Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Soomaaliya oo Taageertay Cunaqabateynta Iiraan, Su’aalana Dhalisay:

21 September, 2025
Image
Soomaaliya oo Taageertay Cunaqabateynta Iiraan, Su’aalana Dhalisay
Share

Dawladda Soomaaliya ayaa si lama-filaan ah u taageertay in cunaqabateyntii dhaqaale lagu sii hayo Iiraan oo uu Goleha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cod u qaaday. Xubnaha uu Golehani ka kooban yahay oo ah 15 ayaa waxa xubin aan joogto ahayn ka ah, sannadkan, Soomaaliya oo ka mid noqotay 9 dal oo u codeeyay in Iraan lagu sii hayo cunaqabateyntii dhaqaale, sababo la xidhiidha barnaamijkeeda Nukliyeerka oo ay Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen weerarro lagu burburinayo, saddex bilood ka hor.

Dalalka Aljeeriya, Ruushka, Shiinaha iyo Baakistaan ayaa u codeeyay in cunaqabateynta laga qaado Iiraan, waxa iyaguna ka aamusay Guyaana iyo Koonfurta Kuuriya. Ha se ahaato e, waxa u codeeyay in lagu sii hayo cunaqabateynta 9 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo noqotay dalka keliya ee Muslim ah ee taageeray qorshahan lagu sii cunaqabateynayo Iiraan oo ay ku wada jiraan Ururka Islaamka.

Toddobaad ka hor ayaa ay Soomaaliya iyo Iiraan ka wada qaybgaleen shirweyne ay isugu yimaaddeen madaxda dalalka Islaamka oo ka dhacay Dooxa, kaas oo ay kaga tashanayeen weerarkii ay Israa’iil ku qaadday dalka Qadar iyo ‘xadgudubyada’ kale ee ay Israa’iil ka sameynayso Bariga Dhexe oo ay ka mid tahay weerarkii ay hore ugu qaadday Iiraan. Soomaaliya waxa ay hore u cambaareysay weerarkii ay Israa’iil ku qaadday Iiraan waxana ay muujisay waqtigaas in ay la safan tahay Dehraan.

Tallaabadan ay hadda qaadday Soomaaliya ayaa loo arkay mid ay ku raalligalinayso Maraykanka oo ay taageeradiisa ugu baahan tahay si aad u daran, kana cabsi qabto isbeddel ku yimaadda siyaasaddiisa ku aaddan Muqdisho. Ha se ahaato e, waxa ay tallaabadani ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib weerar afka ah oo uu Madaxweyne Donald Trump ku qaaday Soomaaliya iyo Xukuumaddeeda, isaga oo sheegay in ay tahay meel qasan oo aanay xukuumad iyo madaxweyne tooni ka jirin. Trump ayaa Soomaaliya weeraray, isaga oo la hadlayay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Maraykanka, laakiin asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, kana mid ah xildhibaannada Dimuqraaddiga ee ay colka yihiin Trump.