Thursday 23 January 2025
Afka qaranku wuxuu qayb lamadhaafaan ah ka yahay haybta dadweynaha, la'aantiina ummaddu way midnimo beelaysaa, awooddii ay iskula falgeli lahaydna meesha way ka baxaysaa. Af Soomaaligu xataa intii aanu lahayn far qoran oo rasmi ah, wuxuu weligii ahaa af hodon ah marka la eego dhanka dhismaha iyo naxwaha, iyo sidoo kale waxsoosaarka suugaaneed ee afka la isaga weriyo ama ("suugaan-afeed" (orature) sida uu ku qeexo qoraa Wole Soyinka, oo qaatay abaalmarinta Noobeesha Suugaanta).
—Maxamed Aaden Sheekh, "Waa Inoo Muqdisho."
Buuggan la magacbaxay, Habdhigaalka Af Soomaaliga Guud, ee ciwaanhoosaadkiisu yahay: Midayn, Horumarin, iyo Casriyayn, waxa qoray buuni iyo cilmi-afeedyahan Cabdalle Cumar Mansuur, oo muddo dheer ku foogganaa dedaallada lagu horumarinayo, lagu kobcinayo ee lagu casriyaynayo af Soomaaliga. Mudane Mansuur waxa uu ku shaacbaxay cilmibaadhistiisa ku aaddan: dhaqanka, afka iyo taariikhda Soomaalida. Buuggan cusubina waxa uu gelayaa khaanaddaas hore ee deraasaadka Soomaalida loogu jidbixinayo. Waa buug caqiibo leh oo ka faalloonaya musiibooyinka uu la ildaran yahay af Soomaaligu, waxa uu doodo maangal ah u keenayaa masalooyin inta badan ka ooggan farta Soomaaliga, taas ayuu buuggani u jilibdhigayaa, waxa uuna soo bandhigayaa xalalka bannaan ee wax lagaga qaban karo jirrooyinka uu la daalaadhacayo af Soomaaligu. Afku waxa uu la duruuf yahay, waayaha nololeed, dawladeed iyo tacliineed ee bulshada. Qoraagu isaga oo ka dhaqaaqaya aragtiyo cilmi-afeed waxa uu furfurayaa dhibaatooyinka guud ee afku la nool yahay. Geesta kale waxa uu sharraxaad ka bixinayaa doodo si shaacsane ah u dhexyaalla bulshada, kuwaas oo ku aaddan farta Soomaaliga.
Buuggu waxa uu ka warramayaa: doodda qabyannimada farta af Soomaaliga. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in farta Soomaaligu aanay ahayn mid qabyo ah. Waxa uu yidhi, "in farta af Soomaaligu ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis ay aaminsanyihiin, waa aragti aan ila qummanayn. Runtii fartani waa far fudud, si cilmiyaysanna ugu habboon qorista af Soomaaliga. Si aynu u garawsanno arrintan waa in aynu kala saarnaa labo shay: kow, deraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya af codayntiisa oo dhan (phonology), iyo labo, alifba'da afkaas (alphabet)." Mansuur dooddan oo uu aad ugu dheeraaday waxa uu ku soo gunaanaday: "qorista af Soomaaligu ma aha qabyo. Waxa qabyo noqon kara waa aqoonteenna xeerarka qoraal ama naxwaha af Soomaaliga." (Bogga 15). Farta Soomaaligu waxa ay ku dhigan tahay, far Laatiinka. Sababaha loo doortay in far Laatiin lagu qoro ayuu qoraagu ka warramay. Waxa uu keenay sababo maangal ah oo la duruuf ah waayihii dawladeed ee Soomaaliyadii lixdankii. Waxa uu tilmaamay in sababta Laatin loo doorbiday, oo looga doorbiday afka Carabiga ay tahay: kow, af Carabigu waxa uu leeyahay saddex shaqal (a, i, u) oo aan loo yeelin xarfo u gaar ah, laakiin leh astaamo u gaar ah (diacritic). Af Soomaaligu waxa uu leeyahay shan shaqal (a, e, i, o, u). Maaddaama far Carbeeddu aanay lahayn labada shaqal ee kala ah: e iyo o, waxaa lagu wareerayaa kala saaridda dhigaalka ereyada qaarkood. Labo; xarafka g kuma jiro far Carbeedda rasmiga ah, xarafkaas oo lagu qoro ereyada: geel, agab, adag, iwm. Saddex; haddii la rabo in hawlahaas wax laga qabto waxa ay u baahanaysaa makiinado ama agab gaar ah oo si joogto ah loo sameeyo. Taas oo macneheedu tahay in dhaqaale badan la geliyo. Xilligaasna dawladda markaas curatay dhaqaale fiican ma haysan, oo gargaar shisheeye oo aan ku filnayn uun bay ku noolayd. Dhawrkan sababood ayaa keenay in Laatiin la doorbido, sida uu ku qorayo (bogagga 17-18).
Mudane Mansuur waxa uu u jidbixiyey ereyo si aan midaysnayn loo qoro, halkaas waxa uu ku soo afjaray sida ugu qumman ee ereyadaas loo qori karo iyo qaababka ay lahjadaha kala gedddisan ku yihiin. Qodobkaas waxa raacsan oo uu ka warramay midaynta habdhigaalka ereyada iyo ereyo si aan habboonayn loo adeegsado. Labadaas qodob ayuu si gudaballaadhan u faaqiday. Prof Cabdalle Cumar Mansuur, waxa uu ku doodayaa in lahjadda Maxaatirida Woqooyi ay ku socoto in ay noqoto lahjadda afka Guud ee af Soomaaliga. Waxana loo adeegsan doonaa qoraalka (sida haddeerba loogu adeegsado). Mansuur waxa uu xusay qodobbo saamaxay in lahjaddani ka sayidcallayso, lahjadihii kale ee dalka ka jiray. Sababo dhawr ah ayuu taxay, oo ay mid yihiin: in lahjaddu ay tahay ta lagu curiyey suugaanta ugu badan ee laga hayo berisamaadkii; in lahjaddu ay tahay ta ugu deraasaadka badan laga soo bilaabo bilawgii qaringii 19aad (1814) ilaa maanta, raadraac aad u fara badanna laga hayo. Waa lahjadihii ugu horreeyey ee lagu bilaabay in loo adeegsado qalabka warbaahinta: Raadiyow Hargeysa 1943, Raadiyow Muqdisho 1952, laanta af Soomaaliga ee BBC 1957. Masraxa Soomaaliyeed oo hanaqaaday kontomeedyadii isna door weyn ayuu ka qaatay, waxa lagu gudbinayey suugaanta Maxaatirida Woqooyi. Sannadihii 1972-1990, buugaagta, gaar ahaan kuwa dugsiyada, wargeysyada iyo waraaqaha maamulka waxa loo adeegsanayey Maxaatirida Woqooyi, ayuu qorayaa (bogagga 104-105).
Mansuur waxa uu ka tagay qodob muhim ah oo ah; in Maxaatiridu ay heshay awood dawladeed/siyaasadeed oo xoog ku hirgelisa lahjadda. Af ama lahjad gaar ihi in ay sayidcallayso waxa door ka qaata awoodda xukun siyaasadeed. Sidaa darteed waxa ugu weyn ee kaalmeeyey in Maxaatiridu kaalintaas gasho, waa dawladnimadii lixdankii dhalatay oo si hagaagsan u taageertay. Qodobkan waxa ku dooday Dr. Maxamed Xaaji Mukhtaar mar uu ka warramayey gaboodfalladii ku dhacay bulshada Maayga. Waxa uu tilmaamay in Maayga uu ku dhaca, xasuuq dhaqan (cultural genocide), oo taabanaya: dhaqanka, afka, hiddaha iyo habnololeedka bulsho. Waxa kale oo uu intaas ku daray, in uu ku dhacay anfariir nafsadeed (psychological shock), oo ka dhashay markii sanka lagaga tolay af Maxaatirida. Mukhtaar waxa uu ka tirsan yahay dugsi fekradeedka caanka ka ah deraasaadka Soomaalida ee ku dooda in Soomaalidu ay tahay bulsho kala duwan (heterogeneous society). Dugsigaas oo la yidhaahdo: "Revisionist School of Thought." Dugsigaas waxa ku jira aqoonyahanno reer Koonfur ah oo aynu ka xusi karno: Cabdi Kuusow, Cali Jimcaale Axmed, Cumar Eenow, Maxamed X. Mukhtaar iyo Maxamed Eenow. Buugga tiirxoogga u ah doodda dugsigan waa buugga uu tafatiray Cali Jimcaale ee la yidhaahdo, “The Invention of Somalia.
Buugga waxa ku jira ciwaan ilaa xad muhim ah oo la magacbaxay: "Toosinta iyo Casriyaynta Haybta Shakhsiga Soomaaliyeed." Ciwaankan waxa uu qoraagu irridda ugu furay sida aysan u casriyoobin shakhsiyadda Soomaaligu, iyo sida ay haybta qofka Soomaaliyeed ugu baahan tahay in laga turxaanbixiyo waxyaabaha lagu aqoonsado, sida: magaciisa gaarka ah, magaca qoyskiisa, taariikhda dhalashadiisa iyo deegaanka uu ku dhashay. Mansuur waxa uu tilmaamay in magaca Soomaaliga loo qoro, si qaladaad badan ka buuxo. Bilmetal; waxa qofka magaciisa lagu diwaangeliyaa saddexda luuqadood ee Soomaalida noloshooda ku hirdamaya ee kala ah: Ingiriisaga, Soomaaliga iyo Carabiga. Saddexduba waxa ay leeyihiin hannaan qoraal oo kala geddisan, taas oo mararka qaar qofka xogtiisa shakhsiga ah (documents), ku keenaysa khalkhal, taas oo carqaladaysa safarradiisa waxbarasho, dalxiis ama caafimaad. Qodobkaas caqabbada ay leedahay ayuu qoraagu si hagaagsan uga faallooday, isaga oo waraysiyo ka qaaday dadka xidhiidhka dhow la leh arrinkaas. Docda kale qoraagu waxa uu tilmaamay in Soomaalidu aanay lahayn aqoonsiyada bulshada casriga ah lagu yaqaan, taas oo ah in bulshadu leedahay wax la yidhaahdo: magacqoyseedka (surname/اسم العائلة), kaas oo lagamamaarmaan u ah bulsho casriyawday. Hannaankani waxa uu fududeeyaa in xogta qofka shakhsiga ah si dhow loo aqoonsado. Taas innagu ma lihin, bilmetal; xilliyada xasaasiga ah ee imtixaannada fasallada 8aad iyo 12aad la gelayo, waxa ardayga xogtiisa lagu diwaangeliyaa magaciisa oo afaran, si haddii saddexda magac ee hore ay arday kale isaga mid noqdaan, ay ka afraad ugu kala duwanaadaan. Waa hannaan yara dhib badan, oo dadka xogtooda isku dhexyaacinaya.
Cabdalle Mansuur isaga oo waleecaadkaas dareensan iyo sida ay u la dhibtoodeeen Soomaalidii qurbaha u qaxday, waxa uu soo bandhigay in la sameeyo; magacqoyseed Soomaaliyeed, kaas oo lagaga gudbo caqabadda jirta. Magacqoyseedku waxa uu geli karaa dhawr jaanib oo kala duwan, sida: deegaanka qofku ka soo jeedo, sifihiisa ama qaabkiisa jidheed; qofka isirkiisa iyo xirfaddiisa. Qoraagu waxa uu soo jeediyey in la adeegsado magacqoyseedka, waxa uuna tilmaamay intan nolosha Soomaalida laga helayo, waxa uuna keenay tusaalayaal cad cad. Bimetal: 1) Magaca isirka oo labo loo kala qaadayo:
a) Magaca abka: Yaasiin Cismaan Keenadiid (waa naanaystii awowgiis, Yuusuf).
b) Magaca reerka: (Sh.) Cabdillaahi Yuusuf Qudubi (magac beeleed); (Sh) Cabdiraxmaan Cumar Celi (magac beeleed). 2) Magaca deegaanka: Maxamed Cismaan Jawaari (magac magaalo); Faarax Maxamed Gololey (magac deegaan). 3) Magaca sifada qofka: Aadan Cabdulle Cadde (naanays aan xumayn); Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi (naanayn aan xumayn, hadal badni). 4) Magaca xirfadda: Cabdiraxmaan Nuur Garaash (xirfad); Axmed Cali Askar (xirfad). "Haddii habkan iyo wax u eg la qaato waxay arrintu noqon lahayd hal dhagax afar shinbirood ku dil, yacnii afar mushkiladood ayaa sidaas lagu xallin kari lahaa ama lagu yarayn lahaa, kuwaas oo kala ah: 1) magacyadii isu ekaa iyo magacyadii afarnaa. 2) waxa meesha ka baxaya magacqoyseedyadii qallafsanaa ee ay reer galbeedku innagu khasbayeen. 3) waxa caadi noqonaysa adeegsiga magacyada isirka ama qabiilka. 4) waxa sidaas ku haraya naanaysyadii xumaa", ayuu Mansuur qorayaa (bogagga 118-124).
Qoraagu waxa uu hoosta ka xarriiqay in carruurtu sannadka ay dhasheen iyo goobta ay ku dhasheen la diwaangeliyo, si looga badbaado sannaddada isu eg ee ay Soomaalidu mala'awaalaan. Tusaale ahaan; waxay Soomaalida qortaan in ay dhasheen kowda Jannaayo (01/01....). Mala'aawaalkaas waa laga bixi lahaa waxna la heli lahaa xog si sax ah u diwaangashan oo lagu kalsoonaan karo. Tani waa hannaan haybta qofka Soomaaliga ah lagu casriyaynayo.
Buugga waxa lagu qaadaadhigay casriyaynta ereybixinta af Soomaaliga. Waxa laga warramay isbeddellada ku dhacay ereybixintii af Soomaaliga taas oo xididkeeda hoose la la xidhiidhiyay qaranjabkii dalka ku habsaday iyo kala'irdhowgii Soomaalida. Qoraagu waxa uu tilmaamay ereybixinta casriga ahi in ay soo bilaabantay 1943 ilaa 1972, muddooyinkaas waxa la sameeyey ereybixinno hirgalay oo ilaa haatadan loo adeegsado laamaha kala duwan ee nolosha. Dhaxalkii ereybixintu waxa ay dhalisay casriyaynta iyo horumarinta af Soomaaliga. Waxa dib loo soo nooleeyay ereyadii reer miyiga ee nabaadguurayay, oo micnahooda la sii ballaadhiyay. Tusaale: ereyga layli micnihiisii hore iyo midka danbe oo sidatan ay noqdeen: Layli: 1. Rati aan weli rar baran. 2. Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah: layli sarkaal, layli qoraal. Saddex kooxood ayaa ka qaybqaatay dhalinta ereybixinnada af Soomaaliga.
Kooxi, waa wadaaddadii bilaabay fasiridda diinta Islaamka. Kooxdaasi waxay soo kordhiyeen ereyo badan oo ay ka mid yihiin: tukasho, gabbogabbaysi, weyso, Allabari, kordhabid, hoosdhigid, wad uun.... Kooxda kalana waa warbaahintii Soomaalida sida Raadiyow Hargeysa, Raadiyow Muqdisho iyo BBC Soomaali. Kooxdani waxa ay curiyeen ereybixinno casri ah: dayaxgacmeed, barwaaqasooran, gacankahadal iwm. Kooxda ugu danbaysa waa dadkii sameeyey ereybixinnadii ugu badnaa ee maamulka dawladeed, waxbarasho iyo feker. Waxay ahaayeen macallimiintii ka shaqaynayay Xafiiska Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta. "Ereybixintani waxay samaysay buundo ama kaabad isku xirta dhaqanka magaalada iyo midka miyiga, oo xidhiidhkoodu uu kala go'i rabay", ayuu Mansuur qorayaa (bogga 133). Qoraagu waxa uu xusay cilladaha haysta ereybixinnada hadda jira, waxa uu wax ka tilmaamay jidadka la maro si loo sameeyo ereybixin. Waxa uu arrinkaas ka qoray soo jeedinno muhim ah oo wax ka geysanaya cilladaha ku gedaaman ereybixinta af Soomaaliga haatan jira. Waa talaqabeen xogogaal ah oo si caqligal ah inooga warramaya ereybixinnada waayadan danbe la curiyo, kuwaas oo aan sidii waagii hore u dhaqangelin sababo badan awgeed. Hirgal la'aantooda ayuu wax ka sheegay.
Ciwaanka la yidhaahdo, "Nabaadguurka Ereyada Af Soomaaliga iyo Saamaynta Afafka Shisheeye", qoraagu waxa uu ku gaalaabixiyay dhibaatooyinka hortaagan koboca iyo horumarka af Soomaaliga. Labo waleecaad oo waaweyn ayaa af Soomaaliga haysta: kow, nabaadguurka ereyada reer miyiga. Labo; dad badan oo lumiyay qaddarinta afkooda hooyo. Soomaalidu markii ay ku soo qulquleen magaalada waxa nabaadguuray ereyo badan oo la xidhiidhay noloshii raacatada ee miyiga. Ereyadaas oo kumanyaal ah waxa ka mid ah: sidig, edeg, godobreeb, ooriyo, igar, heerin, naawile, wargure, xeerbeegti, gawl, waalay, jimiimic, wad uun. Mansuur waxa uu xusay in ay lumeen/lumid ku dhow yihiin ereyo badan oo baadiyaha ku askumay, sida ereyadii; socodka, roobka iyo maalmaha toddobaadka. Badankood way ciribtirmi rabaan, maxaa yeelay magaalagalku waxa uu keenay in aan arrimahaas loo baahan, oo wax walba way isbeddeleen. Cid maanta roobka sidii u danaysaa ma jirto, cid baahi u qabta xilli socodku ma jirto, oo qofku amminta uu doono ayuu gaadiid fudud ku dhacayaa ama lugtiisa la baxayaa isaga oo aan meel fog tagayn. Ma jirto cid maanta danayn siisa magacyada toddobaadka oo booskoodii waxa degay, magacyada toddobaadka ee afka Carbeed, oo iyaga lama xasuusto oo waa la illaaway. Waana halka uu ka tilmaamay aqoonyahanka nafeed ee Dr. Xuseen Bulxan in Soomaalida ay ku dhacday, wax uu u bixiyey: xasuusguur bulsheed (social amnesia).
Ereyada lumay ama lumi raba waxay albaabka u fureen in si fudud ay afkii ugu soo larmaan ereyo magaalo, oo badankoodu ka soo jeedaan af shisheeye, gaar ahaan af Ingiriisiga. Kaas oo weerar ba'an ku haya af Soomaaliga. Adeegsiga badan ee ereyada afafka shisheeye wuxuu muujinayaa in Soomaalida ay lumisay waxa ay cilmi-afeedyahannadu yidhaahdaan, "language loyalty." Yacnii waxa luntay xushmaddii iyo qaddarintii afka hooyo, oo waxa la weynaaday ama haybad la yeeshay afafka qalaad. Mansuur waxa uu ku tagay in af Soomaaligu uu ku jiro xaalad uu u bixiyey: "ereyguur." Waxa uu xusay in haddii ay xaaladdani sii socoto aanay sii jiri doonin odhaahdii shisheeye ee ahayd, "Nation of Poets", oo muujinaysay hodontinnimadii af Soomaaliga.
Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan buuggiisa "In-between Three Civilizations", waxa uu ku xusay in Soomaalidu ay ku legdamayaan saddex ilbaxnimo oo kala ah: dhaqanka Soomaalida, ilbaxnimada Islaamka (Carabta) iyo ilbaxnimada reer Galbeedka. Saddexdan ilbaxnimo xidid walba oo nolosha Soomaalida ka mid ah saamayn ayey ku leeyihiin, ha noqoto xag; tacliineed, dawladeed, sharciyeed, caafimaad iyo afeed. Mudane Bulxan waxa uu hoosta ka xarriiqay in loollanka saddexdan ilbaxnimo ka ooggani ay raad ku yeesheen saykoolojiyadda Soomaalida. Waxa ay abuureen cuqdad nafsi iyo is nacayb. Waxa kale oo ay abuureen in ay xadka ka baxaan dhaxal farabadan oo ay Soomaalidu lahayd. Waxa ugu weyn waa afka oo uu qoraagu si gaar ah isu dul taagay. Bulxan waxa uu sheegay in afkii loo qaaday hiifid, haaraamid iyo yasid xooggan. Buuggiisa ayeynu ugu tagi doonnaa loollanka xaddaaradeed ee afafkaas dhex maray. Jirrooyinka bulsheed ee afku la nool yahay marka aynu dersayno, si weyn ayey inoo saacidayaan waxsoosarka afeed ee Mansuur iyo ka nafsadeed ee Bulxan, oo ah labo shaqo qoraalleed oo si weyn isu buuxinaya.
Aqoonyahannada wax ka qora far Soomaaliga waxa ay xusaan in af Soomaaligu sameeyey koboc ka badan inta cimrigiisa ah. Prof. Andrzejewski oo muddo 40 sano ah baarayay af Soomaaliga, oo ilaa haatan aan muuqan qof sidiisa oo kale u baaray amaba ugu xeeldheer naxwaha af Soomaaliga ayaa shan sannadood ka dib markii la qoray af Soomaaliga, caddeeyey in af Soomaaligu uu muddo yar ku gaadhay horumar afafka kale ka qaatay qarniyaal. Af Soomaaliga labo caqabadood oo waaweyn ayaa la soo gudboonaaday. Midi waa "mashruucii carabiyaynta", ee afka iyo bulshada Soomaalida ku socday. Midna waa "qaranjabkii dalka", ku baahay. Labadaas waxa ay qirinqiir geliyeen af Soomaaliga. Eelkii labadaasi reebeen si hagaagsan ayey bulshadu uga dheregsan tahay. Af Soomaaliga haddii aysan dawladdii kacaanku u samayn lahayn far-qoraal rasmi ah, waxa halis geli lahaa haybta Soomaalinnimada. Buuggiisa "Waa Inoo Muqdisho", Maxamed Aaden Sheekh waxa uu qoray: "wax kasta oo aan afka ahayni wuu naga hallaabay."
"......waa runtii. Si kasta oo dalku uu ugu hoobtay halaag cid kasta saameeyay, haddana farta qoran ee af Soomaaligu waa waxqabadyada aan laga masuugi karin ee lagu tallaabsaday. Waana waxyaabaha ugu qaalisan, maaddaama 'Islaamiyiinta' xagjirka ah ee faafaysa ee ku habsatay noloshii bulsheed iyo tii siyaasadeed ee Soomaalidu ay u xuubsiibatay 'Carabiyaynta Soomaaliya.' Xaqiiqdu waxa ay tahay haddii aan la suuragelin lahayn in si aqoomaysan loo qoro oo loo dejiyo afka ummadda, kaas oo horseeday in la 'Soomaaliyeeyo' waxbarashadii, maamulkii guud iyo war-isgaadhsiintii dadweynaha in maanta uu af Soomaaligu qarka u saarnaan lahaa in uu noqdo lahjad lagaga hadlo Geeska Afrika. Waxa ina hanfin lahaa oo in barabixin lahaa dhaqanka iyo afka Carbeed. Haybta Soomaalinnimaduna halis bay geli lahayd, dibuheshiisiinta ummadeedna way cakirnaan lahayd haddii aynaan lahayn far qoran oo in wada xasuusiya in aynu bah keli ah nahay", hadalkan oo si dhow u la xidhiidha waayihii kakanaa ee laga soo doogay ayuu Maxamed Aadan ku qorayaa (bogagga 314-315).
Afku waa noole. Wuu dhashaa, wuu koraa, oo kacaamaa. Cudud buu yeeshaa, wuu gaboobaa, wuuna godgalaa oo iilka ayaa maalin uun lagu hubsadaa. In afku aanu dhiman waxa lagaga hortagi karaa in la adeegsado, oo aqoon lagu dhaliyo waa in dhaxalkiisa la dhawro, oo bulshadu ku faanto, sida uu tilmaamay suugaanyahanka iyo noofalistaha Kiiniyaanka ah ee Guugi Wa Tiyaango, oo arrimaha afka si weyn wax uga qora.
Cabdalle Masuur waxa uu buuggiisa ku soo jeediyay in laga qaybgalo, "olalaha u hiilinta afka hooyo", waa in mudnaan la siiyo afka, waa in la baahiyo adeegsigiisa rasmiga, waa in maamulka dawladeed loo adeegsado, waa in la kobciyo cilmibaadhisaha afka, waa in jaamacaduhu yeeshaan xarumo gaar ah oo afka lagu horumarinayo, waana in la dejiyo xeerar xakamaynaya afafka shisheeye ee sida xooggan loo adeegsado. Talooyinkaas oo cilmiyaysan ayuu buuggu wax ka taataabanayaa. Buugga waxa aynu ka ogaanaynaa halista afku soo maray iyo dakharrada foolkiisa ka muuqda ee uu weli la nool yahay. Buuggu waa mid muhim u ah xaaladda afkeennu ku sugan yahay. Waan kula talin lahaa akhriskiisa, cid walba oo danaysa afka iyo horumarintiisa. Waa buug wax ka geysanaya kala dhigdhigidda doodo si shaacsane ah inoo dhex tuman. Mansuur waxsoosaarkiisan iyo kuwa kale ee badan waa lamahuraan in aynu daalacanno, si aynu afka aqoon ugu yeelanno.