Skip to main content

Monday 23 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Soomaali-weyn iyo Islaam-weyn: Is-diiddooyinka midaysan

27 May, 2025
Image
Soomaali-weyn iyo Islaam-weyn: Is-diiddooyinka midaysan
Share

Sheekobaraley siyaasadeed ayaa sheegta in Maxamed Siyaad Barre maalin la wayddiiyey xadka dalkiisa Soomaaliya. Waxa uu kaga jawaabay, ayaa la yidhi, in meel kaste oo ay joogto foodley timo tidcan oo iyada oo dhexdu u xidhan tahay, la joogta adhi ay tahay dhulka Soomaaliya. Odhaahdani ma leh tixraac cad, inta ogaalkayga ah, umana muuqato bayaan rasmi ah. Ha se ahaato e, waa nuxurka xuduudda dawladeed ee ku dhisan isirka dadka oo ah cunsur aan u sugnayn sida dhulka.

Soomaalida waxa badhtamihii qarnigii tagay saaqday wax loogu yeedhay ‘dabayshii xornimada’ oo labo dhanba ka gashay. Dhinaca Carabta, waxa ay Soomaalidu ka qaadatay dareenkii qoomiyadeed ee ay Carabtu isugu baaqayeen midowga Carbeed iyo ‘Carabnimada; al-Curuubiyah’ oo ahayd haloosi ay kala dhaxleen dhaqdhaqaaqyo iyo hoggaamiyeyaal door ahi sida dhaqdhaqaaqi Bacsiga Carabta ee Misheel Caflaq iyo midkii Naasiriyada ee uu hoggaamiyaha u ahaa Jamaal Cabdinaasir oo ay waxgarad badan oo Soomaali ahi ka soo tallaalan jiraan Cadan iyo Qaahira. Dhanka Afrika, waxa Soomaalida ku dhabaneysay dabaysha gobonimada isirka madow ee Afrika oo qoorta kor u qaadayay, kaddib muddo aad u dheer oo uu gorodda laalaadinayay. Labada tijaabo ee ku kulmayay Soomaalidu waxa ay ka sinnaayeen gobonnimo-doon iyo qab isgalin isir, waxana ay dhiggeeda Soomaalidu isu tabisay ‘Soomaaliweyn’. Dhab ahaan, waa ay jirtaa waana ay xooggan tahay doodda ku qotonta in gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku ay siyaabo kala duwan u abuureen dareen midowga Soomaaliyeed ee ay ka dhalatay fekradda Soomaaliweyn, midba marxalad uu dan ka lahaaba. Tusaale ahaan, Talyaanigu, intii u dhexeysay 1936 – 1941, waxa uu  siyaabo kala duwan u fidiyay dareen ‘Soomaaliweyn’ isaga oo ku xoojinaya dadaalkiisii ahaa in uu wada qabsado Geeska Soomaalida ee Afrika. Ingiriiska ayaa isna dantaas la mid ah u tijaabiyay isla xeeladdaas intii u dhaxaysay 1941 – 1950.

Aragtidaa iyo dareenkaas waxa ay Soomaalidu ku hawlgaleen markii ay xorroobeen labadii dal ee ugu horreeyay ee Soomaali ahi; Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay dhiseen dawlad ‘Soomaaliyeed’ oo ay sohdinteedu ku go’an tahay meeshii uu qof Soomaali ahi joogo oo ay adag tahay in xayndaabkeeda la isku waafaqo, maaddaama oo aanu isirku sugnayn, weliba isirka raacatada ah sida Soomaalida. Cawaaqibtii ka dhalatay waxa ay noqotay jaahwareer siyaasadeed oo ay Soomaalidu kala dhex toostay xaal adduun oo aan markaa caawinayn, ugu dambeynna ay Soomaalidii dhexdeeda isku dishay oo in ka badan intii ay dawladowday ay ku hafatay dagaallo sokeeyo iyo burbur laxaad leh oo sidii looga saari lahaa ay Soomaalida iyo adduunkaba ku noqotay wax u eeg halxidhaale adag. Waxa uu haloosigii siyaasadeed ee Soomaali-weyn ku biyo-shubtay ‘talo aan la ruugin, waa lagu rafaadaa’.

Dhanka kale, badhtamihii qarnigii tagay, 1924, waxa burburtay dawladdii Cusmaaniyada ee u taagnayd Khilaafada Islaamiga ah, waxana ay cidleysay dhulal badan iyo dareenno badan oo dunida Muslimka ah. Waxa halkaas ka dhashay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo diini ah oo ay aragtidoodu tahay in la isla doono Muslimiinta ay ka duntay Khilaafadu dibna loo soo nooleeyo dawladdoodii. Dhaqdhaqaaqyadan  waxa ugu horreeyey midka Ikhwaanu Muslimiinka oo ka curtay Masar, sannadkii 1928-kii, iyo Xisbu Taxriir oo Qudus laga bilaabay 1953-kii, waana ay sii fideen dhaqdhaqaaqyadani. Aragtida udub-dhexaadka u ah dhaqdhaqaaqyadani waa ‘isku-xukunka Shareecada Islaamka’ iyo ‘dib u soo celinta Khilaafada Islaamka’ oo ah aragti ku soo ururaysa xukun iyo dawlad, iyada oo laga duulayo in Muslimiintu aanay ku dhaqmin diinta Islaamka sidii ay u dhacday Dawladdii Cusmaaniyadu, isla markaana aanay hadda dawlad lahayn. Sidaa awgeed, aragtidani waxa ay ku caanbaxday ‘Islaamka Siyaasiga ah’ waxana dhaqdhaqaaqyadan loo bixiyay ‘Islaamiyiin’. Waa aragti siyaasadeed oo ku dhisan ‘diin’ oo mideynaysa intii isku diin ah oo aan lahayn sohdin dhuleed oo qeexan. Dhab ahaan dawladdii dhacday ee Cusmaaniyiintu waxa ay, markii ay ugu fidsanayd, xukumeysay wax ka yar kala badh dhulka ay Muslimiintu ku dhaqan yihiin.

Soomaalida waxa ay aragtidan iyo dhaqdhaqaaqani soo galeen goor hore oo ku siman badhtamaha qarnigii tagay, waxa se ay si muuqata uga hanaqaadeen toddobaataneeyadii waxii ka dambeeyay. Iyaga oo u la siman dunida Muslimka, waxa ay Soomaali badani qaadatay aragtidaa ‘Islaamka Siyaasiga ah’ ee uu yoolkiisu yahay dib u soo celinta Khilaafadii Islaamiga ahayd iyo hirgalinta Shareecada Islaamka oo heerka dawladeed ah. Sidaas oo ay tahay, waxa ay dhaqdhaqaaqyadani si xoog leh uga hanaqaadeen meelo gaar ah oo Dunida Muslimka ka mid ah; waa Bariga Dhexe (Carabta), Qaarad La-moodka Hindiya (Hindia, Bangaladheesh iyo Baakistaan oo siyaasad ahaan u mida Afgaanistaan), iyo Geeska Afrika ee Soomaalida. Aragtidan iyo dhaqdhaqaaqani sabab la’aan ugama hanaqaadin degalladan; waxa ay intuba lahaayeen tilmaamo siyaasadeed oo caawiyay bullaalidda fekradda iyo dhaqangalkeeda. Waxa ay ka siman yihiin in mashaariicda siyaasadeed ee deegaannadani ay ku dhasheen hayb diineed iyo hayb qoomiyadeed oo fashilantay. Tusaale ahaan, dhulweynihii la odhan jiray Hindiya, markii uu ka xorroobayay Boqortooyada Ingiriiska, waxa uu u kala qaybsamay labo dal oo ku dhisan ‘haybta’ diineed. Muslimiinta ayaa dhinac isugu miirmay oo sameystay dal ay ‘Muslimiintu’ leeyihiin, halka Hunduugu ay isugu miirmeen dal ay ‘Hunduugu’ leeyihiin. Waxa sidaa ku hirgalay dalal ku dhismay hayb diineed oo aan tixgalin badan la siinin sohdimaha dhulka. Sidaa awgeed, waxa kala-gurashadaa ku dhintay malaayiin qof oo sababsaday qaxii is-waydaarka ahaa, waxana ka dhashay colaado hor leh oo ay horseedeen haybaha diineed iyo cilladihii ka dhashay dhulka iyo haybaha qoomiyadeed ee ay aragtida diineed qarisay markii hore. Tusaale ahaan, Baakistaan, oo ahayd dalkii Muslimiintu, waxa ay isugu dishay Baakistaantii Galbeed iyo Baakistaantii Bari oo ku kala duwanaa haybta qoomiyadeed iyo dhuleed. Hindiya iyo Baakistaanna waxa ay, 78 sannadood kaddib weli ku dagaallamayaan dhulka Kaashmiir, iyaga oo khatar weyn dunida ku ah maaddaama oo ay labaduba ku hubeysan yihiin hubka nukleerka.  Dunida Carabta iyo Soomaalidu waxa ay ka siman yihiin in dawladnimadoodu ay ku dhalatay siyaasadda haybta isir oo ku fashilantay in ay u hirgasho sidii loogu baaqay.

Aragtiyahaa siyaasadeed ee isireysani, markii ay fashilmeen, waxa ay tubta u xaadheen kuwa diiniga ah oo sidooda dhaafsan soodimaha dhuleed. Aragtida Islaamiyiintu waa in la dhiso ‘Dawlad Muslimiin’ oo u talisa Muslimka dunida oo dhan, iyada oo aan feker badan la galin ‘halka uu Muslimkaasi joogo’ iyo sohdinta dhuleed. Sida midda haybta isir, ma aha cunsur sugan waxa dawladnimadaa lagu saleynayaa. Xaqiiqo ahaan, weligeed ma ay jirin xilli ay Muslimiinta adduunka oo dhani ay hal dawlad wada hoos tagi jireen, marka laga reebo sannaddadii hore ee fiditaanka Islaamka oo ay inta Muslimka ahi ku koobnaayeen dhul kooban oo Bariga Dhexe ka tirsan. Dooddaasi kama duwana midda ku saabsan in Soomaalidu, isir ahaan, aanay weligood yeelan dawlad ay ku mideysan yihiin. Ha se ahaato e, dooddaas hore miiska uma saarna Islaamiyiinta, sida aanay midda dambe miiska ugu saarnayn kuwa taageera aragtidii Soomaali-weyn. Labada aragtiyood waxa ay wadaagaan wax badan waana col is caawiya. Aragtiyaha qoomiyadeed waxa ay ilaaliyaan mideynta haybta isir oo laga yaabo in ay diintu qaybiso. Sidaa awgeed, qoomiyiintu, inta badan, ma jecla aragtiyaha siyaasadeed ee diiniga ah. Dhanka kale, islaamiyiintu waxa ay ilaaliyaan mideynta haybta diineed oo laga yaabo in uu isirku qaybiyo, markaana islaamiyiintu ma jecla aragtiyaha siyaasadeed ee qoomiga ah. Sidaas oo ay tahay, waxa ay wadaagaan haloosiga ‘midowga ummadeed’ iyo dhulballaadhsiga, maaddaama oo haybaha isirka iyo diintu aanay, inta badan, aad u sugnayn dhul ahaan. Fikradda qoomiyadeed ee Soomaali-weyn iyo tan islaamiyiinta ee aan ku sheegi karno ‘Islaam-weyn’ si weyn ayaa ay isugu sidkan yihiin, iyaga oo nuxur ahaan is diiddan, marar badanna waa ay kala amaahdaan erayada ‘ololeha’ iyo laabkicinta dadweynaha.

Labada aragti-siyaasadeedba waxa ay ku suntan yihiin dul-ka-xaadis iyo laab-la-kac. Sababta oo ah, sida aay dalalka Muslimiinta adduunku u wadaagi karaan wax badan oo midnimo guud ah, waxa ay isirka Soomaalidu wadaagi karaan midnimo guud oo dhinacyo badan ah. Ha se ahaato e, in loo sameeyo dawlad qudha oo sal ahaan fidsan inta ay haybta isir ama iimaan fidsan yihiin waa aragti geedsare-waab ah oo gunta ka madhan. Dawlad mid ku dhisan ‘meel kaste oo uu joogo qof ashahaata’ ama meel kaste oo ay foodley timo tidcani adhi la joogtaa waa dawlad la’aan. Wax se intaaba ka sii halis badan, sida ay labada aragtiyood isu xoojiyaan marka la joogo heerka feker iyo xamaasaddaba. Maanta, aragtidii siyaasadeed ee Soomaali-weyn ee aadka ugu fidday Soomaalidu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha carrasanka u ah aragtiyaha islaamiyiinta dagaallamaya, sida al-Shabaab.