Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Soomaaliya oo Maraykanka u Yaboohday Fursado la Mid ah Kuwa ay Somaliland u Soo Bandhigtay

24 February, 2026
Image
مقديشو تعرض على واشنطن تجديد اتفاق 1980 لاستخدام الموانئ والمطارات لأغراض عسكرية
Share

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u soo bandhigtay Maraykanka in dib loo cusboonaysiiyo heshiis iskaashi oo hore uga dhexeeyay 1980-kii, kaas oo Maraykanka u oggolaanaya in uu ujeeddooyin milatari u isticmaalo dekedaha iyo madaarrada dalkii Soomaaliya. Tallaabadan ayaa u muuqata in ay tahay isku-day lagaga hortagayo dadaallada diblumaasiyadeed ee ay Somaliland ku doonayso in ay ku ballaadhiso xidhiidhadeeda dibedda, iyada oo adeegsanaysa fursadaha istiraatiiji ee dhanka milatariga iyo khayraadka macdanta.

​Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Muqdisho iyo Washington ay hore u lahaayeen hannaan iskaashi oo soo jireen ah oo uu ku jiro heshiiskii 1980-kii ee Maraykanka siinayay in uu ujeeddooyin milatari u isticmaalo madaarrada iyo dekedaha Soomaaliya. Waxa uu intaas raaciyay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan soo bandhigtay in heshiiskaas dib loo cusboonaysiiyo, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay marinka “habboon ee sharciga ah” ee iskaashi amni oo kasta oo mustaqbalka dhex mara labada dhinac.

​Cali Balcad, oo gudbinayay farriin siyaasadeed oo toos ah, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in heshiis kasta oo khuseeya dhulka, dekedaha, hawada, ama khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya uu noqon karo oo keliya mid sharci ah, haddii u uku soo biyoshubto hay’adaha dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka.

​Hindisahan Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay kordheen dhaqdhaqaaqyada diblumaasiyadeed ee saraakiisha Somaliland, kuwaas oo ka hadlay u diyaarsanaantooda in ay Maraykanka u soo bandhigaan saldhigyo milatari iyo macdanaha muhiimka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu raadinayo aqoonsi siyaasadeed oo ballaadhan. Dhawaan, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Maraykanka siiyo xuquuq gaar ah oo ku saabsan khayraadka macdanta, isla markaana ay u furan yihiin martigelinta saldhigyo milatari.

​Arrintan ayaa u muuqata in ay abuurtay tartankan la xidhiidha iibgeynta ahmiyadda dhuleed, xilli ay jiraan xasarado goboleed iyo kuwo caalami ahi, gaar ahaan ka dib markii ay Israa'iil si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar ee sannadkii tagay. Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika ee dhanka amniga caalamiga ah ayaa macne gaar ah u yeelaya yaboohyadan Hargeysa iyo Muqdisho ee ku loollamaya aagga juquraafi siyaasadeed ee ay dhacdo Somaliland. Somaliland waxa ay ku fadhidaa goob istiraatiiji ah oo u dhaxaysa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxana Dekedda Berbera loo arkaa in ay tahay iridda mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka.

​Galaangalka uu Maraykanku ku leedahay Soomaaliya waxa uu sannadihii u dambeeyay ku koobnaa, inta badan, mudnaan-siinta la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

​Bishii Maarj, 2025, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu warqad u diray Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isaga oo u soo bandhigay Maraykanka in uu maamulid gaar ah ku yeesho madaarrada iyo dekedaha istiraatiijiga ah oo ay ku jireen madaarrada Balidoogle iyo Berbera iyo dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Sheegashada Berbera ayaa ay Somaliland si adag ugu gacansaydhay, iyada oo ku doodday in heshiis kasta oo khuseeya dekeddaas uu yahay mid ay Somaliland oo keli ahi ka go’aan gaadhi karto.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loollan adag ugu jira taageerada Maraykanka iyo dalalka kale ee gobolka, iyada oo mid waliba uu soo bandhigayo fursadaha dhaqaale iyo ahmiyadda juquraafi-siyaasadeed ee uu bixin karo waxana muhiim ah in aagga saaran Gacanka Cadan uu yahay meesha ay isha ku hayaan quwaha waaweyn iyo kuwa goboleedba.