Skip to main content

Monday 13 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Sooyaalka Horumarka Hubka: Dhagax ilaa Robot

8 January, 2025
Image
Robot
Robot ay qori ku raran yahay (Getty images)
Share

Laga soo bilaabo markii aadamuhu dhagaxa u adeegsaday in uu isku difaaco ama uu ul ku ugaadhsado bakaylaha, waxa lagu baraarugay suuragalnimada in agabka innagu hareeraysan laga samayn karo hub, waxaana bilaabmay sooyaalka dheer ee hubka. Waa sooyaal laba weji leh; horumar iyo isbeddel, dhinaca kalena saamaynta awoodda millatari ku yeelatay sooyaalka aadamaha. Muddadaas aadamuhu hubka horumarinayey, aadamuhu waxa uu awoodday in uu deegaanka wax ka beddelo, awooddiisana ku fidiyo oo uu ilbaxnimo dhiso, dhinaca kalena hubku waxa uu sabab u noqday burbur laxaad leh oo khasaaro aadame leh. Sheekada sooyaalka hubku waa mid ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya aadamaha iyo xadgudubka halista ah, sababtoo ah horumarka hubka waxa garab socday burbur iyo xasuuq ba’an.

Casrigii Dhagaxa

Casrigaa uu aadamuhu adeegsan jiray dhagaxu waa bilawgii aadamaha. Waa xilligii ugu horraysay ee aadamuhu bilaabay adeegsiga agabka iyo samayntiisa. Xilligaas hubku waxa uu ahaa mid aad u hooseeya oo fudud, lagana sameeyo agabka kolkaas la helayey, sida dhagaxa, looxa iyo lafaha.

Muddadii hore ee casrigii Dhagaxa (laba milyan iyo lix boqol oo kun ilaa toban kun oo sano Miilaadiga ka hor) waxa soo ifbaxay hubkii u horreeyey sida gudmaha, waxaana loo adeegsan jiray difaaca nafta, ugaadhsiga iyo cunto diyaarinta. Dhammaadkii xilligan waxa Waqooyiga Afrika laga adeegsanayey leeb dhagax ah oo xayawaanka ka dili kara masaafo afartan mitir ah.

Muddadii dhexe ee xilligii Dhagaxa (toban kun ilaa siddeed kun oo sano Miilaadiga ka hor) waxa soo ifbaxay qaansada iyo leebabka qoryaha ah iyo agab laga sameeyo lafaha xayawaannada, xilligaasna waxa la bilaabay dhaqashada fardaha oo markii koowaad dooxooyinka Kasaakhistaan lagu dhaqdo, loona adeegsado dagaallada oo la sameeyo dagaalyahanno fardoolay ah. Dhammaadka xilligii Dhagaxa (siddeed kun ilaa afar kun oo sano Miilaadiga ka hor), oo ah xilligii la bilaabay beero falashada, dadkuna degeen jiinka webiyada, waxa la sii horumariyey gudmaha iyo middiyaha laga qoro dhagaxaanta, waxaana la bilaabay dubbayaasha dhagaxa ah iyo budadka dhirta laga qoro oo loo adeegsado tumidda hadhuudhka. Xilligeenan, aqoonyahanka degellada baadhaa waxa ay hubkan ka heleen meelo badan oo dunida ah.

Baroonsiga iyo xadiidka

Horumarka aadamuhu waxa uu keenay in dadku ka ilbaxaan dhagaxa, waxaana la helay macdanta sida naxaasta, oo laga samaystay hub cusub. Hase ahaatee isbeddelka u weyni waxa uu dhacay kolkii la helay baroonsiga iyo xadiidka. Daahfurkan cusubi waxa uu sababay isbeddel weyn oo hub samaynta ah, waxaana la adeegsaday hub bir ah. Isbeddelkani waxa uu gundhig u noqday dhisidda ilbaxnimooyinka iyo ballaadhinta ciidamada.

Casrigii Baroonsiga (Bronze) 

Saddex kun ilaa kun iyo labo boqol miilaadiga ka hor Aadamuhu waxa uu daahfuray baroonsiga, waxaana la soo saaray macdan ka adag naxaasta. Kolkan waxa la sameeyey hub noocyo kala duwan, sida seefaha, warmaha, gaashaanka iyo koofiyadaha baroonsiga ka samaysan, waxa kale oo la ikhtiraacay buudhiga fardaha lagu jiido oo lagu dagaal galo. Hubkani waa uu ka fududaa hubkii dhagaxa ka samaysnaa, waanu ka tayo badnaa, ilbaxnimooyinkii jiray sida tii Masar iyo Sumeeriyaanku, waxa ay yeesheen awood ciidan.

Casrigii Xadiidka (1200 sano Miilaadiga ka hor ilaa Qarniyadii Dhexe)

Kun iyo labo boqol oo sano Miilaadiga ka hor ilaa Qarniyadii Dhexe helitaanka xadiidku waxa uu udubdhexaad u noqday isbeddel weyn oo ku yimi sooyaalka aadamaha. Xadiidku waxa uu la gaar ahaa adkaanta iyo tayada sare oo ka dhigay waxa ugu habboon ee hub laga samayn karo. Hubkani waa waa uu ka adkaa baroonsiga, dagaalladuna waa ay ka waxyeello bateen sidii hore. Xilligan waxa horumaray qaababka dagaalka, Aashuuriyiinta ayaana soo saaray hub cusub oo dagaal iyo buudhiga fardaha ee lagu dagaal galo. Waxa xilligan la soo saaray aaladda manjaniiqa (aalad si xawaare sare leh u tuurta hubka lagu dagaal galayo).

Qarniyadii Dhexe

Ka dib xilliyadii Baroonsiga iyo Xadiidka, dunidu waxa ay gashay xilli cusub oo horumar weyn laga sameeyey hubka iyo dagaallada, waa Qarniyadii Dhexe. Xilligan Yurub waxa ay caan ku ahayd fardaha iyo gaashaanka lagu dagaal galo. Gaashaanka waxa laga samayn jiray xadiid iyo maqaar, waxaanu dabooli jiray gebi ahaan jidhka dagaalyahanka. Waxa kale oo xilligan la horumariyey seefo kala xajmi ah, warmo iyo qaansooyin. Wixii intaas ka dambeeyey waxa la sii horumariyey hubkii, waxaana la ikhtiraacay dabka loo yaqaano “Dabka Giriigga” oo lagu gubo doonyaha cadawga.

Xilliyadan waxa kale oo la horumariyey qalcadaha iyo gabbaadka dhufayska laga dhigto, waxaana garabsocday horumarinta manjaniiqa. Dhammaadkii xilligan Shiinuhu waxa uu ikhtiraacay baaruudda oo ay u adeegsadeen soo saaridda bambooyin iyo miinooyin bilaw ah oo ay kaga hortagayeen duullaankii Mangooliyaanka, waxa kale oo ay Shiinuhu ikhtiraaceen warmo dab leh, oo markii dambena bilaw u noqday madaafiicda. Warmahaas waxa ololin jiray baaruud la dhexgeliyey dhuunta qasabka (aala-sonkorka), waxaana loo gani jiray dhinaca cadawga. Waxa ku xigay soo ifbaxa hub baaruud ku shaqeeya, sida qoryo bilaw ah, dawladdii Mamaaliikta ayaana kolkii ugu horraysay dagaalkii Caynu Jaaluut ee 1260-kii ku adeegsatay madaafic gacanta laga tuuro iyo hub yaryar. Wixii intaas ka dambeeyey hubku waa uu sii horumaray, dhiigga dagaallada ku daataana waxa uu gaadhay heer aan hore loo arag.

Dunida cusub

Qarnigii 15aad waxa la ikhtiraacay rasaasta ka dhacda qoriga, qorigii u horreeyeyna waxa uu ahaa qoriga Faransiiska ah ee “Arquebus”. Waxa uu ahaa qori fudud oo degta la saari karo kuna shaqeeya baaruudda. Qarnigii 16aad waxa la soo horumariyey hubka baaruudda ku shaqeeya iyo adeegsiga qoryaha. Qarnigii 18aad, Kacaankii Warshaduhu waxa uu fududeeyey horumarinta hubka oo Yurub ka hanaqaaday. Waxa tusaale cad u ah dagaalkii dhexmaray Cusmaaniyiinta iyo Mamaaliikta oo ay Cusmaaniyiintu adeegsadeen madaafiic soo afjaray dagaalka, laguna soo afjaray awooddii Mamaaliikta.

Xilligan waxa la bilaabay adeegsiga gantaallada waxyeellada badan gaysta. Suldaankii Hindiya Faatix Cali waxa uu ku guulaystay in uu gantaallo kala hortago Ingiriiskii, kolkaasna Sir William Congreve ayaa hindisay gantaal loogu isaga loogu magacdaray. Sannadkii 1775-kii David Bushnell oo ahaa Maraykan ayaa hindisay markabkii ugu horreeyey ee biyaha quusa, hase ahaatee, si tayo leh uma shaqayn, lamana adeegsan, ilaa John Holland uu sannadkii 1876-kii horumariyey. Sannadadii xigay waxa la sii casriyeey qoryaha, sannadkii 1862-kiina waxa la soo saaray doonni dagaal oo gebi ahaan xadiid ku dahaadhanyahay.

Dagaalkii Koowaad ee Dunida

Dagaalkii Koowaad oo malaayiin dad ku baaba’een waxa uu horseeday hindisidda noocyo cusub oo hub ah, sida baybayga oo Ingiriiisku soo saaray, diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka, gaasta sumaysan iyo hub kiimiko ah.

Dagaalkii Labaad ee Dunida

Intii u dhaxaysay labadii dagaal ee caalamiga ahaa, kobcinta iyo hindisaadaha cusub ee hubku waxa ay ku socdeen xawaare sare, dalalka duniduna waxa ay ku tartamayeen hanashada hub la isku maquuniyo. Waxa ugu cadcaddaa hubka xilligan soo saariddii gantaallada balaastiga ah, gaar ahaan gantaalkii Jarmalku farsameeyey ee V-2, oo loo adeegsaday weerarkii London. Waxa se ugu caansanaa nukliyeerka oo uu Maraykanku u adeegsaday Japan, boqolaal kun ku dhinteen, kuwo kalena dhibbane u noqdeen, saamayntiisuna sannado badan sii socotay.

Sannadkii 1960-kii waxa shucaaca laysarka lagu soo daray hubka lagu dagaallamo, waxaana loo adeegsaday in lagu bartilmaameedsado gantaallada markii hore raadaarrada lagu qaban jiray. Sannadkii 1997-kii Maraykanku waxa uu tijaabiyey hub laysar ah oo lid ku noqon kara dayaxgaxmeedyada. 2002-dii waxa la sameeyey hub laysar ah oo qofka dhulka ugu tuuri kara iyada oo aan qofka la dilin.

Casriga tiknoolajiyadda iyo garaadka macmalka ah

Wakhtigan la joogo waxa horumar weyn laga gaadhay dhinaca hubka, tiknoolajiyadduna waxa ay kaalin weyn ka qaadatay in hub garaadka macmalka ah lagu jaangooyey la sameeyo. Waa gantaallo iyo bambooyin aad u horumarsan, laguna barogaraamiyo in bartilmaameedka si tayo sare leh u beegsadaan. Waxa kale oo bedka soo galay hub cusub oo ah hubka elektarooniga, waxaana barnaamijyo horumarsan loo adeegsan karaa in lagu weeraro hannaanka wada-xidhiidh ee dadka la beegsanayaa haystaan, meeshana ka saaraya iska warhaynta cadawga iyo wada xidhiidhkooda.

Casrigan waxa kale oo lagu baraarugay adeegsiga robodka dagaalka, oo awood u leh in ay si madaxbannaan u fuliyaan hawlgallo, waxa kale oo aad loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo loo adeegsado u kuurgalka goobta la rabo iyo fulinta weerarro cirka ah. Awoodda diyaaradahan waxa si weyn loo arkay dagaalkii Armiiniya iyo Asarbayjaan, iyo dagaalkii Yukrayn iyo Ruushka. Xilligan waxa kale oo horumar laga gaadhay hannaanka difaaca cirka oo aad loo adkeeyey, badanka dalalka duniduna waxa ay bilaabeen in ay soo saaraan hannaan difaac oo ay isku ilaaliyaan.

Oddoroska mustaqbalka

Muran kuma jiro in aadamuhu mustaqbalka isku deyi doonaan hanashada hub cusub oo halis hor leh sababa. Waxa jira walaac laga qabo wararka sheega in dedaallo badan lagu bixinayo soo saaridda robot ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo laga dhigo ciidan iyo hub iskii u dagaal geli kara, waxa kale oo lagu dedaalayaa hanashada hub lagu maamuli karo cimilada oo ujeeddooyin millatari loo adeegsan karo.

Sooyaalka dheer ee hubka, kana soo bilaabmay dhagaxa ilaa uu soo gaadhay robotku waa jid dheer oo adag oo uu garab socday horumar aadamuhu nolosha kale ka gaadheen, dhinaca kale se sabab u ahaa baaba’a iyo halaagga ku dhacay dad badan iyo dagaallo waaweyn.

Ugu dambayn, waxa suuragal ah in ay u garaabno hadalkii Einstein ee ahaa: “Ma ogi hubka aynnu ku dagaal geli doonno dagaalka saddexaad ee caalamiga ah, se waxaan hubaa in dagaalka afaraad aadamuhu dib ugu laaban doono ku dagaallanka dhagaxa iyo ulaha”.

 

Waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Saamaynta Doollarka Maraykanka