Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi
Title

Soo Afjaranka Hindisihii ‘Dhammaadka Taariikhda’

17 June, 2025
Image
Geeska Cover
Share
Mashruucii La Dagallaanka Argagixisadu waxa uu daaha ka qaaday xuduudda Libiraaliyadda, waxaanu isbeddel ku keenay siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, isaga oo muujinaya in loo guuray xilli cusub oo dib u qaabaynta hannaanka dunida ah. Faysal Cali waxa uu Murtada Xuseen kala sheekaysanayaa sida heerkan lagu soo gaadhay iyo sababaha keenay.

Toddobaaddo ka hor, iyada oo la joogo xafladdii qalinjabinta Akaadamiyadda Ciidanka Badda, Madaxweyne ku Xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa ka jeediyey khudbad ay ku jirto yididdiilo iyo bishaaro cusub oo aan ahayn tii hore loo bartay. Hadal uu si wacan uga fiirsanayo, ayaa uu kaga faallooday jidka cusub ee ay qaadayso siyaasadda arrimaha dibadda Maraykan ee muddo-xileedkan Trump. Waxa uu ku tilmaamay in isbeddel tartiib ku socda oo weyn ku yimi siyaasaddan. Vance waxa uu sheegay in aanu Maraykanku waxa hadda ka dambeeya isku hawlayn ka shaqaynta afaaraha gaarka ah ee bulshooyinka kale, oo aanu faragashanayn loollan furan oo aan khusayn danahooda aasaasiga ah. Labadan qodob waa dhaxalkii shidaalinayey muddo dheer mashruucii uu George W Bush u bixiyey La Dagaallanka Argagixisada.

Inta badan qarnigan 21aad, shaki gelinta iyo wax iska wayddiinta awoodda milatari ee Maraykanku waxa ay ka iman jirtay dhinaca kooxaha bidixda ah. Se maanta garabkii midigta ayaaba jidkan qaaday, ilaa dooddani Guriga Cad ay gaadhay. Qodobkan ku bilaabmay isbeddel gaabis ah oo lagu waday faragashiga libiraaliyadda, ayaa hadda la dhabaynayaa.

Hubaal, waxa la odhan karaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Joe Baydhan, ayaa soo bilaabay wax ka beddelka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, iyada oo laga duwayo La Dagaallankii Argagixisada oo ay muhiimad weyn siin jirtay, hadda se loo leexiyey loollanka awoodaha waaweyn ee dunida. Baydhan, waxa uu fuliyey qorshihii Trump ka go’naa ee ka bixitaanka Afgaanistaan, waana isla qorshaha uu ku fuliyey Yukrayn, isagoo si toos ah u waajahay Ruushka. Maraykanku weli faragashi waa uu ku hayaa bulshooyinka kale, gaabisba ha ku jiree, welina waxa uu isku dayayaa in uu u qaabeeyo sida uu sawiranayo, walow uu ka xammaasad yaryahay sidii hore.

Hase ahaatee, shaacinta Vance waa mid intan ka qotodheer. Walow aanu xusin magaca Francis Fukuyama, haddana waxa uu soo qaatay hindisihiisii Dhammaadka Taariikhda, isagoo diiddan mala’awaalkan ku dooday in libiraaliyaddu lib kamadambays ah joogto, oo dunidu isugu soo biyo shubanayso. Waxa uu sheegay in ay si kasta khalad u tahay, oo aan kaalinta Maraykanka iyo dantiisaba aan arrinkan lagu xidhi karin. Vance waxa uu yidhi: “Siyaasaddeenna arrimaha dibaddu waxa ay martay tijaabo dheer oo difaaca qaranka iyo ilaalinta xulufadeenna lagu beddelay dawlad-dhiska iyo faragelinta dalalka kale”. Waxa kale oo uu ku dooday: “Muddo ayaa naloo sheegayey in dunidu ku midoobayso hal hannaan oo leh qiyamka sare, calmaaniyadda iyo caalaminnimada, iyada oo aan la eegin dhaqanka iyo dalka. Dalalka diida isku soo dhawaanshahaasna, dadka siyaasadda go’aamiya waxa ay yool ka dhigteen inay ku khasbaan, iyagoo u maraya jid kasta oo lagama maarmaan ah”. Waxa kale oo uu sheegay in maamulka Trump uu qaaday “jid kaas ka duwan”.

Vance, waxa uu xusayaa in isbeddelkani si qayaxan uga muuqdo booqashada Trump ee dalalka Khaliijka, oo ah gobol uu Maraykanku markasta dhaliili jiray. Hase ahaatee booqashadan jidka cusub ku salaysani waxa ay heshay qaddarin weyn, heer uu mid ka mid ah dadka akaadamiga ah ee reer Sacuudi, uu Trump ku tilmaamay Faraanz fanon-ka casrigan. Trump waxa uu markii dambe barta X ku baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo guusha uu Sacuudigu ka gaadhay go’aankiisa ah in uu dhaqankiisa ku dheggenaado, halkii uu iska xoori lahaa. Waxa kale oo ashqaraar leh hadalka uu Safiirka Maraykanka u fadhiya Turkigu qoray ee ah: “Qarni ka hor, Galbeedku waxa ay dejiyeen khariidado, waxaanay jeexeen soohdimo, oo ay xukun dool ah ka dhiseen dhulalkaas. Sykes-Picot waxa uu Suuriya iyo gobolka guud ahaan ku qaybiyey qaab danaha gumaysiga ku jaango’an, oo aan nabadda khusayn. Khaladkaasi waxa uu galaaftay jiilal, mar dambe se ma sameyn doonno”.

Mawqifkani waa mid aad uga fog xaaladdii taagnayd billawgii la Dagaallanka Argagixisada, oo sababo waxba kama jiraan ah ku bannaystay duullaankii Afgaanistaan iyo Ciraaq. Murtada Xuseen, oo weriye u ah mareegta Maraykan ee Drop Site News, waxa uu tilmaamayaa in duullaankii 11-kii September ee ururka al-Qaacida ka dambeeyey, falcelintiisa lagu dhisay caqliyaddii Dagaalkii Qaboobaa ee ahayd loollan aydhiyoolajiyadeed oo u dhexeeya samaanta iyo xumaanta, waa loollan u dhexeeya dad taageersan dhinac furfuran oo xor ah iyo dhinac taageersan dhaqankii xidhxidhnaa ee qarniyadii dhexe. “Marka dib loo eego, hadda waa wax la yaab leh, se markii weerarka 11-kii September dhacay, waxa mamnuuc iyo danbi laga dhigay in laga doodo sababaha ku riixay ururkii weerarka gaystay”.

In dood gelintan la mamnuuco waxa taageersanaa koox masuuliyiin ah oo gurada u fadhiyey maamulka Aqalka Cad, oo ay fekerkooda qaabeeyeen Maxaddo Washington ku yaalla, kooxdaas oo lagu magacaabo muxaafidiinta cusub. Waxa ay aaminsanaayeen in ay waajib tahay in uu Maraykanku noqdo awoodda dhaqaale iyo milatari ee dunida gacanta ku haysa, oo ay tahay in Maraykanku awooddaas adeegsado si uu u fidiyo dimuqraadiyadda, ula dagaallamo aydhiyoolajiyadaha duugga ah, oo uu faragelin ku sameeyo bulshooyinka xidhxidhan, isagoo ku socda magaca horumarinta aadamaha. Weerarkii al-Qaacida waxa uu noqday marmarsiiyaha ugu habboon ee ay ka duulaan si ay tijaabadan u hirgeliyaan. Colaadda iyo xammaasadda aydhiyoolajiyadeed ee qabsatay Maraykanka kaddib weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah, waxa si wanaagsan u iftiiminaya Toomas Faridmaan, oo ah qoraa udubdhexaad u ah wargeyska New York Times. Waraysi uu la yeeshay Jaarlii Roose waxa uu ku dooday in dunida Muslimku oggolaatay in argagixisadu kobocdo, sidaas darteed, ciidanka Maraykan ee guri guri u galaya Basra ilaa Baqdaad ay difaacayaan bulshadooda furfuran, cid kasta oo is hor taagtana, ay tahay in ay dul u lahaato jawaabta. Waxa kale oo uu ku daray in Maraykanku uu awoodo in uu cid walba garaaco. “Waxa aannu awoodnay in aannu Sacuudiga laftiisa duqaynno, sababtoo ah qayb buu ka ahaa kobocaas argagixisada. Waxa kale oo aannu duqayn karaynay Baakistaan. Ciraaq waannu duqaynay, sababtoo ah awood baannu u lahayn, waana tan xaqiiqadu”.

Si loo joojiyo koboca argagixisada, waxa lagu taliyey in Ciraaq iyo Afgaanistaan u baahanyihiin in dib looga dhiso laba dawladood oo dimuqraaddi iyo libaraali ah. Waa hindisaha shidaalinayey mid ka mid ah mashaariicda ugu hadalhaynta badnaa wakhtigan. Qaar ka mid ah dadka dejiya siyaasadaha ayaa tusaale u soo qaatay Jarmalka Galbeed iyo Jabbaan ee Dagaalkii Labaad ee Dunida dabadii, iyaga oo aaminay in tusaalahani ku dabbaqmayo dunida Islaamka. Joon Garaay waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee ka dooday in fekradda dagaalladu la xidhiidho shidaalka. Dagaalladaas oo loo galay, nafo badanna loo laayay sababta fekrad aan la darsin, oo ah in aan nabad la ahaanayn ilaa dunidu noqoto libiraali dimuqraaddi ah, sida Galbeedka. Wax ay socotaba, tanaasulka waaqicu keenay ayaa lagu khasbanaaday, ugu dambaynna Iiraan waxa ay gacanta ku dhigtay Ciraaq, Daalibaanna waxa ay kusoo laabatay xukunka Afgaanistaan oo ciidamadii Maraykanka ee labaatan sanno ka hor qabsaday waa laga caydhiyey.

Isbeddelladani waa kuwo khuseeya Soomaaliya, oo muhiim u ah. Maraykanku weli waa garabka udubdhexaadka u ah amniga Soomaaliya. Toddobaaddadii u dambeeyey, waxa saaxadda la keenay wayddiimo ku saabsan in uu Maraykanku sii wadi doono kaalmada uu xukuumadda ka siiyo dagaalka muddada dheer ay kula jirtay al-Shabaab. Wargeyska Washington Post waxa uu sheegay in masuul hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku uu bedka keenay su’aalo ay kooxda taageersan Trump ka keeneen suurogalnimada in la joojiyo wadashaqaynta amni ee Soomaaliya. Mid ka mid ah ayaa is wayddiiyey: “Ka warrama haddii aynnu faraha ka qaadno oo xaaladdu kasii darto? Hadhow ma xakamayn karnaa?” Masuulkani waxa uu ku dooday in natiijada ka dhalataa aanay mid habboon ahayn. Laga soo bilaabo markaasna, Maraykanku waxa uu sheegay in uu sii wadi doono kaalmada Soomaaliya, inkasta oo laga shaki qabo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha.

Geesku waxa uu arrimahan ka waraystay Murtada Xuseen, weriyaha amniga qaranka iyo siyaasadda dibadda ee wargeyska Drop Site News. Waxa uu ka warramayaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo kooxda al-Qaacida, oo sida uu mar tilmaamay uu u arko koox ku guulaysatay in ay Maraykanka ku khasabto in uu dib ugu laabto siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Faysal Cali: Waxa aad ku doodday in Maraykanku bilawgiiba si khaldan u fahmay tilmaanta dhabta ah ee al-Qaacida iyo yoolasheedii, waana dood soo cusboonaanaysa marka la eego khudbaddan Vance jeediyey ee ku saabsan ka tanaasulidda dagaallada furan. Aragtidaada, maxaa sal u ah khalad fahankan, se sidee khalad fahankaasi u qaabeeyey gelitaankii Dagaalka Argagixisada?

Murtadaa Xuseen: Arrinku hadda waa mid la yaab leh, marka tagtadii la eego, hase ahaatee weerarradii 11-kii September markii ay dhaceen, waxa la mamnuucay in laga doodi karaba sababaha ku khasbay weerarkan ururkii masuulka ka ahaa. Usaama bin Laadin markii uu shaaciyey dagaalka uu la galayo Maraykanka, sagaashanaadkii, waxa uu watay saddex codsi oo qayaxan: in cunaqabataynta laga qaado Ciraaq, in saldhigyada ciidan laga raro Sacuudiga iyo in la joojiyo kaalmada Maraykanka siiyo Israa’iil. Kolkaas, aragti kasta oo aad ka qabtid codsiyadan, haddana waa ay caddaayeen. Se markii ay weerarradu dhaceen, fajaciso ayay noqdeen, oo caaddifadda daran ee ay dhaliyeen awgeed, waxa loo arkay weerar dabeecaddaba ka baxsan oo qiyaame dhacay. Walow aan yaraa markaas, waxa aan xasuustaa Joorji W. Buush oo sheegay in sababta Maraykanka loo weeraray tahay xorriyaddiisa. Maraykanku waxa uu doonay in uu weerarka ku tilmaamo loollan aydhiyoolajiyadeed oo weyn, sida Dagaalkii Qaboobaa.

Se arrinku sidaas ma ahayn. Kooxdan jihaad-doonka ahi awood badan may lahayn marka la barbardhigo Midawgii Soofiyati. May haysan wax dawlad ah, ee keliya waxa ay ahaayeen dad isku xidhan oo abaabulan, xitaa may lahayn aydhiyoolajiyad caalami ah. Waad odhan kartaa Islaamku waa fekrad caalami ah, se al-Qaacida ma ahayn dhaqdhaqaaq dunidoo dhan inuu furto rabay. Ujeedkoodu ma ahayn in ay Islaamka faafiyaan, ee inta badan ujeedkoodu waxa uu ku sal lahaa in la rido xukuumadaha Bariga Dhexe.

Arrinkan ayaan hadda ka fekeraa kaddib markaan arkay dhacdooyinka Dimishiq iyo Kaabul, oo dabcan kala xaalad duwan. Laakiin haddana waxa aynnu aragnaa waa dhaqdhaqaaqyo Islaami ah oo hubaysan oo dawlado waaweyn maamulaya. Marka Suuriya la eegana, xukuumadda cusubi waaba mid qaddarin iyo soo dhaweyn ka heshay dunida.

FA: Mid ka mid ah yoolasha seeska u ahaa ururka al-Qaacida waxay ahayd; in Maraykanka lagu soo jiido dagaallada dalalka Islaamka ah, oo ay u arkayeen in ay dhiigbax ku noqonayaan dhaqaalaha Maraykan, sumcaddiisa dilayaan, sidoo kalena dhiirrigelinayaan iska caabbinta hubaysan. Sida dhacdayna, Axmed al-Sharac waxa uu kasoo dhex baxay dagaalkii Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Ma u aragtaa in arrinkani yahay mid Joorji Buush iyo kooxdiisu ku dagmeen?

MX: Runtii yoolkani ma ahayn midda gundhiga u ah fekraddooda. Waxa ay aaminsanaayeen in ay weerar xooggan ku qaadaan Maraykanka, sidii ay sameeyeenba 11-kii September, iyo in Maraykanku usoo diri doono ciidan aan xoogganayn oo ay jabin karaan, iyagoo ka tusaale qaadanaya dagaalkii Jaji, markii [Islaamiyiintu] ka qayb qaateen jabinta Soofiyat-ka ee dagaalkii Afgaanistaan. Laakiin Maraykanka iyo dhaqankiisa may fahansanayn, manay deraasayn natiijada ba’an ee ka dhalan doonta weerarkooda, oo dabcan dhaliyey dagaal caalami ah, burburna u gaystay Bariga Dhexe. Waxa aan u jeedaa, haddiiba ay doonayeen in Ciraaq laga qaado cunaqabataynta, sidee weerarradoodu uga qayb qaateen duullaankii Ciraaq? Sheekada ah in ururka al-Qaacida rabeen dhiigbixinta Maraykanku waa sheeko ay allifeen weerarka kaddib. May filayn in ay Maraykanka labaatan sanno dagaallami doonaan, waana suuragal in tani tahay sababta dad badan oo taageersanaa al-Qaacida aanay u taageerin weerarkii 11-kii September.

FA: Waxa aad wax ka qortay ururrada sida al-Qaacida oo aad u ku sheegtay awood midigta fog ah oo gumaysiga ka soo horjeedda, oo dedaalka ay ku bixinayaan cidhibtirka hadhaagii gumaysigu ka weyn yahay ka ay ku bixinayaan burburinta hannaanka caalamiga ah, si gaar ahna dedaalka ugu bixinaya rididda maamulladii gumaysiga dabadii si dalalkaas kaalin loogu sameeyo hannaanka caalamiga ah. Dad baa ku doodi kara in dooddaadani tahay mid aan nuxur lahayn. Sideed uga jawaabi kartaa?

MX: Waxa aan aaminsanahay in dagaalkii Kaabuul ee 2021-kii soo afjaray dooddan. Kooxaha jihaad-doonka ahi waxa ay yaqiinsadeen in weerarrada iyo dagaallada caalamiga ah cidina ku faa’idayn. Suuriya ayaa tusaale kale ah. Labadan kooxoodba waxa ay joojiyeen cid kasta oo isku dayda in ay fuliso falal argagixiso, oo dalalkooda kasoo duusha. Waa arrin caddaynaya in halgankoodii uu ku soo koobmay mashruuc waddaniyadeed.

FA: Aynnu u nimaadno Maraykanka. Dad badan waxa ay ku baraarugeen in mucaaradadda ugu xooggan ee lagu hayo kaalintii caalaminnimo ee Maraykanku ka imanayso hadda dhinaca kooxaha midigta; ha ahaadaan falanqeeyayaal sida Tucker Carlson, oo beddelay mawqifkoodii Israa’iil, ama dad sida Steve Bannon iyo Donald Trump, oo kasoo horjeeda dagaallada abadiga ah ee socda. Ma saxartirna in la yidhaa in mucaaraddadani marka horeba ku koobnayd garabka bidixda, se ma ka warrami kartaa isbeddelkan?

MX: Markii Dagaalka Ciraaq bilaabmay, wejiyada aydhiyoolajiyadeed ee dhaliiluhu aad bay u kala duwanaayeen. Laakiin qaar ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee dagaalka dhaliilay waxa ay ka tirsanaayeen garabka midigta, siiba laanta libiraaliyadda. Senetar Ron Paul waxa uu hormuud u ahaa dhaqdhaqaaqan, waanu ku caanbaxay. Waxa tusaale kale ah Pat Buchman. Muxaafidiintii cusbayd, ee sida xagjirka ah ugu ololeeyey una taageeray Dagaalka Ciraaq ayaa dad badan oo reer Maraykan jahawareeriyey, oo ka cadhaysiiyey. Arrinkani waxa uu xoojiyey soo jiidashada garabka Midig. Waa wax ugu dambayn saameeyey Xisbiga Jamhuuriga, markii koowaad 2016, markii dambena 2024-kii. Muddo-xileedkiisii koowaad, Trump waxa uu ku khasbanaaday in uu Aqalka Cad ka shaqaalaysiiyo xubno Jamhuuriga ah, oo kuwo badani ku saamaysanyihiin fekerkii muxaafidiinta cusub. Doorkan se, waxa u suurogashay in uu isku xeeriyo dad aragtiyaha la wadaaga, oo aad ugu dhow. Xitaa waxa la hadal hayaa in Ron Paul maamulka lagu soo daro.

FA: Sidee ayaad u fasiri kartaa khudbadda JD Vance, ee uu ku dhaliilay muxaafidiinta cusub iyo diidmadiisa dagaallada furan iyo xoojinta dimuqraadiyadda? Ilaa heerkee ayaad aaminsantahay in arrimahani yihiin casharro laga bartay Dagaalkii Argagixisada?

MH: Eeg, waxa aan aaminsannahay in aynnu ku jirno isbeddel aydhiyoolajiyadeed oo aad u qotodheer. Qarnigii labaatanaad waxa uu ku suntanaa loollankii u dhexeeyey saddex aydhiyoolajiyadood oo caalami ah: libiraaliyadda, shuuciyadda iyo faashistaha. Faashistada waxa lagu jabiyey Dagaalkii Labaad, Shuuciyaduna waxa ay ku jabtay dumitaanka Dayrkii Baarliin, imikana waxa aynnu ku jirnaa dhammaadkii libiraaliyada. Se labaatankii sanno ee u dambeeyey libiraaliyadda uun baa ka hadhsanayd saddexdaas, waxaana si dhab ah loo aaminay in dunida oo dhammi jidkeeda qaadayso. Waa hindisihii Fukuyama, miyaanay sidaas ahayn?

Waxa aan aaminsanahay in Gu’gii Carabtu uu ahaa waxa metelayey soo afjaranka hindisahaas dhammaadka taariikhda. Cid kastaa waxa ay mala’awaalatay in kacdoonnadaasi noqonayaan kuwo libiraali ah, sababtoo ah waa sida la saadaalinayey. Waxa la aaminsanaa in libiraaliyaddu awooddo inay si hufan uga jawaabto tabashooyinka bulshooyinka ee ay aydhiyoolajiyadaha kale ka gaabiyeen. Haddana arrimuhu sidii si aan ahayn bay u dhaceen. Waxa soo baxay codad codsiyo kala duwan wata, waxaana la doortay xisbiyo diineed, waxaanan aaminsanahay in salka isbeddelku halkaas yahay.

JD Vance waxa loo diray Ciraaq, sida ay u badantahayna waa sababta ka dambaysa aragtidiisa ka gadoodsan sababihii dagaalladaas. Sheekada waxa ku jira dhinac la xidhiidha jiilka.

FA: Marka mustaqbalka la eego, dhammaadka kusoo fool leh libiraaliyaddu ma waxa uu bidhaaminayaa duni intan kasii loollan badan mise mid loollanku yaraado?

MX: Aragti ahaan, arrinkani dunida mid kasii loollan badan ayuu ka dhigayaa, se ma aha wax la hubo oo halbeeg saxan leh. Waaqic ahaan waxa uu noqonayaa isbeddel togan. Haddiiba aanay jirin dhinacyo kala duwan oo aaminsan inay ku khasbanyihiin in ay dadka kale ku qanciyaan qaadashada aaminaaddooda, xitaa iyagoo is neceb, waxa kaliya ee dalalka saameynaya xidhiidhadoodu waa danaha. Arrinkani waxa uu sahli karaa in heshiisyo la gaadho oo khilaafyada la maareeyo. Waa suurogal in marxalad kala guur ah oo aad u xanuun badani jirto, se waxa ay dhalaysaa nidaam caalami ah oo sidan ka nabdoon.