Tuesday 11 November 2025
Murti Soomaalidu leedahay ayaa tidhaahda, kaftanku waa run la qaboojiyey, maxaa yeelay, haddii si qayaxan loo sheegi lahaa runta, waxa ka dhalan lahaa cadaawad. Si taa la mid ah, marka aynnu Sooraan ka hadlaynno, waxa aynnu odhan karnaa riwaayadihiisu waxa ay ahaayeen run la qaboojiyey oo maad loo eekaysiiyey, si aan looga didin ama loo ga cadhoonin. Fiiradheeridii iyo indheergadnnimadii Sooraan waa ay tahay mid farsamadaa dareensanayd oo ujeedkeedu ahaa isku dhafka dhabnimada iyo dhalanteedka.
Haddii ay jirto habka is ku dhafka dhabta iyo dhalanteedka ee qoraalku, waxa si la mid ah iyana jirta is ku dhafka maadda iyo murtida, waxana calanka u sida oo aynnu u tiirinaynnaa jilaa Sooraan Ismaaciil Sugulle. Fan masraxeedka Soomaalidu ma aha mid dawlad ama hay'ado u xilsaarani tayeeyaan oo nuxur u yeeliddiisa ku dedaalaan. Sidaa darteed, qofka u qalab qaata in uu wax soo gudbiyaa isaga ayaa is wada, sababtaa ayaa qofka ka soo dhex baxa bulsho aan qiimaynnin waxsoosaarka qofka uu u yahay xiddig dedaal iyo hibo isku darsaday, oo duruufaha jiraa ay reebi kari waayeen.
In aad noqoto jilaa wanaagsan oo tixgelin badan ka haysta bulshadiisu waxa ay u baahan tahay dedaal, waqti iyo ka go'naansho intaaba kugu riixa. Waqtiga, dedaalka iyo doonistaba waxa udub -dhexaad u ah hibada qofka oo sahli karta in uu sumcad weyn waqti yar ku dhisto. Isu gaynta intaa, waxa jira qodob kale oo muhiim u ah, jilaaga intaa kulansadana ka dhigi kara qof jaadgooni ah, waa baraarugga shakhsi iyo korranaanta wacyi ee qofku u leeyahay bulshada iyo deegaankiisa. Haddii aanad wacyi u lahayn waxa agtaada ka dhacaya, hibo kasta iyo dedaal kasta lahaw, waxa soo baxayaa nuxur ma yeelan doonaan.
Sooraan Ismaaciil Sugulle, waxa uu ahaa naaqid bulsheed, suugaanyahan heesaa ah, jilaa wacyi sare leh, iyo nin kaalin kasta oo faneed buuxin kara. Ka soo bilaw, isaga oo tahriibta wax ka wacdiyaya, isaga oo is-afgarad la'aanta bulshada iftiiminaya, isaga oo siyaasiga waxmataraha ah tooshka ku ifinaya iyo isaga oo qabyaaladda duraya; intaa iyo ka badanba waxa aynnu daawanaynnay Sooraan oo u muuqda in uu majaajilaynnayo, hase ahaatee, waxa uu abaarayaa waxa ay ahayd wacyigelin iyo dhaliil bulsheed oo uu gudbinayey. Si fudud ayaa uu saamayn ku yeelanayey waxqabadkiisu, waayo, marka uu riwaayad soo bandhigo, waxa muddo yar dabadeed ba ay qabsanaysay suuqa. In Sooraan uu soo bandhigo riwaayad waaqaca nololeed taabanaysaa waxa ay ka dhignayd, indheergaradka bulshada oo inta uu isu yimi cod qudha ku diraya baaq wacyi gelin ah, ama jeedinaya dhaliil bulsho.
Haddii ay jirto habka isku dhafka dhabta iyo dhalanteedka ee qoraalku, waxa si la mid ah iyana jirta is ku dhafka maadda iyo murtida, waxana calanka u sida oo aynnu u tiirinaynnaa jilaa Sooraan Ismaaciil Sugulle.
Had iyo jeer, waxa uu ahaa nin u taagan in uu wax saxo. Fanka oo uu ku dhex jiray marar badan ayaa uu ina tusayaa isaga oo dhaliilaya qofka aan hibada lahayn. Tusaale ahaan, Jawaan oo ah jilaa kale oo ay isugu baxdo ayaa mar odhanaya waa aan heesayaa ee iga dhagayso Sooraanow, dabadeed kolka uu heeso Jawaan, isaga oo sugaya in lagu qiimeeyo 'Hibadiisa', ayaa uu Sooraan kaga naxsanayaa: 'Oo waxaasi ma hees baa mise waa oohin"?
Sooraan waxa uu ahaa nin aaminsan in bulshada qof kastaaba kaalin leeyahay, ayna tahay in uu kaalintiisa ku koobnaado. SIdaas awgeed, naqdintiisu waxa ay daarranayd in dadka laga suuliyo dhaqannada silloon ee qabyaaladda, takoorka iyo iin kasta oo umaddu yeelan karto.
Sooraan, markale, isaga oo boorrinaya sida noloshu jaranjarada u tahay, qofkuna ay tahay in uu marba halkii uu taagan yahay ku qanacsanaado; waxa uu si maad ah murtiduna udub- dhexaad u tahay u leeyahay, isaga oo geeraar isaga qudhiisu maad leh wax ku soo gubinaya;\:
"Haddaad shiikh cilmiga sheega iyo caalim noqon waydo
Jis ilaahay lagu caabudaa waa cawo adduun
Laangaruusal caana iyo haddaad fayfle cugan waydo
Baaskiil socodka kaa caawisaa waa cawo adduun
Madaxwayne caana iyo haddaad caaqil noqon waydo
Islaan maqalka kugu caawisaa waa cawo adduun"
Xeerka kufsiga iyo sida bulashadu u arkaysay ayaa, uu mar kale, wax ka yidhi isaga oo adeegsanaya is ku dhafka murtidiisii iyo maaddiisii bulashadu ku jeclayd. Islaantiisa ayaa ka la sheekaysanaysa in xeerkii kufsiga baarlamaanku ansixinayo, arrintaa oo oday kasta oo Soomaali ah fajac ula muuqanaysa ayaa uu ka qaylinayaa. Waxa uu leeyahay: "Naa miyaadan qof weyn ahayn, oo aanad islaantaydii ahayn. Waa maxay kufsiga iyo waxan aad igala hadlaysaa." Si qosol iyo maad ba leh, isaga se aanay ka qasnayn, ayaa uu u leeyahay: "Naa ma in lagu kufsadaad rabtaa." Isaga oo ujeedku yahay, maxaa hawlahan ku galiyey eed uga hadlaysaa.
Fan masraxeedka Soomaalidu ma aha mid dawlad ama hay'ado u xilsaarani tayeeyaan oo nuxur u yeeliddiisa ku dedaalaan. Sidaa darteed, qofka u qalab qaata in uu wax soo gudbiyaa isaga ayaa is wada, dhab ahaanna Sooraan waxa uu ahaa jilaa la kulmay waayo-aragnimadaas.
Mar kale, isla arrimaha kufsiga, Jawaan ayaa ku odhanaya: “Waxa la yidhi qofka wax kufsaday ilaa afar goobjooge loo helo la ma soo qabanayo.” Si maad leh, ayaa uu Sooraan u leeyahay "Afarta qof may marka hore ka qabato."
Sooraan, isaga oo metalaya oday reereed oo qabqable ah oo canaanaya nin uu tolkii doortay oo xildhibaan ah ayaynnu marar badan aragnnay. Waxa uu leeyahay, hebel waa qof wax cuni kara oo wax dhacsan kara. Tusaale, isaga oo xildhibaanka la hadlaya waxa uu odhanayaa "War meesha dhul maka iibsatay oo guri maka dhisatay." Kolka uu maya ugu jawaabo xildhibaanku, waxa uu Sooraan ka la duldhacayaa canaan iyo erayo ay ka mid yihiin: "Oo markaa ma neef baad tahay. Maryihii markii meesha lagu geeyay aad sidatay baad sidataa e, war meesha miyaan wax ool ool." Waxa uu hadal ku soo idlaynayaa: "War dadkuba xaaraantaas buu ka dhergay."
Doodda u dhaxaysa dumarka iyo ragga Soomaalida ee ku aaddan in gabadhu shaqaysataa waxa ay ahayd mid aan la gu ka la calaf qaadin oo malaha ilaa imika sideedii u taagan. Sooraan, isaga oo muran kaa qoysaska dhex yaalla ku metalaya oday hinaase hayo, ayaa uu islaantiisa oo shaqo ku soo raagtay ku leeyahay: "Naa horta inaan qof weyn ahay, oo kaa shisheeyo oo kaa sokeeyo miyaadan ogayn, shaqada aad xilligan ku maqan tahay, iyo waxaasi maxay kaa yihiin."
Waqtigii baraha bulashada saamayntoodu bilaabmaysay, waxa uu Sooraan ka sameeyay wacyi gelin badan, mar baynnu aragnnay isaga oo qof gaadhi jiidhay leh: "Isug aan sawir ka qaato e." Mar kale, waxa jirta riwaayad nuxur badan, isaga iyo Jilaa kale oo mudakar ku ah dhanka metalaadda waa Saydhiye e, waxa u imanaysa gabadh uu jilaaga kale qabo, Sooraan iyo saaxiibkii waxa ay ku shuqlan yihiin daawashada Facabooga oo si mamanaan ah ugu maqan yihiin, muddo badan ayaa ay gabadhu ka dul qaylinaysaa, iyada oo leh, inantaadii yarayd baa xanuunsanaysa e kaalay dhakhtar gee, marka la isku xiiqo ee gabadhu iska tagto, ayuu Sooraan oo wacyigii bulshada ee markaa metalayaa leeyahay: "War tan goormaad guursatay, qaylo badanaa dee, miyaanay Faysbuug lahayn."
Sooraan Ismaaciil Sugulle, waxa uu ahaa naaqid bulsheed, suugaanyahan heesaa ah, jilaa wacyi sare leh, waxaanu ku beegnaa laamo badan oo faneed sidaas awgeed waxa lagu sifayn karaa masrax dhan oo guuraya.
Wacyi dhiska ugu weyn ee Sooraan waxa uu daarranaa dhanka siyaasadda iyo naqdintiisa ku aaddan siyaasiga. Tusaale ahaan, waxa aynnu aragnnay qof inta la doortay, maalintaa codka la siiyo ay ugu danbayso waajibaadkii laga sugayey, hase ahaatee, muddo ka dib kolka xilkii gabaabsiyo waxa uu qofkaasi la yimaaddaa cudur daarro kale, oo is leeyahay waa ay kaa soconayaa, laakiin sida saxda ah uu dadka caqligooda ku caayayo. Dhacdadaa aynnu sida maalin laha ah u aragnno isaga oo Sooraan si nuxur leh u soo gudbinaya, booska qofka caynkaa ahna is dhigaya, waxa uu ku dooday, in xisbigii hore ee laga doortay ay is fahmi waayeen oo wada shaqayn kari waayeen, sidaa darteed uu imika rabo in uu xisbi kale reer tolkii ku 'Shubo'. Markii la wayddiiyey waxa uu intii hore qabtay, waxa uu ku garnaqsaday, 'In muddo xilleedkii hore uu dawladda baranayey, oo ciriqciriq u raacayey.' Hadalkaasi waxa uu noqday khulaaso lagu soo koobi karo qof intii hore waxba aan tarin, sidaas oo ay tahay mar kale doonaya in uu dadka luggooyo.
Isku dhibanaanta qofka la doorto iyo dadka wax doorta ayaa iyaduna ah qodob kale oo shaacsane ka dhex noqday bulshada. Sooraan, isaga oo is afgaran waaganna wax ka leh, waxa uu is dhigay booska xildhibaanka la doortay oo isu arka qof la dhacay oo aan waxba lagu reebin. Isaga oo taasi sida ay tahay u dhigaya waxa uu Sooraan leeyahay oo dadkii soo saaray kaga cabanayaa: “Inaadeer qofka haddii la soo saaro waa laga dul dareeraa.”
Qaab darnaanta xisbiyadeena siyaasadeed iyo sida ay hal’abuur uga madhan yihiin ayaa uu metalay oo waxa aynu shaashadaha ka fiirsanay isaga oo si iska fudud u leh waxa aan furanayaa urur siyaasadeed, nuxurku waxa uu ahaa sida aan macna lahayn ee xisbiyadu u dhashaan; waxa ugu weyn ee riixa in qof ama qofaf aan mudakar ahayn qabiilku u riixo ee ay ugu gaadhaan meel aanay mudnayn. Isaga oo qodobkan xoojinaya waxa ay isaga iyo Jawaan isla qaadanayaan in ururku aanu suldaan la’aan soconayn, sidaa darteed ayaa ay Jawaan uga dhigayaan suldaanka ururka ee afkii reerka ku hadlaya. Ilaa maanta iyo xiligaa waxa shaacsanaha ahi waxa weeye in siyaasadeena iyo qabiilku isku dhex jiraan oo ay foolxumadaa wax badan oo gurracani ka dhasheen.
Sooraan, waxa uu metalay oo naqdintiisu gaadhay dhakhtar xumaha iyo wadaadka shaadhka diimeed ku dhuunta ee dhaha wax baan daweeyaa isaga oo wax maad leh u qoraya dadka. Waxa uu leeyahay, tab la mid ah tabta ay duulkaasi wax u dabiibaan tusaale waxa isaga oo u duur xulaya wadaaddada waxa uu odhanyaa: 'Marka lagu soo waco marmar wax ma maqli waydaa." Haa. "Saliid baa dhagaha kaa ga furan.”
Waxa kale oo uu naqdiyey saxafiga tayada xun ee waxa uu soo gudbinayaa ayna dhadhanka lahayn. Isaga oo la hadlaya waxa uu leeyahay: "Walaalayaal, weriyayaashoow warka naga soo maydha sida al-Jasiira, warkii oo sidiisii ah baad na la wadaagaysaan e."
Waxa uu dareensanaa sida nuxurka fanku u sii lumayo ee erayadu u sii macna beelayaan. Cabdi Good oo inta badan lagu yaqaanno dhaliisha uu u jeediyo heesaaga, ayaa uu markan Sooraan ku leeyahay. Haddii la wayddiiyey erayada heesta na waxa uu ku jawaabay:
"Sidii aan ku dhalanniyo
Marya dhigashadaydiyo
Qaawani igu la hees"
Waxa uu mararka qaar u taagnna oo metalayey kaalinta dawladnnimo oo waxa aynnu arkaynnay isaga oo deegaanka ilaalintiisa baraarujinaya, kana digaya dhuxusha iyo waxyaabaha dhulka u daran. Waxa uu mar is ku ahaa fannaan heesa, dirane bulsho, jilaa wanaagsan iyo muwaadin ka walaacsan xaaladda dalkiisa iyo dadkiisaba. Qabiilka iyo sida uu dawladda, arrimaha bulshada iyo nolosha ba ugu fiday ayaa uu dareensanaa oo ka xumaa, waxa aynnu daawannay iyada oo inankiisii laga soo eryay Iskuulka oo uu sidii oday kasta oo Soomaali ahi yeeli lahaa, ku celcelinaya: “Inanka ay inanka is dileen waa qoloma.” Iyo, “inanka, inanka loo soo eryay waa qoloma.”
Wacyi dhiska ugu weyn ee Sooraan waxa uu daarranaa dhanka siyaasadda iyo naqdintiisa ku aaddan siyaasiga, taas oo tilmaamaysa sida uu ugu baraarugsanaa muhiimadda hoggaanku leeyahay iyo doorkiisa.
Sooraan oo muddo badan u taagnnaa wacyi dhiska bulshadiisu, waxa uu sanadkii 2021-kii soo saaray riwaayad aynnu odhan karno waxa ay ahayd tii ugu saamaynta badnayd ee beryahaa dhagaheenu maqlaan. Waxa aynnu daawanay Sooraan oo ri’ soo iib geeyay, ha se ahaatee, dadka oo dhami leeyihiin laxda naga iibi. Waxa ay ahayd riwaayad hal-xidhaale ah oo qofka hal mar qosol iyo feker ku wada ridaysa. Waxa ay dhalisay hadal hayn badan taas oo ugu dambayntii qof waliba meel u qaatay, waa na sunnaha suugaanta in qof kastaa fahankiisa u qaato wixii la soo saaro; si kasta oo ay riwaayaddani u murugsanayd, sarbeebteeduna u badnayd, haddana waxa ka dhashay hadal haynta ah: “Dad baa dadka waala”, iyo, “Awal wixii aynnu dooranay muxuu ahaa”. Laga soo bilaabo xilligaa iyo imikaba, waxa ay dadku is wayddiiyaan, mar kasta oo ay garan waayaan dabciga qofka ay u codeeyeen; waxa ay doorteen waxa uu ahaa, iyo, sida ay ugu hungoobeen.
Qabyada noloshu ma dhamaato oo waa mid kaligeed ka la dhiman, haddana, kolka aad u fiirsato Sooraan iyo sida waxqabadkiisu u ballaadhnaa ee uu habnololeedka dadkiisa u naqdiyay, ama u toosiyay, waxa ay u muuqanaysaa in uu qabyadiisii meel ku tiiriyay oo qodob walba wax ka sii iftiimiyay, sababtaa darteed ayaa ay muhiim u tahay in dib loo muraajaceeyo oo loo dhalaaliyo wixii uu ka tegay, qoraalkanina dib u eegista waxsoosaarkii Sooraan ayaa uu bud dhig u yahay.