Skip to main content

Monday 9 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Somaliland waxa ay u baahan tahay diblumaasiyad qaangaadh ah

26 August, 2025
Image
Geeska Cover
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) waxa uu dhawaan safar ku tagay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar. Waa safar aan lagu soo koobi karin, keliya, bookhasho diblumaasiyadeed oo uu dal kale uun ku tagay. Waxa ay, se, u taagan tahay weji cusub oo ay yeelatay diblumaasiyadda Somaliland, oo soddon sannadood kaalin barkumataal ah kaga jirtay nidaamka dunida, intaasna raadinaysay aqoonsi, si joogto ahba ha loo diido e. Muhiimadda socdaalkani kuma ay koobnayn xilliga uu ku soo beegmay ee, sidoo kale, waa mid dhinacyo badan leh. Waa safar ka turjumaya koboca wacyiga ay Somaliland u yeelanayso lagama-maarmaannimada isku-dhafka xulafadeeda iyo garaacidda albaabo cusub oo muddo ka xidhnaa, amaba loo arkayay in aanay midho dhaleyn. In ay Somaliland dooratay Qadar, oo awood ballaadhan oo diblumaasiyadeed lagu og yahay, iyo sooyaalkeeda dhexdhexaadinta dhinacyada, waa tallaabo tilmaamaysa qaangaadhidda jidka ay Hargeysa u marayso xulashada meelaha fureha u noqon kara qaddiyaddeeda. 

Somaliland, oo kasoo dhexbaxday burburkii baaxadda lahaa ee Soomaaliya ku habsaday bilawgii sagaashanaadkii, hadda, waxa dabada ka riixaya qaddiyaddeedu kuma koobna himiladii gudaha ee dadkii seeska u dhigay goonni-isu-taaggeeda. Deegaanka jiquraafi-siyaasadeed ee murugsan iyo halista faraha ka sii baxaysa ee Badda Cas waxa ay keeneen in wax la iska weyddiiyo mustaqbalka gobolka, weydiimahaasna la geeyo fadhiyada ay ka socdaan doodaha caalamiga ah ee lagu gorfeeyey ganacsiga dunida iyo nabadgalyada. Bishii April, waxa uu wargeyska New York Times baahiyay dedaalka ay Somaliland ugu jirto in ay Maraykanka garab uga hesho qaddiyadda madaxbannaanideeda. 

Sooyaalka siyaasadeed ee Somaliland waxa uu ku arooraa kolkii ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, 26-kii Juun 1960-kii. Xammaasaddii qaymiyadeed ee “midnimada Soomaali” waxa ay judhiiba keentay in ay Somaliland si iskeed ah ula midawdo Soomaaliya, oo iyana xornimada isla sannadkaas, 1-dii Julaay, qaadatay. Sidan waxa lagu sameeyey dawlad mid ah, iyada oo la saadaalinayo in midawgani uu tallaabada koowaad u noqdo jidka lagu gaadhayo “Soomaali-Weyn” oo ahayd himilada mideynta Soomaalida Geeska. 

Bilawgii, mashruucan qawmiyadeed waxa uu watay aragti xornimo oo dhaafsiisan qoqobka beelaha gudaha, se judhiiba waxa uu mucaaradad adag kala kulmay nidaamkii dawladnimo ee Afrika oo go’aamiyey tixgalinta xuduudihii laga dhaxlay gumaystayaasha, oo aan waxba laga beddelin. Mashruucan oo, marka koowaadba, ku turraanturrooday go’aanka dalalkii Afrika, waxa iilka dhigtay qallafsanaantii dawladdii millatariga ahayd, awooddana isku koobtay ee uu hoggaanka u hayay Maxamed Siyaad Barre, kolkii uu go’aansaday in uu himilada Soomaali-Weyn ku xalliyo dagaal iyo cudud millatari. Duullaankii Soomaaliya ku qaadday Itoobiya, 1977-kii, waxa loo arkaa barta ay Soomaalidu ku baraarugtay, hiigsigii isballaadhintuna uu ku soo afjarmay. Kolkaas ka dib, Siyaad Barre waxa gudaha kaga kacay mucaarad adag, nidaamkiisuna waxa uu sii libanlaabay dagaalkii iyo cabbudhintii. 

Tallaabada nidaamku sii xoojiyey waxa ay horseedday xadgudubyo xadka ka baxsan, siiba xadgudubkii iyo gumaadkii lagula kacay Waqooyiga (Somaliland), oo sababay in dadkiisu dib u qiimeeyaan ka sii mid ahaanshahooda Soomaaliya, ugu dambaynna sababay in 1991-kii laga shaaciyo magaalada Burco gooni-isu-taag. Tallaabada gooni-isu-taagga, haddii luuqadda maalinlaha ee fudud lagu cabbirayo, waa la odhan karaa goosasho, se macnaha ka xeesha dheeri waa in tallaabadani ahayd falcelin siyaasadeed oo ka dhalatay in lagu fashilmay mashruucii, marka horeba, la isku raacay ee ahaa dhammaystiridda midnimada Soomaalida Geeska. Laga soo bilaabo xilligaas, Somaliland waa ay degganayd, waxaana samaysmay dareenka bulsho ee lanaashaha iyo dawladnimada. Waxa kale oo abuurantay in wacyi loo yeesho kaalinta Somaliland ee Geeska, xidhiidhkeeda dalalka jaarka iyo kaalinta ay kaga jirto nidaamka caalamiga ah. 

Jiquraafi-siyaasadeedka Somaliland, ee ku dherersan Gacanka Cadan, aadna ugu dhow marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab, waa waxa joongoynaya gorgortanka ay haldoorka siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ugu jiraan qaddiyaddooda. Goobtan ay Somaliland ku taallaa waxa ay ka dhigan tahay in ay isla falgashan yihiin danaha Somaliland iyo danaha caalamiga ah ee mudnaanta siinaya nabadgalyada marinkan iyo, guud ahaan, Badda Cas, xilli uu qalalaasaha Badda Cas ka taagani cirka isku shareerayo, Geeska Afrikana uu isku beddelayo fagaare u furan loollanka dalalka gobolka iyo awoodaha caalamiga ah. Alan Boswell, oo ah Madaxa Geeska Afrika ee Kooxda Qalalaasaha Caalamiga ah (International Crisis Group), waxa uu xaqiijinayaa; 

Gobolka Geeska Afrika waxa ka socda isbeddello waaweyni. Ka sokow dalalka muddada dheer dhibaatooyinka waaweyn iyo dagaallada la soo daalaadhacayey, waxa jira dalal gudaha ka soo huraya, qalalaasena qarka u saaran, dagaallo isirna ka dhex socdaan.

Xagashan marka aynnu ka eegno, safarkii Madaxweyne Cirro ee Qadar waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay Maraykanka iyo dalalkii kale ee Galbeedku dib u qiimaynayaan jidadka nabadgalyo iyo loojistig ee ay gobolka ku yeelanayaan. Dib u qiimayntani waa mid ka muuqata bookhashadii Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afriki uu bishii Juun ku tagay dekedda Berbera, oo uu ku tilmaamay deked u beddeli karta saldhiggooda Jabbuuti. Se haddana, furfurnaantan qunyarsocodka ah ee lagu danaynayo Somaliland kama dhigna in dalal badan oo Reer Galbeedku ay si fudud uga tanaasulayaan mabda’ii “midnimada Soomaaliya”, se waa furfurnaan tilmaamaysa xoojinta dhinaca dheefta dhabta ahi ku jirto iyo la macaamiladda xaqiiqooyinka aan la is diidsiin karin. Waa sida ay ku baaqeen dad caan ah, sida Jim Risch, Guddomiyaha Guddihoosaadka Arrimaha Dibadda ee Sanadka Maraykanka. 

Dhinac kale marka laga eegana, Qadar oo khibrad qotodheer u leh diblumaasiyadda casriga ah, xulashadeedu waa doorasho u wanaagsan Somaliland. Waxa suurogal ah in ay agaasinto madal cusub oo weji cusub u yeela wadahadalladii Muqdisho, amaba in ay Qadar noqoto albaab cusub oo ay Somaliland ka ambaqaaddo xoojinta dhexgalka nidaamka dunida ama gobolka. Furfurnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Qadar, oo laga dheehanayo sida ay ula macaamishay faylalkii Daarfuur, Jabbuuti iyo Soomaaliya, waxa ay awooddaa in ay Somaliland u furto jid ay xidhiidho kula yeelato dalalka jaarka. 

Waxa lagama-maarmaan ah xaqiijinta in aanay Somaliland, ugu yaraan marxaladdan lagu jiro, dadaal ku bixin helidda aqoonsi rasmi ah oo keliya, qiimo kasta oo uu ku kacaba. Taas beddelkeeda, waxa lagama-maarmaan ah xaqiijinta in ay higsato saldhigid tartiib ah oo ay u saldhigto waaqiceeda siyaasadeed iyo suuqgaynta qaddiyaddeeda. Waa saldhigasho u saamaxaysa samaynta xulafaysi nabadgalyo iyo horumarineed, iyo ka qaybgalka iskaashiga gobol iyo ka caalamiga ah, weliba hab aan si toos ah uga hor imanayn mawqifyada bulshada caalamka ee qeexan, se meesha ka saaraya cadaadiska go’doon ee ay ku jirto. 

Marka la eegayo halbeegga aqoonsiga caalamiga ah, Somaliland ma aha dal, se kama dhigna in ay tahay fallaago goonni-u-goosad ah oo aan waxba gacan ku hayn, madaxbannaanina raadinaysa. Middaas beddelkeeda, Somaliland waa dal iskii u wata shaqooyinkii ay ‘dawlad qabanaysay’ oo, in kasta oo ay ka maqan tahay fagaaraha nidaamka caalamiga ah, haddana ilaa xad ku guulaysatay in ay dhisato haayado siyaasadeed iyo nabadgalyo oo waxtar leh. Sida aynnu og nahayna, aqoonsigu waa qodob siyaasi ah oo, haddaana, qaanuunka la xidhiidha, kana turjumaya in nidaam caalami ah oo halbeegyadaas lehi uu qiray madaxbannaanida siyaasadeed ee dal. 

Somaliland laba jeer ayaa ay dhalatay: marka koowaad oo ah kolkii ay xorriyadda ka heshay gumeysigii Ingiriiska, iyo marka labaad oo ah kolkii ay diidday in ay Soomaaliyadii sagaashankii burburtay wax ku darsato. Se haddana, waa dawladdaas aan looga garaabin go’aankan dambe, ilaa haddana ka maqan fagaaraha nidaamka caalamiga ah. Waa xaalad Somaliland ka dhigaysa sidii dawlad ka laalaadda goob aanu danaynayn nidaamka caalamiga ahi. Si kooban, waa dawlad jirta, se aan muuqan, sababtuna aanay ahayn in ay wax ka khaldan yihiin dhismaheeda ama mashruuceeda siyaasadeed, se ay tahay in aanay soo jiidan danaynta quwadaha waaweyn, kaar gooni ahna ku hayan, bedkana aanay hore u keenin qiime istiraatiijiyadeed oo ay kaga gorgortami karto isbeddellada gobolka ama dunida. 

Ilaa hadda, kolka wax la iska weyddiinayo isdiiddooyinka ragaadiyey dawladnimada Soomaaliya, waxa bedka la keenaa mashruucii “Soomaali-Weyn”, bedkana looma keeno isaga oo ah mashruuc siyaasadeed oo waaqici ah, ee keliya isaga oo ah qaab ka mid ah qaababka hilawga aydhiyoolajiyadeed ee ah dib usoo noolaynta tagtadii, si looga dhuunto foodsaaridda caqabadaha taagan. Mashruucan riyada ah, ee koobsanaya Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, NFD, Jabbuuti iyo Somaliland, waa uun, sida uu Benedict Anderson tilmaamayey marka uu naqdinayey fikradda qoomiyadda, mashruuc ismoodsiis ah oo ku tiirsan hilaw mala’awaal ah, qofkana dareensiiya ahaansho iyo is-aqoonsi, se aan lahayn shuruudihii seeska u ahaa hirgalintiisa. Dib u soo celinta iyo u hilowga mashruuca “Soomaali-Weyn”, weliba qaabkii ay u sawiranayeen xisbiyadii qawmiga ahaa ee Soomaalida ee badhtamihii qarnigii labaatanaad, waa mid suurogalnimo la’aantiisu aanay wax badan kaga duwanayn riyadii “midnimada Carbeed” ee uu tijaabiyey Jamaal Cabdinaasir: Mashruuc hadal ku kooban, ku qurxoon mala’awaalashada, se hirgalintiisu aanay suuroobi karin.

Xilligii khariiddada lagu beddeli karayey cudud, laguna jaangoynayey, gabbalkiisu beri hore ayaa uu dhacay, waxa keliya ee maanta hadhsanina waa waajihidda xaqiiqooyinka ka jira dawladnimadii gumaysiga ka dib, laguna saleeyo hab dheef siyaasadeed leh. Jabuuti ku soo laaban mayso Soomaali-Weyn, Dawladda Deegaanku Soomaalida ee Itoobiya kama go’ayso Itoobiya, Soomaalida Waqooyi Barina kama hoos baxayaan Kiiniya. Isla xeerkan ayuun baa Somaliland-na qabanaya, oo in ka badan soddon sanno ka hor qaadday jid u gaar ah. Se, intaasba waxa ka amakaag badan, in Soomaali badan oo ku nool gudaha xuduudda maamulka Federaalka Soomaaliya, haddana aanay dawladdaas rasmiga ahi u talin, oo aanay xitaa hawaysan. Sidee kolkaas, Somaliland oo jiho u gaar ah qaadday looga fili karaa in ay dib ugu laabato dawlad la daalaadhacaysa hirgalinta inteedii rasmiga ahayd?

Isdiiddada u weyni, se, waxa ay ku jirtaa in dawladda hadda Soomaaliya ka jirtaa ku soo ururtay gacan dibadeed, oo gudaha uga baahan saldhigasho ka maqan. Sida uu Alex de Waal ku tilmaamay, waa qabriga dedaallada dalalka dibada ee dawlad-dhiska ka shaqaynaya. Waa dawlad afartii sanaba mar keenta xukuumad ku meelgaadh ah, oo ay beesha caalamku gacanta ku hayso, ciidamo shisheeye iyo hawlgallo dalal kale ka yimina ilaaliyaan, se gudaheeda u qaybsan beelo is haya, oo qoloba in goosatay iyaga oo ku dhuumanaya sheekada federaalaynta. Taagdarradaas oo jirta, haddana, waa dawlad aqoonsi caalami ah haysata, tan iyo 2012-kii, si ay dalalka dibaddu uga dhigtaan isbahaysi ay kula dagaallamaan ururrada jihaadiga ah. 

Qaabkan beddelkiisa, Somaliland waxa laga rabaa in ay sugto, fahanto oo ay la qabsato niyadjabka. Soomaaliya ma laha mashruuc siyaasadeed oo ay Somaliland ku soo ceshato, haddana waxa ay ku adkaysanaysaa in ay xaq u leedahay in ay is hor taagto heshiisyada ay Somaliland la gasho dalalka kale. Laga soo bilaabo 2012-kii, Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay wadeen wadahadallo aan dhammaad lahayn, laga bilaabo wadahadlkii lagu furay London, ka dibna Istanbuul la isla yimi, wadahadalladii Addis Ababa lagu qabtay, ka dibna Jabbuuti la isla tagay, kuna dambeeyey Abu Dabay, oo aan wax natiijo ah laga gaarin amaba xitaa aan la isla gaarin, ugu yaraan, habraac waaqaca waafaqsan. Fadhi kasta oo wadahadalladaas ka mid ah waxa la mala’awaalayey in khilaafku yahay ismaandhaaf maamul oo u dhexeeya gobol fallaagoobay iyo dawlad dhexe, halka salka khilaafku yahay loollan sooyaal oo u dhexeeya laba mashruuc siyaasadeed oo kala duwan. Waa wadahadallo laba jid oo kala duwan hayay, oo aan midina midka kale aqoonsan karin; Muqdisho waxa ay ku adkaysanaysay soo celinta gobol go’ay, halka Haregysa ay ku adkaysanaysay dib ula soo noqoshada madaxbannaanideedii. Isdiiddadan dhuuxa ah ayaa wadahadallada u beddeshay, sida uu cabbiray Jurgen Habermas, wadahadal aan waxba laga midaysnayn, oo aan xitaa lahayn wadaxidhiidhkii maangalnimada ku dhisnaa. Ma ay ahayn wadahadallo lagu baadigoobay wax la isla meeldhigo, se waxa ay ahaayeen wadahadallo waxa la isku diiddan yahay lagu murmo, iyada oo aan laga gungaadhin. 

Waxa kale oo xusid mudan – lagana yaabee in uu yahay arrinka ugu dhib badan – waa habdhaqanka haldoorka xukuumadaha Somaliland iyo sheekadoodii duugga ahayd ee ay ku soo celceliyeen wax ka badan soddon sanno, marka ay rabaan in ay bulshada ku marinhabaabiyaan aqoonsiga soo dhow, sida in bulshada caalamku, iyada oo aan dadaal la gelin, ay si fudud u dhegaysanayso sheekada Somaliland, dibna uga laabanayso sharciyadda Muqdisho. Waa koox, ka sokow in ay mala’awaal naftooda ku maaweelinayaan, isla mala’awaalkaas ku saamaynaya siyaasadda dalka, si siyaasad ismoodsiis ku dhisani u hanaqaaddo. 

Marka ay sheekadan duugga ah ka jeediyaan gudaha dalka, waa sheeko si wanaagsan u soohan, oo isku soo baxyada iyo kicinta caadifadda ku guulaysata, se marka ay dibad la tagaan yahay ay yaxyax kala kulmaan. Waa tebin ka madhan iskuxidhnaan iyo hababkii gorgortanka diblumaasiyadeed. Sidaas darteed, waxa ay ku gaabsadaan iska qaadidda sawiro diblumaasiyadeed, marka ay dalka ku soo laabtaanna, waxa ay ku celceliyaan weedho duugoobay, sida: “Dalalka aannu saaxiibbada nahay danayn ayaa ay muujiyeen”, “jidad cusub ayaannu furannay” amaba “Aqoonsigii waa uu soo dhawyahay” oo, inta badan, ah weedho inta ay diblumaasiyad yihiini ka badan tahay inta ay horumar la taaban karo keenayaan. 

Natiijada isyeelyeelkaasi waa in Somaliland – oo aan marka horeba hayn wax badan oo ay ku gorgortanto, marka laga soo tago deggenaanshaha iyo deegaanka muhiimka u ah dunida– ay weli barkumataal u tahay marka fagaaraha caalamiga ah la joogo. Duni abaalmarisa ciddii kaar ku haysa cid, oo cabsi gelisa ciddii laga helo wax lagu cabsi geliyo, oo dalalka aan lahayn wax ay indhaha ku soo jiitaan, si deggan gunta nidaamkaas loogu qariyo. Sidaas oo ay tahay, deggenaanshaha Somaliland ma aha wax la dhayalsan karo; waa fursad aan weli laga faa’idaysan. Somaliland, oo sannado badan ka dhex taagan gobol qalalaase hadheeyey, dhabar-adaygaasna muujisay, iyada oo aanay jirin shabakad nabadgalyo oo caalami ah oo taageertay, weli deggenaanshahan uma ay rogin istiraatiijiyad ay ku gorgortanto. Caqabadda dhabta ah ee ay Somaliland maanta waajahaysaa ma aha dedaal ku bixinta aqoonsiga laftiisa, ee waa caqabadda in ay dalkeeda u beddesho lagama-maarmaan istiraatiijiyadeed, siiba arrimaha la xidhiidha Badda Cas iyo marinka ganacsi ee halbawlaha u ah isu socodka ganacsiga. 

Baahida loo qabo goobtan istiraatiijiga ahi waxa ay sii badanaysaa xilligan oo uu Geesku gunta ka holcayo, ee uu sii kala daadanayo. Ka bilaw Itoobiya, oo si tartiib ah darafyada uga soo ruqaysa, ilaa laga gaadho Suudaanta ay dagaalladu halakeeyeen, laguna daro Eretariyada dunida ka go’doonsan, dhammaan dalalka ku hareeraysan Somaliland ma buuxin karaan baahidan istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland haysato. Dhinaca kale, Somaliland kagama duwana dalalkan deggenaanshaha oo qudha, ee sidoo kale, waxa ay caddayn u tahay jid cusub oo kii hore beddela oo ah: in dawladi dhismi karto, iyada oo aan kaalmo caalami ah iyo ilaalin shisheeye lala garab joogin. 

Dunida hadda, mabaadi’du ma aha waxa jaangooya la falgalka goob, ee waxa jaangooya culayska danaha iyo meesha goobtaasi kaga taallo khariiradda istiraatiijiga ah. Xilliganna, guud ahaan gobolka, oo ay Soomaaliya ku jirto, mudnaanta koowaad ma laha, oo marin-badeedkaas shixnadaha ganacsi iyo maraakiibta tamarta siddaa ka gudbayaan ayaa indhaha lagu hayaa, oo xitaa sababay in danaha marinkaas lagu doono habraacyada amni ee aan lagu raadin habraacyo siyaasadeed. 

Arrin marka uu sidan yahay, Somaliland waxa horyaalla fursado dhab ah, se waxa ka maqan tebintii saxda ahayd iyo diblumaasiyaddii istiraatiijiga ahayd ee lagaga faa’idaysan lahaa. Yididdiiladu, hadda, waxa ay ku kooban tahay safarrada isweydaarka ah, waftiyada millatari iyo kulannada amni, sida danaynta Maraykanka ee sii kordhaysa ee Berbera oo uu ku beddelan karo Jabbuuti. Waxa la aaminsan yahay in bookhashadii Taliyaha AFRICOM ku yimid Hargeysa ay ka miisaan badan tahay safarradii madaxweyne Cirro ku maray dalalka jaarka, sababta oo ah safarrada madaxweynuhu walow ay albaabo cusub oo diblumaasiyadda ah furayaan, haddana ma aha kuwo si toos ah saamayn ugu yeelanaya aqoonsiga, halka bookhada taliyuhu ay muujinayso in Somaliland loola dhaqmayo sidii dal goonnidiisa u taagan, iyada ayaana shidaalinaysa dhaqdhaqaaqa ka socda Maraykanka ee loobbiga u ah Somaliland. 

Somaliland, hadda, uma baahna in ay raadiso cid qaddiyaddeeda u damqata, ee waxa ku waajib ah in ay boos lagama-maarmaan ah ka cidhiidhsato ajandayaasha caalamiga ah oo maqnaanshaheeda qiimo u yeela, kallifana ku xisaabtankeeda. Haddii aanay Somaliland noqon tiir ka mid ah khariiradda istiraatiijiga ah ee gobolka, diblumaasiyaddeedu waxa ay ku daalaysaa uun biyo-col-dhaanshay, caasimadaha dunidana waxa ay kala soo laabanaysaa uun hungo joogto ah. Arrintaasi waxa saldhig u ah qaangaadhnimo diblumaasiyadeed oo hagta waaxdeeda arrimaha dibedda, arkin karta sawirka ballaadhan ee dunida.