Saturday 18 April 2026
Muddooyinkii u dambeeyay, waxa ay intii daneysaa la socotay dood cusub oo haddana duug ah oo u dhexeysa dhaqdhaqaaqyada Salafiyiinta oo ah weerar iyo weerar celis ay hoggaaminayaan qaar ka mid ah culimada ugu magaca weyn labada koox aragtiyeed ee Ictisaam iyo Dacwa Salafiyah. Gaar u fiiri erayga ‘koox aragtiyeed’ sababta oo ah waxa laga yaabaa in wadaaddada doodda ku jira qaarkood ay ku doodaan in aanay xubin ka ahayn koox nidaamsan, waxa se aanay ka baxsan karin in ay aragti ahaan ka tirsan yihiin kooxaha aan xusnay.
Si guud, doodaha aragtidu, kuwo diineed iyo kuwo aqoon kale cuskanba, waa ay ka nuxur iyo heer sarreeyaan doodaha inta badan Soomaalida dhex yaalla ee ay ka mid yihiin isdiiddooyinka qabiillada iyo siyaasadaha ku tolan. Sidaas oo ay tahay, waxa muhiim ah in ay dadku fahmaan nuxurka dooddan iyo sooyaalkeeda, si ka duwan sida ay labada kooxood isu muquunin rabaan. Waxa laga yaabaa in uu akhriste is wayddiiyo ujeeddada cinwaanka kaas oo tilmaamaya in labada kooxoodba ay isku koox yihiin, doodduna tahay mid ka dhexeysa koox, iyadu, u kala baxday labo garab! Waa aan ku adkeysanaynaa sidaas, sababtana waxa sheegi doona tibaaxaha soo socdo.
Sooyaalka fekerka Salafiga ah ee Soomaalida dhexdeedu aad uma cadda bilowgiis. Waxa la hubaa in waxii ka dambeeyay burburkii saldanadihii Muslimka ahaa ee qarnigii 16aad, uu fekerka Islaamiga ah ee ugu xooggani ahaa midka Ashaacirada oo ay xambaarsanaayeen dariiqooyinka Suufiga ahi. Dadka qaar oo fekerrada baadhaa waxa ay qabaan in raadadka dhaqdhaqaaqa Salafiga ahi ay Soomaalida soo gaadheen xilliyo hore oo ku siman qarnigii 18aad. Aragtidani waxa ay tusaale u soo qaadataa wadaadkii caanka ahaa ee Sheekh Cali-Majeerteen (1787 - 1852) oo ahaa wadaadkii ugu horreeyay uguna caansanaa ee Salafi ah. Sheekh Cali-Majeerteen, oo wax ku soo bartay Maka iyo dhulka Najdi ee Sucuudiga oo ay berigaa ku beed-dillaacsatay Wahaabiyadu, waxa uu ahaa wadaad ay Soomaalidu ka warisay sheekooyin badan oo u badan in uu ka reebi jiray waxyaabo badan oo caado diineed iyo mid dhaqanba u ahaa, waxa kale oo uu ahaa wadaad u faafiya dacwadda qaab ka duwan nidaamkii xerowga ee dariiqooyinka Suufiga. Sidaas oo ay tahay, Sheekh Cali-Majeerteen, iyo kuwa la midka ah, waxa lagu tilmaami karaa xaalado qofeed oo ay lahayd dacwadda Salafiga ah, ee ma jirin olole abaabulan oo fikradeed oo ay Salafiyadu ku dhex yeelatay Soomaalida, ka hor badhtamihii qarnigii 20aad oo uu dhacay fuf xooggan oo Islaami ahi.
Waqtigii ay dhacayeen dabaylihii gobonimada Afrika iyo Dunida Carabta, waxa saameyn mug leh lahayd Masartii Jamaal Cabdinaasir. Waxa ay Masar faafinaysay aragtiyo gobonnimo oo qoomiyad ku dhisan, ha se ahaato e, dadkii la hiyi kacay xaaladdaas ay Masar muhiimka u ahayd, oo ay ku jiraan Soomaali badani, ma ay wada noqon qoomiyiin. In kaste oo ay jireen dhalinyaro wax ku soo baratay Masar oo noqday qoomiyiin qaybna ka noqday haloosigii Soomaali-weyn, sida Xaaji Maxamed Xuseen iyo Danjire Cabdilaahi Koongo, haddana in badani waxa ay u leexan jireen dhanka diinta, iyaga oo ku saamoobi jiray dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta ee ka soo horjeeday Cabdinaasir. Sidaa awgeed, fekerka dhaqdhaqaaqa diineed ee Soomaalida, qarnigii tagay, waxa uu foorihiisa ugu weyni ka soo dhici jiray Masar waxana ay dhaqdhaqaaqyadii bilowga ahaa ku xidhnaayeen Ikhwaanu Muslimiinka. Dhammaan dhaqdhaqaaqyadii jiray lixdaneeyadii illaa toddobaataneeyadii waxa saameyn ku lahaa Ikhwaanka iyo kooxihii ka farcamay, sida Takfiirka iyo Qudbiyiinta jihaadiga ah. Kaalintii Sucuudigu waxa ay bilaaban doontaa waxii ka dambeeyay toddobaatanaadkii oo uu saameyn ku yeelan doono xitaa Ikhwaanka laftooda.
Fekerka Salafiga ah ee Soomaalidu, isaga oo aan ka duwanayn xaaladda fufkaas guud ee xilligaa jiray, waxa lagu tilmaami karaa in uu qaab madaxbannaan iyo qaab Ikhwaanka ku lammaanba uu u soo abuurmay. Wadaadkii la odhan jiray Sheekh Nuur Cali Colow ayaa lagu tilmaami karaa xubnihii ugu horreeyay ee si madaxbannaan ugu ololeeyay fekerka Salafiga ah, kontoneeyadii iyo lixdaneeyadii qarnigii labaatanaad. Sheekh Nuur waxa uu waxbarasho u tagay Masar waxaanu la soo noqday fekerka kooxda Ansaar al-Sunnah al-Muxammadiyah oo ah koox Salafi ah oo laga aasaasay Masar sannadkii 1926-kii. Sheekh Nuur waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa Salafi miiggan oo dooddiisa iyo dacwaddiisu ay muran badan ka dhex dhaliyeen Soomaalidii waqtigaas ee ay ku cusbaayeen aragtiyaha Salafigu, si la mid ah sidii uu doodda u dhaliyay Sheekh Cali-Majeerteen. Sidaas oo ay tahay, fikirka Salafiga ah ee Soomaalidu waxa uu ku baahsanaa dadkii ku xidhnaa dacwadda Sheekh Nuur Cali Colow, sida Boqolsoon iyo Cabdilqaadir-Gacamey, iyo kuwo kale oo ku xidhnaa dhaqdhaqaaqyadii jiray ee Ikhwaanka sida ururkii Itixaad al-Shabaab al-Muslim, markii dambena la baxay al-Jamaacah al-Islaamiyah, oo ahaa urur Ikhwaani ah, laakiin aad ugu janjeedha garabka midigta ee Sayid Qudbi, markii dambena uu aad ugu baahay fekerka Takfiirka oo ka yimid Jamaacat al-Takfiir wal-Hijrah oo Masar ka jirtay. Ha se ahaato e, fekerka Salafiga ahi waxa uu dhaqdhaqaaq kooxeed oo dhisan u xuubsiibtay sannadkii 1983-kii, markaas oo ay isku biireen al-Jamaacah al-Islaamiyah – al-Ahli oo ka jirtay Soomaaliya iyo Waxdat al-Shabaab al-Islaami oo ka jirtay Soomaalilaan waxaana ka soo baxay ururkii al-Itixaad al-Islaami oo noqday dalladda fekerka Salafiga ah ee Soomaalida. Sidaa awgeed, sannaddadii siddeetaneeyadii illaa sagaashaneeyadii, waxa uu Itixaad ahaa metalaha rasmiga ah ee fekerka ficilka Salafiga ah ee Soomaalida dhexdeeda waxana uu masuul ka yahay inta badan isbeddellada dhaqan-diineed ee Soomaalida ku dhacay.
Dhammaan kooxaha iyo dhaqdhaqaaqyada Salafiga ah ee Soomaalida ka dhex jira maanta, sida Ictisaam, Dacwah Salafiyah iyo al-Shabaab, waxa ay ka soo farcameen ururkii Itixaad. Mabaadi’da guud ee fekerka Salafiga ah, ee uu metalayay Itixaad, waxa lagu soo koobi karaa dhawr tiir oo ay ka mid yihiin kuwan soo socdaa: Kow, Tawxiidka oo u fasiran saddexda tawxiid kuna dhisan caqiidada ‘Ahlul Xadiiska’. Mawduuca tawxiidka waxa uu fekerkani xoogga saaraa shirkiga oo bilowgii uu faafayay ay aad isugu dhaceen aaminaado badan iyo dhaqan-diineedyo badan oo ay Soomaalidu haysan jirtay, isla markaana horseedday in uu baaho dhaqanka ‘gaaleysiintu’. Qodobka labaad ee ugu muhiimsani waa Raacitaanka Nabiga, Saxaabada iyo Salafkii hore. In kaste oo aanay Muslimiintu isla diiddanayn cinwaanka guud ee arrimahan, waxa hadda lagu deedafeeyay aragtiyaha iyo fasiraadaha diineed ee culimo badan oo aan ahayn dugsiga Salafiga ah, waxa kale oo uu qodobkani xambaarsan yahay mabda’ caqiido oo ah in naqligu [nusuusta qoran] ka mudan yahay caqliga. Waxa kale oo ka mid ah Xukunka Shareecada Islaamka oo lagu beddelo shuruucda dawladeed iyo xukunnada ‘daaquutka’ waxana qodobkan lagu daray Tawxiidka, iyada oo loo bixiyay ‘Alxaakimiyah’. Qodobkani siyaabo kala duwan ayaa uu u soo maray aragtiyaha iyo caqiidooyinka Islaamiga ah. Ha se ahaato e, saameyntii ugu weynayd ee ay aragtidani ka tagtay waxa loo aaneyn karaa Maxamed Cabdilwahaab iyo Sayid Qudbi. Aragtidani, heer lagu kala durkayba, waxa ay horseedday gaaleysiin baahsan iyo dagaallo badan. Waxa Iyana tiir muhiim ah u ah fekerka Salafiga ah waa Faafinta dacwadda oo ku dhisan istiraatiijiyadaha baaqa (wacdiga iyo waxbarista bulshada) iyo jihaadka.
Salafiyiintu waa ay isku waafaqsan yihiin qodobbadan oo ay ku sii jiraan fasiraado mug leh oo ay qaarkood muran badan leeyihiin, waana khadka guud ee uu metalayay ururkii Itixaad oo ahaa ururka ay xubno ahaan ama feker ahaan ka soo jeedaan ururrada Salafiga ah ee maanta ka muuqda Soomaalida dhexdeeda.
Haddaba, maxaa ay ku kala baydheen? Maxaa se ay ku qotomaan doodaha soo noqnoqda iyo loollanka aan damin?
Markii uu burburay Taliskii Kacaanka ee ay xaaladuhu isu beddelayeen sida dhakhsaha badan, waxa ay Itixaaku isku dayeen in ay qayb ka noqdeen awood qabsigii socday ee jabhadaha. Tallaabooyin aanay aad u daraaseyn una qorsheynin qaab qotodheer ayaa ay qaadeen waxana ugu muhiimsanayd; in ay la wareegeen xeradii ciidanka ee Kismaayo oo ay hubkii yaallay qaateen, iyadana ka dhigteen saldhig. In ay Kismaayo qabsadeen waxa ay saf la galisay hadhaagii Kacaanka ee u qaxay Kismaayo waxana ay ku qasbanaadeen in ay ka difaacaan jabhaddii USC. Kol haddii uu dagaalka USC iyo hadhaaga Kacaanku ahaa dagaal siyaasadeed oo qabiileysan, waxa uu dagaalkii Araare ka dhex abuuray Itixaadka tuhunno qabyaaladeed waxana isla markiiba ka fiigay xubno la qabiil ah ururkii USC oo ku gacan-saydhay dagaalka. Halkaas ayaa uu ka soo bilowday dildillaaca aragtiyeed ee ku yimid Salafiyiintii Soomaalidu, iyada oo ay markaa sababta khilaafku tahay dagaalka iyo shaqada ‘Maktabka Jihaadka’ ee Xarakada. Khilaafka ku saabsan dagaalku waa uu ka sii dhex socday Xarakada, waxana uga sii daray dagaalladii xigay ee ka dhacay Bari, Soomaaliya.
Dagaalkan, oo aanay arrinta qabyaaladdu weligeed ka madhnaan, waxa uu Itixaad u qaybiyay garab aaminsan dagaalka iyo cunfiga, aadna ugu janjeedha jihaadkii caalamiga ahaa ee ku hanaqaaday Afgaanistaan, garab rumeysan dagaalka laakiin dhaliilsan farsamooyinka iyo qorsheyaasha dagaalka kana digayay in la galo dagaal ku dhammaanaya guuldarro iyo sumcad-darro, iyo garab aaminsan in aanu dagaalkani ahayn mid mabda’ ahaanba bannaan una arkayay dagaal ‘fitno’. Garabkan dambe waxa uu ahaa garabka ugu codka yar uguna tirada yar. Sidaa awgeed, legdenta aragtiyeed ee ugu xooggani waxa uu in badan u dhexeeyay garabyada aaminsan sii wadidda jihaadka ee ku kala duwan farsamada iyo fursadaha. Tobankii sannadood ee xigay burburkii Taliskii Kacaanka, waxa Itixaadka kala jiidanayay aragtida labadaa garab ee uu mid cayntaarinayay ajendihii jihaadka caalamiga ah, midna uu u janjeedhay qunyarsocodnimada iyo Soomaaliyeynta mashruuca feker, haddana, urur ahaan kuma kala bixin illaa la soo gaadhay waqtigii Maxaakiimta Islaamiga ah. Ha se ahaato e, salafiyiintii diiddanaa, gebi ahaanba, dagaalku waxa ay si abaabulan isu sooceen, aadna u soo shaacbaxeen, dhammaadkii sagaashaneeyada. Waxa aad u xoogeeyey olole ka bilowday Sucuudiga, kaddib dagaalkii Khaliijka ee labaad, oo looga gol lahaa in lagu quwadjabiyo dhaqdhaqaaqyada jihaadiga ah. Waa halka ay ka soo baxeen magacyada ay ka mid yihiin Rabiic al-Madkhali iyo Maxamed Amiin al-Jaami oo hormuud u ahaa fekerka cusub. Soomaalida dhexdeeda, waxa ay doodda Salafiyiintan dambe, oo la baay Dacwah Salafiyah, weji yeelatay kaddib dhammaadkii sagaashaneeyada oo uu khilaafkoodu isku rogay mid mabda’ iyo masaa’il ku qotoma. Masalooyinka kala soocan, welina tiir-dhexaadka u ah waxa ka mid ah:
Gaaleysiinta: Mas’alada gaaleysiinta (Takfiir) waxa ay Itixaadku kala sinnaayeen fekerka Wahaabiga ah oo ku qotoma gaaleysiin caqiido iyo mid siyaasadeed; mid waxa saldhig u ah ‘shirkiga’ waxana lagu qaadaa cid kaste oo lagu sunto in ay ku jirto fal shirki ah waxana, sida badan, gaaleysiinta noocan ah bartilmaameed u ahaa firqooyinka ka duwan Salafiyada, gaar ahaan Suufiyada. Gaaleysiinta la xidhiidha siyaasaddu waxa ay ku qotontaa ‘xukunka’ oo hoggaankii/dawladdii aan ku dhaqmin shareecada Islaamku waa gaalo ama daaquut. Kooxda Dacwah Salafiyah waxa ay si mitid ah uga dagaallameen ‘gaaleysiinta xaakimka’ waxana ay si kaste u cidhiidhyaan fursadaha lagu gaaleysiin karo hoggaanka siyaasadeed iyo dawladaha. Ictisaam, oo metalaya Salafiyiintii khadka dhexe ee Itixaad waxa ay arrintan ku eegaan indho siyaasi ah. sidaa awgeed, waxa la arki karaa iyaga oo marar gaaleysiinaya madax dawladeed, mararna ula dhaqmaya Amiirnimo; waa arrin la moodo in ay sii socoto taaktikooyinkii ay ku wadeen Jihaadka, waqtigii Itixaadka. Cidda aragti ahaan toos uga soo horjeedda Dacwah Salafiyah waa al-Shabaab oo ah garabkii jihaadiga ahaa ee Itixaad, kuwaas oo weli qaba kuna hawlgala in madaxda iyo xukuumadaha dunida Muslimku ay yihiin kuwo daaquut ah oo riddoobay, maaddaama oo aanay ku dhaqmin Shareecada Islaamka. Dhammaantood waxa ay ku mideysan yihiin mabaadi’da gundhigga u ah ‘gaaleysiinta’ ku dhisan shirkiga iyo xaakimiyada, waxana ka dheegtaan isla kutub, waxa se ay ku kala duwan yihiin hirgalinta iyo in cidda lagu ridayo xukunkeeda.
Adeecidda Hoggaanka Dawladda: Itixaadku, sida ay Salafiyiintu wada ahaayeen berigaas, waxa ay qabeen in mudnaanta la siiyo ‘Addeecidda Alle iyo Rasuulka’ waxana ay madaxda iyo dawladaha ku dhaliilsanaayeen, mararna ku gaaleysiin jireen in aanay Alle iyo Rasuul addeecsanayn, sidaa awgeedna ay yihiin ‘daaquut’. Qodobkaas waxa weli sidiisa ugu dheggan al-Shabaab iyo inta ay feker ahaan metasho, waxana ka soo dabcay Ictisaam. Ha se ahaato e, kooxda Dacwah Salafiyah waa ay ka guurtay tibaaxdan, gebi ahaanba. Waxa habfekerkooda aad ugu xidideystay ‘Addeecidda Xaakimka’ oo agtooda shardi u ah in aan Khawaarij la noqon. waxa se is wayddiin leh; maxaa ay sameyn lahaayeen, haddii ay al-Shabaab u noqoto dawlad?
Jihaadka: Kooxda DacwahSalafiyah waxa ay ka soo horjeedaan in ‘jihaad’ lagu sheego dagaal ka dhex dhacay Muslimiin, waxa kale oo ay ka soo horjeedaan in la galo ‘jihaad’ aanay hageyn dawladi, waxana ay ku nuuxnuuxsadaan in ‘awood’ loo yeesho jihaadka, inta aan la galin. Aragtidaas, mar kaste kuma qummana oo marar badan ayaa la arkay iyaga oo u ololeeyay dagaallo ‘jihaad’ ay ku tilmaameen sida duullaankii uu Sucuudigu ku qaaday Yaman, 2015-kii, iyo dagaalka Liibiya oo ay qayb ka noqdeen iyaga oo la safan Jeneraal Xaftar. Mar kale, waxa arrintan toos ugaga soo horjeeda Salafiyiinta Jihaadiga ah sida al-Shabaab. Sidoo kale, Ictisaam weli ma leh khad sugan oo ku saabsan jihaadka waxana ay u muuqdaan in ay ku eegaan indho siyaasi ah oo ku go’aan qaata fursadaha jira iyo duruufta deegaan iyo bulsho ee hadba ku meersan.
Ururrada Diiniga ah: KooxdaDacwah Salafiyah waxa ay gebi ahaanba ka soo horjeedaan in Muslimiinta laga dhex abuuro ururro diini/Islaami ah. waxa ay qabaan in dawladda jirta oo qudha loogu hoos ururo diin ahaan, laakiin aan koox ka sokeysa loo hoos tagin qaab diineysan. Qodobkani waa dhaliisha ugu weyn ee ay ku weeraraan ururrada kale; kuwa Salafiga ah iyo kuwa kaleba. Marka laga yimaaddo Salafiyada Jihaadiga ah, sida al-Shabaab, oo iyagu ah jabhad hubeysan, waxa uu qodobkani gaar u dhibaa ururrada Islaamiyiinta ee rayid ahaan u shaqeeya sida Ictisaam. Salafiyiinta Dacwaddu waa ay abaabulan yihiin aragti ahaan, laakiin uma nidaamsana urur ahaan,
Ugu danbeyn, dulucda khilaafkan u dhexeeya Salafiyiinta waxa lagu soo koobi karaa mid leh weji siyaasadeed, sida ay weligoodba u badnaayeen khilaafaadka u dhexeeya firqooyinku. Dhammaan qodobbada ay isku hayaan waa wejiga siyaasiga ah ee masalooyinkan iyo fasiraadaha dib laga curiyay. Kooxahani waa isku kutub iyo isku culimo, gaar ahaan waxii ka horreeyay sagaashaneeyadii. Waxa laga yaabaa in wadaadka ugu dambeeyay ee ka nool culimadii ka dhexeysay uu yahay Sheekh Saalax al-Fawsaan, arrintaas oo muujinaysa sida ay u yihiin koox uu khilaafkeedu yahay curdin, laakiin ay si weyn u bullaalisay siyaasaddu, gaar ahaan siyaasaddii Sucuudiga ee waxii ka dambeeyay Dagaalkii 2aad ee Khaliijka.