muu wayddiinin, lacagna laga ma codsan; waayo noloshu waxa ay ku dhisnayd iskufilnaansho iyo deeqsinnimo, dhaqaaluhuna mid ay bani’aadnimimo ku dheehan tahay oo ku turjumaaya haybta qofka iyo karaamadiisa ayaa uu ahaa. Aragtida lacagta iyo hantiduba si qunyar ah ayay ugu soo duseen nolosha dadka, ka hor intii aanay noqonnin xeer maamula, taas oo soo afjartay casrigii aanu dadku aqoon micnaha “sicirka” maanta loo yaqaanno.

 Soo ifbixii Hantida Gaarka ah

Waxa la yidhi: “Sharku asal ahaan kamuu imannin bani’aadamka, shaydaanka iyo dabeecadda midkoodna, balse waxa uu ka yimi hantida gaarka ah.” Markii ay bulshooyinku bateen, aadamuhuna uu soo gaadhay casrigii beerashada ayay timid baahida wax-is-dhaafsigu. Dabadeedna waxa sidaas ku abuurmay dhaqanka “iidooriga”. Waa nidaam aan si kama’ ah u abuurmin, se wuxuu ka dhex dhashay laba cidhiidhi dhexdood: kalsooni la’aan iyo baahi. Haddana, nidaamkani wuxuu sababay caqabad maalinle ah; waa in la helo qof wax aad u baahan tahay haysta, isla markaana raba waxa aad adigu hayso.

Ii-doorigu ma ahayn ganacsi faa’iido-doon ah, balse wuxuu ahaa xeelad ay labada dhinacba ku kala dheefi karaan, illaa ugu dambayn mid ka mid ah ay maskaxdiisa ku soo dhacday aragti u taagan sidii loo heli lahaa wax ay dadka oo idili jecel yihiin, xataa haddii aanu qof kastaa si toos ah ugu baahnayn. Halkaas ayay dabadeed ka dhalatay waxa loo yaqaanno lacagta badeecadaysani,  (commodity money), taas oo ahayd astaan ay qabiilladu kalsoonida dhexdooda taalla ku muujiyaan, sida cusbada, lo’da ama qolfaha xayawaanka badda.

Barafasoor Middelkoop wuxuu buuggiisa Reset-ka Weyn ku leeyahay: “Lacagta dhabta ahi inta badan waxay ka timaaddaa calaamad ka hor intii aanay noqonnin walax maaddi ah.” Wuxuu tusaale u soo qaatay dahabka, oo uu sheegay in sababta uu caalami u noqday aanay ahayn inuu nolosha lagama maarmaan u yahay, se ay sababtu tahay inuu naadir yahay, si fudud u qaybsami karo, dadkuna ay si guud u qaddariyaan.

Si kastaba ha ahaatee, lacagta badeecadaysan waxa caqabad ku noqday in ay maxalli tahay. Badeecadda Yaman lagaga dhaato ayaa laga yaabaa in aanay Faaris waxba ka ahayn. Sidaas awgeed, waxa soo shaacbaxday aragti cusub: Waa  in la sameeyo shay qudha oo qiimo waaraya leh, oo dhammaan dadku si siman  u qiimaynayaan; suuqa ama samada halkii uu doonaba ha ku sugnaadee.  Dahabka ayuu dabadeed shaygaasi noqday.

 Liidiya: bilawgii lacagta

 Dacalka Aasiyada Yar meel ka mid ah, xoolaha waa la tirin jiray, hadhuudhkana waa la miisaami jiray, suuqyaduna waxay la dayaamayeen sawaxan. Buuqaasi iibsiga iyo gadista oo qudha kamuu turjumayn, balse wuxuu ahaa astaan nolosha oo dhan u taagan. Hase ahaatee, halkani waa boqortooyada Liidiya. Boqor Alyattes  ka muu fikirayn xoolo ama jawaanno hadhuudh ah, laakiin wuxuu ka fikirayay awood  aan seef lagu hanannin, ee lagu hirgaliyo shaambado.

Xilli lagu qiyaasay 600 sanno ka hor dhalashadii Ciise, isbeddel kacaan oo kale ah ayaa suuqyada ka dhacay.  Liidiya ayaa taariikhda markii ugu horreysay si rasmi ah u soo saartay lacag macdan ah (lacag bir ah) oo ka samaysnayd dahab iyo qalin (fiddo) la isku daray.  Lacagtani may ahayn keliya gobol yar oo macdan ah, balse waxay astaan u ahayd marxalad kala-guur ah  oo xusuusta aadamaha raad ku leh.  Isla judhiiba, qadaadiicda in la miisaamo, ama  saafinimadooda la hubiyo looma baahnayn, sababta oo ah dawladda oo adeegsanaysa hay’adaheeda iyo awooddeeda ayaa dammaanadqaadday lacagtan, isla markaana shaambadaysay, dabadeedna dadka ku tidhi “Aammina, tani waa lacag e”.

Waa xuduudahan dhuleed halka ay ka timi aragtida aasaasiga ah ee tidhaahda: Lacagtu kuma salaysna macdanta ku dhex jirta, balse waxay ku dhisan tahay kalsoonida dadka. Sidaa awgeed, maalka dhabta ahi ma aha waxa kuu muuqda, laakiin waa qiimaha aad rumaysan tahay inuu leeyahay. Sida dembiyada oo kale ayaa lacagtana loo miisaami jiray waqtigaas ka hor. Ninka ganacsadahi ahi wuxuu suuqa soo geli jiray isaga oo kiish dahab ah walwaalanaya, dabadeed dahabka ayaa kiishka laga soo wada saari jiray, haddana waa la miisaami jiray, ugu dambaynna si rafaad ah oo aan habraac lahayn ayaa loo shaybaadhi jiray; mararka qaarkoodna nidaamkan waxa ku hoos lammaanaaa qish, khiyaamo iyo haliso kale.  Lacagta  Liidiya timi ayaa dabadeed soo baxday, iyada oo horseedday isbbeddel weyn oo macne leh, dahabka ayaanay astaan ka dhigtay; sidaasna waxa ku dhalatay lacagta macdanta ah.

Fikraddani  si aad ah ayay ugu dhex faaftay dunidii hore, lacagtuna waxay noqotay summad la isku aqoonsado. Sidaas darteed, wax la la yaabo ma ahayn in bulshadii curdinka ahayd ee Islaamku ay u hawlgasho sidii ay u samayn lahayd lacag iyada u gaar ah. In kasta oo Muslimiintu ay bilawgii hore isticmaali jireen lacagtii Roomaanka ee Dinar-yuuska,  haddana madaxbannaanida dhabta ah waxay heleen sannadkii 693kii miilaadiga, ka dib markii khaliifkii Cabdil-Malik bin Marwaan uu amray in la sameeyo diinaarkii ugu horreeyay ee islaami ah oo wax lagu kala beddesho. Wuxuu ahaa mid gebi ahaanba la carabiyeeyay, isla markaana ka madhan sawirradii boqorrada Biisantiyiinta.

 Cabdil-Malik keliya lacag cusub uun muu samayn, laakiin wuxuu sidoo kale ibafuray casri cusub; sababtoo ah lacagtu waxay noqotay astaan muujisanaysa dhaxalkii Biisantiyiinta in laga xoroobay. Sidoo kale, waxay udubdhexaad u noqotay midaynta dawladda iyo isballaadhinta maamulka dhaqaalaha. Intaa ka dib, diinaarkii iyo dirhamkii, iyaga oo aan qiimadhicin, ayay ku faafeen Andalus illaa xuduudda Shiinaha, sababtoo ah  nidaamkii lacagtan abuuray ayaa ilaalinayay, maamulayay, isla jeerkaasna aamminsanaa, laakiin biro la tumay uun may ahayn.

Maadaama oo maamul kastaaba ilbaxnimadiisa wato, goldaloolooyin dhawr ah ayay lacagtii birta ahayd yeelatay; marka la eego miisaankeeda, halista ay leedahay qaadiddeedu, iyo xaddidnaanta faafisteedaba. Sidaa awgeed, waxa lagama-maarmaan noqotay in geeddi cusub la lallabo; markan halka loo guurayaa ma aha dahab, balse waa warqad.

Warqaddii u kala duushay Baqdaad iyo Shiinaha

Jid cidhiidhi ah oo ku yaalla Baqdaaddii Cabbaasiyiinta, waxa laambad yar oo shamac ah hoosteed fadhiyey ganacsade  deggan xaafadda Karkh. Hortiisa waxa taallay warqad; warqad aan miisaan lahayn, balse qiimo weyn leh. Waxay ku qornayd farta Kuufiga: “Cidda sidata waxa la siin doonaa labaatan diinnaar oo dahabka Mawsil ah, kaas oo laga bixinayo khasnadda Baytulmaalka ee Basra.” Si taxaddar leh buu warqaddii u laabay,  laabtiisa ayaanu ku khabbeeyay, sidii ruux qarinaya ballan/heshiis aan la jebin karin. Warqadda lafteedu may ahayn lacag, balse waxay ahayd ballanqaad lacageed kaas oo ujeeddada ka dhabaynaya. Qarnigii 9aad Miilaadiga, markii dawladdii Islaamku ku fidday, dhanka galbeed, laga bilaabo Qurduba  illaa xuduudaha Shiinaha, dhanka bari, ganacsatadii Muslimiintu waxay la kulmeen dhibaato dhab ah: sidee buu qof kun dinaar uga qaadi karaa Baqdaad una geysan karaa Samarqanda, isaga oo aan la kulmin tuug ama aan gaadiidkiisa culaysinin? Sidaas darteed, waxay hindiseen waxa loo yaqaan SAK, kaas oo ahaa waraaqo gacanta lagu qoray oo caddaynaya in qofka sita uu lacag ku leeyahay ganacsade ama Baytul Maal ku yaal magaalo kale.

Dhanka bariga fog, Shiinahu wuxuu waajahayay waayo-aragnimo tan ka duwan. Xilligii Boqortooyadii Tang (qarnigii 7aad ee Miilaadiga), ganacsatadu waxay bilaabeen inay lacagahooda birta ah dhigtaan “guryaha lacagta” ee maxalliga ah, iyaga oo helaya warqado caddeynaya lacagaha halkaas u yaalla. Warqadahani ma ahayn oo keliya hawl-fududayn, balse sidoo kale waxay ahaayeen bedbaado: markaas kaddib qasab ma ahayn in lacag culus uu qofku qaato, ama in uu halis u galo in ay lacagtiisu ka lunto. Dabadeedna waxa timi Boqortooyadii Song ee qarnigii 11aad, taasoo markii ugu horreysay taariikhda si rasmi ah u ansixisay isticmaalka lacagaha warqadda ah. 

Tijaabooyinkani, in kasta oo ay farsamo ahaan horumarsanaayeen haddana waqti dheer sii may jirin. Marka kasta oo kalsoonidu lunto ama boqorradu si xad-dhaaf ah u daabacaan lacagaha warqadda ah, nidaamka maaliyadeed wuu burburayay. Arrintaasi waxay ka dhacday Shiinaha, dabadeedna Faransiiska, sida ay caddayn doonaan qaybaha dambe ee maqaalku. Waayo warqaddu, haddii aan lagu kalsoonayn, wax qiimo ah ma leh—xitaa qiimaha warqadda lagu daabacay mid leeg. Markii la gaadhay 1870-meeyadii, dawladdii Cusmaaniyiinta ayaa noqotay mid ka mid ah dawladihii ugu horreeyay ee adeegsada lacag warqad ah oo madaxbannaan. Arrintani waxay horseedday in gobolka Bariga Dhexe uu u galo xilligii lacagaha casriga ah. Laakiin waraaqahani, si kasta oo ay u ahaayeen kuwo qurux badan oo saxiixyo leh, waxay ku tiirsanaayeen wax ka iyaga qaalisan oo ah ah dahabka.

Maaddaama dahabku oo keli ahi uu ahaa shayga awoodda u leh inuu joojiyo doodaha ku saabsan qiimaha lacagta, waxa abuurmay wax markii dambe loo bixiyay “heerka dahabka”, kaas oo ah heshiis cad ama qarsoon oo sheegaya in waraaq kasta oo lacag ah ay waajib tahay inay yeelato qiimaha qaddar cayiman oo dahab ah. Halkan waxa ka bilaabmaysa sheeko cusub: sidee ayuu bini’aadamku uga gudbay lacag warqad ah oo uu dahabka ku tiirsan, uguna gudbay lacag warqad ah oo aan waxba ku tiirsanayn?

Safarkii Lacagta ee Galbeedka

Subax qabow oo ka mid ahayd subaxyada sannadkii 1796-kii, waxa jidadka magaalada Baariis ku soo daatay waraaqo lacag ah; may ahayn lacag ay ganacsato sidato, balse waxay ahayd mid dabayshu weedhaaminayso, dabadeed dadkii magaalada degganaa ayaa gubey. Waraaqahan oo lagu daabacay riyooyinkii Kacaankii Faransiisku, waxay lumiyeen qiimahoodii, kaddib na dadkii oo dhan bay culays ku noqdeen, xataa kuwii gaadhi-faraska watey. Marka ay dawladuhu ku xadgudbaan ballanqaadyadooda, shacabka ayaa arrintaas natiijadeeda kala kulma dhibaatooyin ay ka mid yihiin sicir-barar, gaajo, iyo fawdo.

Aynu in yar dib u noqonno. Yurub gudaheeda, ka tegidda dahabku may ahayn go’aan sahlan ama degdeg ah. Macdantan qaaliga ahi waxay sii ahayd tiirka adag ee lacaguhu ku tiirsanaayeen; waxa laga soo saarayay godadka macdanta, isla markaasna waxa lagu kaydin jirey bakhaarrada bangiyada dhexe, dabadeedna waxa lagu salayn jirey dhammaan heshiisyada waaweyn ee wax-kala-iibsiga. Dahabka ayaa ahaa sharciga ama qaanuunka iyo shayga keli ah ee lagu kalsoonaan karo.

Sababtaas awgeed, waxa abuurmay waxa loo yaqaanno “heerka dahabka”, kaas oo noqday nidaam caalami ah oo aan markii hore qornayn, balse kolkii dambe la qoray, isla markaana dhigayay in lacag kasta oo warqad ah lagu beddeli karo qaddar dahab ah oo cayiman. Aynu ku noqonno wixii uu Willem Middelkoop buuggiisa ku sheegay: “In [qiimaha] dahabka iyo lacagta la isku xidhaa waxay xukuumadaha dawladaha ku qasbaysaa inay yeeshaan akhlaaq dhaqaale, waxayna ka hortagaysaa in lacagaha la daabaco iyada oo aan wax taageerayaa jirin.” Tani waxay sababtay in dad badani dahabka u arkaan inuu yahay ilaaliyaha akhlaaqeed ee nidaamka maaliyadda. Laakiin ilaaliyahani ma uu san waarin.

Sanadkii 1914-kii, markii uu bilaabmay Dagaalkii Koowaad ee Adduunku, Yurub waxay, kolkii ugu horreysay muddo qarniyo ah, ka tanaasushay nidaamkaas. Awood u may lahayn inay gasho dagaal caalami ah iyada oo ku maalgelinaysa canshuur ama deymo xaddidan, sidaas darteed waxaa la daabacay lacag aan dahab ku tiirsanayn. Kaddibna waxa dhacday Busaaraddii Weyneyd ee sanadkii 1929-kii qaraxday, taas oo sii xumaysay xaaladdi. Dhaqaalihii wuu yaraaaday, bankiyadii way burbureen, dadkiina waxa ka luntay kalsoonidii ay ku qabeen xitaa lacagtii warqadda ahayd ee qayb ahaan dahabka ku tiirsanayd. Sanadkii 1944-kii, awoodihii waaweynaa waxa ay ku kulmeen goob yar oo nasasho oo ku taal gobolka Niyuu Haamshire ee Maraykanka, waxaanay halkaas ku ansixiyeen nidaam loo yaqaan Bretton Woods. Nidaamkani dhammaan lacagaha kala duwan si toos ah dahabka ugu muu xidhin, balse wuxuu ku xidhay doollarka, isaga oo keliya ayaana si rasmi ah loogu beddeli karayay dahab qiime go’an ah (35 doollar halkii ounce). Tani waxay ahayd xilli taariikhi ah oo muhiim u ah nidaamka maaliyadeed ee caalamka: doollarka ayaa noqday lacagta ugu muhiimsan, Maraykankuna wuxuu helay fure qarsoon: kaydadkii dahabka.

Markii uu Maraykanku dhisayay boqortooyadiisa lacageed iyadoo lagu kalsoon yahay in doollarku dahab ku tiirsan yahay, xaqiiqdu waxay ahayd mid ka jilicsan sidii ay u muuqatay kolkaas. Markii ay kordheen ballanqaadyadii Maraykanka ee dibaddu—gaar ahaan intii lagu jiray Dagaalkii Vietnam—daabacaadda doollarka ayaa korodhay, halka dahabkii kaydadka yaallay aanu is beddelin. Markii la gaadhay 1971kii, madaxweynahii Maraykanka ee markaas, Richard Nixon, ayaa ku dhawaaqay waxa loo yaqaan “Nixon Shock”: in si kamadambays ah loo joojiyo in doollarka lagu beddelo dahab.

Nidaamka Heehaabaya

Waqtigii uu dahabku halbeegga ahaa ayaa si rasmi ah u soo dhammaaday. Markan dunidu waxay gashay marxalad cusub, iyada oo lacagtu noqotay warqad aan ku salaysnayn macdan iyo hanti la taaban karo midkoodna, laakiin ku dhisan kalsooni iyo in dawladdii lacagtan soo daabacday ay oggoshahay in wax lagu kala beddesho.  Hasayeeshee, sida uu Middelkoop leeyahay “Nidaamka noocan ah marka la joogo, lacagta waxa laga abuuri karaa bar bannaan, sidoo kale wuu baabba’ayaa haddii deymaha la bixiyo”.  Wuxuu intaas ku sii daray, in hannaanka noocan ahi “weigii aanu dhidibbo adag yeelan”.  Mar kale isaga oo ku jeesjeesaya waxa uu ku tilmaamayaa  “sidii nin ka soo dhacay sarta siddeetanaad, oo markii uu ta labaatanaad marayay yidhi: ilaa hadda wax halis ahi ma jiraan”.

Maraykanku wuxuu markaas uun ka soo doogay dhibaatadii haleeshay ee kalsoonidarrada ahayd;  isku-sidkanaantii doollarka iyo dahabka ayaa meesha ka baxday, nidaamka cusub ee lacagaha sabbaynaya loo yaqaan ayaa dabadeed dunida asqeeyay. Lacag qiime sugan lihi ma jirto hadda, qiimaha sarrifkuna wuxuu noqday mid ku xidhan kolba xaaladda suuqa, ha noqdo qiimaha gacanta hore, ta dambe, isbedbeddelka iyo heehaabadka kii la doonabee. Waa casrigii fufka lacagaha warqadaha ah ee sabbeeya, waana khamaarkii lacageed ee si wadar ah loo galo kii ugu weynaa taariikhda.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku wuxuu si fiican u ogaa in dahabkii dhintay, sidaa awgeed uu u  baahan yahay dahab cusub. Shidaalka ayaa noqday xiddig aasaasi ah, laga soo bilaabo toddobaatanaadkii markii uu qiimaha shidaalku sare u kacay, isla jeerkaasna OEPEC ay saaxadda dunida sida weyn uga soo muuqatay. Haddaba, xilligaas Maraykanku wuxuu ku qanciyay Sucuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka inay shidaalka ku iibiyaan lacagta doollarka oo qudha, taa baddalkeedana uu u fidin doono ilaalo millatari, sidoo kalena ay maalgashan karaan khasnadaha Maraykanka. Marxalad dahabi ah oo cusub ayaa dabadeed sidaas ku bilaabantay: dawladuhu waxay shidaalka ku iibsanayaan doollar, lacagta dheeraadka noqotana waxa lagu soo celinayaa nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka, si loogu kabo hoos-u-dhaca misaaniyadda, qiimaha doollarkana loo sugo.

 Stefan Aish oo ah, qoraaga buugga “The Currency of Politics: The Political Theory of Money from Aristotle to Keynes”, wuxuu ku sheegay waraysi ay la yeelatay Majallada Jacobin in siyaasadaynta lacaguhu ay noqotay arrin shaacsane ah, ka dib markii uu burburay nidaamkii Bretton Woods; markaas ka dib lacagaha in la siyaasadeeyaa waxay noqotay agab juquraafisiyaaasadeed. Lacagtu ma aha hayn dhaqaale oo keli ah, balse waa gacanta qarsoon ee awoodda.  Iyada oo arladu sidaa u qasan tahay, ayay dalalka Carabtu bilaabeen inay dib u qaabeeyaan nidaamkooda maaliyadeed.

Sannadkii 1974-kii, khariiradihii shidaalka iyo nuqulladii heshiishyada maaliyadeed waxa dhexdooda ka soo maaxatay fikradda Betrodoollarka “Petrodollar”, taas oo ka dhalatay heshiis ay wado galeen Maraykanka iyo Sucuudigu.  Qodobbadii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa  in shidaalka lagu iibiyo lacagta doollarka, lacagaha dheeraadka ah ee Sucuudigu shidaalka ka soo xareeyana uu ku maalgashado saamiyada qasnadda Maraykanka (bonds). Arrintaasi waxay  kor u qaadday qiimihii doollarka, waxaanay sababtay  inuu doollarku noqdo lacagta kaydka ah ee dunida, iyo inuu raasamaalka  Batroodoollarku dhex qulqulo nidaamka caalamiga ah ee bangiyada.  Intaa wixii ka dambeeyay, doollarka ayaa ka gudbay inuu yahay lacagta Maraykanka oo keliya, waxaanu  noqday lacagta shidaalka iyo sidoo kale lacagta dunida. Balse arrintii way isku dabarogtay, sidii laga filayay xal maaliyadeed  oo si degdeg ah loo meel mariyay.

Isku-sidkanaanta shidaalka iyo doollarka awgeed, culays maaliyadeed oo caalami ayuu yeeshay dhaqaalihii dalalka Khaliijka Carabtu. Dhanka kale, si ay dunidu u gaadho xasillooni maaliyadeed, waxa kordhay ku tiirsanaanta doollarka.
Dhammaadkii qarnigii labaatanaad,  lacagihii la yaqaanay ee warqadda iyo macdanaha ka samaysnaa qaab kale ayay yeesheen.  Horumarka tiknooloojiyadda ayaa sababay in si maalin leh lacagaha  danabaysan loogu adeegsado hababka iibka ee dhijitaalka ah.  Kaadhadhka wax-iibsiga bangiyada (credit cards) ayaa kontamaadkii la hirgaliyay dabadeedna, waxa sagaashamaadkii la ka daba yimi habab wax-iibsiga ee internet dhexdiisa. Si kastaba, meesha ka may bixin shaqooyinkii asaasiga ahaa ee lacagtu qaban jirtay sida in wax lagu kala beddesho, in la kaydsado, iyo in qiimaha badeecooyinka lagu jaangooyo, balse waxa si tartiib tartiib ah u baabba’ayay muuqaalkii maaddiga ahaa ee la lacagta.

Sicirbararka iyo khasaaraha ganacsi ee haleelay dalalkii dunida ayaa dadka ku dhaliyey inay isweydiiyaan: Maxaa warqaddan aynu sidanno ka dhiga wax qiime leh? Maxaa ka hortaagan bangiyadu inay iska daabacdaan lacago dheeraad ah? Maxaase ka dhalanaya haddii ay mar kale kalsoonidu lunto? Jawaabtii may noqon in lacag cusub la daabaco, balse waxay noqotay koodh (code) sir ah oo loo yaqaanno Bitcoin.

Kalsoonida Koodhaysan (Coded Trust)

Sannadkii 2008-dii, xilli ay bangiyada dunidu mid mid u hoobanayeen, waxa barta internet-ka lagu baahiyay xaashi cilmi-baadhiseed oo uu qoray magac male-awaal ahi: Satoshi Nakamoto. Nuxurka xaashidani wuxu ahaa ogeysiis mucaaridnimo oo ka dhan ah nidaamyadii maaliyadeed ee hore dunida uga jiray. Bitcoin keliya may ahayn lacag, balse waxay ahayd baaq, waxaanay dadka ku tidhi: “Been bay idiin sheegeen. Lacagtu waxay jiri kartaa dawlad la’aan, bangi la’aan, iyo waraaq la’aan. Keliya waxay u baahan tahay in lagu kalsoonaado …..algooriisamka.

Laga soo bilaabo qalalaasihii maaliyadeed [2008-dii], dadku waxay ku baraarugeen in lacagta ay jeebadaha ku haystaan ay tahay uun ammaano ay cid kale u hayaan, isla markaasna ay bangiyada dhexe lacagta bar bannaan ka samayn karaan. Balse, sidaa si ka duwan lacagaha crypto waxa iyaga lagu sameeyaa hab xisaabeed ku dhisan xeer-barnaamijeed (codes). Lacagaha crypto-da ah ayay dadku gabbaad ka dhigteen, gaar ahaan dalalka uu qiimaha lacagtoodu gebidhacleeyo, sida Lubnaan iyo Turkiga. Bitcoin kuma saamawdo go’aan wasiir, bangi kacay, iyo gedgaddoonka sicirka sarrifka toona. Halkaas marka ay joogto, waxa dib u soo laabanaysa weydiinta ah waa ‘maxay lacagi’? Ma waraaq saxiixan baa? Ma dahab khasnadaha ku kaydsan baa? Mise waa astaan dhijitaal ah?

Marka la joogo casriga ‘block chain-ka’, lacagtu keliya waa liisan dhitaal ah oo lagu kalsoon yahay. Markii uu Satoshi Nakamoto (magaca afgarashada ee aasaasaha Bitcoin) uu qoray warqaddiisii caddayd ee caanka noqotay, sannadkii 2008-dii, nidaamka maaliyadeed ee caalamku wuxu ahaa mid sii burburaya. Waqtigaas, bitcoin may ahayn hal-abuur tiknoolajiyadeed oo keliya, balse waxay sidoo kale ahayd bayaan siyaasadeed iyo astaan aargudasho oo ka dhan ah dulmi iyo nidaam maaliyadeed oo ku xadgudbay daabacaadda lacagta.

Sida ay qabaan qoraayada iyo falanqeeyeyaashu, nidaamka lacagaha crypto-du waxa uu ku salaysan yahay aragtida “maamul-daadajinta”. Bitcoin waxay adeegsataa farsamada blockchain-ka, taas oo ah diiwaan dadweyne oo loo qaybiyay kumannaan kombiyuutarro ah oo ku filiqsan daafaha dunida, kaas oo aan wax laga beddeli karin, lana khiyaami karin, iyadoo aan oggolaansho laga helin shabakadda oo dhan. Laakiin, sida uu Stefan Eich ka digayo, tiknoolajiyaddani ma aha mid dhexdhexaad ah, balse waa “maro ay quwadaha waaweyni ku qarinayaan aragtiyahooda siyaasadeed.” Xataa dalalka waaweyn ayaa iyaguna  niyadda ku haya in ay soosaaraan lacago dhijitaal ah oo ay bangiyada dhexe maamulaan, taasoo ka dhigan in tiknooloojiyadda lafteeda loo adeegsan karo in xorriyadda lagu afjigo, halkii ay ka taakulayn lahayd.

Isdiidadan yaabka leh lafteedu waxa ay qeyb ka tahay doodda cusub: Lacagaha Crypto miyay ka xuubsiibteen tagtada idilkeed, mise waa tagtadii oo markan barnaamujaysan? Gebi ahaanba dib ma u qeexi doontaa lacagta, mise waxay saari doontaa uun daah dhijitaal ah?  Middelkoop waxa uu qabaa in lacagtu weligeedba ay lahayd astaan iskeed macne u leh. Isagoo tusaale u soo qaadanaya shilinka dahabka ah ee ‘Aureus’, oo Roma laga isticmaali jiray, una dhigmayay waagaas 400 litir oo khamri ah, isla muggaasna wax u dhawna maanta lagu kala iibsan karo. Ma aha arrin indhosaracaad ah, balse sababtu waxay tahay in, si ka duwan waraaqaha, dahabku aanu qiimadhicin. Laakiin, bal ka warran Bitcoin? Ma sii ilaashan doontaa qiimaheeda? Mise waa xumbo heehaabaysa, sida ay dadka qaar ku sifeeyaan? Stefan Eich waxa uu ku tilmaamay in ay tahay “hanti dijitaal ah” laakiin ma aha lacag, hadal iyo dhammaantii. Marka aragtidiisa lagu qiimeeyo, Bitcoin si buuxda uma dabbaqayso shaqooyinkii saddexda ahaa ee hantida am dhaqaalaha soojireenka ah: in lagu kala iibsado badeecooyinka, in lagu jaangooyo qiimaha beecadeecooyinka, iyo in la kaydsan karo oo aanu qiimaheedu lumin.

Dhab ahaan, waxa wax laga amakaago ah in aynu ku laabanno aragtii aynu ugu horreyntii ka bilawnay: kalsoonida. Xilliyadii hore, dadku waxay ku kalsoonaan jireen dhoobo metalaysa daqiiq, milixda ayay dabadeed kalsoonibideen, haddana dahabka, ka dibna lacag bir ah oo la qurxiyay, dabadeedna waxa loo gudbey lacag waraaqo ah oo dawladdu daabacdo. Maanta miyaa, lacagaha waxa lagu diraa silsilado dhiijitaal ah oo dhex mara shabakado aan la arki karin. Beritana maxay noqon? Qofna ma oga. Waxa laga yaabaa in lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’-ku ay noqdaan marxalad kumeelgaadh ah—ama ay hordhac u yihiin kacdoon aan weli dhalan. Laakiin waxa la hubaa waa in sheekada lacagtu aanay weli dhammaanin.

Inta uu bani’aadanku jiro, baahida loo qabo wax-kala-beddelashaduna way jiri doontaa, waxaana taas ku lammaanaan doona fikradda ah: “shaygani wuxuu u dhigmaa kaas.” Sidaas darteed, laga bilaabo godadkii Anadool illaa xog-keydiyayaasha internetka, lacagtu waxa ay ahaan doontaa muraayad laga dhex arko waxa aynu rumaysannahay, balse waxa aynu haysanno maya.