Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Sooyaalka Fanka Soomaalida

23 February, 2025
Image
fan
kooxdii Sheega band oo heeso casriya madal ka tumaysa 2001. (Xuquuqda Sawirka: Gordon Chibroski/Portland Press Herald via Getty Images)
Share

Qormadan oo aan cinwaan uga dhigay "Sooyaalka Fanka Soomaalida" waxaan rabaa in aan ku muujiyo facii horseedka u ahaa fanka Soomaalida iyo dadkii dhidibbada u taagay horumarkiisa, aqoontiisa iyo waxa-qabadkoodii naf-hurka lahaa. Waxaana muhiim ah in la xuso marxaladihii uu fanku soo maray, iyada oo laga duulayo kaydka iyo dhaxalka ay ka tageen oo aan si buuxda loo qorin ama dagaalladii dalka ka dhacay ay baabi’iyeen.

Hormuudkii fanka Soomaaliyeed waxay dheeraayeen dadkoodii ay la noolayeen wakhtigaa, iyaga oo isku darsaday kas, karti iyo dadaal laxaad leh, taas oo sababtay in muddo kooban lagu soo saaro fanka qiimaha leh oo dal iyo dibadba laga bogaadiyay. Jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabeen fanku wuxuu u suurtageliyey samir iyo adkaysi ballaaran, iyaga oo iska indhatiray sawaxanka bulshada iyo wax kasta oo caqabbad ku noqon karay hal-abuurkooda.

Waxaa lama huraan ah in la baadi goobo dhaxalkii ay ka tageen fannaaniintii hore, gaar ahaan wixii lagu kaydiyey afka, maanka, iyo xasuusta dadkii la noolaa waqtigaas, maadaama ay jiraan heeso iyo suugaan kale oo aan la duubin ama cajaladoodii luntay. Dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxay sababeen in la waayo kayd badan oo ahaa hanti qaran.

Cadan iyo Fanka 

Magaalada Cadan waxay ahayd meel ay ku noolaayeen dad ka soo kala jeeda isirro kala duwan. Waxaa lagaga hadli jiray luuqado kala jaad ah sida Carabida, Hindiga, Soomaaliga iyo Ingiriisida. Quruxda kala-duwanaanta dhaqamadaas ayaa magac weyn u yeeshay Cadan, kana dhigtay magaalo aan la illoobi karin.

Gumaystihii Ingiriiska wuxuu Cadan ka sameeyey horumar dhinacyo badan taabanaya, isagoo ujeeddadiisu ahayd hanashada quluubta dadka reer Cadan. Wuxuu dhisay dugsiyo waxbarasho, xarumo caafimaad oo casri ah, wuxuu xoojiyey marsada iyo adeegga dekedda, isagoo sare u qaaday kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, wuxuu kobciyey kaalinta warfaafinta isaga oo dhidibada u taagay idaacad markii ugu horreysay laga furay Cadan.

Idaacaddaas waxaa laga baahin jiray barnaamijyo kala duwan oo soo jiitay dhagaha dadka ku dhaqan Cadan iyo deegaannada ku xeeran. Codka idaacadda wuxuu keenay in dad badani is wayddiiyaan arrimo ay markii hore la yaabi jireen, iyo sida ay suurtagal ku noqotay in cod meel fog laga maqlo.

Bilowgii Fanka Soomaaliyeed

Idaacadda Cadan markii hore waxay baahin jirtay heeso Carabi iyo Hindi ah, balse ma jirin heeso Soomaali ah oo si rasmi ah looga sii dayn jiray. Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee joogtay Cadan waxay aad u xiiseyn jireen heesaha ajaanibta, maadaama aysan lahayn heeso muusig wata oo u gaar ah.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay dareemeen baahi weyn oo loo qabo in la helo heeso muusig leh, si looga baxo dhaqankii hore ee suugaantu ku koobnayd gabayo aan muusig wadan. Waxaa su’aalo badan laga keenay sababta Soomaalidu aysan u lahayn heeso muusig wata, taasoo dhalisay in dad badan ay go’aan ku gaaraan in la helo muusig Soomaali ah.

Doorkii Cabdillaahi Qarshe:

Cabdillaahi Qarshe, oo ahaa hal-abuurka ugu weyn fanka casriga ah ee Soomaalida, wuxuu dareemay baahida loo qabo heeso muusig wata oo Soomaali ah. Isaga oo markaas ku noolaa Cadan, wuxuu aad u xiisayn jiray heesaha Idaacadda Cadan ka baxayay ee Carabiga iyo Hindiga ahaa. Dhallinyaradii Carabta iyo Hindida ee la dhigan jirtay waxay marar badan wayddiin jireen: “Soomaalidu heeso ma leedahay?” Taasi waxay ku abuurtay dareen xooggan iyo damqasho.

Cabdillaahi Qarshe wuxuu go’aansaday in uu barto tumista muusiga, sidaas darteedna wuxuu iibsaday gitaar. Markii uu wax ka bartay Cadan, wuxuu u safray Hargeysa, halkaas oo uu la kulmay fannaaniin Soomaaliyeed oo horey ugu guda jiray hal-abuurka suugaanta, sida Cabdi Deeqsi (Silimo), Khadiija Balwo iyo Ibraahim Garabyare.

Hargeysa waxay ahayd magaalo ay ku kulmaan dhaqamo kala duwan. Waxaa ku sugnaa Carab, Hindi, iyo Soomaali, taasoo fududaysay in la isku dhex-yeelo aqoonta curinta muusiga iyo suugaanta. Cabdillaahi Qarshe wuxuu bartay tumista kabanka isaga oo ka faa’iidaystay farsamo-yaqaanno Carab ah oo ku xeel-dheerayd muusiga.

Cabdillaahi Qarshe wuxuu ahaa qof fursad kasta ka faa’iidaysta. Wuxuu helay tababbar dhamaystiran oo ku saabsan tumista qalabka muusiga, isaga oo wax ka bartay farsamo-yaqaannadii Hindiga iyo Carabta. Wuxuu si qoto dheer u fahmay kala duwanaanshaha codadka muusiga Carabta, Hindiga, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga.

wuxuuna ogaaday in codadka Soomaaligu ay leeyihiin dhawaqyo gaar ah oo ka duwan kuwa Carabta iyo Hindida. Markii uu si fiican u bartay muusiga, wuxuu go’aansaday in uu hees Soomaali ah curiyo, taasoo ahayd tii ugu horreysay ee muusig casri ah leh.Cabdillaahi Qarshe wuxuu lahaa faham ballaaran oo dhanka luuqadaha ah, maadaama uu yaqaanay Soomaaliga, Carabiga, Sawaaxiliga iyo Ingiriisida. Wuxuu ogaaday in afka Soomaaligu leeyahay codad u gaar ah oo kala duwan, taasoo ka dhigtay in uu ka sooco codadka kale. Waxaanu curiyey heestii u horraysay ee muusig wadata.

Dadkan dhawaaqayaa

Dhulkooda doonayaa

Haday u dhiidhiyeen

Allahayow u dhiib

Waxan la dhuubnahe

Jidhkayga dhaawacay

Idiin dhamaynayaa

Dhago ma leedihiin

Mise dada dhoohanoo

Dhagaysan waanadoo

Warkaygu dhaafayoo

Dhufaanabaad tihiin

Dhurwaaga meerayaa

Habeenka uu dhacuu

Dhacamo jiidhayaa

Dharag ayuu fishaa

Dhurdaha duulayaa

Dhirtu daloshadu

Malabkaa uu dhirtu

Jilaalka dhuunyadaa

Dadkan dhawaaqayaa

Dhulkooda doonayaa

Hadhay u dhiidhiyeen

Allahayow u dhiib

Dhaqamada kala duwan ee uu Qarshe bartay waxay u suurtageliyeen in uu kala saaro dhawaa qyada muusiga, isbarbar dhigo, oo uu fahmo kala-duwanaanta luuqadaha. Aqoontiisu waxay ku salaysnayd barashada hal-xidhaalaha iyo sheeko-xariirta, taasoo ka caawisay in uu si xeel dheer u fahmo luuqadaha uu la barbardhigayay afka Soomaaliga.

Cilmiga isbarbardhiga luuqadaha, oo soo ifbaxay qarnigii 18-aad, wuxuu gundhig u noqday ogaanshaha kala duwanaanta dabeecadaha luuqadaha iyo dhaqamada ummadaha. Sidaas darteed, fahamka Qarshe ee cilmigan wuxuu ka dhigay hal-abuur leh aragti dheer oo uu fanka Soomaaliyeed ku kobciyay.

Markii la gaaray maalintii taariikhiga ahayd, Cabdillaahi Qarshe wuxuu qaaday heestii ugu horraysay ee la tumay: “Kaana siib, kanna saar” taasoo noqotay bilowgii fanka casriga ah ee Soomaaliyeed.Fanka Soomaaliyeed wuxuu horumar ballaaran sameeyay tan iyo waagii Cabdillaahi Qarshe. Waxaa la yagleelay kooxo waawayn, sida Waaberi, kuwaasoo sii xoojiyay suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed, isaga oo ka maarmay in uu wax ka ergisto dhaqamada kale.Fanku waa astaan qaran, waana qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Cabdillaahi Qarshe wuxuu laf-dhabar u noqday horumarka fanka casriga ah ee Soomaaliyeed, isagoo xudun u noqday suugaanta codka leh ee muusiga Soomaaliyeed. Suugaanta uu curiyay waxay dhaxal u noqotay jiilal badan, halkaasoo fanku ka noqday mid qaran ahaan loo ilaaliyo, loona horumariyo

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Cilmiga Awaala Sheegga iyo Soomaalida