Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Soo Laabashada Erik Prince: Budhcadda Cusub ee ku Fidaysa Afrika

14 September, 2025
Image
Soo Laabashada Erik Prince: Budhcadda Cusub ee ku Fidaysa Afrika
Share

Magaca Erik Prince waxa uu mar kale kasoo dhex muuqday shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay, oo ah shirkado hal-ku-dhigyo kala geddisan iyo ujeeddooyin kala duwan leh. Waa shirkado isku qeexa in ay xalal amni siiyaan dalalka qalaalasaha amni ku jira, amaba dalalka aan tahli karin in ay awooddooda ku fidiyaan dhulalka ay ka taliyaan. Hase ahaatee, khibradda laga helay hawlgalladoodii hore waxa ay daaha ka qaadaysaa in shirkadahani u jiraan ilaashiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka ay ka hawgalayaan iyo xoojinta awoodda dibadeed. Dhaqdhaqaaqyada cusub ee Erik Prince ka waddo Afrika, siiba Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo, waxa ay qayb ka yihiin sooyaal dheer oo ah ka faa’idaysiga qalaalasaha iyo amnidarrada, si loo badiyo macaashka iyo xoojinta awoodda caalamiga ah.

Erik Prince oo hore u ahaa mulkiilaha shirkaddii Blackwater, waxa uu bishii Feebarweri ee sannadkan aasaasay shirkad cusub oo uu bixiyey Vectus Global, oo ah shirkad bixisa adeegyada milatari iyo amni ee dalalka dibedda. Waxyar ka dib aasaaska, shirkaddu waxa ay toos u timid fagaaraha, waxaanay ka hawlgashay ugu yaraan saddex dal: Koongo, Hayti iyo Beeru. Hannaankan waxa uu Erik Prince u arkaa hannaan ganacsi oo ku salaysan in ciidamo milatari oo shirkadi gaar u shaqaalaysiisay laga hawlgeliyo deegaannada amni ahaan aan cagaha adag ku taagnayn, isagoo ka faa’idaysanaya baahida xukuumadaha aan haysan helitaanka taageero degdeg ah si ay u waajahaan caqabadaha gudaha. Aasaaska shirkaddan cusubi waxa uu qayb ka yahay marxalad cusub oo ah ballaadhinta shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay, xilli dunida laga la’yahay xalal amni oo kuwan looga baahi badanyahay.

Erik Prince oo hore u ahaa mulkiilaha Blackwater, waxa uu hadda aasaasay shirkad cusub oo uu u bixiyay Vectus Global taas oo bixinaysa adeegyo militari iyo amni waxana ay durba ka hawlgashay Koongo, Hayti iyo Beeruu

Kama uu labalabayn in uu Erik judhiiba heshiisyo cusub usoo dhiciyo shirkaddiisa cusub. bishii Abriil ee sannadkan waxa uu heshiis la galay xukuumadda Koongo, kaas oo dhigaya ilaalinta nabadgalyada godadka macdanta iyo soo ururinta cashuuraha, iyadoo lagu hoos dhuumanayo macdan ilaalin iyo ka hortagidda in macdanta la tahriibiyo, dalkana laga saaro. Erik oo kaashanaya ciidamo hore oo Faransiis ah, waxa uu sameeyey koox amni oo gaar ah oo shaqadoodu tahay ilaalinta hawlaha macdan-qodista. Heshiiskan waxyar ka dib waxa soo baxay warbixino sheegaya in wadahadallo dheeraad ah laga yeeshay suurogalnimada hawlgalinta calooshood u shaqaystayaal dalka Salfadoor kasoo jeeda, si shirkaddani u ilaaliso nabadgalyda madaxtooyada Koongo. Waa warbixino bidhaaminaya kordhinta shaqooyinka loo xilsaarayo shirkadda Erik Prince.

Heshiiskani waxa uu dhaliyey walaac. Cilmibaadhaha qaddiyadaha la xidhiidha dagaallada Afrika, Rishab Rathi, waxa uu aaminsan yahay in heshiiskan degdegga ah ee xoojinta nabadgalyada iyo adkaynta korjoogtaynta macaashka macdanta ay ku hoos jiraan saamayno taban oo wakhtiga fog soo ifbixi kara, waxaana ka mid ah; qotodheeraynta ku tiirsanaanta shirkadahaas milatari ee gaarka loo leeyahay, halis gelinta madaxbannaanida dalka iyo korodhka xadgudubyada xuquuqda aadamaha. Wargeyska Guardian ee Ingiriisku waxa uu muujinayaa walaac intan kasii ballaadhan, waxaanu ka digay in ay shirkadahani yihiin weji cusub oo ah hababkii lagu boobi jiray khayraadka Koongo, se hadda lagu marmarsoonayo qaabab qarsoon oo casriyeysan, oo ka duwan boobkii gumyestaha.

Faragashiga Koongo iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee Vectus Global, waxa ay ka turjumayaan isbeddelka siyaasadda caalamiga ah ku dhacay. Soo laabashada Erik Prince iyo hawlgelinta calooshood-u-shaqaystayaal waa wax xidhiidh adag la leh soo laabashada Trump. Bilawgii muddoxileedka cusub, Prince waxa uu u degdegay in uu maamulka cusub ku qanciyo in ciidamadiisa gaarka ahi awoodaan gufeynta goldaloollada ka dhasha dhimidda maalgelinta ee uu Maamulka Trump ku sameeyey hawlihii nabadaynta caalamiga ah.

Soo laabashada Erik Prince oo durba adeeggiisa ku fidiyay ilaalinta macdanta Koongo illaa amniga madaxtooyadeedu waxa uu la xidhiidhaa soo laabashada Trump iyo isbeddelka siyaasadaha dunida – waa in laga macaasho boobka dalalka

Codsigiisu waa mid dhaafsiisan Afrika, oo waxa jira warbixino xusaya in Prince uu bishii Maaris ee sannadkan la taliyayaasha Trump hordhigay codsi hawlgal oo ku kacaya 25 bilyan oo doollar, oo ah in shirkaddiisu Maraykanka ka tarxiisho 12 milyan oo qaxoonti ah, una tarxiisho saldhigyo milatari oo ku yaalla Afrika iyo Ameerikada Koonfureed

Dhaqdhaqaaqa cusub ee Erik Prince kuma koobna heshiisyada iyo codsiyada hawlgal ee uu qorto, ee sidoo kale waxa uu garab wadaa olole siyaasadeed oo uu kusoo bandhigo aragtidiisa ku saabsan kaalinta shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay. Bishii Feebarweri ee 2024-kii, waxa uu kasoo muuqday mid ka mid ah barnaamijyada warbaahinta, isagoo difaacaya shaqooyinka shirkadahaas, waxaanu ku dooday in “dalal badani aanay awoodin in ay gudaha dalkooda xukumaan”, waxaanu si cad u shaaciyey in “ay soo celinayaan hawlgalladoodii, oo ay xukunka dalalkaas hoggaamin doonaan, nabad ilaalintana ku meteli doonaan”. Sida uu aaminsanyahayna, dhammaan dalalka Afrika waa kuwo hadalkiisa soo gudogalaya, una arko in aanay is maamuli karin.

Koongo illaa Soomaaliya iyo Liibiya: Budhcad u adeegta danaha dalal kale

Erik Prince, waxa uu leeyahay sooyaal dheer oo faragelinta qaaradda Afrika ah. Walow uu iibiyey shirkaddiisii Blackwater sannadkii 2010-kii, ka dib markii lagu eedeeyey dambiyo dagaal oo ay ka gashay bulshada rayidka ah ee reer Ciraaq, haddana awooddiisu hoos umay dhicin, hadal hayn badanna waxa uu soo ceshaday ka dib markii Donald Trump soo saaray 2020-kii go’aan lagu cafinayo dadkii dambiyadaas ku lugta lahaa. Laga soo bilaabo kolkaas, Prince waxa uu dhaqdhaqaaqyadiisa ka wadaa goobaha dagaallada iyo khilaafaadka xooggani ka jiraan, siiba Afrika.

Erik Prince waxa uu iibiyay Blackwater, 2010-kii, markii lagu eedeeyay in ay dambiyo dagaal ka geysatay Ciraaq, waxana uu dib u bilaabay shaqadiisii ka dib markii uu Trump cafiyay dadkii dambiyadaas loo haystay

Sannadkii 2023-kii, Qaramada Midoobay ayaa ku tuhuntay in uu 2,500 oo ciidamo calooshood-u-shaqaystayaal ah ka hawlgaliyey laga soo bilaabo Koonfurta Ameerika illaa bariga Koongo, isagoo ku dhuumanaya marmarsiiyaha la dagaallanka fallaagooyinka, se ujeedkiisa dhabta ahi yahay ilaalinta goobaha macdan qodista ee istiraatiijiga ah. Tuhunkani mid la fogaysto ma aha, sababtoo ah sannadkii 2017-kii ayaa mid ka mid ah shirkadihiisa lagu tuhmay ka qaybqaadashada tahriibinta dahabka Koongo, waana falal soo noqnoqday oo ku dhisan ka faa’idaysiga qalalaasaha.

Hawlgallada Prince waa kuwo Afrika iyo meelo ka baxsanba laga fuliyo. Imaaraadka Carabta ayaa kaalin weyn ka qaatay halwgelinta khibradda Erik iyo shirkadihiisa, oo sida lagu soo bandhigay warbixin ay baahisay majalladda Intelligence Online, waxa jira iskaashi xooggan oo u dhexeeya Erik iyo Abu Dabay oo la xidhiidha maamulka hawlgallada gudaha Liibiya. Waa isla xog ay xoojinayso warbixinta Qaramada Midoobay ay soo saartay 2021-kii, oo ah in labadan dhinac iska kaashadeen adkaynta awoodda Imaaraadka, iyadoo loo marayo hab ka duwan hawlgalladii milatari ee soojireenka ahaa.

Isla wararkan ku saabsan iskaashiga Erik iyo Imaaraadka, wargeyska Niyuu Yook Taaymis waxa uu xusay in Erik heshiis la saxeexday Amiirkii Abu Dabay, Maxamed binu Saa’id, qiimahiisuna dhammaa 529 milyan oo doollar. Sida heshiiskani dhigayey, waxa la hawlgaliyey ciidamo calooshood-u-shaqaystayaal ah, oo gaadhaya 800 qof, badankooduna kasoo jeedaan Koonfur Afrika iyo Kolombiya, si loogu tababbaro, loogana hawlgeliyo dagaallada Ciidamada Imaaraadku masuulka ka yihiin, sidoo kalena loo xilsaaro ilaalinta danaha istaraatiijiga ah ee Imaaraadku ku leeyahay Afrika.

Waxa ay ilo kala duwan sheegeen in shirkaddan oo hawlgalisa calooshood-u-shaqeysteyaal ka soo jeeda Koonfur Afrika iyo Kolombiya ay ka hawlgalaan meelo kala duwan oo Afrika ah, in badanna ay fuliyaan danaha Imaaraaatka oo ay qandaraas ka qaateen

Hawlgalladan iyo heshiisyada qaabkan ahi waa kuwo sidoo kale laga fuliyey Geeska Afrika. warbixin wargeyska The Times soo saartay 2010-kii waxa ay caddaynaysaa in Prince uu kaalin weyn ka qaatay aasaasidda shirkadda “Saracen International”, isagoo u dan leh in uu heshiisyo ganacsi iyo kuwo amni la galo Soomaaliya. Shirkaddani waxa ay ka hawlgashay maamul-goboleedka Buntilaan iyadoo la aasaasay malleeshiyo ka kooban 1,050 dagaalyahan, oo u xilsaaran ilaalinta masuuliyiinta xukuumadda, tababaridda qaybo ciidanka Soomaaliya ah iyo fulinta weerarro ka dhan ah al-Shabaab.

Xoogaggan waxa lagu qalabeeyey gawaadhi ciidan oo fudud iyo helikabtarro Faransiisku sameeyey, qalabayntana waxa 50 milyan oo doollar ku maalgeliyey Imaaraadka. Hase ahaatee, hawgalkani waxa uu markiiba dhaliyey dood ballaadhan; sababtoo ah Qaramada Midoobay ayaa mashruuca eedaysay, Buntilaanna ku eedeysay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee Soomaaliya saarnayd laga soo bilaabo 1992-kii.

Waxa uu Erik, sidoo kale, ka hawlgalay Soomaaliya, ka hor 2010-kii oo ay iska kaashadeen Imaaraatka si ay u hubeeyaan maleeshiyaad laga qoray Puntland, laakiin QM ayaa waqtigaas ku eedeysay in ay arrintaasi jabinayso xayiraaddii hubka”

Hase ahaatee, galaangalka Prince halkan kuma joogsan, ee judhiiba waxa uu u jeedsaday dhisidda shirkad ballaadhan oo sharciyad dhaqaale iyo istiraatijiyadeed leh. Sannadkii 2014-kii waxa uu aasaasay shirkadda FSG, oo uu ku tilmaamay shirkad loojastig iyo amni, oo taageero ka hesha shirkadaha CITIC ee dawladda Shiinuhu leedahay. FSG waxa ay noqotay shirkad bixisa adeegyo xidhiidh la leh dhinacyada dhaqaale ahaan firfircoon, sida gaaska iyo batroolka, kuna tiirsan shabakad ganacsi iyo loojastig oo taxan 12 dal oo Afrikaan iyo Eeshiyaanba leh, sida in ay saami ku yeelatay shirkado duullimaad oo Kiiniyaan ah. Kolkii dambe waxa ay shaqooyinkeedu qayb ka noqdeen mashruuca “Jidka Xariirta ah”, Prince-na waxa uu khibraddiisii heshiisyada amni ku darsaday khibradda dhaqaalaha iyo ganacsiga ee awoodaha loollanku ka dhexeeyo ka dhexjira.

Walow uu Prince shirkaddiisan u sawiray mashruuc dhaqaale oo badhaxtiran, kuna adkaystay in uu kolkan dano ganacsi iyo maaliyadeed u shaqaysanayo, haddana kolka la eego sooyaalka dheer ee uu la leeyahay ha’yadaha amni ee Maraykanka, waxa adkaanaysa in la kala saaro shaqooyinkiisa iyo danaha siyaasadeed ee uu u adeegi karo. Sida masuuliyiin Maraykan ahi cabbireen, Blackwater iyo shirkadihii xidhiidhka la lahaa, intii u dhaxaysay 2001 illaa 2010, waxa ay heleen wax ku dhow 600 milyan oo doollar oo ah heshiisyo sir ah oo ay la galeen Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka, waana wax caddaynaya heerka isla falgalka shirkadaha Prince iyo wakaaladaha taladu ka go’do ee Maraykanka.

Intii u dhexeysay 2001 – 2010, waxa ay shirkadaha Prince heleen wax ku dhaw 60 milyan oo doollar oo ah heshiisyo sir ah oo ay la galeen Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka (CIA) taas oo muujinaysay galaangalkiisa

Sida hawlgallada iyo shaqooyinka Prince isula falgaliyeen danaha Maraykanka iyo Shiinuhu waxa ay caddaynaysaa in galaangalka ninkani yahay mid xuduudaha ka gudbay, shirkadihiisa amnina ugu adeega danaha xoogag loollan ka dhexeeyo, se yoolkiisa aasaasiga ahi yahay macaash, kana faa’idaysanaya dabacsanaanta amni ee Afrika iyo maqnaanta korjoogtayn dabagasha shaqooyinka shirkadihiisa.

Soo laabashada Erik Prince ee Afrika iyo aasaasidda Vectus Global, keliya ma aha soo laabashada qof hore, ee waa xaalad sawiraysa koboca dhaqaalaha budhcadda loo adeegsado xaaladaha amni iyo maaraynta dagaallada. Xilli hoos loo dhigay dedaalladii lagu maalgelinayey nabadaynta caalamiga ah, hoosna ay usii dhacayso awoodda xukuumaddaha Afrika u leeyihiin la wareegidda amniga gudaha, waxa soo baxaysa kaalinta shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay oo beddel u ah nabad ilaalintii hore, se ujeedkooda dhabta ahi yahay boobka khayraadka dalka. Arrinta ugu halista badani se waxa ay tahay; in kaalintii dawladdu meesha ka baxayso madaxbannaanidii go’aankana ay uga tanaasulayso shirkadahaas ilaalin amni awgeed, taas oo ah mid su’aalo qotodheer ka keenaysa mustaqbalka madaxbannaanida go’aan ee qaaradda.a