Skip to main content

Saturday 19 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Soomaalilaan Waxay Noqonaysaa Masraxa khilaafaadka gobolka

8 April, 2025
Image
map
Khariirada bartamaha Afrika 1902. (Xuquuqda Sawirka: Print Collector/Getty Images)
Share
Halganka ay Soomaalilaan aqoonsiga ugu jirto waxa ku ladhmay khilaafaadka kale ee gobolka ka taagan, khatarta arrintaa ka iman karta culeyskeeda badankiisu waxa uu fuuli doonaa bulshada Soomaalilaan.

Soomaalilaan oo ka go’day Soomaaliya, waxa ay soddonkii sanno ee u dambeeyey u dagaallamaysay helitaanka aqoonsi caalami ah iyo in ay si dhammaystiran u noqoto dal ka madaxbannaan Soomaaliya oo deggenaansho la’aani ragaadisay. Bulshada Soomaalilaan waxa saamayn ku leh dagaallada ka socda dalalka ku xeeran ee Soomaaliya, Itoobbiya iyo Suudan. Dagaalladan muddada badan ka socday dalalkan ka sokow, hadda Soomaalilaan waxa ay waajahaysaa khilaafyada ka dhasha dedaalka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah, bulshada Soomaalilaanna waxa ay u nugushahay in ay ku saamoobaan qalaalasaha cusub ee gobolka ku sii fidaya.

Xilligii gumaystayaasha reer Yurub ku loollamayeen qaybsiga Afrika, Soomaalilaan waxa gacanta ku dhigay Ingiriiska, halka Koonfurta Soomaaliyana u gacan gashay Talyaaniga. Ka dib Dagaalkii Labaad ee Dunida, Ingiriisku waxa uu Soomaalilaan u ballanqaaday madaxbannaani, haddii ay la midoobayaan qaybta kale ee Talyaanigu haysto.

Ka dib markii ay Soomaalilaan la midawday qaybtii kale ee Talyaaniga ka xorrowday, waxa la cidhiidhi geliyey kaalintii ay ku yeelan lahayd qaranka cusub ee midoobay. Wixii intaas ka dambeeyey, bulshada Waqooyigu waxa ay ku kaceen maamulladii soo maray Muqdisho, figtii u sarraysay ee kacdoonkaasina waxa uu noqday in ay dagaal kala hortagaan taliskii markaa talinayay. Xukuumaddii Siyaad Barre oo xilligaas talinaysay waxa ay gacanbir ah kala hortagtay kacdoonkaas, waxaana ka dhashay xasuuq loo gaystay dadka Waqooyiga, oo lagu dilay laba boqol oo kun oo shacab ah. Markii xukuumaddii Siyaad Barre dhacday, Soomaalilaan waxa ay 1991-kii ku dhawaaqday madaxbannaani iyo in ay dib ula soo noqonayso madaxbanaanideeda oo ay ka go’ayso Soomaaliya.

Khilaafka Itoobbiyo iyo Soomaaliya

Itoobbiya oo xilligii ay boqortooyada ahayd xeeb ku lahayd Badda Cas, hadda waa dal aan bad lahayn, oo u baahan marin ganacsi oo madaxbannaan oo ay ku gaadho Badda Cas. Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu ku dedaalay in uu helo jid gaadhsiiya Badda Cas, maadaama oo tirada bulshada Itoobbiyi sii kordhayso.

Istiraatiijiyaddan waxa kaalin mug leh ka qaadan karta Soomaalilaan, waana sababta Itoobbiyi, bishii Janaayo 2024-kii, Soomaalilaan ula gashay is afgarad ay ku gaadhayso badda, taas beddelkeedana Itoobbiya ay aqoonsato Soomaalilaan. Arrinkani waxa uu ka cadhaysiiyey Soomaaliya iyo Masar. Marka horeba, Soomaaliya iyo Itoobbiya waxa ka dhexeeya muran dhuleed, Masar iyo Itoobbiyana waxa muddo u dhexeeyey khilaafka ka dhashay mashruuca biyoxidheenka oo ay Itoobbiya ka dhisayso webiga Niillka, oo halbawle u ah Masar.

Soomaaliya oo sideedaba dedaal ugu bixisa hor istaagga aqoonsiga Soomaalilaan, waxa ay Masar la saxeexatay iskaashi millatari, badhtamihii 2024-kiina waxa Soomaaliya soo gaadhay dhawr kun oo ciidamo Masaari ah, si ay Itoobbiya ugu cadaadiso in ay ka noqoto is afgaradka ay la gashay Soomaalilaan. Turkiga laftiisu waxa uu khilaafka Itoobbiya iyo Soomaaliya ka qaatay kaalindhexdhexaadin ah, waxaanu labada dal isugu keenay miiska wadahadalka bishii Diisambar, 2024. Walow hadda khilaafku hoos u dhacay, haddana waa wax markasta la suuraysan karaa in qalalaase hor leh ka dhasho xaaladaha Geeska ka taagan.

Soomaalilaan ma noqon kartaa barta lagaga soo duulo Xuutiyiinta iyo Iiraan?

Baadigoobka Soomaalilaan ugu jirto aqoonsigu waxa uu hadda taageero ka helayaa maamulka Taraam. Soomaalilaan waxa ay ka mid tahay meelo uu maamulka Taraam xusay in ay suuragal tahay in dib u dejin loogu sameeyo bulshada laga soo barakicinayo Qasa, oo Taraam qorshaynayo in marinkaas laga dhiso goob dalxiis. Qorshahan ka sokow, Soomaalilaan waxa ay ku teedsantahay Gacanka Cadan oo Xuutiyiintu weerarro ka wadaan.

Sannad iyo badhkii u dambeeyey Xuutiyiintu waxa ay joogteeyeen weerrarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee Badda Cas mara, iyaga oo ku taageeraya ururka Xammaas, rejaynayana in beesha caalamku Israa’iil ku cadaadin doonto in ay joojiso duullaanka ay ku hayso Falasdiin. Xuutiyiintu waa wakiillo metela Iiraan, waxaanay ka helaan taageero dhaqaale iyo mid hub.

Maraykanku waxa uu ku guuldarraystay hawlgal millatari oo uu 2024-kii kala hortagay weerarada Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta, xukuumaddan cusub ee Maraykankuna waxa ay doonaysaa tallaabo ka dhiirran taas hore. Badhtamihii bishii hore ee Maaris, ciidamadda badda ee Maraykanku waxa ay duqayn ku ekeeyeen goobo fadhiisin u ahaa Xuutiyiinta.

Dhammaadkii 2024-kii waxa soo baxay warar sheegaya in Israa’iil doonayso in ay saldhig ciidan ka samaysato Soomaalilaan, waana dhul jiquraafi ahaan u suurogalinaya in ay Iiraan ku waajahdo dagaalka dadban ee ay ku wada jiraan, iyada oo la weeraro Xuutiyiinta ka hor intaan gantaalladooda iyo diyaaradahooda aan duuliyaha lahayni gaadhin Israa’iil.

Kol haddii Maraykanka taageero madaxbannaanida Israa’iil, ciidan ahaanna kabo, falcelin kasta oo ka timaadda weeraro laga qaado Soomaalilaan, waxa ay noqonaysaa natiijo ka dhalatay diblumaasiyadda iyo dhaqdhaqaaqa millatari ee labadan dal. Mid ka mid ah xarumaha Iiraan ku samayso nukliyeerkeedu waxa ay ku taallaa magaalo xeebeeda Busheer (Bushehr), oo ah goob dhow xeebta Gacanka Beershiya. Haddiiba Israa’iil qorshayso in ay burburiso nukliyeerka Iiraan, diyaaradaha F-35 ee Israa’iil waxa ay ka duuli doonaan Soomaalilaan, waxaanay garaaci doonaan Busheer, iyaga oo aan dul duulin dalalka Carbeed, waana wax fursad u siinaya duuliyaasha Israa’iil in ay ka baxsadaan nidaamyada difaaca jawi ee Iiraan.

In kasta oo Soomaalilaan sannado badan u dedaalaysay aqoonsigeeda, haddana dedaalladan ay ugu jirto aqoonsigu waxa uu hirdan ka dhex dhalin karaa dalal kala duwan oo raba in ay jiquraafiga Soomaalilaan ku taallo u adeegsadaan dhabaynta yoolalka ay ka leeyihiin gobolka, natiijooyinka hirdankaas ka dhashana cidda koowaad ee ka dhib mudanaysaa waa bulshada Soomaalilaan.

Waxa laga soo turjumay halkan