Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Soomaaliya: Xukuumad aan Heshiis lagu ahayn

15 July, 2026
Image
Soomaaliya: Xukuumad aan Heshiis lagu ahayn
Share

Muqdisho oo ku jirta galab qurxoon, bilawgii Juun, ayaa ku baraarugtay rasaasta goosgooska ah iyo madaafiicda dhacaysa. Ma ahayn weerar Alshabaab soo qaadday, mana ahayn muran ka dhacay bar kantarool, ee waxa uu ahaa weerar ba’an oo sababtiisu ahayd in Xukuumadda Federaalku doonayso inay awooddeeda siyaasadeed kusii haysato Muqdisho. Xiisaddu bilo dhawr ahba waa ay taagnayd. Walow dadka qaar fududaysteen, oo ay ku tilmaameen “xaalad dabiici ah” iyo ismaandhaafka loo bartay ee nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya ku dhisanyahay, haddana waxa la odhan karaa waxa la galay marxalad cusub – dawlad aan heshiis lagu ahayn.

Ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaafay xilligii lagu ballansanaa in doorashooyinka lagu qabto ee bishii May, isagoo wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka kumeelgaadhka ah oo uu muddoxileeddiisa ku korodhsaday, xiisasdda ayaa cirka isku shareertay gudaha Muqdisho. Ka hor intaanay dhicin dibadbaxyadii loo ballansanaa 4-tii Juun, ciidamada xukuumadda ayaa loo diyaariyey inay soo xidhaan Raysalwasaarihii hore iyo hoggaan mucaaradka ah hadda, Xasan Cali Khayre, waxaana jidadka la dhigay ciidamada Gorgor iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada. Isla wakhtigan, Xasan Cali Khayre waxa uu kulan la lahaa tobannaan ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo dad magac leh oo ka tirsan beesha Murursade. Weerarka xukuumaddu soo qaadday waxa uu ka dhignaa digniin kulul, oo aan keliya loo jeedin Khayre iyo saaxiibbadiisa siyaasadda, ee sidoo kale loo jeediyey beesha Murursade. Waa tallaabo saadaal xun muujinaysa, marka la joogo dal markiisa horeba beelo u kala fadhiyey.

Dagaalku ilaa subixii dambe ayuu socday, iyadoo ciidamada xukuumaddu isku dayayeen sooxidhidda Khayre. Madaafiic ayaa ku dhacay guryaha rayidka iyo suuqa Bakaaraha, oo ah mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee dalka ugu muhiimsan. Isla galabnimada maalinkaas, waxa la hareereeyey guriga mid ka mid ah hoggaanka mucaaradka, oo ah Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gurigiisana waxa laga jaray korontadii iyo biyihii. Labada hoggaamiye waxa ay usoo guureen xaafado u dhow madaxtooyada, oo dad beelahooda ahi deggenyihiin, si ay cadaadiska madaxweynaha u kordhiyaan. Maalmihii xigay, ka dib markii Khayre iyo Sheekh Shariif tanaasul sameeyeen, oo la kulmay diblumaasiyiin Turki iyo reer Galbeed ah, magaaladu waxa ay kusoo laabatay xasillooni.

Waxa la ballanqaaday in wadahadallo la galo, ha yeeshee ismaandhaaf baa kasoo cusboonaaday, oo la xidhiidha nooca wadahadal, xilliga la qabanayo iyo cidda ka qayb galaysa. Muddo sannad ka badan, Madaxweynuhu waxa uu ka baxsanayey wadahadallo la is hor fadhiisto, isagoo mucaaradka ka dhigayey dad carqaladaynaya dimuqraadiyadda. Walow hadda ay hoos u dhacday cabsida laga qabo dhicitaanka dagaallo iyo iska hor imaadyo intaa kasii ballaadhan, haddana dhinacyadu waxa ay u diyaar garoobayaan isfoodsaarid kale, qaabkay doonto ha noqotee. Villa Soomaaliya, si kastoo shacbiyaddeedu hoos ugu dhacayso, haddana waxa ay ka shaqaynaysaa inay kala furfurto isbahaysi kasta oo mucaarad ka hor intaanu xoogaysan. Xisaabtanka Madaxweyne Xasan waa mid cad – xilli beeshii caalamku daciiftay xilli kalaqaybsanaanna dunidu ku jirto, oo aanay aad u danaynayn inay awooddooda ku khasaariyaan dhibaato kale oo siyaasadda Soomaaliya ka kacda, Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu wakhti dheeraad ah helo. Madaxtooyadu waxa ay ku xisaabtamaysaa, in muddada oo dheeraata iyo dhiigbixinta mucaaradku ay xididdaynayaan awoodda Xasan Sheekh oo ay gaadhsiinayaan meel aan laga soo noqon karin.

Xaqiiqadu waxa ay tahay, muddo bilo ah ayaa ay xukuumaddu u diyaar garoobaysay iska hor imaadkan oo kale oo caasimadda ka dhaca, iyadoo hub iyo maleeshiyaad taageersan – oo badanka dhar millatari xidhan – kusoo daabushay caasimadda. Xukuumaddu waxa ay cabsi ka qabtaa soo laabashada Badbaado Qaran, dedaallo badanna waxa ay ku bixinaysaa inaanay awoodda Hawiye midoobin oo aanay ku khasbin imaatinka miiska wadahadallada, sidii 2021 ku dhacday Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kolkaas oo uu isku dayay inuu muddo-xileeddiisa dheeraysto. Sababtan awgeed, Mahad Salaad ayaa qayb ahaan lagu soo celiyey safka xukuumadda, walow xidhiidhka uu la leeyahay Madaxweynuhu uu xumaaday ka dib isku daygii in cid kale loo taago doorashooyinka Galmudug.

Xilli arrimahani dhacayaan, Wasaaradda Difaaca ee uu wasiirka ka yahay Axmed Macallin Fiqi, waxa ay bilawday sifayn ballaadhan oo laga dhex waday Ciidanka Qaranka, iyadoo Wasaaraddu barnaamijka biometric-ga u adeegsatay inay ciidanka ka saarto kuwa aan xukuumadda taageersanayn, dib u habaynna ku samaysay xubnihii gacanta ku lahaa hawlgalkii Badbaado Qaran. Walow maaliyad iyo hubba la siiyey hoggaanno kasoo jeeda beelo kala duwan, haddana waxa mudnaanta la siiyey ciidamada kasoo jeeda Hawiye, Abgaal, Wacaysle iyo Daarood, Ogaadeen, reer Cabdille, oo ah beelaha ay kasoo jeedaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu.

Ka sokow in Xasan Sheekh uu muddo-xileeddiisii hore ku ciyaaray mafhuubka dawladda dhexe, haddana muddo-xileeddii Farmaajo ee 2017 ilaa 2022, awoodda dawladda waxa lagu koobay gacanta xukuumadda. Walow Xasan Sheekh oo khalfiyad akaadami lahaa uu ballanqaaday soo celinta xasilloonida Soomaaliya, haddana kootaysiga awooddu waxa uu gaadhay heer aan hore loo arag. Madaxtooyadu waxa ay ku adkaysatay inay ku socoto ajandayaasheeda siyaasadeed ee keligeed ku kooban, iyadoo samaysay wax-ka-beddel dastuur iyo dejinta nidaam doorasho oo dhinac u janjeedha, loona bixiyey “qof iyo cod”. Halkii ay ahayd in la xalliyo kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo qaddiyadaha taagan ee la xidhiidha qaybsiga khayraadka, xaaladda Somaliland amaba dejinta habraac nabadgalyo oo lagu midaysan yahay, dalku waxa uu cagaha la galay kalaqaybsanaantii ugu xoogganayd abid. Jubbalaan iyo Puntland waxa ay la noqdeen aqoonsigii Xukuumadda Federaalka, beelo badanna waxa ay dareemeen in maquunin lagu samaynayo oo ay ku hungoobeen rejadii ay dawladda ku qabeen. Waxa habboon in kalaqaybsanaantan loo fahmo wax dhaafsiisan khilaaf siyaasadeed, oo gaadhsiisan kala tag iyo garabwadidda awood Imaaraadku taageerayo.

Xilli taageeradii siyaasadeed ee xukuumaddu ay hoos u dhacayso, waxa kordhay ku tiirsanaanteeda xulufada ajanabiga ah, oo Turkigu ugu horreeyo. Turkigu waxa uu macaash badan ku qabaa ballanqaadyada shidaal, khayraadka iyo saldhig millatari oo uu Gacanka Cadan ku yeesho. Walow halista nabadgalyo ay markasta cidda talada haysa ay xakamayn jirtay, sababtoo ah waxa ay ogaayeen heerka ay gaadhi karaan ka hor intaan damacooda lagu xakamayn dabarka diblumaasiyadda, hadda caqliyaddani waa mid cagsiga noqotay taageerada dibadeed ee xukuumaddu helayso awgeed. Taageerada dibadeed waxa ay sababtay hoos u dhaca cabsidii laga qabay xiisad kacda iyo tanaasulkii la samayn jiray.

Sidaas oo ay tahay, waxa habboon inaan ajandayaasha kootaysiga ah ee Madaxtooyada Soomaaliya waddo aan keliya loo fahmin musuqmaasuq ama xididdaynta kelitalisnimo doorasho lagu dadayo, sida xaalka Yugaandha ama Jabbuuti, oo guulihii doorashadu xukunka kusii hayeen madaxdaas. Laakiin, ajandayaasha Madaxtooyada Soomaaliya waa kuwo gundhig u ah ajandayaal muddada fog ah, oo jidka u xaadhaya mucaarad Islaami ah oo siyaasadda federaalka qayb ka noqda, hal hoggaamiyana doorta. Koox kooban oo ah garabka Ikhwaan al-Muslimiinka Soomaaliya, loona yaqaan Damul Jadiid, oo uu hoggaamiyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdiqaadir, ayaa wada hawlgal deggan oo abaabulan oo haayadaha dawladda lagu galayo. Xitaa haddii meesha laga saaro Xasan Sheekh Maxamuud bilaha soo socda, oo doorasho la isku raaco, waxa sii socon doona galaangalka awoodda bulsheed iyo dhaqaale ee Islmaamiyiinta Soomaaliya – oo ah awood ka horraysay maamulkan, dhinacyo badanina ku midaysanyihiin.

Maanta waxa jirta xukuumad aan talinayn, maamulka Muqdishana waxa ay awooddeeda xukuumadeed u adeegsanaysaa hub ay ku maquuniso mucaaradka gudaha. Ka sokow in qaabdhismeedka dibadeed ee dawladdu uu dhisnaa laga soo bilaabo 2012, ku dhaqanka diblumaasiyaddiina la arkay, haddana waxa lagu fashilmay in gude ahaan la hirgaliyo muuqaas dibadeed. Isku dayada lagu rabo in hubka lagaga dhigo mucaaradka caasimadda ayaa tusaale ugu filan inaanay awooddu dawladdu ku wada jirin gacanta xukuumadda.

Muddo labaatan sanno ah, dhinacyada dibadeed, waxa ay taageero badan ku bixiyeen dhismaha dawladnimada, iyadoo la moodo in laga soo qaaday in haayadaha dawladeed iskood isku wadayaan ka dib marka la dhiso, dimuqraadiyadduna qiimaheeda bannaanka keenayso. Hase ahaatee, waxa cad in taageeradaasi ay sababtay awood koox yari gacanta ku hayso, oo xiisadda siyaasadeedna ay ku dhex jirto dawlad maqaarsaar ahi.

Hase ahaatee, xaaladdani waa mid dhawaan dumaysa. Nabadgalyada Soomaaliya iyo iskufilnaanteeda maaliyadeed waa mid shaki weyn leh, xilli dakhliga guduhu uu aad uga yaryahay taageerada dibadeed kolka miisaaniyadda la eego. Waxa kale oo la odhan karaa in nabad-ilaalinta Soomaaliya ay AMISOM ay gacanta ku haysay waxa uu haldoorka siyaasadda Soomaalida u suurogaliyey inay meermeeraan oo ka fogaadaan shaqada adag ee iska difaacidda Alshabaab ah. Balaayiinka doollar ee taageerada dibadeed ah ee Soomaaliya soo gala waxa ay ka qayb qaateen iibsiga hub iyo tababaridda ciidamo loo adeegsado muquuninta mucaaradka gudaha ee Baydhabo, Muqdisho iyo Gedo, halkii ay ahayd in taageeradaas lagu waajaho Alshabaab oo inta badan haysta dhulka ka baxsan caasimadda. Khalkhalkaas cidda faa’idada ugu weyn ku qabtaana waa Alshabaab.

Isku dayada ah in la kordhiyo dakhliga guduhu waxa ay waajahayaan caqabado. Walow xukuumaddu joogtaynayso inay amaah iyo deeq ka hesho IMF iyo Baanka Adduunka, haddana waxa la saadaalinayaa in taageeradaasi soo afjaranto. Waa saadaal sababaysa in dhaqaalaha Soomaaliya dumo, cadaadiska xukuumadda haystaana sii kordho. Dawladdii Siyaad Barre waxa ay labaatan sanno la dhabar adaygaysay taageeradii Soofiyatka iyo kii Maraykanka, se kolkii taageeradaasi go’day, nidaamkii waa uu dumay.

Soomaaliya ma aha Jabbuuti ama Yugaandha, oo hal qof xukunka ku xididdaystay, mucaaradkii siyaasadeedna meesha ka baxay. Soomaaliya waa degaan sidaas ka kakan, oo ku dhisan siyaasadda beelaha iyo faragelinta dibadda.

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Urur-goboleedka IGAD maxaa u danbayn doona?