Friday 9 October 2026
Buugga Africa Sick of Its Politicians, oo asal ahaan lagu daabacay afka Faransiiska, waxaa qoray Prof. Robert Dussey, waxaana la daabacay sannadkii 2008. Buuggu wuxuu ka hadlayaa dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qaaradda Afrika, isaga oo si gaar ah diiradda u saaraya kaalinta hoggaanka siyaasadeed maamulka dawladuhu ku leeyihiin xaaladda qaaradda. Buuggu wuxuu ka kooban yahay 252 bog iyo saddex qaybood.
Doodda guud ee buuggu waxay ka bilaabmaysaa su’aal aasaasi ah: Maxaa Afrika, iyadoo leh khayraad dabiici ah, awood dadweyne oo badan iyo fursado dhaqaale, uga hortaagan xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale?
Dussey isaga oo su’aashaas ka ambaqaadaya wuxuu eegayaa masuuliyadda hoggaamiyeyaasha Afrika, tayada maamulka dawladaha, musuqmaasuqa, dimuqraadiyadda iyo xidhiidhka Afrika la leedahay quwadaha shisheeye.
Robert Dussey waa aqoonyahan, diblomaasi iyo siyaasi reer Togo ah oo ku takhasusay falsafadda siyaasadda. Kahor intii aanu noqon Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Togo sannadkii 2013, waxa uu ahaa la-taliyaha diblomaasiyadda ee Madaxweynaha dalkaas. Qoraalladiisa iyo hawlihiisa siyaasadeed waxa si weyn uga dhex muuqda arrimaha nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo Pan-Africanism-ka.
Qaybta koowaad ee buuggu waa lafagur ballaadhan oo qoraagu ku eegayo halka ay ka soo bilaabatay dhibaatada siyaasadeed ee Afrika, heerka ay gaadhsiisan tahay iyo sida looga gudbi karo. Dussey wuxuu eegayaa xaaladda qaaradda xornimada kadib, isagoo isweydiinaya sababta madax-bannaanidii siyaasadeed ee Afrika ay ka qaadatay saancadaalihii, aanay u dhalin horumar dhaqaale, xasillooni siyaasadeed iyo dawlad-wanaag.
Dalal badan oo Afrikaan ahi waxay ka xoroobeen gumaysigii, waxayna samaysteen dawlado qaran, dastuurro iyo hay'addo siyaasadeed, haddana dadyawgoodu weli waxay la tacaalayaan baahi, qalalaase siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan kaalmo dibadeed. Arrintani waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah: Maxaa ka qaldamay geeddi-socodkii Afrika ee xornimada kadib?
Isaga oo ka jawaabaya halka uu ka qalloocday geeddi-socodkii dawlad-dhisku in Afrika oo markii hore ku jirtay xamaarasho nafeed ay gumaystihii uga tageen mashaqooyin aan la meelayn karayn islamarkaana Afrika ay u heli wayday xal iyo xeelad ay ku maarayso. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu tilmaamayo waxaa ka mid ah xuduudihii gumaysigu dhaxalsiiyey qaaradda iyo murannada ka dhashay.
Dhibaatada ugu daran ee Afrika haysata wuxuu ku tilmaamayaa hoggaan-xumo. Wuxuu si adag u dhaliilayaa siyaasiyiinta ku fashilmay masuuliyaddii loo igmaday iyo hoggaamintii bulshooyinkooda. Waxa uu tilmaamaya aqoon-darro, eex, nin-jeclaysi, qabyaalad, musuqmaasuq iyo maamul-xumo.
Wuxuu tilmaamayaa in hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin qaarkood ay hantidii ka dhigeen hilib ay dhurwaayo kala ridanayaan oo qaybtooda xooga lihi u yihiin kaligood-taliyayaal aan la agmarin halka kuwa kalena sugayaan xiliga xil loo idmanayo si ay dad iyo duunyaba u dhacaaan.
Waxa kale oo uu qaybtan kaga hadlayaa daciifnimada nidaamyada iyo hay’adaha Afrika iyo awooddooda xaddidan ee fulinta go;aamada. Waxa uu sidoo kale dhaliilayaa ku-tiirsanaaanta quwadaha dibadda. Waxa uu soo qaadanaya Midowda Afrika iyo tabar-daradiisa, isagoona dhaliilaya kaalinta xaddidan ee Afrika ku leedahay Qaramada Midoobay iyo loollanka quwadaha waaweyn ee nidaamka caalamiga ah.
Qaybta labaad waxay ka gudbaysaa su’aasha ah “Dhibaataddu xaggee ka soo bilaabatay?”, waxayna u gudubaysaa “Dhibaatooyin intee la’eg ayaa ka dhashay?” Qoraagu waxa uu tilmaamaya in dhibaatooyinka afrika ka jira ay ka mid yihin nabad-la`aan, dib-u-dhac iyo maamul-xumo.
Qaybtan waxa uu si gaar ah u dul istaagayaa xidhiidhka ka dhexeeya nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka. Dussey wuxuu saddexdan u arkaa arrimo si dhow isugu xiran. Nabadda la’aanteed way adkaanaysaa in la dhiso hay'addo xooggan iyo dhaqaale deggan. Dimuqraadiyad la’aantu waxa ay daciifin kartaa isla-xisaabtanka iyo ka-qaybgalka shacabka. Horumarkuna wuu adkaanayaa marka la waayo nabad iyo maamul-wanaag uu ku hirgalo. Sidaa darteed, qaybta labaad waxay muujinaysaa in dhibaatooyinka siyaasadeed aysan ahayn arrimo ku eg siyaasiyiinta. Waxay si toos ah u saameeyaan bulshada.
Siyaasad-xumo waxay dhalin kartaa maamul-xumo; maamul xumadu waxay sii kordhin kartaa musuqmaasuqa; musuqmaasuqu wuxuu dhaawici karaa dhaqaalaha; dhaqaalaha daciifka ahna wuxuu kordhin karaa saboolnimada iyo shaqo-la’aanta. Sidaas ayay dhibaatooyinku isugu xirmaan oo ay u sameeyaan wareeg adag oo ay adkaan karto in laga baxo.
Dussey wuxuu muujinayaa in dhibaatooyinka is-biirsaday ee hormuudka ka tahay hoggaan xumaddu aanay ku ekayn xafiisyada dswladda, balse ay si toos ah u saameeyeen nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo mustaqbalka waddamada.
Musuqmaasuqa wuxuu Dussey ku tilmaamayaa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee qaaradda haysta, waa aafada uu balaadhan ee sababtay dib u dhaca iyo soo kabasho la`aanta qaarada Africa, waxa uu tilmaamaa qoraagu in waxa fanteeyay horumarka dilayna qiyamka iyo ansahxa siyaasada iyo hoggaanimada Afrika uu yahay musuq maasuq xiddidaytay oo dhankasta oo nolosha dadka u talaabay. Waxa uu ka waramaa in dhaqaale xummada, baahada, aqoondarada iyo bugtada Afrika ka jirta wax ka qabashadeeeda uu dilay musuq maasuq qofka wax loo dhiibaa labbadiisa gacmood kala xadayaan oo dadka tabaalaysan aanay wax-saniba gaadhin.
Dussey wuxuu sidoo kale xidhiidhinayaa siyaasadda iyo saboolnimada. Saboolnimada Afrika looma fahmi karo oo keliya iyadoo la leeyahay dhaqaaluhu wuu hooseeyaa. Waxaa muhiim ah in la isweydiiyo sababta dhaqaalaha uusan u dhalin fursado ku filan shacabka. Haddii dowladdu aysan si wanaagsan u maalgelin waxbarashada, caafimaadka, shaqo-abuurka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa adkaanaya in bulshada laga saaro saboolnimada. Sidaas darteed, saboolnimadu waxay noqon kartaa qayb ka mid ah natiijada nidaam siyaasadeed iyo maamul oo aan si wanaagsan u shaqayn.
Qaybta saddexaad waxa ay ka jawaabaysa su’aasha ah: Sidee looga gudbi karaa dhibaatooyinka ka jira qaaradda Afrika? Dussey wuxuu xoogga saarayaa in isbeddelka Afrika uu u baahan yahay in la beddelo habka loo fahmo awoodda siyaasadeed, hoggaanka iyo dowladnimada.
Waxa uu timaalamayaa in waxa ugu horreeya ee loo baahan yahay uu yahay hoggaan masuul ah. Siyaasiga wanaagsan, sida laga fahmi karo doodda Dussey, waa qof fahamsan in awoodda uu hayo ay tahay masuuliyad loo igmaday, ee aanay ahayn hanti isaga u gaar ah. Hoggaamintu waxay u baahan tahay aqoon, karti, daacadnimo, aragti fog iyo faham ku saabsan baahida bulshada. Siyaasigu waa inuu ka fikiraa mustaqbalka dalka, halkii uu xoogga saari lahaa oo keliya danaha gaaban ee siyaasadeed iyo danihiisa shakhsiga ah.
Arrinta labaad waa dhismaha hay'ado adag oo madax-bannaan. Xitaa haddii la helo hoggaamiye wanaagsan, waddan ma noqon karo mid deggan haddii dhammaan nidaamkiisu ku tiirsan yahay hal qof. Dawladnimo xooggan waxay u baahan tahay hay'addo shaqeeya xitaa marka hoggaamiyeyaashu isbeddelaan. Maxkamadaha, hay'adaha doorashooyinka iyo hay'adaha kale waa inay ku shaqeeyaan sharciga, isla-xisaabtanka iyo danta guud.
Dussey sidoo kale wuxuu muhiimad siinayaa dimuqraadiyadda. Dimuqraadiyaddu ma aha oo keliya in doorasho la qabto. Doorashadu waa qayb ka mid ah nidaamka, laakiin dimuqraadiyad dhabta ahi waxay u baahan tahay xorriyadda shacabka, ka-qaybgal siyaasadeed, ilaalinta xuquuqda, saraynta sharciga, hay'addo madax-bannaan iyo awoodda dowladda oo leh xad. Haddii doorashooyin jiraan laakiin hay'adihii kale ay daciif yihiin, nidaamka siyaasadeed weli wuxuu yeelan karaa goldaloolooyin waaweyn iyo hufnaan-la’aan.
Qoraagu wuxuu sidoo kale ku boorinayaa Afrika inay qaadato masuuliyadda mustaqbalkeeda oo halkii ay ka sugi lahayd gar gaar iyo kaalmo shisheeye ay noqdaan kuwo iyagu aayahooda ka tashada dadkoodana, samata bixiya,
Qoraagu waxa uu nuxur ahan meelo badan oo buuga ah kusoo daray in Afrika ay weli la dhibaatoonayso eeshii uu gumaystihii kusoo duulay kaga tagay, oo inta ay Afrika isu geysatay uu ay ka badan tahay dhibaatada saan-cadaalihii ka tagay, waxaa kale oo ku darayaa in Afrika aan la siin fursad kabasho oo markasta wax kasoo fulay dalal shiisheeye loogu soo waarido sida dagaalkii qabooba oo keenay dhaqamaynta manaxayaal kaligood taliyaal ah.
Saddexda qaybood ee buuggu waxay samaynayaan dood isku xidhan: qaybta koowaad waxay baadhaysaa asalka dhibaatada siyaasadeed ee Afrika; qaybta labaad waxay eegaysaa saamaynteeda dhaqaale iyo bulsho; qaybta saddexaadna waxay soo bandhigaysaa waddooyinka uu qoraagu u arko in lagaga gudbi karo, gaar ahaan hoggaan masuul ah, hay’ado xooggan iyo isla-xisaabtan.
Ugu dambayn, doodda buuggu waxay muujinaysaa in mustaqbalka Afrika iyo horumarkeedu, uu si weyn ugu xidhan yahay yahay dawladnimo ku dhisan sharci, hay'addo shaqeeya, isla-xisaabtan, masuuliyad siyaasadeed, nabad iyo horumar loo dhan yahay. Horumarka qaaraddu ma aha hawl hal qof ama hal dawlad u taal; waa geeddi-socod u baahan hoggaan masuul ah iyo bulsho awood u leh inay ilaaliso danta guud. Sidaas darteed, fahamka “cudurka siyaasadeed” waa tallaabada koowaad, halka dhismaha hay'addo wanaagsan iyo dhaqanka masuuliyadda dadweynuhuna ay yihiin waddada looga gudbi karo dhibaatooyinka Afrika ka dhigay hagaas.