Skip to main content

Tuesday 15 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Soomaaliya: Xukuumad Hayaan ah

25 August, 2026
Image
Soomaaliya: Xukuumad Hayaan ah
Share

24-kii Juun ee 2026, duhur ka dib, waxa madaarka Nayroobi ee Joomo Kenyaata soo gaadhay Ku-xigeenka Labaad ee Raysalwasaaraha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, isagoo la socday diyaarad Muqdisho kasoo kacday. Madaarka waxa ku joojiyey ciidamada socdaalka ee Kiiniya. Sida xogo dhawr ahi tilmaamayaan, baasabboorkiisa Kiiniyaatiga ah waxa uu ku helay qaab isdabamarin ah. Masuulkan waxa lagu celiyey Muqdisho.

Dhacdadani ma aha mid jaadgoonni ah. 26-kii Julaay, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari, horena u aha Kuxigeenka Koowaad ee Sanadka Soomaaliya, waxa loo diiday inuu galo isla madaarkaas, ka dib markii masuuliyiinta socdaalka Kiiniya ay ka shakiyeen dhukumantiyadiisa safarka. Waxa dib Muqdisho loogu saaray diyaarad. Ilaa hadda, labada xukuumadood ee Kiiniya iyo Soomaaliya, midina ma caddayn sababaha dhacdadan. Maalinkii xigay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa u yeedhay safiirka Kiiniya, si arrinkan loogala hadlo.

Lix toddobaad ka dib dib usoo celintaas, Jibriil waxa uu noqday masuulkii koowaad ee u hoggaansama amarkii iyo digniintii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xidhiidhay soo dhiibidda baasaabboorada ajnabiga ah ama is casilid. Ilo kala duwan waxa ay tilmaamayaan in tiro ka mid ah wasiirrada xukuumaddu ay ku jiraan qabanqaabadoodii ugu dambaysay ee la xidhiidha ka tanaasulka baasaabboorka shisheeye. Cidhiidhi gelintan iyo beegsigani waa tallaabo dhab ah, se haddana weli aanay fari ka qodnayn marka la eego heerka dabaqadda xukunka haysa ee Soomaaliya – la taliyayaal, shaqaale xirfadeed, iyo inta badan xubnaha Baarlamaanka – sababtoo ah, baasabboorka ajnabig ahi keliya uma ah dhukumanti safar, ee waa wax qayb ka noqday qaabdhismeedka maamul, sidoo kalena ah jid lagu baxsado.

Kolka masuuliyiinta waaweyni rabaan inay la kulmaan odayaal dhaqameedka, uguma tagaan xaafadahooda, ee waxa ay ugu yeedhaan hudheellada ay deggenyihiin, oo intooda badani ku yaallaan meel madaarka u dhow. Mid ka mid ah shaqaalaha wasaarad ku taalla Muqdisho, oo shardi ka dhigay inaan aqoonsigiisa la baahin, waxa uu ii sheegay: “Ma tagaan xaafadaha si ay usoo arkaan sida dadku u noolyihiin”. Masuuliyiintaasi waxa ay magaalada yimaaddaan uun habeen badhka ka dib, kolkaas oo jidadku furanyihiin, inta badanna waxa la socda ilaalo badan. Inta badan masuuliyiintiisa waxa ay u dhaxeeyaan Villa Soomaaliya iyo aagga madaarka.

Shaqaale kale oo ka tirsan wasaarad ayaa sheegay xaalad taa hore ka walaac badan. Sida uu sheegay, wasiirrada sita jinsiyad kale iyo kuxigeennadoodu aslanba ma yimaaddaan wasaaradda, saxeexa, dhukumantiyada iyo agabka maamulna waxa loogu geeyaa hudheellada ay deggenyihiin ee madaarka u dhow. Waxa uu ku daray: “Xafiiska wasaaradda waxa jooga uun xoghayn, shaqadeedu tahay inay korjoogtayso shaqooyinkaas maalinlaha ah, iyo inay go’aamiso cidda soo galaysa iyo cidda baxaysa”. Si kooban, shaqooyinkii wasaaradeed waxa ay u wareegeen madaarka.

Diisambar 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si badheedh ah u qirtay in nidaamka joogitaan ee baayometrigu xukuumaddu muujiyey in 1500 qof oo ka mid ah shan kun oo shaqaale xukuumadeed ahi ay joogeen xafiisyadooda, halka 3500 shaqaale ee soo hadhay, oo boqolkiiba toddobaatan ahi ay mushaharka dawladda imaatin la’aan qaataan. Waa shaqaale caaglayaal ah. bulshada caadiga ahi cadho ayay kaga falceliyeen dhaqankan, se dabaqadda siyaasadeed keliya waa ay aamuseen. Mid ka mid ah odayaasha aan la kulmay ayaa igu yidhi: “Masuuliyiinta waxa keliya ee Soomaaliya ku xidhaa waa xilka ay hayaan, judha xilkaas laga qaado, waxa ay raacayaan safarka ugu horreeya ee dalka ka baxaya, iyagoo wata xoolihii ay muddo xileeddooda urursadeen”.

Baaxadda dhibta

Baasaabboorka shisheeye ma aha wax saamayn kooban ku leh dabaqadda xukunka ee Soomaaliya. Waa wax kaalin go’aamin ugu jira. Sida laga xigtay hindisaha islaxisaabta baarlamaanka ee madaxabannaan, 105 xildhibaan oo ka mid ahaa 275-kii xubnood ee baarlamaankii tobnaad ee federaalka ee 2017 waxa ay haysteen baasaabbooro shisheeye, ilaa haddana qaar badan oo ka mid ah xubnahaasi waxa ay ku jiraan golaha. Golaha Sanadka laftiisa, 20 ka mid ah 54la xubnood waa xubno qurbojoog soo laabtay ah. Waxa kale oo xusid mudan, in raysalwasaare kasta oo Soomaaliya soo maray 2000 ilaa 2022 ay siteen jinsiyadaha dalal kale oo Galbeedka ah – Kanada, Norway, Sweden. Raysalwasaarahan hadda, Xamse Cabdi Barre, ayaan sidan baasaabboor Galbeed, waana kii ugu horreeyey. Waxa intan dheer, in garabyada siyaasadeed ee Muqdisho gudaheeda loo kala fadhiyo isbahaysiyo siyaasadeed oo ku salaysan magaalooyin dalalka Galbeedka ah.

Sida ku xusan dabagal ay samaysay Somaliland Chronicle, Cali Maxamed Cumar – oo loo yaqaan Cali Balcad, haddana ah Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda – kama uu tanaasulin dhalashadiisa Maraykanka, marka warbaahintu la xidhiidhayna ma dafirin arrinkan. Waxa uu yidhi: “Shaqadaydu waxa ay u adeegaysa danaha sharciga ah ee Soomaaliya, sida beesha caalamku qirayso”. Sida isla warbixinta lagu sheegay, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar – Maamule hore oo Xarunta Daryeelka Minisoota, laga soo bilaabo Juun 2026-na ahayd ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya – waa qof ka mid ah tusaalayaasha ugu cadcad ee qurbojoogta xilalka sare ka haya dawladda.

Masuuliyiinta hore uma soo laabtaan islaxisaabtan, se waxa ay usoo laabtaan hal ujeeddo oo keli ah: kolka xukuumad cusubi dhalato, ee ay rejaynayaan xil sare oo ay ku gorgortamaan.

Xaaladda Saalax Axmed Jaamac ayaa arrinkan si qadhaadh u tilmaamaysa. Saalax waxa uu noloshiisa xirfadeed ku sameeyey Ottawa, Kanada – isagoo ahaa cilmibaadhe iyo kaaliye bare oo jaamacadda Kaaraltoon ah. Balse waxa uu kusoo laabtay Soomaaliya oo uu ka noqday Raysalwasaare ku xigeen iyo xubin ka tirsan Golaha Sanadka. Bishii Aktoobar 2024, Guddoomiyaha Golaha Sanadka ayaa shaaciyey in Saalax laga saaray Golaha, ka dib markii aanu soo xaadirin afar kalfadhi oo is xigxiga, sabab la’aanna uu u maqnaa. Guddiga dabagalku waxa ay xaqiijiyeen inuu mushaharka iyo kabkaba qaadanayay muddo laba sanno ah isaga oo aan soo xaadirin, waana mushaharka laga bixiyo kabka miisaaniyadeed ee ay bixiyeen Baanka Adduunka iyo IMF. Waa arrin ka dhigan in cashuurta Yurubiyaanka iyo Maraykanka laga bixin jiray mushaharkiisa, isagoo maqan.

Saddex maalmood gudahood, dabaqadda siyaasadeed waa ay ka laabteen go’aankii, kursigiisiina waa uu sii haystay, mushaharkiina muu waayin. Sooyaal ahaan, masuul Soomaaliyeed laguma khasbin inuu bixiyo lacagta uu xil ku qaatay, haddii uu dhaqandarro sameeyey.

Dabaqadda qarsoon

Dadka ugu badan ee baasaabboorada shisheeyey sitaa ma aha wasiirrada ama xildhibaannada, waxa sita dabaqadda la talinta iyo xirfadlayaasha ee ka buuxa Soomaaliya – madaxtooyada, xafiiska Raysalwasaaraha iyo wasaarad kasta, waana dabaqadda weli aanu gaadhin amarkii madaxweynuhu.

Dadka sita baasaabboorrada Maraykan iyo Ingiriisku waxa ay si weyn ugu dhex jiraan xafiisyada amniga qaran iyo isgaadhsiinta. Halka xubnaha sita baasaabboorada Kanadiyaanka iyo Iswiidhishku ay ku jiraan Wasaaradda Maaliyadda, Qorshayna iyo arrimaha garsoorka. Sida warbixinaha guud tilmaamayaan, Xuseen Macallin Maxamuud, oo hayay xilka lataliyaha amniga qaranka, laga soo bilaabo 2022 ilaa iscasilkiisii August 2025, waa ninka dejiyey habraaca amniga qaranka Soomaaliya, isagoo sita baasaabboor shisheeye. Sidoo kale, Cabdirashiid Xaashi, oo waxbarasho Kanada haysta, waxa uu ahaa agaasimaha isgaadhsiinta madaxtooyada.

Dhibaatooyinka ka dhalanaya mushaharradani waa kuwo argagax leh, oo aan inta badan se laga doodin. Lataliyaha sita baasaabboor shisheeye waxa uu qaataa mushahar u dhexeeya shan kun ilaa 10 kun oo doollar bishii. Halka lataliyayaal kale oo aan awoodin inay dalka ka baxaan ay qaataan boqolaal doollar, se isla xafiisyada kuwaas ku qoran. Lataliyahaas kale, kolka xaaladuhu xumaadaan, waa uu guurayaa, khibraddii hay’adeedna isagay raacaysaa.

Waxa intanba ka daran, in inta badan ee qoysaska dabaqadda xukunka Soomaaliya ay deggenyihiin dalal dibadeed oo Galbeedka u badan, masuuliyiintaasina ay dibadda u safraan si joogto ah si ay qoysaskooda ula soo joogaan. Wasiirka ilmihiisu wax ka baranayo London, iskuma hawlayo inuu dedaal geliyo hannaanka waxbarasho ee Soomaaliya. Lataliyaha amni ee qoyskiisu ku noolyihiin Toronto, iskuma hawlayo inuu dhiso xaalado nabadgalyo oo qoysaska la jaanqaadaya.

Dastuurka Soomaaliya ee 2026, waxa uu madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo madaxa garsoorka ka mamnuucayaa inay sitaan jinsiyado kale, waxaanu shardinayaa inay ka tanaasulaan. Sidoo kale, digniinta Xasan Sheekh Maxamuud ee dambe waxa ay koobsanaysaa wasiirrada, tallaabooyinkii koowaad ee arrinkanna waa la fuliyey. Balse, weli waxa aan tallaabo laga qaadin xubnaha baarlamaanka, oo weli waxa u bannaan inay jinsiyad kale haystaan.

Qurbajoogta Soomaaliya waxa ay ka qayb qaateen samatabixinta dalka. Lacagaha ay xawaaladaha kusoo diraan oo gaadha bilyan ilaa laba bilyan oo doollar sannadkii, waxa ay maalgeliyeen qoysas iyo shirkado yaryar oo ay dawladdu ka gaabisay. Ka qaybqaadashadaas lama dafiri karo. Se, digniinta madaxweyne ee soo baxday Julaay 2026, walow ay digniin habboon tahay, haddana keliya waa mid dawaynaysa korka sare oo aanay gaadhayn lakabyo hoose oo ka qotodheer inta muuqata.

Wasiirro waa ay ka tanaasuleen baasaaboorradoodii shisheeye, se, lataliyayaal amniga qaranka dejiya oo madaxtooyada ka shaqeeya, ayaa sita dhalasho Maraykan ama Ingiriis, sababtoo ah, Baanka Adduunka iyo IMF ayaa ku kalsoon dadkaas shahaadooyinka galbeed sita.

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Soomaaliya: Dadka la Qafaasho