Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Sooyaalka Dabbaaldegga Dhalashada Nebiga

10 December, 2024
Image
mawliid
Wiil yar oo kor u haya warqad labada ashahaado ku qoran yihiin, xilli shalay oo Axad ahayd la xusayay dhalashada nebiga, Gabiley, Somaliland
Share

Billowga bisha Rabiicu al-Awal, muslimiinta dunida oo dhammi waxa ay u diyaar garoobaan u dabbaaldegidda dhalashada Nebiga (NNKH), iyaga oo debbaaldeggaas ku cabbiraya jacaylka ay u qabaan Nebiga. Waxa ay diraaseeyaan sooyaalkiisa, dhaqankiisii, waxaanay sameeyaan kulanno ay ku ammaanayaan. Hase ahaatee, markasta oo debbaaldeggan yimaaddo waxa dhasha dood weyn oo wax la isaga weydiiyo debbaaldegga, waxaana jira qolo aaminsan in debbaaldeggaasi yahay wax aan sal iyo raad ku lahayn diinta.

Ma jirto caddayn Quraanka ama xadiiska ku jirta oo xusaysa u debbaaldegga dhalashada Nebiga. Hase ahaatee, waxa jira xadiis loo soo qaato in uu tilmaamayo. Sida uu saxaabiga Abuu Qataada sheegayo, “Nebiga waxa la weydiiyey sababta uu u soomo maalinka Isniinta, markaas ayaa uu yidhi: waa maalinkii aan dhashay, waana maalinkii waxyiga la igu soo dejiyey”. Culimada qaar ka mid ah ayaa banneeyey in dhalashadiisa loo dabbaaldegi karo iyaga oo daliishanaya xadiiskan ka soo arooray Nebiga.

Culimadaas waxa ka mid ah Jalaaluddiin al-Suyuudi, oo si weyn u difaacay sharcinnimada iyo bannaanida u debbaaldegga dhalashada Nebiga. Suyuudi waxa uu buuggiisa “al-Xaawi lil-Fataawa” kusoo qaatay dhalashada Nebiga, waxaana uu u jawaabay sheekha Taajuddiin Cumar binu Cali alla-Khami, kaas oo ku caan ahaa al-Faakihaani. Wadaadkani waa mid ka mid ah culimadii mad’habka Maalikiyada, oo ku adkaystay in u dabbaaldegidda dhalashada Nebigu tahay wax aan sal lahayn.

Suyuudi waxa uu leeyahay: “Dhalashadiisu [Nebiga] waa nimcada ugu weyneyd, dhimashadiisuna waa murugadii ugu weyneyd, shareecaduna waa ay dhiirrigelisay in nimcada lagu mahadiyo, laguna samro dhibaatooyinka. Sharcigu waxa uu ina faray in marka ilmuhu dhasho loo wanqalo, oo farxad la muujiyo, marka qof dhintana waa la diiday in baroor iyo argagax la muujiyo. Haddaba, waxa cad in bishan la muujin karo farxadda dhalashadii Nebiga”. 
Haddaba, goorma ayaa dabbaaldegga dhalashada Nebigu billaabmay? Sababma ayaynaan dabbaaldegyadan u arag bilawgii Islaamka?

Ma jirto maalin la isku raacsanyahay in uu Nebigu dhashay. Se, sida ay u badanyihiin culimada Sunnigu, dhalashadiisu waxa ay ku beegantahay 12-kii Rabiicu al-Awal. Waxa tixraac u ah Siirada Ibnu Hishaam, oo xusay in dhalashada Nebigu ahayd sannadkii “Maroodiga”, 12-kii Rabiicu al-Awal. Balse taariikhyahanka al-Balaaduri waxa uu buuggiisa “Ansaab al-Ashraaf” ku xusay dhawr maalmood waxaanu yidhi: “Nebigu waxa uu dhashay sannadkii “Maroodiga”, maalin isniin ah, tobankii Rabiicu al-Awal, waxa kale oo la yidhi 2-dii Rabiicu al-Awal, waxa kale oo la sheegay 12-kii Rabiicu al-Awal”.

Culimada Shiicadu sida ay u badanyihiin waxa ay aaminsanyihiin in uu dhashay 17-kii Rabiicu al-Awal. Waxa ka mid ah culimadaas wadaadka weyn ee al-Majlasi, oo buuggiisa weyn ee “Bixaar al-Anwaar” ku yidhi: “Culimada aannu soo gaadhnay waxa ay isku raacsanaayeen in dhalashada Nebiga ee weyni ay ahayd maalin jimce ah, 17-kii Rabiicu al-Awal sannadkii Maroodiga”.

Haddaba, waxa la isku waafaqsanyahay uun in uu bisha Rabiicu al-Awal ee sannadkii “Maroodiga” uu dhashay, waana arrinka sababta u ah dabbaaldegyo kala duwan oo bishaas gudaheeda ah.

Sababma ayaanay Muslimiintii hore ugu dabbaaldegin dhalasha Nebiga?

Doodda ku kala duwanaanta sharcinnimada u dabbaaldegga dhalashada Nebigu waxa ay sannad kasta soo laabataa bisha Rabiicu al-Awal, gaar ahaan baraha bulshada. Markasta oo dooddaasi soo cusboonaatana waxa dib la isku weydiiyaa weydiinta ah: haddii dabbaaldeggani sharci yahay, sababma ayaanay muslimiintii hore ugu dabbaaldegin dhalashada Nebiga? Si weydiintan looga jawaabo, waxa habboon in la faahfaahiyo waxa looga jeedo muslimiintii hore, oo loo kala qaado saddex xilli; xilligii Khulafada, xilligii dalwadda Umawiyada iyo xilligii dalwadda Banii Cabbaas.

Haddii aynnu ku billawno xilligii Khulafada, waa xilli u dhawaa noloshii Nebiga, dadkii xilligaas noolaa badankoodu Nebiga waa ay arkeen, waxaanay u raaceen dagaallo, dhacdooyin kalena waa ay la mareen. Haddaba, u dhawaanshaha xilligani nolosha Nebiga u dhowaa awgeed, uma ay baahnayn in ay xusaan dhalashada Nebiga. Waxa intaas dheer caqabbadihii saxaabadu la kulmeen ka dib geeridii Nebiga, iyaga oo ku mashquulay ilaalinta dawladda curdinka ahayd ee Nebigu ka geeriyooday, Carab badan oo xilligaas soo islaamay ayaa ka noqday diinta heer beelaha intii badnayd dib uga laabteen diintii marka laga reebo kuwii degaanka ku ahaa Maka, Madiina iyo Daa’if. Waxa xigay furashooyinkii bilaabantay oo socotay ilaa xilligii Cismaan binu Cafaan. Arrinka saddexaad ee saxaabada mashquuliyey waa dagaalladii sokeeye ee ka dhex dhacay muslimiinta ka dib dilkii Cismaan sannadkii 35-kii Hijriga. Waa dagaalkii socday ilaa uu Xasan binu Cali la heshiiyey Mucaawiya binu abii Sufyaan, oo uu maamulka ku wareejiyey sannadkii 41-ka ee Hijriga.

Marka loo yimaaddo dawladda Umawiyiinta, sababaha ka mashquuliyey xuskani waa kuwo kala duwan. Marka koowaadba, dawladdani (khilaafah) waxa ay la daalaadhacaysay tashuush lagu furay sharcinnimadeeda, waxaanay dagaal joogto ah kula jirtay Haashimiiyiintii. Waxa ay ku mashquulsanayd in ay ka takhallusto nooc kasta oo kacdoon ah oo uga yimaadda dhinaca reer banii Haashim, waxaana ugu weynaa kacdoonka inankii uu Nebigu awoowga u ahaa ee Xuseen binu Cali.

Sida ay Busayna bintu Xuseen ku xustay buuggeeda “Dawladdii Umawiyada iyo Tiirarkeedii Aydhiyoolajiyadeed iyo Bulsheed”, kacdoonka Xuseen binu Cali waxa uu wiiqayay sharcinnimada dawladda umawiyada, waxaana loo arkayay dad Islaamka ku cusub oo ah dadkii Islaamka soo galay maalinkii Nebigu Maka soo galay, oo ay yihiin dadkii Nebigu iska saamaxay ee aan dhibtii ay bilawgii Islaamka ay u gaysteen loo qabsan, se Xuseen binu Cali uu ku abtirsado gurigii Nebiga. Waxa ay Busayna buuggeeda ku xusaysaa in madaxdii kala dambaysay ee Umawiyiintu ay hoos u dhigi jireen xuska Nebiga oo aanay khudbadahooda kusoo qaadan jirin.

Buugaagta taariikhda qaarkood waxa ay qirayaan in cayda iyo dhaliisha Cali binu abii Daalib laga caadaystay minbarrada dawladda Umawiyada, oo dhaqan laga dhigtay tan yo billawgii dawladdaas ee sannadkii 41-kii Hijriga. Waa dhaqan socday ilaa ugu dambayn Cumar binu Cabdicasiis faray in dhaqankaas la joojiyo markii uu talada qabtay sannadkii 99-kii Hijriga.

Markaa waxa is weydiin leh sida dawlad qaabkan ula dhaqantay qoyska Nebigu u samayn karto dabbaaldegga dhalashada Nebiga. Iyada oo sharcinnimada dawladdoodu aanay cago adag ku taagnayn, waxa suuragal ah in ay aaminsanaayeen in xuska dhalashada Nebigu muslimiinta kale ku abuurayso dareenka ah in qoyska Nebigu “Aalu Baytka” xaq u leeyihiin talada, arrinkaasna ka dhalan karaan kacdoonno, oo ah waxa ay ugu dambayn dawladdaas Umawiyiintu ku duntay sannadkii 132-kii Hijriga.

Marka loo yimaaddo dawladdii Cabbaasiyiinta, madaxdii dawladdaasi waxa ay ilmaadeerradoodii Calawiyiinta ahaa u arkayeen dadka keli ah ee loollanka kula jira, sidaas darteed waxa ay ula dhaqmeen sidii Umawiyiinta oo kale, qof kasta oo Calawi ah oo laga shakiyo in uu dawladdaas dagaal kula jiro waa la xabisayay, la dabagalayay oo la khaarajinayay (Calawiyadu waa abtirsiin ku aroorta Cali binu abii Daalib). Abii Faraj al-Asfahaani waxa uu buuggiisa “Muqaatil al-Daalibiin” ku xusayaa tiro badan oo Calawiyiin ah oo ay dawladdii Cabbaasiyiintu dishay; qaar lagu dilay sun, xabsi ama kacdoon fashilmay oo qofkii hoggaaminayey qudha laga jaray.

Kacdoonnadaas waxa ugu caansan kacdoonkii Muxammad binu Cabdilaahi oo dhacay xilligii Abuu Jacfar al-Mansuur, sannadkii 145-kii Hijriga, iyo kacdoonkii Xuseen binu Cali binu Xasan binu Xasan oo dhacay xilligii Muusa al-Haadi, sannadkii 196-kii Hijriga. Labada kacdoonba waa ay fashilmeen, labada hoggaamiye iyo dadkii raacsanaana waa la dilay.

Sidaas darteed waxa jiray sababo dhawr ah oo aanu u jirin dabbaaldegga dhalashada Nebigu xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta, waxaana ugu weynaa cabsida laga qabay in aanay xoogaysan Calawiyiinta iyo dadka ku abtirsada qoyska Nebigu, gaar ahaan dadkan oo taageerayaal badan sii yeelanayay marba marka ka dambaysa.

Faadimiyiinta iyo dhalashada Nebiga

Dawladdii Faadimiyiintu waxa ay dedaal dheeraad ah galiyeen dabbaaldegyada oo ahaa wax si gaar ah loogu xasuusto, sida buugaagta taariikhdu xusayso, dabbaaldegyadaas oo ku tilmaannaa weyneyn iyo ku kharash garaynta xoolo badan. Taariikhyahankii al-Mamluukii buuggiisa “al-Nujuum al-Saahira fii Muluuki Misra wal-Qaahira” waxa uu debbaaldegyadaas aasaase uga dhigay madaxweynihii al-Mucissu Lidiinillaah, oo uu ku sheegay ninka jideeyey dabbaaldegyadaas.

Dawladdaas Faadimiyiintu waxa ay dejisay dabbaaldegyo badan oo sannadka oo dhan ah, waxaana ugu muhiimsanaa debbaaldegga billawga sannadka Hijriga, ciidda Fidriga, Adxada, maalinka al-Caashuuraa, xuska dhalashada Nebiga, xuska dhalashada Faadumo, xuska dhalashada Cali binu abii Daalib, dhalashada Xasan binu Cali, dhalashada Xuseen binu Cali, dhalashada madaxweynaha dawladda ee markaas talinaya, bilashada bisha Ramadaan, kala badhka bisha Shabcaan iyo debbaaldegyo kale oo badan.

Maxaa keenay dabaadelgyadan tiradabadan?

Dhalashadii dawladda Faadimiyiinta ee sannadkii 297-kii waxa weheliyey shaki la geliyey nasabka (abtirsiinta) madaxda Faadimiyiinta oo ilaa maanta laga doodo. Faadimiyiintu waxa ay ku abtirsideen Ismaaciil binu Jacfar al-Saadiq oo Cali binu abii Daalib gala, sidaas darteed waxa ay isku magacaabeen “al-Ismaaciiliya”. Sida uu ku xusayo taariikhyahanka Taqiyuddiin al-Miqriisi buuggiisa “al-Mawaacid wal-Ictibaar”, dadku waxa ay u qaybsameen laba kooxood; koox aqbashay abtiirsanta ay sheegteen iyo koox si adag u diiday.

Dawladdii Cabbaasiyiintu waxa ay la jirtay kooxda diiday abtirsiinta Faadimiyiinta, sababtoo ah Faadimiyiintu waxa ay qabsadeen dhul ballaadhan oo ay Cabbaasiyiintu markii hore haysteen, sida Masar, Shaam, Marooko, labada Xaram iyo Yaman.

Cabbaasiyiintu markaa waxa ay adeegsadeen duridda abtirsiinta Faadimiyiintu sheegteen. Waxa tusaale ah dhacdada imaam al-Dahabi ku sheegay buuggiisa “Siyar Aclaam al-Nubalaa”, oo ah in khaliifkii Cabbaasiyiinta ee xilligaas, al-Qaadir Billaah, uu isugu yeedhay koox culimo iyo garsoorayaal ah, oo uu faray in ay qoraan qoraal shaki gelinaya abtirsiinta Faadimiyiinta, abtirsiintoodana lagu arooriyo qof Yahuudi ah, meeshana laga saaro abtirsiintooda Cali binu abii Daalib.

Xilligaas debbaaldegyadu aad bay muhiim ugu ahaayeen Faadimiyiinta, sababtoo ah cadawgooda ayaa ay u caddaynaysay in ay tahay dawlad dhaqaale badan haysata, iyada oo xafladahaas adduun badani ku bixi jiray. Waxa kale oo Faadimiyiintu isku dayayeen in ay bulshada ku soo jiitaan, kuna beerlaxawsadaan jacaylka qoyska Nebiga, waxa intaas dheeraa in ay debbaaldegyadaas dadka lacago ugu qaybin jireen si ay u hantaan.

Faadimiyiinta iyo u xuska dhalashada Nebiga

Dawladdii Faadimiyadu waa dawladdii ugu horraysay ee u dabbaaldegta dhalashada Nebiga. Ka dib markii ay Masar degtay ee ay Qaahira dhiseen caasimadna ka dhigteen, waxa ay jideeyeen debbaaldegyo badan oo aad u weyn, heer khaliifka talinayaa ka soo qaybgeli jiray debbaaldegga.

Buugaagta taariikhdu waxa ay soo weriyeen qaabab kala duwan oo debbaaldegyo iyo u diyaargarawga xafladahaas ahba. Tusaale ahaan qasriga madaxtooyada waxa lagu diyaarin jiray cunto iyo macmacaan badan, waxaana loo qaybin jiray dadka, waaxda arrinkaas ku shaqo lehna waxa la odhan jiray “Daaru al-Fidra”. Waa qayb ka masuul ah diyaarinta sonkorta, malabka, sacfaraanka, cadarrada, daqiiqda iyo wax kasta oo kale oo cunto iyo macmacaanku u baahanyihiin. Cuntadaas iyo macmacaankaas waxa loo qaybin jiray sida al-Maqriisi xusayo, sida uu ibnu al-Ma’muun ku sheegayo buuggiisa “Akhbaaru Misr”, waxa cunnadaas qiimaheedu gaadhi jiray sannadkii 517-kii Hijriga, lix kun oo dirham.

Sida uu ibu al-Duwayr ku xusayo buuggiisa “Nus’hat al-Muqlatayn fii Akhbaari al-Dawlatayn”, debbaaldegyadu waxa ay bilaabmi jireen salaadda duhur ka dib, waxaana hor kici jiray madaxda dawladda oo uu ugu horreeyo qaaddiga u weyni, waxaana socodka lagu gaadhi jiray Jaamic al-As’har oo halkaas lagu dhegaysan jiray khatimka Quraanka, ka dib waxa loo jihaysan jiray dhinaca qasriga madaxtooyada si loo soo arko khaliifka, oo wejigiisa oo keli ah laga arki jiray daaqad, intaas ka dib waxa la akhriyi jiray aayado Quraan ah. Ka dib waxa masaajidda Qaahira laga akhrin jiray khudbado lagaga warramayo siirada Nebiga iyo mucjisooyinkiisii, khudbaddaasna waxa lagu soo xidhi jiray in khaliifka loo duceeyo, ka dibna waxa la xidhi jiray daaqaddii khaliifku dadka kasoo eegayay, waxaana sidaas kusoo dhammaan jiray debbaaldegga.

Tixraacyadu waxa ay ku gaabsadeen soo werinta debbaaldegga rasmiga ah ee ay dawladdu qabato, se may soo werin debbaaldegyada gaarka ah ee bulshadu qabsan jireen, sida debbaaldegyada suuqa laga sameeyo, gaar ahaan suuqa al-Xalaawiin oo uu Maqriisi sheegayo in suuqaas diyaargaraw weyn laga samayn jiray, xalwadaha suuqaas yaallana loo samayn jiray qaabab farshaxamaysan; xalwado loo ekaysiiyey xayawaanno kala duwan sida fardo ama bisado. Debbaaldegyada dhalashada Nebigu joogto may ahayn xilligii Faadumiyiinta, oo marar badan waxa loo joojiyey sababo kala duwan, sida in mar wasiirkii al-Afdal binu Badar al-Jamaali meesha ka saaray xusas dhalasho oo xuska dhalashada Nebigu ka mid yahay, xilligaas oo muddo dheer la joojiyey ilaa dadku illaaween, se waxa markii dambe soo celiyey khaliifkii al-Aamir bi Axkaamillaahi sannadkii 517-kii Hijriga.

Xuska dhalashada Nebiga ee Dawladihii Ayuubiya Mamluukiya iyo Cusmaaniyada

Ka dib markii ay dhacday dawladdii Faadimiyiintu sannadkii 567-kii Hijriga, xukunka waxa mar kale qabtay Sunniga, dedaalkaasna waxa lahaa Salaaxuddiin al-Ayuubi oo ahaa wasiirkii u dambeeyey ee Faadimiyiinta. Markii uu Masar qabsaday waxa uu bilaabay in uu baabi’iyo tilmaamihii ay ka tageen Faadimiyiintu, waxaana ugu muhiimsanaa debbaaldegyadii. Sida uu Abu Shaama ku xusayo buuggiisa “al-Rawdatayn fii Akhbaari al-Dawlatayn al-Nuuriya wal-Salaaxiya”, Salaaxuddiin waxa uu meesha ka saaray weedha “xaya calaa khayril camal” oo eedaanka lagu daray. Sidoo kale, maalinka Caashuura oo u ahayd Faadimiyiinta maalin murugo, waxa laga dhigay maalin ciid ah oo la farxo. Waxa kale oo meesha laga saaray dabbaaldegyo badan sida debbaaldegga al-Qadiir oo ka mid ah debbaaldegyada kooxda Shiicada. Waxa kale oo hoos loo dhigay debbaaldegyada sida xuska dhalashada Nebiga, se meesha lagama saarin debbaaldegyadaas.

Jalaaluddiin al-Suyuudi waxa uu buuggiisa “al-Xaawi lil-Fataawaa”, ku sheegayaa in badhasaabkii magaalada Irbil ee xilligii Salaaxuddiin al-Ayuubi, Mudafiruddiin abuu Saciid debbaaldegi jiray dhalashada Nebiga, debbaaldegyadaas oo kumanaan xoolo ah lagu qali jiray, macmacaan badanna la samayn jiray, xuskaasna waxa lagu koobi jiray culimada iyo suufiyada, kharashka lagu bixiyaana waxa uu gaadhi jiray 300 kun oo diinaar.

Haddaba, sababta dawladda Ayuubiyadu hoos ugu dhigtay debbaaldeggani waa laba sababood: midda koowaad waa in meesha laga saaro raadkii dawladda Faadimiyiinta, midda labaadna waa sabab dhaqaale, oo debbaaldegyadaasi waxa ay ahaayeen kuwo ay lacag badani ku baxdo oo khatar gelin karayay dawladdii Ayuubiyada oo ay ku furnaayeen dagaalladii Saliibiyadu, kolkaas waxa mudnaanta la siin jiray diyaarinta ciidanka.

Dawladdii Mamaaliiktu muhiimad weyn ayaa ay siisay dhalashada Nebiga iyo debbaaldegyada kale. Sida Saciid Caashuur buuggiisa “al-Mujtamac al-Misri” ku sheegayo, waxa Mamaaliikta arrinkan ku dhiirrigeliyey xoolaha badan ee dawladdu haysay. Debbaaldegyadaas waxa lagu bilaabi jiray Quraan akhris, ka dibna waxa la qaybin jiray cunto, waxaana la ammaani jiray Nebiga. Bulshada ayaa si gaar ah u xusi jirtay dhalashada Nebiga. Sida Faaruuq Amed Musdafaa xusayo, xilligaas waxa Masar joogay culimo badan oo Suufiyo ah, sida Sheekh abuu Xasan al-Shaadili iyo Axmed al-Badawi, sidaas daraaddeed, xilligii Mamaaliikta waxa aad u xoogaystay debbaaldeggan.

Xuska dhalashada Nebigu wixii intaas ka dambeeyey waxa ay ku faaftay dunida Islaamka oo dhan. Walow oo xilligii dawladda Cusmaaniyiinta marar dhowr ah hoos loo dhigay, haddana markasta waxa ay kusoo laabanaysay sidii hore.

 

Maqaalkan waxa laga soo turjumay madasha Megazine.