Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Soomaaliya: Muuqaallo Argagax leh oo Dhaliyay Falcelinno Xooggan

10 November, 2025
Image
Somalis outraged after man burned alive in viral video
Share

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo ku saabsan cunfi arxandarro ah ayaa dhaliyay cadho iyo cambaareyn ballaadhan, ka dib markii la daawaday koox dad ah oo si xun u jidh-dilay, ka dibna gubaya nin la sheegay in uu xanuun dhimirka ah qabay, duleedka degmada Wallaweyn ee Shabeellada Hoose, Soomaaliya.

​Muuqaalka, ayaa lagu arkayay dhibbanaha oo xidhxidhan, la jidh-dilayo, ugu dambeynna la gubayo isaga oo nool.

​Bayaan rasmi ah oo ay arrintan ka soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya, ayaa ay falkaas ku sheegtay inuu yahay “denbi aad u fool xun” oo baalmarsan dhammaan mabaadi’da bani’aadamnimada, nabadda, iyo wada-noolaanshaha.
​Guddoomiyaha degmada Wallaweyn oo isna cambaareeyay falkan ayaa sheegay in ciidamada maamulku ay arrintan u soo qabteen afar qof oo lagu tuhunsan yahay falkan, kuwo kalena lagu dabo jiro.

​Wararka ayaa sheegaya in dilkan foosha xuni uu xidhiidh la leeyahay aano qabiil oo ah dhaqan ku faafsan Soomaalida dhexdeeda. Ha se ahaato e, waxa cusub ee argagaxa keenay ayaa ah arxandarrada falka loo fuliyay iyo in ay weliba dabiileyaashu is duubeen iyaga oo falkaas arxanka daran ku kacaya.

Qulqulatooyinka qabiillada ayaa ah dhibaato amni oo joogto ah ugana sii darta degganaansho la'aanta Soomaaliya ee muddada dheer jiitamaysay.