Skip to main content

Saturday 18 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Soomaaliya waxa ay tabaysaa hoggaamin xilkas ah

23 August, 2025
Image
Soomaaliya waxa ay tabaysaa hoggaamin xilkas ah
Share

Sannadkii 1991-kii, waxa burburtay dawladda dhexe ee Soomaaliya waxana la isku raacsan yahay in ay dhacday ‘madhnaan awoodeed’ oo waxa duntay awooddii dhexe ee dalka, iyada oo aynnaan ka hadlayn sharciyadda iyo xumaanta ay lahayd awooddaas dhexe ee duntay. Ha se yeesho e, Muqdisho oo ahayd caasimaddii dalka iyo xaruntii Soomaaliya, kama ay dhicin keliya ‘madhnaan awoodeed’ ee waxa kale oo ka dhacday ‘madhnaan haybadeed’oo waxa la waayay cid leh haybad loo soo joogsado, la isku halleyn karo laguna ururi karo, waqti baahida u badan loo qabay cid tilmaamahaas hoggaamineed leh. 

Dhab ahaan, ururkii ka eryay Maxamed Siyaad Barre Muqdisho, waa USC e, ma lahayn hoggaamin iyo urursanaan, midna. Ma ay jirin USC e, waxa jiray USC-yo badan oo, iyaga oo sidaas ah, soo galay Muqdisho; USC-Rooma, USC-Muqdisho iyo USC-Mustaxiil midna ma aqoonsanayn ta kale. Sharciyad ahaan, waxa USC ka dhex jirtay madhnaan awoodeed sababtaas ayaana loo aaneyn karaa ‘madhnaanta haybadeed’ iyo midda awoodeed ee ka dhacday Muqdisho, markii uu kala daatay taliskii dhexe ee ciidankii Soomaaliya. Sababta ay doontaba ha ahaato e, hoggaamintii Maxamed Siyaad waxa beddelay ‘qabqableyaal dagaal’ iyo ‘hoggaamiye kooxeedyo’ ka talinayay Soomaaliya muddo ka badan 10 sannadood. Muran la’aan, hoggaamintii dhacday ee kelitaliye Maxamed Siyaad waa ay ka fiicnayd midda beddeshay ee hoggaamiye kooxeedyada waana dareen ka jira, inta badan, Soomaaliya. 

Horraantii qarnigan kow iyo labaatanaad, ayaa ay Muqdisho ka soo baxday koox tijaabin karta ururinta awoodda iyo jihaynta bulshada, waa Midowgii Maxaakiimta Islaamiga oo awooddii filiqsanayd ka tuuray qabqableyaashii dagaalka, isla markaana urursaday awooddii, inta badan, Soomaaliya. Ha yeesho e, Midowga Maxaakiimta Islaamigu waxa ay u baahnaayeen waqti ku filan oo ay dibadda uga soo baxaan isla dhibaatooyinkii USC. Sida dib ka caddaan doonta, Maxaakiimtu ma ahayn koox keli ah mana lahayn aragti keli ah; waxa ay ahaayeen kooxo iyo aragtiyo ay colaaddu mideysay oo ay ku wada jiraan wadaad uu qabiilkiisu u cumaadday xaqidda qoomaha iyo qaamaha (maxkamad qabiil) iyo wadaad ay al-Qaacida u soo cumaadday fidinta Jihaadka Caalamiga ah. Akhriska foofkooda siyaasadeed waxa uu sheegayaa in, haddii aanay Itoobiya ku duulin Soomaaliya 2006-dii, ay Islaamiyiintu ku dagaallami lahaayeen Muqdisho kuna kala adkaan lahaayeen dhexdooda. Awoodda dhexe ee ay ka abuurayeen Soomaaliya ma ay lahayn awood dhexe oo adag iyo aragti mideysan e, waxa ay ahaayeen kooxo kala-ujeeddo ah oo ay duruuftu mid ka dhigtay, iyaga oo aan ahayn, tabtii USC. 

Si kasteba ha ahaato e, isbahaysigii Midowga Maxaakiimta waxa jabisay Itoobiya oo Filla Soomaaliya geysay Dawlad Kumeelgaadh ah oo laga soo dhisay qabqableyaashii dagaalka, oo horeba ugu guuldarreysatay in ay degto Muqdisho. Ma ay noqon awood dhexe iyo haybad uu shacabku ku soo ururo e, waxa ay noqotay dawlad magac-u-yaal ah oo ay ilaaliyaan ciidamo shisheeyo. Meertadaas madhnaanta awoodda iyo haybadda ayaa sii socotay, welina jirta. Hadda oo ay labaatan sannadood oo kale ku sii dhawaanayso, tan iyo markii la jabiyay Midowgii Maxaakiimta, waxa ay weli hoggaaminta Soomaaliya magan u tahay ‘ilaalinta’ shisheeye, arrintaas oo badhifuraysa sharciyaddeeda iyo haybaddeeda. Xaaladda noocaas ah waxa ay xilka hoggaamineed ee Soomaaliya ka dhigaysaa ‘arrin xil leh’ oo inta uu qofku ku ceeboobayaa ay ka badan tahay inta uu gudanayo ujeeddooyinka xilka. 

Murugsanaanta dhibaatooyinka ay tahay in ay hoggaamintu furdaamiso waxa dheer wacyiga bulshada ee la qabsaday ‘madhnaanta awoodda iyo haybadda’ ee ay adag tahay in lagu qanciyo in hoggaamiye gaar ahi uu xambaarsan yahay himilooyin qaran iyo aragti fog oo dan ummadeed ah. Sidaa awgeed, xilka hoggaamineed ee Soomaaliya ma aha mid fudud, ama u fudud sida ay u haweystaan dad badan oo leh ‘daneysigii qabqableyaashu’ sababta oo ah waxa jira dhibaatooyin mashaqo gaadhsiisan oo ku saabsan dawladnimada. Waa dhibaatooyin ku aroora dhaqanka bulsho ee qabiilka oo ay uga sii dareen in ka badan soddon sannadood oo ah ‘madhnaan awoodeed’ iyo mid haybadeed. Haybaddaas luntay waxa ay keentay in ay kacaamaan facyow bulsho oo aan rumeysnayn ‘hoggaamiye’ wanaagsan, iyo facyow siyaasi ah oo aan lahayn ‘aragti’ dawladeed. Arrintaas oo sii xoojinaysa meertada madhnaanta awoodda iyo haybadda hoggaamineed ee ka hanaqaadday Muqdisho, tan iyo burburkii taliska Kacaanka, 26-kii Jeenaweri, 1991-kii. 

Haddaba si looga gudbo meertadii ‘madhnaanta awoodda iyo haybadda’ ee ka jirta Soomaaliya, waxa loo baahan yahay hoggaamiyeyaal leh tilmaamo qofeed oo gaar ah. Waxa ay Soomaaliya u baahan tahay hoggaamiye ay aragtidiisu dhaafsan tahay muddo xileedka taagan, iyo danta qofeed ee gaaban. Qof iyo qofaf male-awaali kara Soomaaliya ka duwan midda ay tahay oo ku dhisan shuruudaha dawladnimo gudan karta ujeeddooyinkeeda oo ku dhisan baahiyaha Soomaalida. Cidda aragtidaas iyo fogaan-araggaas leh waa in ay yeelato xirfaddii iyo farsamooyinkii lagu hirgelin lahaa, arrintaas oo u baahan fahan qotodheer oo ku saabsan Soomaalida, dhaqan ahaan, sooyaal ahaan iyo nafsad ahaan, iyo kartidii lagu la hadli lahaa laguna maamuli lahaa shacabka Soomaaliya. Tilmaamahaasi waa in ay huwan yihiin ‘Xilkasnimo’ oo ah in uu qofku dareen gaar ah u leeyahay culeyska iyo qudsiyadda uu xilku leeyahay, si uu ugu guto qaab rumeynaya ujeeddooyinka xilka. Hoggaamin xilkas ahi waa in ay abuurto ijmaac ummadeed oo, illaa heer macquul ah. Heer ka hortagaya in khilaafyada siyaasiga ahi aanay khatar ku noqon himilooyinka guud iyo wadajirka ummadda. Dadweynehu waa in ay iskood u akhrisan karaan xilkasnimadaas iyo himilooyinka la tiigsanayo, si ay kalsooni u siiyaan hoggaaminta jirta. 

Hoggaamiyeyaasha, hadda, jira ee Soomaaliya intooda badan waxa ay la’ yihiin tilmaantaas ‘hoggaamin xilkas ah’ iyo aragti mustaqbal oo durugsan. Iyada oo ay ugu wacan tahay muddada dheer ee ay jirtay ‘madhnaanta’ awood-dhexe iyo haybad hoggaamineed, waxa ay siyaasiyiinta Soomaaliya noqdeen nuqul soo noqnoqda oo xambaarsan tilmaamihii qabqableyaasha. Haddii, berigii hore, uu qabqable dagaal oo ku hubeysan hub shisheeye iyo maleeshiyo qabiil weerari jiray goob si uu u qabsado una dhigto isbaaro uu baad kaga qaado dadka, maanta siyaasiga u ordaya hoggaamintu waxa uu u socdaa in uu ‘lacag’ iyo taageero shisheeye ku gaadho Filla Soomaaliya kuna haysto ‘hub iyo ilaalo’ shisheeye, si uu ilaha dakhliga ee kooban uga urursado cashuur aan adeeg laga bixin taas oo la mid noqonaysa baaddii ay qabqableha iyo maleeshiyaadkiisu qaadi jireen. 

Madaxweyneha hadda, Xasan Sheekh Maxamuud, sida kuwii ka horreeyayba, waxa uu wax ku xukumayaa hoggaamin qaybineed oo dib u celinaysa dawlad-dhiskii uu diinku siday, rubuc qarniga. Weli, waxa ay dawladdu ku tiirsan tahay ciidamo shisheeye oo laga daalay qaadhaanka shisheeye ee lagu maamulo, aragtida siyaasadeedna waxa ay gebi ahaanba ku saabsan tahay ‘doorashada’ soo socota oo ay hoggaamiyeyaashu u loogi karaan mustaqbalka dawladeed iyo wadajirta ummadda, middaas ayaanu Madaxweyne Xasan hoggaaminayaa.

Soomaaliya, hadda, waa ay ka qaybsanaan badan tahay sidii ay ahayd bilowgii 1991-kii, sababta oo ah ‘qaybsanaanta’ jirta hadda waxa ay ku sharciyeysan tahay nidaamka federaalka, iyada oo aanay dhisnayn maamullo dhab ah oo federaal ah iyo dawlad dhexe oo hawlgal ahi. Hoggaaminta xilkaska ah ee bulsho qalalaase ku soo jirtay waa sida qalliin culus oo lagu sameynayo bukaan leh cudurro waaweyn oo u baahan taxaddar dheeri ah si loo xaqiijiyo yoolka bogsashada, iyada oo laga baxsanayo in qalliinka laftiisu uu uga sii daro xaaladda bukaanka ama noloshiisa – waa taxaddar uu fahmi karo dhakhtar qalliin oo xilkas ahi, Soomaaliyana, maaddaama oo ay tahay dal sida bukaankaas ah, waxa ay u baahan tahay hoggaamiye xilkas u ah sida dhakhtarka la rabo in uu fuliyo qalliin noocaas ah oo guuleysta. 

Tags
Soomaaliya