Monday 17 March 2025
Soomaalidu waxa ay suuriya si xawli ah u soo gaashay ka dib markii uu dhacay Taliskii Siyaad Barre sannadkii 1991, waxayna u kala qaybsameen labo qaybood, dad qoxoonti ah oo ka diwaan gashan Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga iyo badh aan is diwaan gelin waana qaybta ugu badan ee awoodaysay in ay isbixiyaan iyaga iyo qoysaskoodu. Sannadkii 2003 tirada is diwaan gelisay waxa ay gaadhay ku dhawaad 227 qof oo ay ka mid yihiin 22 qof oo ah qoysas midkiiba gaadhayo shan ruux celcelis ahaan, tiradaas oo sannadkii 2006 gaadhay 1278 ruux taas oo sannadkii 2008 wadarta Soomaalida qoxootiga ah iyo kuwa aan ahayn ee jooga Dimishiq oo keliya ka dhigtay siddeed kun oo qof dabadeed tiradu kor ayey u socotay ilaa uu curtay Kacdoonkii 2011.
Mar kale, qalaalasihii siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dhacay waxa ay Soomaalida ku riixeen in ay mar labaad ka sii haajiraan Suuriya dabadeed tiradoodu waxa ay isu dhintay si weyn gaar ahaan wixii ka danbeeyey sannadkii 2013. Joogitaanka Dimishiq waxa si weyn uga qayb qaadatay ardayda wax ka baranaysay Jaamicadaheeda iyo macaahiideeda shareecada kuwaas oo kacdoonkii 2011 hortii la kulmay culaysyo amni iyo farogelin uga imanaysay xisbiga bacsiga.
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq oo codsaday in aan la magac dhabin waxa uu sheegay in badi macaaahiida shareecada ee ay wax ka bartaan tobonnaanka arday ee Soomaalida ah ay hoos tagi jireen Wasaaradda diinta iyo awqaafta oo iyadu xogay ka madax bannaanayd xisbiga Bacsiga si ka duwan Jaamicadda Dimishiq oo iyadu gacanta ugu wada jirtay Bacsiga. Sarkaalkan oo Geeska u warramaya waxa uu intaas ku daray in Hayadda nabad suggidda Suuriya ay Baasaabooradda ka qaadi jirtay ardayda wax ka barata macaahiida Shareecada waa kolka ay ka codsadaan dib u cusboonaysiinta degganaanshaha e. Iyaga oo u sheega labadii asbuucba in ay mar soo booqdaan laamaha amniga si dib u eegis loogu sameeyo, dabadeed waa ay xidhaan ciddii ay doonaan ama ay ka shakiyaan, muddo u dhaxaysa toddobaad ilaa bil, muddadaas oo ay la kulmaan jirdil. Waxa kale oo uu tilmaamay in safaaradda iyo qoysaska laga hor istaagi jiray dabagalka kiisaska maxaabista ay xidhaan hayadaha laamaha amnigu ilaa inta go’aan laga soo saarayo in la sii daayo oo dabadeed si degdeg ah loo mustaafuriyo, safaaradduna faaruqinayso waraaqihiisa, halka qoyskuna bixinayo tigidhka diyaaradda iyada oo ayna jirin wax fursad ah oo ay rafcaan kaga qaadan karaan go’aanka mustaafurinta.
Hibo Shukri, waa muwaadinad Soomaaliyeed oo caafimaadka ka baratay Jaamicadda Dimishiq. Afar sannadood waxa ay xubin ka ahayd Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Suuriya iyada oo u qaabilsanayd hawlaha dhaqanka ilaa ay ka dhooftay dalka sannadkii 2013, Hibo waxa ay Geeska u sheegtay “Maamulka Suuriya in uu shardi ka dhigay in guddoomiyaha Midawga ardayda, ku xigeenka guddoomiyaha iyo xoghayuhu ay ka mid ahaadaan xubnaha Xxsbiga Bacsiga taas oo macnaheedu noqonayo in ay ka soo qayb galaan kulammada xisbiga ee toddobaadlaha iyo billaha ah”. Iyada oo sii faahfaahinaysa Intaas waxa ay ku dartay ardayga damca in uu horumar ka sameeyo shaqada ardayda uu ku qasbannaa ka mid noqoshada xisbiga Bicsiga, haddii uu yahay Suuriyaan iyo haddii uu yahay soogalootiba. Shukri, waxa kale oo ay intaas ku dartay in boqollaal arday oo Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabadho oo wax ka barta Jaamicadaha iyo Macaahiida Suuriya in ay ka dheefeen fududayntii iyo deeqihii nidaamku u oggolaaday ardayda Carbeed. Mar ay ka hadlaysay heerka uu gaadhsiisnaa dhex galka laamaha amniga ee Jaamicaduhu waxa ay sheegtay in talada arddayda cusub loo jeediyaa ay ahayd ka durkidda kulamada iyo in aanay ku dhex milmin siyaasada nooc kasta oo ay tahay iyo iska ilaalinta ka hadalka diinta. Waxa ay ka sheekaysay in horraantii sannadkii 2010 qaar ka mid ah sirdoonka Suuriya ay galeen xafiiska Midawga ardayda kana codsadeen xogta arday markaas wax ka baranayey kulliyadda Shareecada ee Dimishiq waxayna faylashii ka dhex baadheen halka uu dagannyahay. Iyada oo sii wadata, waxa ay sheegtay in ay mar danbe maqleen afduubka arddaygaas iyada oo loo xidhay tuhun la xidhiidha argagaxisnimo, iyada oo xustay in dhacdadan ayna ahayn mid ka reeban; dhammaan ardaydii wax ka baranaysay Kulliyadda shareecada haddii ay ahaayeen muwaadiniin ama qurbe-joog waxa kormeer ku hayey laamaha amniga.
Xaaladdu waxa ay ka sii dartay, kadib markii ay curteen bannaan baxyo laga ga soo horjeedo nidaamka sannadkii 2011, Shukri waxa ay sheegtay in ay saaxiibadda midawga ay ka ogaatay in laamaha amnigu ay ka codsadeen in ay warbixinno ka soo qoraan saaxiibadooda Suuriyaanka iyo Carabta, isla mar ahaantaana soo sheegaan cid wal oo ku astaysan mucaaradnimo, iyo xitaa cid kasta oo ku xanshaashaqda kacdoonka. Waxayna xustay in arddayda Soomaalidu ballaqanqaadeen iska fogeynta iyo xog siinta saaxiibbadood, waxaanu midkood kulan ka dhex yidhi “Halkan waxaan u imi waxbarasho, ee uma iman in aan ka shaqeeyo basaasnimo.” Shukri, waxa ay intaas ku dartay in Soomaali badan oo ku noolayd miyiga Dimishiq ay la kulmeen kolkii lagu guda jiray hawgallada iyo hareeraynta baadiyaha, waxaana halkaas ku naf waayey haweenay Soomaaliyeed iyo labo carruur ah oo ay dhashay waa mar uu nidaamka Asad duqayn ka gaystay Xarasta oo ah intii ay socotay go’doomintu.
Waxa jira afar kiis oo la diwaan galiyey loona gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo lagu la kacay jirdil aad u darran oo keenay dhimashada labo ka mid ah afartaas ruux midka saddexaad ayaa isagu gabay dhaqdhaqaaqa halka ka afraad ka bedbaaday ka dib sagaal sannadood uu ku jiray xabsi. Kiisaskan midkii ugu horreeyey wuxu soo bilawday sannadkii 2003, isaga oo ku bilawday wiil dhallinyara ah oo Soomaaliyeed oo haystay labo jinsayadood oo kala ah Dhanmaak iyo Holandiis wuxuna dagannaa Norweey. Sarkaal ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in nidaamku kafaala qaaday qulqulka dagaalyahannada imanaya Suuriya iyaga oo marin u ahaa dagaalka ka dhanka ah Ameerikaanka iyo xulafadooda ku sugan Ciraaq, waxayna mandaqaddu caan ku noqotay rugta ay ka dheelmadaan isugu na yimaaddaan dagaalyahannadu iyada oo uu ogyahay isla markaasna uu kor joogtaynayo nidaamka Suuriya.
Intaas waxa uu ku daray in wiilka dhallinyarada ahi uu ururin jiray taburracaadka lagu taageero dagaalyahannada isaga oo labo jeer ku soo booqday Suuriya Baasaaboorkiisa Daanishka ah, halka markii saddexaad ee uu soo booqday Suuriya isaga oo ay weheliyaan qoyskiisu gaar ahaan xaaskiisu ay dawladdu xidhay iyada oo ay ku xidhay mid ka mid ah laamaha ammaanka ee siyaasiga ah, dabadeed toban cisho ka dib waxa ay sii daayeen xaaskiisa, sarkaalku waxa uu sheegay in safaaradaha Soomaaliya iyo Denmaak ay ku guuldarraysteen helitaanka wax xog ah oo ku saabsan xadhigiisa isla jeerkaana dawladda suuriya ayna la wadaagin wax xog ah, dabadeed saddex bilood ka dib waxa loo soo celiyey xorriyadiisa. Wax kale oo uu sheegay in wiilka dhallinyarada ah ka hor intii aan la qaban uu caafimaadkiisu aad u wanaagsanaa se markii laga soo daayey goobtii lagu haystay lagu riixayey gaadhi curyaan oo uu waayey awooddii uu ku dhaqdhaqaaqi lahaa, taas oo ay sababtay garaacii loo gaystay, illaa iyo maanta na aanu tahli Karin in uu sameeyo wax dhaqdhaqaaq ah.
Qofka ku soo xiga waa wiil uu dhalay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Qaahira, Cabdillaahi Xasan, wiilkaas oo lagu sheego in uu yahay qofkii ugu muddada dheeraa ee ay xidhato dawladda Suuriya. Wiilkan dhallinyarada ah dawladda Suuriya waxa ay xidhay daboyaaqaddii sannadkii 2010 waxaana lagu eedeyey fal basaasnimo iyada oo lagu xukumay muddo dhan 15 sanno. Gabanku waxa uu sitay labo jinsayadood: Soomaaliya iyo Hollan, dabadeed waxa kiiskiisa soo farageliyey safaarada labada dal iyo aabbihii oo kaashanaya xidhiidhkii uu la lahaa masuuliyiin Carbeed iyo kuwo Masaari ah, laakiin dedaalladaasi ma ay mirodhallin ilaa iyo sannadkii 2019 markaas oo laamaha ammaanku go’aamiyeen in la sii daayo loo na tarxiilo Hollan, amintaas oo aabbihii aanu goob joog u ahayn, waxa uu dhintay ka hor intii aanu mar labaad arag wiilkiisa.
Wiilkan dhallinyarada ah ayaa masuuliyiin ka socda safaaradda Soomaaliya la wadaagay in uu la kulmay jirdil kala duwan afartii sanno ee u horreeyey xadhigiisa, iyo in uu xilliyo lagu xidhay jeelasha Saydaaniya, Qasa iyo Jeelal kale oo qarsoodi ah. Iyo marar qaar in uu socon jiray saddex saacadood isaga oo indha xidhan halka ciidanka jeelashu ay hor socon jireen iyaga oo ku jira gawaadhidooda, waa jeelka dhexdiisa iyo godadka ka dhex sameysan.
Waxa jira labo kiis oo kale kuwaas oo u dhintay jirdil, ka koowaad waa wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Saami, waxa la aftuubtay sannadkii 2011 isaga iyo labo muwaadin oo ay yihiin isku dal waxaana laga dhex qabtay maqaaxi intarneet. Muwaadinad soomaaliyeed oo ku nool Suuriya, isla mar ahaantaana codsatay in aan la magac dhaban ayaa tidhi “Laamaha amnigu waxa ay xidheen saddex dhallinyaro xilli ay joogeen rug intarneet, waxaana sabab u ah mareeg ku saabsan kacdoonka oo ay fureen iyada oo intaas ku dartay in saddexda dhallinyaro labo ka mid ah la sii daayey halka Saamina la xidhay, in kasta oo aanu furin wax mareeg ah, balse dad uga soo horreeyey adeegsiga koombiyuutarku ay fureen ka hor intii ayna soo gelin maqaaxida.
Sida uu ku faafiyey bartiisa “X” Saami walaalkii, qoyska Saami oo dagennaa Dimishiq waxa uu ku guul darraystay in uu wax ka ogaado masiirka wiilkooda muddooyin sannado ah, iyaga oo aan wax macluumaad ah ka helin muddadaas, ilaa uu ka soo dhex muuqday sawirro lagu faafiyey kiis loo yaqaan “Qaysar” gaar ahaan bogga 45 naad, taas oo keentay in uu qoyskiisu ka huleelaan dalka. Muwaannad hore ayaa sheegtay in ay ka war heshay Saami in uu ku dhacay cudurka macaanka, dabadeedna laamaha amnigu u diideen in ay dawooyin siiyaan sidaas uu ugu dhintay jeelka dhexdiisa, iyada oo qoyskiisa aan loo soo gacan gelin maydkiisa.
Kiiska labaad ayaa ah nin lagu magacaabi jiray Sheekh Aadan Diiriye kaas oo u dhintay jirdil loo gaystay, waxaana Jaalliyadda Soomaalida ee Suuriya u suuragashay in maydkiisa la soo dhiibo lana aaso. Masuul ka tirsan midawga ardayda Soomaalida ayaa sheegay in aanu jirin qof Soomaali ah oo ku jira jeelasha Suuriya kolkii uu burburay nidaamku, isla mar ahaantaana qofkii ugu danbeeyey la sii daayey sannadkii 2019. Waxa iyana xusid mudan in shan qof oo Soomaaliyeed ku dhinteen duqaymu aan loo meel dayin oo uu maamulka Asad ka gaystay magaalada Taal ee miyiga Dimishiq, waxaanay dawladdu ogolaatay in la soo ururiyo maydadka, dabadeed iyaga oo ah 50 mayd oo ay ka mid yihiin Suuriyaan ayaa loogu duugay si wadar ah hal goob oo u dhaw cisbitaalka Xasan ee magaalada Taal.
Dhamaadka nidaamkii Asad ee Suuriya iyo baxsashada uu u baxsaday Mooskow ugu horreyn waxa ay xorriyada u tahay ragga iyo haweenka, wiilasha iyo gabdhaha Suuriya, mar labaadkana waxa ay kaadh bedbaado iyo nabadeed u tahay shisheeyaha ku sugan dalka, iyo sidoo kale martida iyo kuwa daggan. Budhcaddii Bacsiga marna ma ay kala soocin muwaadiniintan iyo ajaanibta, dhammaantoodna waxa ay ugu suntanaayeen “Qaar eedaysan ilaa uu danbi ku caddaado”.