Sunday 8 February 2026
Mucaaradka Soomaaliya ayaa kulankii ugu ballaadhnaa ku yeeshay Kismaayo si ay isugu dubbaridaan tallaabooyin mideysan oo ka dhan ah siyaasadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkii ka sii dhammaanayo.
Kulankan oo uu martigaliyay maamulka Jubaland ayaa isu keenay shakhsiyaad muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo ku midoobay dalladda loo bixiyey Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaam Axmed (Madoobe), xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, mas'uuliyiin hore iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
In kaste oo wadatashiyada mucaaradku ay si goos-goos ah u dhacayeen, tan iyo bilowgii sannadkan, shirka Kismaayo ee hadda ayaa u muuqda midkii ugu miisaanka iyo saamaynta badnaa ee kulmiya mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh, marka la eego miisaanka dhinacyada ka soo qaybgalay iyo heerka go'aannada ka soo baxay.
Sida ku cad warmurtiyeedka ka soo baxay, waxa kulankan diiradda lagu saaray arrimaha maamulka dalka iyo hannaanka doorashooyinka, waxana eedayn culus dusha loo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay mucaaradku ku eedeeyeen in uu si joogto ah ugu fashilmay hoggaankii dalka khatarna uu galiyay wadajirkii Soomaaliya.
Isbahaysigan mucaaridka ee la baxay Goleha Mustaqbalka Soomaaliya waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan in uu keligii beddeshay Dastuurkii Ku-meel-gaadhka ah ee lagu heshiiyay 2012-kii, sidaana uu ku wiiqay heshiiskii bulsho ee gundhigga u ahaa nidaamka federaalka Soomaaliya.
Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in laanta fulintu ay la wareegtay awooddii hay’adihii dastuuriga ah oo dhan ee loogu talagalay in ay dheellitiraan awoodda Madaxweynaha, arrintaas oo keentay in uu lumo dheelitirkii hay'adaha iyo isla-xisaabtanka dimuqraadiyadeed.
Waxa ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan in uu wada-hadal u soo fadhiisto waxana ay ku hanjabeen in ay qaban doonaan doorasho "ay kaga hortagayaan in uu dalku galo madhnaan awoodeed, haddii uu muddo xileedka xukuumaddu dhammaado, iyada oo aan heshiis laga gaadhin doorashada".
Loollanka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa soo taagnaa sannadihii dambe, iyada oo mucaaradka Muqdisho iyo maamul goboleedyada Puntiland iyo Jubaland ay si weyn uga hor yimaaddeen hannaan doorasho oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay goor horeba in uu tosho, sida ay ku eedeeyeen, iyo cutubyo muhiim ah oo uu ka beddelay Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah. Murannadan siyaasadeed ayaa mararka qaar gaadhay dagaallo uu dhiig ku daatay oo ka dhacay gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyo ismari-waa siyaasadeed oo heer xun gaadhay
Madaxweyneha Soomaaliya ayaa, dhankiisa, u muuqda mid aan u dabacsanayn dalabaadka Mucaaridka waxana uu kaga falceliyay in uu tallaabo ka qaadi doono haddii ay qalalaase horsdeedaan. Waxa uu sheegay in 'caqligii hoteel Jasiira ku shaqeyn waayay, aanu Kismaayo waxba ka keeni doonin' isaga oo quudhsanaya go'aannada ay mucaaradku ku gaadheen Kismaayo.
Soomaaliya waxa ay xilli doorasho kaste gashaan qalalaase siyaasadeed, waxana ay ugu darnayd doorkii hore ee ay muddadu ka dhammaanaysay Madaxweyne Farmaajo, xilligaas oo uu Madaxweyneha haddu qayb ka ahaa fallaagow ciidan oo ka dhacay Muqdisho kaas oo lagaga soo horjeeday Madaxweynihii hore, kuna mideysanaayeen inta badan isla mucaaridka hadda. Dhabbihii waqtigaas la qaaday ayaa ay haddana u muuqataa in la qaadayo, in kaste oo dadka u kuurgala arrimahani tilmaamayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kalsooni dheeri ah ku qabo deegaanka Muqdisho oo uu hayb ahaan ka soo jeedo, taas oo yareynaysa cadaadiska uu kala kulmi karo mucaaridka, haddii ay xaaladdu ku dhammaato irrida xidhan ee ay ku sii socoto. Ha se yeesho e, waxa in muddo ah laga digayay in qalalaase siyaasadeed oo kaste uu fursad weyn siinayo kooxda Alshabaab oo sannadihii dambe horumar ka sameysay dhulqabsiga iyo is fidinta, iyada oo ay soo ururayaan doorkii iyo doonistii beesha caalamka ee dawlad-dhiska Soomaaliya.