Saturday 13 June 2026
Buugga uu dhawaan soo saaray cilmi-baadheha reer Senegal, Mamadou Diouf, “Africa in the World’s Time”, waxa uu ka duulayaa waydiinta “yaa qora sooyaalka Afrika?”. Warbixinta guddiga Tiaroye oo dib u furtay faylkii xasuuqii xerada Tiaroye ee ka dhacay Senegal sannadkii 1944-kii, iyo dhaq-dhaqaaqa dib u soo celinta dhaxalka iyo magdhowga ee ku sii fidaya guud ahaan qaaradda, su’aashani waxay ka gudubtay inay noqoto mawduuc cilmiyeed oo keliya, waxayna isu beddeshay codsi siyaasadeed iyo mid bulsho oo daarran qiraal iyo caddaalad sooyaaleed.
Bishii Oktoobar 2025-kii, sooyaalyahan Mamadou Diouf wuxuu warbixin rasmi ah u gudbiyey madaxtooyada Senegal, taas oo uu ku soo gabagabeeyey in si ula kac ah rasaasta loogu furay askartii Afrikaanka ahayd ee ku sugnayd xerada Tiaroye, oo si qorshaysan loo fuliyey, isla markaana tirada dhibbanayaashu ay aad uga badan tahay sheegashada Faransiiska. Warbixintani kumay koobnayn oo keliya dib-u-eegista hal dhacdo, balse waxay qayb ka noqotay mowjad ballaadhan oo ku baaqaysa in dib loo qoro cutubyadii gumaysiga iyadoo lagu salaynayo markhaatifurka dhibbanayaasha iyo kaydka sooyaaleed ee gudaha. Isla wakhtigaasna Midowga Afrika wuxuu bilaabay hindisayaal rasmi ah oo lagu xoojinayo mowqif mideysan oo ku aaddan magdhowga iyo soo celinta hantida dhaqanka.
Barafasoor Diouf, wuxuu ku ururiyey buuggiisan maqaallo naqdin ah oo ujeeddadoodu tahay kala furfurista sheekooyinka gumaysiga iyo in dib loogu soo celiyo Afrika badhtamaha fekerka sooyaaleed ee dunida. Wuxuu xoogga saarayaa qodobbo dhawr ah, sida naqdin lagu sameeyo jadwalka sooyaaleed ee Yurub, doorka suugaanta iyo shaneemadu ku leeyihiin dib-u-dhiska xusuus-wadareedka, iyo dadaallada ay aqoonyahannada Afrikaanku ugu jiraan ka hortagga sheekooyinka awoodda leh ee soo jireenka ah. Buuggu waxa uu sidoo kale isku darayaa falanqayn cilmiyeed iyo akhrisyo dhaqan oo ku doodaya in ay sooyaalka laga raro qoraal laga sheegayo Afrika, una guurto sooyaal ay qaaraddu si toos ah uga qayb qaadanayso qoristeeda.
Khibradda Diouf waxay isu keentay shaqo hay’adeed iyo cilmi-baadhis goobeed, laga soo bilaabo guddoominta guddiyo rasmi ah ilaa ka qaybgalka shirar caalami ah oo ku saabsan kaydka sooyaaleed iyo la soo laabashada. Talooyinkii guddiga Tiaroye ee uu hoggaaminayey waxay ku baaqeen raalligelin rasmi ah iyo isla xisaabtan sharci ah, taas oo muujinaysa sida cilmi-baadhista sooyaalka ahi isugu beddeli karto aalad caddaaladeed. Joogitaanka Diouf ee fagaarayaasha doodaha caalamiga ahi waxa uu ka turjumayaa isbeddelka sooyaalyahanka — oo ka guuraya inuu noqdo qof wax diiwaangeliya isu rogayana qof door firfircoon ka qaata beddelidda shuruudaha hadalka sooyaaleed iyo siyaasadeed.
Dhaqdhaqaaqyada sharci dejinta ee Faransiiska iyo qorshayaasha Midowga Afrika ee ku saabsan dib u soo celinta dhaxalka iyo furista faylka magdhowga, waxay muujinayaan in su’aasha ah yaa qoraya sooyaalka? aanay imika laga billaabo ku koobnayn maktabadaha. Dib u soo celinta farshaxannada iyo sharafta dhibbanayaashii xasuuqyada gumaysigu geystay waxay furayaan waddooyin cusub oo loo maro isla xisaabtan iyo qiraal. Dhanka kale, waddadan waxaa horyaalla caqabado sharci iyo siyaasadeed, kuwaas oo u baahan is-afgarad heer gobol iyo heer caalami ah, iyo weliba rabitaan siyaasadeed oo xooggan.
Xilligan dib u soo celinta iyo magdhowga, su’aasha uu cinwaanku xambaarsan yahay weli way taagan tahay iyadoo kulul: yaa qoraya sooyaalka Afrika? Buugga Mamadou Diouf jawaab uma bixinayo si kama dambays ah, balse wuxuu ballaadhinayaa baaxadda su’aasha, isaga oo qorista sooyaalka ka dhigaya goob loogu loollamo xusuusta, caddaaladda iyo aqoonsiga.
Wakhtigan la joogo, sooyaalku waxay isu beddelaysaa goob ay ka socoto shaqo siyaasadeed iyo dhaqan, halka qorista sooyaalkuna noqonayso mid ka qaybgal u baahan; in dib loo qaybiyo awoodda cidda leh xaqa sheekaynta iyo qirashada.
Waxa laga soo turjumay halkan.