Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Soomaaliya oo Qabanaysa Doorasho Magaalo oo uu Mucaaridka Qaaddacay

25 December, 2025
Image
Soomaaliya oo Qabanaysa Doorasho Magaalo oo uu Mucaaridka Qaaddacay
Share

Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in ay dawladdiisu xaqiijisay hadaf weyn oo ah qabashada doorasho qof iyo cod ah taas oo hadda ka dhacaysa keliya degmooyinka magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan ayaa arrintan ku tilmaamay ‘riyo muddo dheer la sugayay oo runoobaysa saacadaha soo socda’.

Doorashadan waxa ka qaybgalaya urur siyaasadeedka uu aasaasay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ururro kooban oo aan lahayn culeys siyaasadeed, waxana qaaddacay inta badan xoogagga siyaasadda ee saldhigoodu yahay Muqdisho. Dhanka kale, waxa doorashadan ka soo horjeeda maamullada Buntilaan iyo Jubalaan oo dhawaan mucaaridka Muqdisho la sameystay Madasha Mustaqbalka Soomaaliya oo hadafkeedu yahay in lagu hor istaago qorsheha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan.

Mucaaridka ayaa si adag uga soo horjeedsaday doorashadan, iyaga oo duray sharciyaddeeda kuna eedeeyay Madaxweyne Xasan in uu hirgalinayo nidaam doorasho oo uu isagu isku boqrayo.

Doorashadan ka dhacaysa Muqdisho ayaa waxa ay qayb ka tahay qorshe siyaasadeed oo aad la isugu diiddan yahay, kaas oo uu Madaxweyneha Soomaaliya ku doonayo in uu doorasho toos ah kaga qabto dalka, sannadka soo socdo. Mucaaridka ayaa arrintaas aad u diiddan, iyaga oo meesha ka saaraya suurtagalnimada in ay dhacdo doorasho hufani, marka la eego duruufaha amni iyo u diyaarsanaan la’aanta guud ee dalka. Waxa kale oo ay mucaaridku ka soo horjeedaan hannaanka uu Madaxweyne Xasan u marayo doorashada oo ay ku jirto beddelaaddii cutubyo Dastuurka Kumeel-gaadhka ah iyo dhisitaanka Guddida Doorashooyinka.

Si kasteba ha ahaato e, doorashadan ay qabanayso Xukuumadda Federaalku waxa ay ku soo beegmaysaa toddobaad uun ka dib markii ay mucaaridku dhisteen Madasha Mustaqbalka Soomaaliya si ay u mideeyaan cududda mucaarid ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan, waxana ay u muuqataa in dhinac kaste uu sii adkeynayo mawqifkiisa oo uu u beddelayo tallaabooyin dhab ah oo uu ku dhaqaaqayo, taas oo sii cakiraysa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.