Monday 17 March 2025
“Wakhtigii Dahabiga ahaa ee Maraykanku hadda ayaa uu bilaabmayaa” waa hadalkii uu ku bilaabay Madaxweyne Donald Trump khudbaddii caleemosaarkiisa. Madaxweynaha 45aad iyo 47aad ee Maraykanku, waxa uu ka hadlay “maalinta ugu muhiimsan taariikhda bulshada” iyo “maalintii xornimada”, ka sokow in uu aaminsanyahay in uu jagadan ku qabtay bulshadii codkooda siiyey, waxa uu aaminsanyahay sidoo kale in xagga sare laga doortay, oo talo Ilaahi ah uu jagadan ku helay. Isaga oo ka hadlaya iskudaygii dilkiisa xilligii ololaha, waxa uu yidhi: “Eebbe ayaa i badbaadiyey, si aan mar kale Maraykanka dal weyn uga dhigo”. Hadalkaas dadkii dhagaysanayey waxa uu kaga helay sacab diirran. Donald Trump waa madaxweynihii u horreeyey wixii ka dambeeyey Grover Cleveland, oo madaxweyne noqday ka dib mar uu doorashooyinkii hore ku guuldarraystay. Cleveland ayaa sidan oo kale sameeyey 1882, waxaana ku labeeya Trump [oo guuldarrada doorashadii 2020 ka dib guulaystay]. Trump waa uu kusoo laabtay Aqalka Cad, waxaanu ballanqaaday in Maraykanku soo kabasho la yaab leh samayn doono. Daqiiqadihii koowaad ee khudbaddii caleemo saarkiisa, waxa uu u hadlayey sida in uu weli ku jiro ololihii doorashada. Si la mid ah khudbaddii 2017, doorkanna waxa uu dhaliilay maamulkii ka horreeyey ee Biden, waxaanu ku dhaliilay fadhiidnimo iyo in aanay waxba ka qaban musiibooyin jiray, waxa uu ku tilmaamay “xukuumad taagdaran oo aan awoodin maaraynta musiibooyin iska fudud, sida dabkii Los Angeles, xukuumad soo dhawaysay dambiilayaal dalal kale ka yimi oo xabsiyo kale kasoo baxsaday, iyo xukuumad carruurta bartay nacaybka dalka”. Khudbadda dhexdeeda, hadalkaas xanafta leh waa uu beddelay, waxaanu qiray in ku xigeenkiisu kula taliyey in uu si togan uga hadlo waxyaalaha jira. Trump-kan soo noqday 2025 waa mid ka kalsooni badan, kana awood badan Trump-kii hore. Xilligaas hore Trump aad uma diyaarsanayn, manuu lahayn qorshayaal badan. Maanta se, waxa garab taagan xarumo cilmibaadhis iyo la taliyayaal midigta fog ah, maalintii koowaad ee uu Guriga Cad galayna waxa u diyaarsanaa 100 xeer oo u baahan saxeex. Maalinkii koowaadba waxa uu dejiyey qorshayaal ku jaango’an go’aannadaas uu saxeexay, waxaanu ku sheegay lahjad adag. Sannaddo ka hor waxa uu yidhi: “Maalintayga koowaad waxa aan noqon doonaa kelitaliye”, laga yaabee in uu markaas sidan u jeeday.
Waxa uu markiiba ku dhawaaqay in uu xaalad degdeg ah kusoo rogay xuduudda Maraykanku la leeyahay Meksiko, ujeedka amarkanina waa mid cad; oo waxa uu uga gol leeyahay in uu joojiyo socdaalka sharcidarrada ah iyo muhaajiriinta Maraykanka kusoo qulqulaya. Markaa tallaabada koowaad waa in dadka Meksiko ku sugan ee magangalyada doonaya halkooda lagu joojiyo, dadka Maraykanka sida sharcidarrada ah ku joogana la daadgureeyo, sidaas darteed waxa uu u baahanyahay hawlgal aad u ballaadhan.
Shaacintiisa xaaladda degdegga ah ee ku saabsan faylka socdaalka sharcidarrada ah, Donald Trump waxa uu xaq isu siiyey qaadashada tallaabooyin gaar ah oo aan u baahnayn in Koongaraysku ku waafaqo, waxaana ugu horreeya tallaabooyinkaas: dhammaystirka gidaarka Maraykanka iyo Meksiko, in ciidamo loo diro xuduudda koonfureed, in kooxaha daroogada Meksiko ee daroogada ka ganacsada loo aqoonsado argagixiso iyo cidhibtirka shabakadaha dambiilayaasha ee magaalooyinka Maraykanka ka jira. Tallaabooyinkani waxa ay u muuqdaan in Trump rabo in uu madaxbannaanaado isuna xilsaaro hawgal ballaadhan oo uu ku qaado malaayiin muhaajiriin ah oo si sharcidarro ah ku jooga Maraykanka. Wayddiintu waxa ay tahay: ilaa heerkee ayaa uu Trump rabaa in uu dagaal ku qaado soo galootiga uu “argagixisada ku sheegay”? Xilligii ololaha waxa uu ku hanjabay in uu awood ciidan wax kaga qaban doono arrinka xuduudda ka jira, hadalkiisanna waxa si weyn uga falcelisay Meksiko.
Hanjabaaddan oo keli ah lagama hayo Trump, se waxa kale oo uu ku hanjabay, weliba si badheedh ah, midnimada dhulalka Panama, go’aankii madaxweyne Jimmy Carter kaga tanaasulay Kanaalka Panama xilligaasna waxa uu ku tilmaamay go’aan “nacasnimo” ahaa. Waxa uu ku celceliyey “in laga faa’idaystay”, waxaanu shaaciyey in uu soo celin doono Kanaalkaas. Waxa kale oo uu yidhi: “Markii koowaad muddo dheer ka dib, waxaannu noqon doonnaa bulsho dhulal cusub isku ballaadhisa”. Hadalkiisani waxa uu si toos ah uga hor imanayaa sidii uu hore ugu dooday ee ahayd in uu noqonayo “madaxweyne nabadaynta iyo midnimada bulshooyinka ka shaqeeya” iyo hadalkiisii ahaa: “guushayada milatari waxa halbeeg u noqon doona dagaallada aannu joojinnay ama aannaan faraha la gelin”. Khudbaddiisa kuma soo hadalqaadin Yukrayn iyo Bariga Dhexe, marar kooban mooyee, soo daynta maxaabbiistii Israa’iilna isagaa sheegtay dedaalkeeda.
Hanjabaadaha adag ee uu u jeediyey socotadu ma aha waxa keliya ee dadku ka werwereen, se dad badan oo muwaaddiniin ahi waxa ay werwer ka qabaan kor u kaca qiimaha alaabaha oo la socda guusha Trump. Trump waxa uu ku dooday sicirbararka beryihii dambe jiray in hadda si wanaagsan loo xakamayn karo, waxaanu ballanqaaday in sannado badhaadhe ah oo horumar muwaaddiniinta wada gaadha la geli doono, arrinkanna lagu gaadhayo qorshe laba weji leh: tallaabada koowaad waxa uu doonayaa in laga faa’idaysto shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee u kaydsan, oo la qodo, waana tallaabo iyo siyaasad cusub oo oo hal bacaad lagu lisay ka dhigaysa dedaalladii Biden ugu jiray in loo wareego tamarta cagaaran. Tallaabada labaad waa in horumarka Maraykanka laga sameeyo cashuuraha badan ee la saaro waxa dalka loo soo dhoofiyo iyo cashuurta la saaro dakhliga soo gala dadka ajnabiga ah.
Tallaabooyinka cusub ee uu qaaday Trump waxa ka mid ah in uu magacyo cusub u bixiyey goobo uu magacyadoodii ka beddelay, sida Gacanka Meksiko iyo buurta Denali, oo uu hadda u bixiyey Gacanka Maraykanka iyo buurta McKinley. William McKinley oo ugu magic daray buurta Denali waa madaxweyne hore oo uu Trump qaddariyo. Marar dhawr ah waxa uu Trump ku celceliyey in laga eexday, isaga oo yidhi: “Ma jiro qof ila mid ah oo la kulmay falcelinta aan caddaaladda ahayn ee aan la kulmay oo kale”. Trump waa madaxweynihii u horreeyey oo isaga oo dambi ku eedaysan xil ka qabta Maraykanka, waxaanu xukuumaddii hore ku dhaliilay in ay ku tagrifashay awoodda, dadkana si aan caddaalad ahayn u bursatay.
Farriintiisa waxa uu gaadhsiiyey lix boqol oo qof oo loo xulay goobjoogga caleemasaarkiisa, waxaana lagu soo xulay sida ay Trump u taageereen. Waxa ka mid ahaa maalqabeennada tiknoolajiyadda, hantiilayaal kale iyo siyaasiyiin ajaanib ah oo midigta fog ah, xitaa waxaa qayb ka ahaa dad dimuqraaddi ah, sida duqa magaalada New York.
Khudbad kale oo uu jeediyey caleemosaarka ka dib, oo ay joogeen dadka taageeraa, waxa uu aad ugu dhaliilay dadka kasoo horjeeda, waxaanu qirtay in khudbaddani tahay ta uu jeclaa in uu ka jeediyo caleemosaarkiisa. Ka dib waxa uu tagay madaxtooyada, waxaanu saxeexay xeerar badan oo u yaallay, horena uu u ballanqaaday.
Trump waxa uu ku ololeeyaa in “Maraykanka wax kasta oo kale laga horraysiiyo”, la isku filnaado, oo faragashiga dalalka kale la soo afjaro. Waxa cad in khudbaddii caleemosaarka uu mararka qaar iska hor imanayey hadalkiisu. Mar waxa uu isku tilmaamay nin nabadeed “nabad dhalin doona”, waxaanu ku dooday in guusha milatari halbeeg looga dhigo inta dagaal ee la joojiyey, ama aanu ka qayb qaadan. Se dhinaca kale, waxa uu doonayaa in uu Maraykanka ka dhigo dal dhulkiisa ballaadhiya, isaga oo ku hanjabay in uu soo ceshado Kanaalka Panama. Qayb ka mid ah khudbadda, oo sida muuqata aanu Trump qoran, qaar ka mid ah gorfeeyayaashuna ku tuhmeen in Steven Miller oo ah la taliyaha amniga guduhu qoray, Trump waxa uu kaga sheekeeyey caqliyaddii hoggaaminaysay Maraykanka waayihii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo ku tilmaamay “go’aanka lama dhaafaanka ah”, oo mustaqbalka dhow deegaamayn doona meeraha Maaris. Maraykanka iyo Meksikaanka asalka ahi aad bay uga didaan weedha ah “go’aan lama dhaafaan ah”, sababtoo ah waa wixii gundhigga looga dhigay imbiryaaliyaddii diiniga ahayd ee Maraykanka sida bahalnimada ah dhulkooda u boobtay qarnigii 19aad.
Ereybixintan waxa markii koowaad adeegsaday qoraagii iyo suxufigii John O’Sullivan sannadkii 1845-kii, waxaanu qoray in Eebbe Maraykanka curdinka ah ee Kiristaanka ah siiyey “go’aan lama dhaafaan ah” oo uu ku qabsanayo Ameerikada Waqooyi. Dadka waxa uu ku dhiirrigeliyey in ay gobolka Texas iyo gobolka Oregon, oo kolkaas Ingiriisku haystay xorraystaan, weliba hub lagu xorraysto haddii laga maarmi waayo. Intii uu socday dagaalkii Maraykanka iyo Meksiko (1846 ilaa 1848), saxafiyad Irish-Maraykanka ah, Jane Casino waxa ay mar kale adeegsatay ereybixintii, waxaanay Maraykanka ugu baaqday in uu Meksiko gebi ahaan kusoo daro Maraykanka. Ciidamada Maraykanku waxa ay qabsadeen magaalada Mexico City, Meksikaankana waxa lagu khasbay in ay ka tanaasulaan boqolkiiba 55% dhulkooda, waxaana ka mid ah gobollada hadda Maraykanka ka tirsan ee Kalifoorniya, Nefaada, Yuuta, Koloraado, Arisoona, New Meksiko iyo saddex qaybood oo gobollo kale ka mid ah. Waxa intan dheer in dadkii asalka u lahaa dhulka la cidhibtiray, waxna la qaxiyey. Farshaxan caan baxay oo xilligaas la sameeyey ayaa muujinaya dadkii la dejiyey Maraykanka, dadkuna waxa ay aaminsanaayeen in socdaalka Eebbe ku weheliyo. Sidan ayaa “go’aanka lama dhaafaanka ah” sees diini ah looga dhigay Imbiryaaliyada Maraykanka. Weliba waa marka laga soo tago dheeraadka gaar ah ee caddaanku isa siiyeen marka loo eego dadkii asal ahaan dhulka degganaa. Haddana si guud, marka xarumaha akaademiga laga yimaaddo, bulshadu ma jecla in qodobkan la waajaho. Ronald Reagan ayaa siddeetanaadkii mar soo celiyey adeegsiga ereybixintan, waana sababta dadka sii baraarujisay ka dib markii uu Trump adeegsaday. Trump-ka adeegsaday ereybixintani waa nin lagu yaqaan in aanu hadalkiisa iyo falalkiisa ku jaangoyn anshaxa, waxa keliya ee uu doorbidaana waa talo iyo heshiisyo.
Weriye Maggie Haberman oo u shaqeeya wargeyska The New York Times, oo qirtay in uu weriye kaste oo kale uga aqoon badanyahay Trump, waxa uu maqaal uu baahiyey ku xusay sida uu Trump dhallinyarnimadiisii ugu dhaqmi jiray sidii ganacsade aan wax kale danayn. Mar uu iibsaday dhisme 15 dabaq ah oo ku yaalla New York, oo uu doonay in uu dumiyo, dadkii kirada ugu jiray dhismaha waxba uma celin, ee waa uu cabsi geliyey taa beddelkeeda. Guryo duug ah oo u dhow goob ganacsi oo uu ku lahaa Atlantic City, waxa uu ku bilaabay in uu rinji dhalaalaya mariyo, isaga oo aan cidna wax ka wayddiin. Laga yaabee in Trump weligiiba aaminsanaa in doonistiisu tahay qaanuunka laftiisa.
Waa sababta fasiri karta in aanu werwer ka qabin dhibaatada ka dhalan karta haddii la dagaallanka kooxaha daroogadu gaadho in dagaal lala galo Meksiko, natiijada ka dhalan karta qabsashada Kanaalka Panama ama Greenland. Si cad ayaa uu weriyayaasha ugu yidhi: “Bal eega sida ay u weyntahay… Waa dhul ballaadhan, waxaana waajib ah in Maraykanku lahaado”.
Waxa cad in qofka khudbadda Trump kusoo daray ereybixinta “go’aanka lama dhaafaanka ah” uu doonayey in uu cudurdaar diimaysan u sameeyo dhulballaadhsiga Maraykanka, sababtoo ah Trump inta badan kuma mashquulo in uu cudurdaar u helo waxyaabaha uu ku doodayo ama doonayo, se waxa jira cid cudurdaarkan usoo heli karta, dadkana ku beerlaxawsan karta.
Maqaalkan waxa laga soo turjumay halkan.