Sunday 7 June 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay weerarro ku qaadday kooxo hubeysan oo ay ku sheegtay in ay 'isugu jireen Alshabaab iyo maleeshiyaad nabad-diid ah oo u daacad ah Cabdicasiis Lafta-gareen' oo ay ula jeeddo hadhaaga mucaaradka ah ee ciidankii Koonfur Galbeed oo daacad u ah Madaxweynihii maamulkaas ee awoodda lagaga qabsaday Baydhabo, bishii la soo dhaafay. Waxa ay Gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay in ay weerarradaas ku dileen in ka badan 50 qof oo ka tirsan xooggaas ka soo horjeeday.
Dagaalkan maanta oo ay wararku sheegayaan in ay qayb ka ahaayeen weerarro cirka ah ayaa yimid ka dib maalin uu khasaare culus soo gaadhay ciidanka Federaalka Soomaaliya oo ay duleedka Baydhabo ku dagaallameen xoogagga mucaaradka ah ee diiddan nidaamka cusub ee ay Muqdisho ka hirgalinayso Baydhabo. Dagaalkan ayaa lagu dilay labadii sarkaal ee u sarreeyay ciidankii Federaalka ee ay dhawaan dawladda federaalku ku qabsatay Baydhabo, arrintaas oo muujinaysa baaxadda khasaaraha gaadhay ciidankan. Waxa kale oo ay colaaddan sii xoogeysatay muujinaysaa sida aanay weli u saldhigan qabsashadii Baydhabo ee sida fudud ugu hirgashay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in hoggaanka ay ka dhisayso halkaasi uu horseedi karo colaado hor leh oo jiitama oo ka dhaca deegaankan oo ay colaado hore soo daashadeen.
Dhanka kale, waxa ay dagaalladani ku soo beegmayaan 15ka Meey oo ah maalinta ay dhammaanaysay muddadii la doortay Madaxweyneha Soomaaliya ee haatan, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu dhawaan beddelay Dastuurka si uu muddo xileedka Madaxweyneha uga dhigo shan sannadood. Mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsan doonin waxii ka dambeeya muddadaas waxana aan weli guuleysan dadaallo ay beesha caalamku isugu soo dhaweyneyso labada dhinac oo ay maalmihii la soo dhaafay isugu keentay Xarunta Xalane ee ay deggan yihiin shisheeyeha saameynta ku leh talada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya in uu dalka ka qabanayo doorasho qof iyo cod ah iyo in uu ku dhaqmayo dastuurkii uu beddelay oo ay aad uga soo horjeedaan mucaaradku, waxanu durba ka hirgaliyay maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhawaan qabsaday doorasho wakiillo iyo deegaan oo uu xisbigiisu ku guuleysatay in ka badan 53% kuraasta, halka uu xisbiga ku soo xigaa helay keliya 14% taas oo ka dhigan in uu xisbiga Madaxweyneha Soomaaliya qaatay kuraasta u badan oo go'aaminaysa cidda hoggaamiye ka noqonaysa maamulkaas.
Dhanka kale, mucaaradka Soomaaliya oo isugu jira maamul goboleedyo iyo siyaasiyiin Xamar deggan ayaan lahayn ajande mideysan oo lid ku ah midka Xukuumadda Xasan Sheekh waxana ay ka mideysan yihiin oo keliya diidmada hannaanka uu Madaxweyne Xasan wax u wado. Mucaaradka Muqdisho ayaa doonaya hannaan doorasho dadban oo awoodda la siinayo odayaasha beelaha iyo ergooyin laga soo xulay beelaha, halka ay maamullada mucaaridka ahi doonayaan hannaan doorasho dadban oo ay awoodda leeyihiin maamul goboleedyadu. Arrintan ayaa fogeysay in mucaaradku la yimaaddaan qorshe doorasho oo ay ku mideysan yihiin oo lid ku ah midka Xukuumadda Federaalka, waana arrin keeni karta in uu fogaado xalka siyaasadeed iyo in ay dhacaan qulqulatooyin horseedi kara dagaallo la mid ah kuwa ka socda maamulka Koonfur Galbeed.