Friday 12 December 2025
Dawladda Soomaaliya oo isku dayaysa in ay goor dambe xakameyso khasaaraha ka dhashay nidaamkii E-VISA ee laga jabsaday, kaas oo dibedda keenay xogta tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan xubno sirdoon oo ka soo jeeda dalalka reer Galbeedka.
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa isku dayday maanta in ay ka hadasho arrintan, iyada oo markii ugu horreysay qiratay in laga jabsaday nidaamkii fiisayaasha loona dhacay xogta dadkii dalbaday waxana ay sheegtay in ay guddi baadhitaan u saartay 'xadgudubkaas' dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Dawladda Soomaaliya ayaa markii hore ka aamustay arrintan oo waxa ay keliya ka ka guurtay bartii la jabsaday ee evisa.gov.so waxana ay u wareegtay mid cusub oo ah etas.gov.so, iyada oo aan xitaa sharraxaad ka bixin sababta ay uga guurtay bartii hore. Tallaabadan ayaa lagu fasiray in ay ku doonaysay in ay kaga muquurato ceebta kuna yareyso dhaawaca sumcadeed iyo dhaqaale.
Ha se ahaato e, dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaaddiniintooda uga digay khataraha amni ee dhacdadan, iyaga oo caddeeyay in la jabsaday nidaamkii fiisayaasha elektarooniga ah ee Soomaaliya oo marka horeba lagu muransanaa.
Dhanka kale, xogaha qaar ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah xubno shisheeye oo sirdoonka iyo amniga qaabbilsanaa kana hawlgalayay Soomaaliya ay bilaabeen in ay ka qaxaan Muqdisho, iyaga oo ka cabsi qaba xogtooda oo dibedda u soo baxday, ka dib fashilka ku yimid nidaamkii fiisayaasha ee ay soo rogtay Soomaaliya.
Arrintan fiisayaasha elektarooniga ah oo ay Soomaaliya mar sii horreysay soo rogtay ayaa dhalisay muran xooggan oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay duullimaadyada hawada, ka dib markii ay Somaliland, iyana, qaadday tallaabooyin ka dhan ah duullimaadyada oo ay kaga jawaabayso hannaanka fiisayaasha ee ay Soomaaliya soo rogtay.
Fashilkan ku yimid nidaamkii fiisayaasha elektarooniga ah ayaa, haddaba, dhirbaaxo weyn ku dhuftay kalsoonidii iyo kartidii Xukuumadda Soomaaliya ee maareynta nidaamyada ammaan iyo daahfurnaanta, waxana ay arrintani keentay walaac weyn oo laga muujiyay amniga dadka u socdaalaya Soomaaliya.
Dhanka kale, diyaaradaha yimaadda Somaliland ayaa bilaabay in ay dadka imanaya Somaliland ka reebaan shardigii fiisaha Soomaaliya, iyaga oo bogaggooda ku daabacay in ciddii Hargeysa iyo Berbera u socotaa ay fiisaha ka qaadan karto madaarradaas.