Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Sooyaalka Dhabta ah ee Carro-edegaynta (Globalization)

16 August, 2025
Image
Sooyaalka Dhabta ah ee Carro-edegaynta  (Globalization)
Share

30-kii Juun 1997-kii, waxa Hong Kong si rasmi ah Shiinaha dib ugu gacan geliyey badhasaabkeedii Ingiriiska ahaa ee u dambeeyay, Christopher Patten. Qaar badan oo dadka wax faalleeya ee Ingiriiska ah ayaa walaac ka muujiyey mustaqbalka dimuqraadiyadda Hong Kong, marka ay hoos tagto Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, in kasta oo doorashooyinka dimuqraaddiga ah ee Hong Kong la oggolaaday goor dambe oo 1994-kii ah oo noqonaysa 152 sannadood kaddib bilowgii taliska Ingiriiska iyo saddex sannadood uun ka hor xilligii wareejintu qorshaysnayd. Hase yeesho e, waxa ay u muuqataa in aanu qofna xusuusan sida ay Hong Kong marka horeba Ingiriiska ugu gacan gashay.

Hong Kong, wax ay noqotay dhul Ingiriisku gumeysto, kaddib Heshiiskii Nanking ee 1842-kii, kaas oo ka dhashay Dagaalkii Obiyam (maandooriye). Dhacdadani, gaar ahaan, waxa ay ahayd mid ceeb miidhan ah, xataa marka lagu qiimeeyo heerarka gumeysigii qarnigii 19aad. Dhadhanka iyo adeegsiga shaaha ee Ingiriiska ee sii kordhayey waxaa ka dhashay dhinnaan ganacsi (trade deficit) oo baaxad leh oo uu la galay Shiinaha. Iskudday quus ah oo uu Ingiriisku sameeyay, si uu u buuxiyo dhinnaanshahaas, ayaa uu bilaabay in uu u dhoofiyo Shiinaha obiyam Hindiya lagu soo saaray. Xogta ah in iibinta obiyamku ay sharcidarro ka tahay Shiinuhu ma ahayn mid la oggolaanayo in ay is hortaagto ujeeddada sharfan ee ah dheellitirka xisaabta isdhaafsiga ganacsiga. Markii uu sarkaal Shiine ahi gacanta ku dhigay rar sharcidarro ah oo obiyam ah, sannadkii 1841-kii, dawladda Ingiriisku waxa ay dhacdadan ka dhigatay marmarsiiyo ay si buuxda ugu soo afjari karto dhibaatadan, waxana ay ku dhawaaqday dagaal. Shiinaha, si aad ah ayaa dagaalka loogaga adkaaday, waxaana lagu khasbay in uu saxeexo Heshiiskii Nanking kaas oo uu Shiinuhu kaga kireeyay Ingiriiska Hong Kong, isla markaana kaga tanaasulay xuquuqdiisa waajibinta tacriifadda.

Sidaas ayaa uu xaalku noqday – hoggaamiyihii is cumaamaday ee dunida xorta ah ayaa dal kale dagaal ku oogay, sababta oo ah dalkani waxa uu is hor taagay ganacsigiisa sharcidarrada ah ee maandooriyaha. Runtu waxa weeyi, isu socodka xorta ah ee alaabta, dadka iyo lacagta ee ku hirgalay hoggaamintii Ingiriiska, intii u dhaxaysay 1870-kii ilaa 1913-kii – wejigii koowaad ee carro-edegaynta – waxaa in badan suuragalisey awood milatari ee ma ay suuragalin awoodo sayladeed. Marka Ingiriiska laga yimaaddo, cidda ganacsiga xorta ah ku dhaqmaysay xilligani badi waxa ay ahaayeen dalalka itaalka daran ee lagu khasbay, ee aan iyagu doonistooda ku qaadan, iyada oo la adeegsanayo talis gumeysi ah ama heshiisyo aan loo sinnayn (sida Heshiiskii Nanking), kaas oo iyada oo arrimo kalena weheliyaan ka hor joogsaday xaqqa ay ku waajibinayaan tacriifadda, waxaana lagu soo rogayey tacriifad hoosaysa isla markaana heer siman ah (3-5%) oo dibedda lagu go’aamiyey.

Marka laga yimaaddo kaalintoodii muhiimka ahayd ee faafinta ganacsiga xorta ah, dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo horraantii kii 20aad, gumeysiga iyo heshiisyada aan la sinnayn inta badan laguma xuso buugaagta tirada badan ee taageersan carro-edegaynta. Xataa marka si toos ah looga hadlo kaalintooda, waxaa si guud loo arkaa mid togan. Taariikhyahankii reer Ingiriis ee Niall Ferguson buuggiisa aadka loogu bogay ee Empire waxa uu ku diiwaangeliyey wax badan oo ka mid ah gefafkii boqortooyada Ingiriiska oo uu ku jiro Dagaalkii Obyamku. Ha se ahaato e, waxa uu ku adkaystay in boqortooyada Ingiriisku si guud ay ahayd wax wanaagsan – waxa lagu doodi karaa in ay ahayd sida ugu kharashka yar ee loo dammaanad qaadi karo ganacsiga xorta ah, kaas oo cid walba waxtar u leh. Si kastaba ha ahaato e, dalalkii gumeysiga ku jiray iyo kuwii heshiisyo aan loo sinnayn galayba aad ayaa ay u liiteen. Intii u dhaxaysay 1870-kii ilaa 1913-kii, dakhliga qofka ee Aasiya (marka Jabaan laga reebo) waxa uu sannadkii kobcayey 0.4%, halka uu Afrika ka kobcayey 0.6% sannadkii. Tirada tan u dhiganta ee Galbeedka Yurub waxa ay ahayd 1.3% sannadkii, halka ay Maraykanka ka ahayd 1.8% sannadkii. Arrinta xiisaha leh ee u baahan in la xusaa waxa ay tahay midda Koonfurta Ameerika oo xilligaa madaxbannaani u heshay dejinta tacriifadda dhoofinta, sidoo kalena soo rogtay qaar ka mid ah tacriifadaha ugu sarreeya adduunka oo dhan, oo islajeerkaasna uu dakhliga qofku ku kobcayey xawaare la mid ah midka Maraykanka ee xilligan.

Markii ay ganacsiga xorta ah dusha kaga keenayeen dalalka itaalka yar, iyaga oo adeegsanaya gumeysi iyo heshiisyo aan loo sinnayn, dalalka hodanka ahi waxa ay, iyagu, adeegsan jireen tacriifado sarreeya, gaar ahaan tacriifadaha warshadaha, sida aynu faahfaahinta ku arki doonno cutubka soo socda. Aynu ku bilowno e, Ingiriiska oo loo haysto hoyga ganacsiga xorta ah waxa uu ahaa mid ka mid ah dalalka ugu ilaalinta badan ilaa markii uu u baydhay ganacsiga xorta ah, badhtamihii qarnigii 19aad. Waxa jirtay muddo kooban oo ah 1860nadii ilaa 1870nadii oo uu wax u dhow ganacsi xor ahi ka jiray Yurub, gaar ahaan tacriifadaha oo eber ahaa Ingiriiska. Si kastaba ha ahaato e, xilligani waxa uu noqday mid muddo yar jiray. Laga bilaabo 1880nadii, badi dalalka reer Yurub waxa ay dib u hirgeliyeen derbiyadii ilaalinta ahaa, sababtuna, qayb ahaan, waxa ay ahayd si ay beeralaydooda uga ilaaliyaan raashinka jaban ee laga keenayo Dunida Cusub, qayb ahaanna waxa ay ahayd in ay faafiyaan warshadohooga cusub ee soo ifbaxaya sida xadiidka, kiimikada iyo mishiinnada. Ugu dambayn, xataa Ingiriiska oo,  sida aan tilmaamay, ahaa nashqadeeyaha ugu weyn ee mawjaddiii koowaad ee carro-edegaynta, waa uu ka guuray ganacsigii xorta ahaa waxaana uu dib u hirgeliyey tacriifado, 193- kii. Sooyaalka rasmiga ahi waxa uu dhacdadan ku qeexay Ingiriiska oo uu ka xoog batay rabitaanka tijaabinta siyaasadaha ilaalinta ku dhisan. Ha se ahaato e, waxa uu sooyaalkani ku guuldarraystay in uu sheego in sababtu ahayd hoosudhaca sarrayntii dhaqaale ee Ingiriiska, taas oo ka dhalatay guusha siyaasadaha ilaalinta ku dhisan ee dalalkii tartanku ka dhaxeeyay, gaar ahaan Maraykanka, ee hirgelinta warshado cusub oo ay iyagu leeyihiin.

Sidaa awgeed, sooyaalka carro-edegayntii koowaad ee dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo horraantii kii 20aad dib ayaa loo qoray maanta, si loo waafajiyo caqiidada libaraaliyada cusub ee hadda. Sooyaalka siyaasadaha ilaalinta ku dhisan ee dalalka maanta hodanka ah aad ayaa hoos loogu dhigaa, halka in heerka sarreeya ee isdhexgalka adduunka dhinaca dalalka maanta soo koraya oo uu asal ku leeyahay gumeysigu ay adag tahay in, xataa, la xuso. Dhacdada u dambaysa sooyaalkan – ee ah kaguuritaanka Ingiriiska ee ganacsiga xorta ah – iyana waxa loo soo gudbiyaa si eexi ku jirto. Waa dhif in la xuso in sababta Ingiriiska ku kelliftay in uu ganacsiga xorta ah ka guuro ay, sida muuqata, ahayd sida guulaysatay ee ay dalalka tartanku ka dhaxeeyay u adeegsadeen siyaasadaha ilaalinta ku dhisan.

Qoraalkan waxa aan ka soo qaatay buugga uu ciwaankiisu yahay “Samafalayaasha Xun: Sooyaalka Qarsoon ee Hantigoosiga iyo Dalalka Hodanka ah” oo aan turjumaaddiisa af-Soomaaliga ah soo saaray sannadkii 2024kii.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Facii Jaad-goonnida ahaa: Galaydh, Maygaag iyo Buubaa