Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Sooyaalka Bunka Iyo Islaamka

14 December, 2024
Image
farshaxan
Share

Taariikhdu waxa ay werisay adhijire Itoobiyaan ah oo magaciisu waaray, adhigii uu la joogayna cunay midho cas oo aanu kolkaas garanaynin. Waa meel ka mid ah dhulalka sare ee Itoobiya iyo wakhti lagu qiyaaso kun sanno ka hor. Adhijirahaasi waxa uu riyaha cunay geedkaas ku arkay firfircooni aanu hore ugu arag, socod badanna waa uu ka dareemay. Arrinkani waxa uu ku dhiirriyey wiilka in uu isaguna tijaabiyo midhahan, oo tijaabada ka dib firfircooni la mid ah tii uu riyaha ku arkay ayuu dareemay. Waa sheeko-xariirada ugu caansan ee ku saabsan helitaanka bunka. In kasta oo sheekadu wakhti hore tahay, ayna jiraan sheekooyin kale oo sheegaya in bunka laga helay Yaman, haddana badanka dadka baadhitaanka ku sameeyey bunku waa ay isku raaceen.

Sheekadani waxa ay leedahay wejiyo badan, se dhammaan si uun ula xidhiidha helitaanka bunka. Waa sheekooyin ku kala duwan ciddii heshay. Mid ka mid ah sheekooyinkaasi waxa ay tilmaamaysaa in geedka bunka uu helay wadaad suufi ah oo adhijire u keenay midhahiisa. Wadaadku waxa uu midhaha ku riday dab si uu u hubiyo in ay wax sakhraamin karaan, se waxa uu la yaabay awoodda urta midhaha. Sheeko kale waxa ay leedahay wadaadku marka hore waxa uu midhaha ka samaystay cabbitaan, se dhadhanka qadhaadh awgii ayaa uu dabka ku shubay, haddana waxa uu dib ugu laabtay cabbitaankaas markii uu ka helay urta xooggan ee uu sameeyey markii uu dabka ku riday. Labada xaaladoodba, sababta ugu weyn ee dhalashada bunku waa urtiisa xooggan. Isla sheeko kale ayaa tibaaxaysa in wadaadku tijaabo ahaan adhiga iyo adhijirahaba u siiyey geedkan, si uu u hubiyo in geedkani ka caawin karo soo jeedka xilliga habeenkii oo uu gudan jiray cibaadada. Marka uu arkay saamaynta geedku adhiga iyo wiilkaba ku yeeshayna, waxa uu midhidhii ka samaystay cabbitaan markii dambe wadaaddada suufiyada u noqday wax ay kusoo jeedaan xilliyada cibaadada.

Suufiyada ayaa bilaw u ah sheekada bunka

Inkasta oo sheekooyinka helitaanka bunku kala duwanyihiin, haddana waxa ay ku wada arooraan in qofka helay uu yahay muslim suufi ah. Haddiiba sheekooyinkani noqdaan sheeko-xariiro aan sal lahayn, haddana in muslimiintu yihiin dadkii koowaad ee bunka helay waa arrin tixraacyo kale oo taariikheed xoojinayaan, xidhiidhna ka dhexaysiinaya bunka iyo Islaamka.

Sida ku xusan buugga “Cumdatu Safwah fii Xalli al-Qahwa”, helitaanka xasharka (qasharka) iyo fiditaankiisaba waxa lahaa wadaad Yamani ah oo la odhan jiray Jamaaluddiin binu abii Cabdillaahi. Wadaadkani waxa uu muddo ku sugnaa meel ka baxsan deegaanka Carabta (Barrul cajam), kolkaas ayaa uu arkay in dadka deegaankaasi adeegsadaan qasharka bunka. Xilligaas muhiimad gaar ah muu siinin, se markii uu kusoo laabtay Cadan, mar uu xanuunsaday, ayaa uu xasuustay oo uu cabbay. Waxa uu ogaaday in uu waxtar leeyahay oo uu wahsiga iyo lulladaba qofka ka saari karo. 
Sida ku xusan kitaabka “al-Kawaakib al-saa’ira fii Acyaani al-Mi’a al-Caashira”, midhaha bunka laga miiro ama laga sameeyo waxa helitaankiisa loo celiyaa abuu Bakar binu Cabdilaahi Sheekh Saalix al-Shaadili al-Caydaruusi.

Sheekooyin ayaa sheega in uu jidka ku arkay midho bun oo waddada lagu daadiyey, midhahaasna uu qaaday oo uu dhadhamiyey. Waxa uu ogaaday in ay firfircooni leedahay, soo jeedka habeenkiina ka caawin karto, sidaasna waxa uu kula dardaarmay xertiisii. Wixii intaas ka dambeeyey waxa uu bunku ku faafay Yaman, Xijaas, Masar iyo Shaam. 
Waxa jira bun laga sameeyo caleenta qaadka, kana horraysay xasharka iyo bunka caadiga ahba. Waxa ku caanbaxay Yamaniyiin uu ugu horreeyo wadaadka sheikh Cali binu Cumar al-Shaadili, oo ka tirsanaa xertii iyo saadadii dariiqada Shaadaliyada. Suufiyadu waxa ay muddo dheer bunka ka samaysan jireen caleenta qaadka ilaa wadaadka Jamaaluddiin soo bandhigin xasharka ama qasharka bunka, oo noqday wax ka rakhiisan qaadka.

Xogaha faahfaahsan ee ku saabsan sheekooyinkaas kore waa ay kala duwanaan karaan, balse, waxa xiddigyo ka ah wadaaddo suufiyo ah. Waxa ay la macno tahay in Suufinnimadu sabab u ahayd faafitaanka bunka, ka dib markii wadaaddadu ogaadeen in bunku ka caawinayo soo jeedka habeenkii oo ay cibaado badan gudanayaan. Arrinkan waxa si gaar ah ugu suntanaa dariiqada Shaadaliyada. Yuusuf Muusaa waxa uu buuggiisa “Daraa’if al-Amsi Qaraa’ib al-Yawm” kusoo werinayaa sheeko tilmaamaysa xidhiidhka adag ee ka dhexeeya bunka iyo dariiqada Shaadaliyada, oo ah in qarnigii 19aad, hareeraha magaalada Dimishiq marka qofku bun cabbayo in uu inta yar ee gunta ku hadha uu dhulka ku daadiyo oo uu yidhaahdo intaasi waa qaybtii Shaadali, iyaga oo aaminsanaa in Shaadali yahay qofkii bunka helay iyo qofkii koowaad ee cabbay. Waxa ay aaminsanaayeen haddii aan intaas yar dhulka lagu shubin, in kildhigu rogmanayo oo bunka oo dhammi daadanayo.

Haddaba, sida la aaminsanyahay waxa bunka laga helay Yaman, waxaanu ku faafay dalka oo dhan ilaa ay gaadhay Xijaas. Waxa loo samaystay goobo iyo ammin gaar ah oo la cabbo, waxaanu shardi u noqday dikriga la akhriyo iyo debbaaldegyada la sameeyo oo aan la’aantii la dhigin. Yamaniyiinta ayaa bunka u qaaday dhinaca Masar oo gaadhsiiyey qarnigii 15aad ama bilawga qarnigii 16aad, waxaana markii koowaad lagu bartay xaafado u dhow masaajidka al-As’har, oo ay degganaayeen dad Yamaniyiin ah, halkaas oo ay habeen kasta oo isniin iyo jimce ah ku cabbi jireen bunka, oo ay raacin jireen xuska Eebbe.

Gudaha Masar iyo Shaam bunku aad ayaa uu u faafay, dad badan ayaana bartay oo ka baxsan kooxda Suufiyada ee hore loogu yaqaannay, waxaana sidaas ku samaysmay maqaaxiyo bunka laga cabbo iyo bulsho ku xidhan cabbitaankiisa. Sidan waxa fursad ku helay in dad kala duwan bunka si fudud ku helaan. Haddii suufiyada lagu ammaanay helitaanka bunka, in bunku faafo oo goobo lagu cabbo yeeshana waxa mudnaanteeda leh aqoonyahankii kala duwanaa sida fuqahada iyo suugaanyahanka oo u cabbi jiray in ay wax ku qoraan.
 
Bunka iyo doodda xaaraantimaynta iyo xalaalaynta

Suufiyada bilawgii bunka u cabbi jiray firfircooni iyo soo jeed ismay lahayn waxa uu ku dhex baahi doonaa bulshada, cabbitaankiisuna waxa uu noqon wax goobo lagu cabbo loo sameeyo. Waa ay hubeen in aanu xaaraan noqon karin, sababtoo ah maba jirin cid wax iska weydiisay xaaraannimo iyo xalaalnimo bunka ku saabsan. Haddaba, markii uu dad badan gaadhay, dhaqanno cusubna lagu daray, culimo badan ayaa dib isu weydiiyey xukunkiisa sharci, waxaanay noqdeen laba kooxood; koox bannaysa iyo koox diidda.

Wadaadka Shamsuddiin binu al-Khadiib al-Misri, oo ka mid ahaa wadaadddada Maka, waa mid ka mid ah wadaaddadii ugu horreeyey ee fatwooda in aanu bunku bannaanayn. Waxa uu fatwadaas oo saaray sannadkii 915-kii Hijriga, markaasna muu filayn in ciddi ku diidi doonto aragtidiisa, oo laga hor iman doono, hase ahaatee culimo ka mid ah kuwii Maka ayaa fatwadiisa diiday. Wadaadkani waxa uu garabka saaray badhasaabkii dawladda ee Maka, Khaayir Bik, waxaanu bilaabay in uu bunka ku diro una bahalageliyo dadka cabba.

Khaayir Bik markii uu wadaadkan dhegaystay waxa uu wadaaddadii kale ka codsaday in ay baadhaan bunka, waxaana la isugu yimi kulan ay libta heleen wadaaddadii banneeyey bunku, waxaana hormuud u ahaa wadaadka la yidhaa Nuuruddiin Cali binu Naasir al-Maki. In kasta oo wadaadkii hore ee Shamsuddiin laga dood badiyey, haddana waxa uu ku adkaystay aragtidiisii hore, waxaana taageeray qaar ka mid ah wadaaddadii Maka. Mar kale ayaa haddana la codsaday in laba qof bun la siiyo si loo hubiyo in bunku wax sakhraamiyo, sidaasna wadaadkii Shamsuddiin ayaa markan doodda helay, badhasaabkii Khaayir Bik-na waxa uu mamnuucay iibinta bunka.

In kasta oo bunka la mamnuucay, haddana riyadii wadaadkaasi ma dhaboobmin, oo dad badan ayaa bilaabay in cabbaan magaaladana waa uu kusii faafay. Wadaaddada aaminay in ay xaaraan tahayna waxa ay sii wadeen in ay dadka u bahalogeliyaan bunka, oo ay ku sheegaan wax wax sakhraamin kara oo jidhka dhib ku keeni kara. Sannadkii 917-kii Hijriga wadaadkii Nuuruddiin waxa uu soo cusboonaysiiyey dooddii bunka, waxaanu qoray buug uu kaga warramayo qaabka walxuhu xaaraan ku noqon karaan. Walow oo aanu buuggani ahayn buuggii u horreeyey ee laga qoro bunka, oo waxa jiray buugaag ka horraysay oo wadaaddo kale ku xaaraantimeeyeen cabbidda bunka, sida wadaadkii sheekh Maki binu Subayr al-Cadawi iyo wadaadka kale ee Shamsuddiin binu Khadiib iyo Xasan binu Kasiir al-Xadrami. Haddana, buugga uu sheekh Nuuraddiin ka qoray bannaynta bunku waxa uu keenay in dooddii dib usoo cusboonaato, waxaana is raacay wadaaddo aaminsan in uu bunku bannaanyahay, waxaanay la hadleen Khaayir Bik oo ay kala hadleen bunka uu mamnuucay.

Khaayir Bik ma beddelin aragtidiisii uu ku joojiyey cabbitaanka bunka. Walow ay wadaaddo fatwoodeen in uu bunku dhib leeyahay, haddana sida sheekooyin kale ku cad Khaayir Bik sidiisa ayaanu u jeclayn bunka. Waxa la weriyaa in badhasaabkani sannadkii 917-kii Hijriga habeen isaga oo gurigiisa ku socda uu arkay dad urursan oo markii ay arkeen damiyey faynuuskii u baxayay. Waxa uu ogaaday in dadkaasi bun cabbayeen, waxaanu garaacay ninkii dadkaas kulmiyey. Subixii xigay Khaayir Bik waxa uu u yeedhay qaaddigii Shaaficiyada, qaaddigii Maalikiyada, hormuudkii Xanafiyada iyo wadaaddo kale oo ka mid ah wadaaddadii reer Maka, waxaanu ka codsaday in arrinka bunka meel lagu tiiriyo oo aragti laga dhiibto. Wadaaddadaasi waxa ay isku raaceen in ay xaaraan tahay qaabka habeenkaas uu badhasaabku arkay loo cabbayey bunku, ee ahayd in dad badani meel isugu yimaaddeen, balse waxa ay isku khilaafeen xukunka asalka u ah midhaha bunka, kuwo badanna waxa ay ku doodeen in midhihiisu la xukun yihiin midhaha kale oo asalkoodu bannaanyahay.

Khaayir Bik waxa uu kulankaas ka soo saaray go’aan diidmo ah. Waxa la yaab leh in culimadii fatwooday in bunku bannaanyahay lagu khasbay in ay qaataan aragtidaas diidmada cabbitaanka bunka. Wadaaddadaasi waxa ay ka cabsadeen badhasaabkaas Mamluukiyada oo ku ad’adkaa wadaaddada iyo dadka kaleba, kuna adkaystay aragtidaas diidmada. Warqad ayaa loo diray suldaankii joogay Qaahira oo lagu weydiinayey aragtidiisa iyo in uu soo saaro hadal diidmo ah oo bunka ah. Waxa kale oo la yaab leh in wadaaddada qaar ku talaxtageen xukunka bunka oo ay gaalaysiiyeen cidda bannaysa. Suldaankaas warqadda loo diray wax dhib ah uma arkin cabbitaanka bunka asal ahaan, balse waxa uu diiday in qaabka habeenkii uu badhasaabku arkay la isugu yimaaddo.

Dadka reer Maka waxa ay fursad ka heleen aragtida suldaanka Masar soo diray, waxaanay ku laabteen cabbitaankii bunka ka dib markii ay ogaadeen in suldaanka Qaahira oggolyahay. Si tartiib ah ayaa uu Khaayir Bik faraha uga qaaday dabagalkii dadka bunka cabba, sidaas ayaanu bunku ku faafay. Arrinku waxa uu faraha ka baxay ka dib markii badhasaab cusub loo soo magacaabay Maka sannadkii 918-kii Hijriga oo ka mid ahaa dadka cabba bunka.

Sannadkii 932-kii Hijriga Muxammad binu Ciraaq ayaa fatwooday in guryahay bunka lagu cabbaa xaaraan yihiin, hase ahaatee ma diidin cabbitaanka bunka laftiisa. Weli waa ay sii taagnayd doodda xaaraantimaynta iyo xalaalaynta bunku, hase ahaatee dad badan ayaa ka xiiso dhacay oo yareeyey u dhegtaaggii xukunka culimada, wadaaddo badan ayaana bilaabay cabbitaankiisa.

Qaahira

Ka dib markii doodda bunka ee Maka dhammaatay, culimada Masar iyo Shaam waxa ay bilaabeen in ay laba kooxood ugu kala qaybsamaan cabbitaanka bunka sidii xaaladdu ahayd Maka. Wadaaddo ayaa u arkay bunka cabbitaan qofka ka caawiya xuska Eebbe iyo cibaadada, kuwo kalena waxa ay u arkeen wax lagu sakhraamo oo jidhka dhibaato u leh, qofkana lumiya.

Masar oo bunku ka bilawday xaafadaha u dhow al-As’har oo Yamaniyiin iyo Xijaasiyiin ag degganaayeen, culimo badan oo reer Masar ah ayaa xaaraan u arkay, halka qaarna ku talaxtageen oo ay dadka ku direen dadka cabba bunka amaba iibiya. Wadaadka al-Sanbaadi waxa uu sannadkii 939-kii Hijriga soo saaray aragti xaaraantimayn oo bunka ah, waxaanu u arkay wax lagu sakhraamo. Waxa uu marar badan meel fog ka istaagay dadka cabba iyo dadka iibiya. Koox xertiisa ka mid ah ayaa weeraray guryaha lagu cabbo oo weelka ka jajabiyey dad badanna garaacay. Dhacdadaasi waxa ay keentay in muftigii Masar, Muxammad binu Ilyaas al-Xanafi, arrinka soo dhexgalo, culimo dhawr ahna arrinka bunka ka talogeliyey. Muftigu waxa uu qaatay aragtida culimada bunka bannaysay, waxaanu tijaabiyey in ay wax sakhraamin karto iyo in kale, waxaanu ku adkaystay go’aanka bannaynta.

Fatwadaas muftigu waxa ay keentay in aanay dib u dhicin dagaalkii lagu qaaday dadka cabbaa, marar kooban marka laga reebana, guryaha bunka laga cabbaa waa ay ka nabadgaleen xasarad dambe, waxaana kordhay dadka cabba bunka ee reer Qaahira.

Dimishiq lafteeda waxa ka bilaabmay dood la mid ah tii Maka ka taagnayd. Waxa dhacday dawladdii Mamluukiya, waxaana xukunka qabtay dawladdii Cusmaaniyada, hase ahaatee wadaaddada arrinkaasi kama hor istaagin in ay weli ka sii doodaan bunka. Doodda bunka ee Dimishiq waxa ay yeelatay weji siyaasadeed, waxaanay dhaaftay Dimish ilaa caasimaddii Cusmaaniyada ee Istanbuul.

Magaalada Dimishiq waa ay ku culimo badnayd magaalooyinka kale, waxaana ku sugnaa wadaaddo kal mad’hab iyo kala aragti duwan, sidaas darteed doodda bunku waa ay ka xoog badnayd kuwii magaalooyinka kale. Muftiga guud ee magaaladu waxa uu ahaa qaaddiga magaalada, oo isagu soo saaray fatwo diidaysa cabbitaanka bunka, waxaanu meel adag ka istaagay dadka isku yimaadda ee bunka cabba. Waxa uu garab ka helay suldaankii Sulaymaan al-Qaanuuni oo ku taageeray xukunkaas.

Wadaadkii ugu weynaa xilligaas Maxamed abu Mascuud waa uu diiday laftiisu cabbitaanka bunka, balse aad uma adkayn diiditaankiisa, oo waxa uu xoogga saaray dhaqamada dadka isku imanaya ee cabba oo uu dhaleeceeyey. Wadaadka kale ee Cabdiqani al-Naabulisi waxa uu u arkayey wax wakhtiga la socda oo aan dhibi ku jirin cabbitaankiisa, aadna wuu uga soo horjeedsaday go’aanka lagu diiday.

Ugu dambayn, muddo ayaa ay jiitantay doodda cabbitaanka bunku, balse haddana hoos ayaa ay u dhacday, bunkuna waxa uu markii dambe noqday wax aan dood la gelin oo dad badani cabbaan dadkana ku dhex baaha, dhammaan waxyaabihii lagu diidayayna waa ay beenoobeen, sida in uu wax sakhraamiyo.

 

Waxa laga soo turjumay madasha Megazine.