Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Sooyaalka Daacishta Soomaaliya

16 February, 2025
Image
Geeska cover
Share

Dagaalka naf-hurnimada leh ee maamulka Putland ku qaadday ururka Daacish ee gabbaadka ka dhiganaya buuraha gobolka Bari ku yaal waxa ay dhalisay su’aalo badan oo ku aaddan asalka ururka Daacish, aragti ahaan halka ay taaganyihiin, xiriirada ay la leeyihiin ururada kale ee Al-qaacidada ah iyo saameyntooda Afrika gaar ahaan gobolka geeska. Waxyaabaha kale ee wax la iska weydiin karo waxaa ka mid ah, goorta ay Soomaaliya soo caga-dhigteen iyo ujeedka ugu weyn ay u yimaadeen Soomaaliya. Ma la is dhihi karaa waxa ay doonayeen in ay Alshabaab xulufo la noqdaan si ay u ballaariyaan shabkaddooda oo ay u noqdaan urur awood badan. Sababta ay Alshabaab Daacish u la dagaashantahay miyaa lagu macneyn karaa in Alshabaab ay u aragto Daacish mid jiritaankeeda urureed khatar ku ah. Si aynu su’aalahaas wax inooga baxaan ayaan doonayaa inaan curis-maqaaleedkan kaga warramo si guud waxyaabaha muhiimka ah ee ururkan ku saabsan, haddii ay taariikhdooda noqon lahayd iyo in kale ba. Dhammaadkii bisha Luulyo 2018, Daacish waxa ay sheegatay masuuliyadda weeraro kor u dhaafaya 65 ee ay ka geysatay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba. In kasta oo Al-Shabaab ay tan iyo 2007 ahayd kooxda xagjirka ah ee ugu awoodda badan Bariga Afrika, islamarkaana weli ah midda ugu saameynta badan, haddana Daacish ayaa weli sii jirta inkasta oo ay bilowgeedu ahaa sanadkii 2015 laakiin waxay bilowday inay saamayn ku yeelato geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Daacishta Soomaaliya waxay leedahay awood dagaal oo la taaban karo oo muuqata, inkasta oo ay xaddidan tahay awooddeeda hawlgal.  

Waxay saldhig ku leedahay buuraha waqooyi-bari ee gobolka Bari ee Buntilaan, balse kuma lahan khatar toos ah oo weyn oo ay ku hayso amniga Soomaaliya, gaar ahaan marka loo eego oo la barbardhigo kooxda jihaadiga ah ee aadka u weyn ugana abaabulan ee Al-Shabaab, oo ah garab ka tirsan Al-Qaacida. Si tartiib tartiib ah oo joogto ah ayay Daacishta Soomaaliya ku noqotay qeyb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda Daacish ee caalamka ku fidsan, sababtoo ah waxay heli kartaa dhaqaale badan, oo si weyn uga soo xarooda baadda ay ka qaado ganacsatada iyo doomaha ka kalluumysta badaha gobolka Bari. Xaqiiqdii, waxay lacago u dirtay laamaha Daacish ee ku baahsan Afrika iyo xitaa meelo fog sida Afghanistan. Gudaha Soomaaliya, loollankeeda ugu weyn wuxuu kala dhaxeeyaa Al-Shabaab iyo maamul-goboleedka Buntilaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay xakameeyaan fiditaankeeda, balse weli kama aysan takhalusin gabi ahaanteed ba. Maadaama ay taagdarraysay awooddii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq, kooxda waxay dadaal ku bixinaysay waayaheedii dambe ballaarinta laamaheeda Afrika iyo guud ahaan caalamka. Haddii Cabdulqaadir Muumin noqdo hoggaamiyaha caalamiga ah ee Daacish, taasi waxay muujinaysaa in Daacish Soomaaliya ay door weyn ka ciyaari karto dhaqdhaqaaqa jihaadiga ah, xitaa meelo ka baxsan Soomaaliya. Dadaallada lagu wiiqayo Daacish Soomaaliya waxaa caqabad ku ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Buntilaan, gaar ahaan muranka la xiriira awoodda iyo khayraadka gobolka. Inkasta oo ay muhiim tahay in khilaafaadkooda la xaliyo, haddana waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la dagaallanka halista jihaadiga. Waa in ay wadaagaan xogaha sirdoonka, isla markaana ay diyaariyaan istiraatiijiyado mideysan oo lagu wiiqayo shabakadaha Daacish ee ku kala filiqsan gudaha Soomaaliya, halkii ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaan lahaayeen duqeymaha cirka ee Mareykanka, kuwaas oo aan wax badan u dhimin awoodda kooxda. Sidoo kale, Buntilaan waa in ay fursad u siiso dagaalyahannada doonaya in ay kooxda ka baxaan, iyada oo isku dayaysa in ay wax ka qabato tabashooyinka iyo cabashooyinka ay dadka deegaanka qabaan, kuwaas oo laga yaabo in ay u horseedaan taageero la siiyo fallaagada dowladda ka soo horjeeda.  

Guudmar: Taariikhda Daacish iyo Asaaskeedii

Ururka Daacish waa natiijo qaraar ee ka dhalatay ururadii badnaa ee xagjirka ahaa ee ka jiray Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya iyo Joordan. Aasaaska ururka waxaa loo tiiriyaa jihaadi lagu magacaabo Abuu Muscab Al-sarqaawi. Duullaankii uu Mareykanka ku soo qaaday Ciraaq 2003-dii waxa ay hurisay dhimbilihii xagjirada, oo ururada maanta caalamka qaybo ka mid ah ka dagaallamaya intooda badan waxay dhasheen 2003. Dawladda Islaamiga ah ee Daacish waxay ka soo farcantay Dowladda Islaamiga ee Ciraaq, taasoo ka koobnayd xubno hore uga tirsanaa Al-Qaacida oo ka dagaallamay kacdoonkii ka jiray Ciraaq. Sanadkii 2011, qaar ka mid ah xubnaha Daacishtii Ciraaq (ISI) waxay u safreen Suuriya si ay halkaas uga aasaasaan laan cusub oo ka tirsan Al-Qaacida, taasoo loo yaqaanay Jabhada Al-Nusra. Sanadkii 2013, hoggaamiyihii Daacishta Ciraaq ee markaas ahaa Abuu Bakar Al-Baqdaadi, wuxuu ku dhawaaqay in Daacishta Ciraaq iyo Jabhada Al-Nusra ay midoobeen, isla markaana ay noqdeen Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS). Al-Qaacida waxay diidday go’aankii Baqdaadi ee ahaa in uu Jabhada Al-Nusra hoos keeno maamulkiisa, waxayna si rasmi ah xiriirka ugu jartay kooxdaas sanadkii 2014. Dabadeed, Baqdaadi wuxuu ku dhawaaqay dhismaha “Khaliifad Islaami ah” wuxuuna magacii kooxda u beddelay Dowladda Islaamiga ah (IS). Sanado badan oo weerarro ah oo ay hoggaaminayeen ciidamada isbahaysiga Mareykanka kadib, ciidamada ay taageeraan Mareykanka ee Syrian Democratic Forces (SDF) waxay sanadkii 2019 qabsadeen saldhiggii ugu dambeeyay ee Daacish ay ka talinaysay gudaha Suuriya. Isla sanadkaas, Baqdaadi wuxuu ku dhintay duullaan ay Mareykanku ka fuliyeen hoygiisa oo ku yaallay waqooyiga Suuriya. Waxaa xilka ka dhaxlay Abu Ibraahim al-Haashimi al-Qurayshi, kaasoo lagu dilay howlgal millatari oo Mareykanku fuliyeen sanadkii 2022. Hoggaamiyeyaashii xigay waxaa mid lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada ay Turkigu taageeraan gudaha Suuriya (Oktoobar 2022), halka mid kalena lagu dilay duruufo aan la isku raacsaneyn (Abriil 2023). Hoggaamiyaha hadda ee Daacish, Abuu Xafsa Al-Qurayshi, waxaa loo magacaabay xilka Agoosto 2023.  

22-kii Oktoobar 2015, Sheekh Cabdulqaadir Mu'min, oo ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa Buuraha Golis ee Buntilaan, ayaa isagoo ay wehliyaan ku dhawaad 20 xubnood, ku dhawaaqay in xulufo la yahay (daacad u noqoshada) Abu Bakr al-Baqdaadi. Xilligaas, Mu’min wuxuu maamulayey ciidamo gaaraya 300 dagaalyahan. Baaqaas ka mid noqoshada ah ee uu soo jeediyay Cabdiqaadir Muumin ma ahayn mid si guud loo wada qorsheeyay oo uu ururka weyn wax ka ogaa, mana jirin jawaab degdeg ah oo uu ka bixiyay Al-baqdaadi ha noqoto mid aqbalid ama mid diidmo. Sida ay Daacishta weyn uga hadashay arrinka kooxda Muumin waxa ay dhalisay jahwareer. Bishii Janaayo 2016, muuqaal loogu talagalay qorista dagaalyahannada oo ay Daacish soo saartay wuxuu si guud lagu dhex adeegsaday kalmadda "walaalaheenna" Soomaaliya, erey badiyaa loo adeegsado taageerayaasha halkii laga oran lahaa xubnaha rasmiga ah ee kooxda. Bishii Diseembar 2017, Daacish waxay soo saartay muuqaal ay ku sheegtay in ay leedahay "gobol" (province) ka tirsan Soomaaliya, taasoo muujisay in baycigii ama baaqii Sheekh Cabdulqaadir Muumin la aqbalay. Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeed la sii daayay bishii Febraayo 2018 laguma xusin ereyga "gobol," balse kaliya waxaa lagu xusay ereyga Soomaaliya. Jahawareerkaasi wuu sii socday, Laakiin cadadkii xigay ayaa haddana dib ugu sheegay in Soomaaliya ay tahay "Gobol" ka tirsan khilaafada maamulka Daacish. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aan loo eegin hab-maamulkii rasmiga ahaa, Daacish waxay u arkaysay kooxda Daacishta Soomaaliya (Islamic State in Somalia) inay tahay laan aad ugu dhow, waxayna ugu yaraan ilaa dhammaadkii 2016 si toos ah ugu taageeraysay agabyo muhiim ah sida noocyada kala duwan ee hubka. Dhanka kale, Sheekh Cabdulqaadir Muumin wuxuu weli leeyahay himilo ah in loo aqoonsado hoggaamiyaha guud ee Daacishta Bariga Afrika.

Warbixin ay soo saartay Guddiga Kormeerka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ereteriya 2-dii Noofembar 2017 ayaa qiyaastay in kooxda Daacish ee Soomaaliya ay kor u kacday laga soo bilaabo tiro yar oo dhowr iyo toban ah oo ay gaartay ilaa 200 dagaalyahan muddo wax ka yar hal sano ah (illaa Oktoobar 2016). Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Soomaaliya ay noqon karto xarun ay ku soo qulqulaan dagaalyahannadii Daacish ee laga kala soo eryay gobollada kale ee Khilaafadu joogtay. Si kastaba ha ahaatee, waxay hoosta ka xariiqday in aan wax caddeyn ah oo la isku halleyn karo loo helin arrintaas. Bishii dhexe ee 2018, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa iyaduna qiyaastay in kooxda Daacish ay waddanka oo dhan ku leedahay ilaa 200 xubnood, intooda badanina ay la joogaan Sheekh Cabdulqaadir Muumin gudaha Buntilaan. Tiradan wax isbeddel ah kuma aysan imaan tan iyo bartamihii Febraayo 2018, balse NISA waxay sheegtay in tirada dagaalyahannada Muumin ay hoos u dhacday marka loo eego kuwii hore, taasoo muujinaysa in xitaa hay’adaha si dhow ula socda kooxdan ay qiyaas iyo xog-ururin keliya ku tiirsan yihiin maadaama aysan jirin tiro rasmi ah oo sax ah.

Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ee xubnaha Daacishta waa mid aan si cad loo ogeyn, laakiin waxaa guud ahaan la isku raacsan yahay in kadib markii ay soo galeen dhalinyaro badan oo cusub, kooxda Daacish ay hoos u dhacday awooddeeda sababo la xiriira in xubno ka soo jeesteen, qaar na ka goosteeneen, ama ay ku dhinteen dagaalladii sanadkii hore ee 2017. NISA waxay sidoo kale sheegtay in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu weli leeyahay himilooyin ka baxsan Buntilaan, iyadoo uu soo ifbaxay kororka dilalka qorsheysan ee ay Muqdisho sanadkii 2018 ka geysatay, taasoo muujinaysa in si kasta oo xubnaha kooxda ay joogaan ama hoos u dhacaan, Daacishta ay sii kordhinayso awooddeeda weerarada.  

Nidaamka shaqaaleysiineed ee Daacish iyo taageerada ay ka hesho Qabiilka

Sida ay tahay xaaladda koox siyaasadeed oo kasta oo Soomaaliya ah iyo ururada xagjireed, isbeddelada iyo mustaqbalka Daacish ilaa heer qaarba waxay ku xiran yihiin oo lagu go'aamin doonaa aragtida ururka, xiriirka ay la leeyihiin bulshada iyo kooxaha kale ee argagixisada ah, iyo hammiga beelaha iyo qabaa'ilka ka hawlgala aagga ay ku shaqeyso Daacish. Muumin wuxuu ka soo jeedaa beesha Cali Saleebaan, oo ah laf ka tirsan Majeerteen, taas oo isna ah qabaa'il soo hoos gala dallada Daarood. Cali Saleebaan waa qabaa'ilka ugu xooggan gobolka Bari ee Puntlad, waana arrin aan la yaab lahayn in Muumin uu halkaas ka leeyahay saldhigiisa maadaamaa ay beeshiisa halkaa dagto. Hore ayuu joogay buuraleyda Golis ee galbeed, balse bishii Nofembar 2015, xubnaha Al-Shabaab ee Waqooyi-Bari ku sugnaa oo daacad u ahaa Al-Qaacida ayaa ka eryay isaga iyo taageerayaashiisa, wuxuuna u wareegay degmada Iskushuban ee Bari oo aan ahayn mid wax-soo-saar badan leh balse marti-gelin iyo nolol ka fiican leh. Qaab-dhismeedka Daacish oo badankood ka kooban hal qowmiyad, iyo sidoo kale dhibaatada safarka loo maro Bari si loogu biiro ururka, gaar ahaan meelaha ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab taasoo sabab u ah masaafada dheer iyo cabsida ah in ay Shabaab ogaadaan, ayaa xaddiday soo jiidashada xuno cusub iyo inuu koro ururka Daacish. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal amniga Buntilaan ka tirsan ah bishii May 2018 ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in marka xaaladdu adkaato, ku dhawaad dhammaan beesha Muumin, oo ah Cali Saleebaan, ay taageeri doonaan Daacish taas na Mumin waxa ay u noqon doontaa jaanis uu ku soo jiito askar cusub. Garsoore sare oo Buntilaan ka hawlgala oo sidoo kale asna bishii May 2018 ka hadlay arrintan, ayaa qiyaasay in ku dhawaad 70% Cali Saleebaan ay taageeraan ururka Daacish. kala bar dadka ayaa ugu soo biira ururka Daacish daacadnimada ay u yihiin beeshooda, halka kala bar kalana ay ugu biiraan cabsida ay ka qabaan in ay la kulmaan ciqaab haddii ay amar diido sameeyaan. Dadka ku biira dhaqdhaqaaqan xagjireed waxay inta badan u galaan arrimo lacag, inay helaan awood, inay ka aargoostaan qabaa'ilada kale ee ay cadawtinimada u qabaan iyo inay rumaysnaadaan dacaayadda uu ururka faafiyo oo uu dadka ku soo jiito sida inay soo celiyaan khaliifadii awoodda badneyd ee Islaamka  

Maxay Daacish u qorataa ajaaniibta ah?

Mid ka mid ah dadka aqoonyahanka ah ayaa sheegay in 60 ilaa 80 askar oo ka yimid Yemen ama leh asal Yemeni ay ku biireen kooxda Muumin isla markii uu ka tagay Al-Shabaab. Waxaa bartamihii 2018, NISA ayaa heshay liis ay ku jiraan siddeed xubno ajnabi ah oo ka tirsan Daacish, dhammaantood asal ahaanna ay Soomaali yihiin. Si kastaba ha ahaatee, tiradan uma muuqato inay ka turjumeyso guud ahaan, waxaana suuragal ah in askar hore ee ku soo biirtay ururka ay ka baxeen ama ay ku dhinteen dagaalladii dhacay, sida warbixin lagu sheegay hal xubin oo Suudaaniis iyo laba Carab inay ku dhinteen weerar drone ah oo lagu qaaday agagaarka Buurgaleh ee degmada Qandala ee Koonfurta, bilowgii Nofembar 2017. Waxaa sidoo kale soo baxday warbixin ah in dagaalyahanno ajnabi oo kala duwan ay ku biireen Muumin, oo ay kamid yihiin xubno ka yimid bulshada qurbajoogta Soomaaliyeed ee kanada, Kiinya, Nederlaan, Noorway, Suudaan iyo Boqortooyada Ingiriiska, waxaana muuqaal la sii daayay bishii December 2017 uu muujinayay laba dagaalyahan oo sheegtay inay ka socdaan Itoobiya.  

Waagii hore, kooxaha dagaalyahanada ee Soomaaliya waxay muujin jireen shaki iyo nacayb ay u qabaan ajaaniibta, badankoodna way xiri jireen ama xitaa waa ay dil jireen ajnabiga, balse Mumin waa uu ka duwanyahay qolyahaas kale sababtoo ah wuxuu u baahan yahay shaqaale iyo sidoo kale si uu uga tarjumo falsafadda iyo aragtida jihaad caalami ah ee Dawladda Islaamiga ah waa inuu shaqaaleysiiyaa ajaaniib. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay ururka ku bataan xubnaha beesha maxalliga ah, kooxda ayaa xaddidi doonta soo jiidashada iyo u furfurnaanta xubnaha ajnabiga ah badankooda, gaar ahaan kuwa gobolka jooga oo dooran kara mid ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee soo baxaya sida Allied Democratic Front, ama u wareegi kara Yemen. Inkastoo sida taxaddarka leh ee Muumin ula dhaqmayo ajnabiga ay dhaawaceyso sharciyadda kooxda iyo dhab ahaanshaha caalamnimada ururka ee Dawladda Islaamiga ah, haddana ilaa hadda wuxuu u dhaqmay sida Al-Shabaab isagoo xaddidaya dallacsiinta ajnabiga, xitaa askarta ka soo jeeda Koonfurta Dhexe Soomaaliya wuxuu u dallacsiiyay ilaa heerka dhexe, inkastoo uu haddana ku dhiirrigelinayo ajnabiga inay ku soo biiraan ururka oo ay ka mid noqdaan. Laba sababood ayaa lagu soo aruurin karaa waxyaabaha keenay in la shaqaaleysiiyo xubno ajnabi ah waxayna kala yihiin:in uu ururka doonayo inuu noqdo mid caalami ah oo dunida oo dhan ka hawlgala, caalamnimadaas na ay ku riixday inay shaqaaleysiiyaan ajnabiga iyo xubnaha ajaaniibta ah ay ka khibrad badan yihiin kuwa Soomaalida markii la barbardhigo.  

Dagaalka Buntilaan ee ka dhanka ah Daacish

Maamulka Putland, wuxuu dhawaan weeraro isdaba joog ah oo is xig xiga ku qaaday ururka Daacish oo waxa ay ka qabsadeen meelo dhawr ah oo ay ku xooganaayeen ururka. Daacish ayaa dib u soo labakacleysay ka dib markii uu maamulka Putland ku dhawaaqay in ay cirib tiri doonaan kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaaleysanaya aagga buuraha. Weeraro gaadmo ah ayay Daacish beryihii dambe ku soo qaadaysay maamulka Putland walow ay kala kulmeen dhabarjab badan maadaamaa ay weeraradaas kaga dhinteen boqolaal xubno oo ururka ka tirsan. Putland waxa ay si adag dhexda ugu xiratay la dagaalanka Daacish iyada oo aan taagero ka heysan maamulka Xamar. Laga soo billaabo 2016-2025 waxa uu ururkan Putland ka geystay weeraro iskugu jira dilal qorsheysan iyo ismiidaamin, iyagoo bartilmaameedsanay shakhsiyaad gaar ah oo madax iyo shacab ah. Dhulal badan ayaa lagala wareegay kooxda. Putland miyay ka adkaan doontaa kaligeed kooxda Daacish? Waa su’aal muhiim ah oo ay tahay in wax la iska su’aalo. Dawladda Xamar waa ay ku kaliyeeysay dagaalka ay Putland ku waddo kooxda Daacish. Xukuumadda uu hoggaamiyo mudane Xasan waxa ay ku guuldarreysatay inay Putland ka taageerto dagaalka ay kula jirto Daacish. Waxaa sidoo kale eedda qayb ka ah maamul goboleedyada maadaamaa la dagaalanka xagjirka ay tahay dan guud oo maamullada iyo federaalkuba ay wadaagaan. Tanina waxa ay qayb ka tahay waxyaabaha curyaaminaya la dagaalanka kooxda Daacish. Laga soo billaabo 31-dii December, ciidamada xoogga Putland waxa ay la wareegeen dhul gaaraya 250km square ah oo ay ku jiraan 50 saldhig oo Daacish fadhi u ahaa sida uu u sheegay wasiirka warfaafinta Putland wakaaladda wararka ee Reuters. Sidoo kale afayeenka ciidanka Putland wuxuu sheegay in ciidamada xoogga ee Putland ay dagaalkan hadda socda ku dileen xubno Daacish ah oo gaaraya 85 tiro ahaan.  

Loollanka u dhexeeya Daacish iyo al-Shabaab

Caqabadda ugu weyn ee dabreysa hammiga iyo korriinshaha Daacish waa loollanka adag ee ay kula jirto kooxda Al-shabaab, taas oo ah koox ballaaran oo si wanaagsan u hubeysan. Colaadda u dhaxaysa labada dhinac waxay qayb ka tahay tartanka caalamiga ah ee u dhexeeya Dowladda Islaamiga ah (ISIS) iyo Al-Qaeda. Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago kala duwanaanta fikradeed, labadan koox waxay inta badan isku hayaan arrimo la xiriira dano shaqsi ah iyo mid dhaqaale. Inta badan xubnaha muhiimka ah ee Daacishta Soomaaliya ku jirta waxay horey uga tirsanaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale, Daacish waxay canshuur sharci-darro ah ka uruurisaa Boosaaso iyo mararka qaar oo ay Muqdisho ka qaaddo, taasoo Al-Shabaab u aragto inay iyadu xaq u leedahay. Loollanka awoodeed ee u dhexeeya labada kooxood mararka qaar wuxuu sababay dagaallo dhulka lagu kala qabsado. Al-Shabaab ayaa mar gaartay heer ay ku dhowaato inay gebi ahaanba cirib tirto Daacish balse haatan waxay ku jirtaa xaalad daciifnimo oo gobolka Bari awood weyn kuma lahan. Dagaalku wuxuu bilowday 2015 markii Daacishta Soomaaliya ay soo shaacbaxday. Bishii Maarso 2016, Al-Shabaab ayaa weerar badeed ku qaaday saldhigyada Daacish, balse ugu dambeyn waa laga adkaaday. Dagaallo kale oo dhacay 2018, Daacish waxay iska caabisay weerar ay kusoo qaaday Al-Shabaab, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa dib isu abaabushay oo ku fiday dhulka ay beesha Cali Saleebaan deggan tahay.

Qoraallada kale ee qoraaga