Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Somaliland: Soomaaliya waxa ay hawada u isticmaalaysaa hub ay kula dagaallanto shacabka Somaliland

8 November, 2025
Image
Somaliland: Soomaaliya waxa ay hawada u isticmaalaysaa hub ay kula dagaallanto shacabka Somaliland
Share

Iyada oo uu ka sii darayo dagaalka hawada ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, ayaa ay Somaliland maanta soo saartay warsaxaafadeed ay u dirtay daneeyeyaasha caalamiga ah kaas oo ay kaga digtay 'dhibaatooyinka' ay Soomaaliya ka waddo hawada Somaliland iyo Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay, oo khatar amni ku ah bedqabka duulimaadyada rayidka ah.

Baaqan oo ka soo baxay kulan ka dhacay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland oo uu guddoominayay Madaxweyneha Somaliland, qaybna ka ahaayeen xubnaha ugu muhiimsan Goleha Wasiirrada, ayaa ay mar kale ku caddeysay Somaliland in aanu khuseynin hannaanka dal-kugalka ee E-Visa oo ay Soomaaliya soo rogtay.

Dhanka kale, waxa ay Somaliland ku celisay go'aanno ay hore uga soo saartay hawada oo ku saabsanaa in 10ka Noofember ka dib, ay dhammaan diyaaradaha adeegsanaya hawada Somaliland soo dalbadaan oggolaansho, arrintan oo loo arkay in ay hordhac u tahay tallaabooyin u qorsheysan Hargeysa, muddadaas ka dib.


Muranka hawada ee Hargeysa iyo Muqdisho ayaa waxa uu qayb ka yahay loollanka madaxbannaanida waxana uu soo labakacleeyay dhawaan markii ay Muqdisho soo saartay in Fiisaaha Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, lagu soo dalbado qaab elektarooni ah taas oo keentay cadaadis fuulay dad badan oo reer Somaliland ah oo sita baasaboorro shisheeye iyo ajaanibta hawlaha shaqo u imanaya Somaliland.

Lama ogo tallaabada hawada ee ay Somaliland qaadayso ka dib 10ka Noofember oo ah muddada ay u qabatay diyaaradaha maraya hawadeeda, ha se ahaatee waxa ay arrintani xusuusinaysaa dad badan qalalaasihii hawada ee sannadkii hore ka dhashay khilaafkii hawada ee ka dhex qarxay Hargeysa iyo Muqdisho kaas oo keentay in labada dhinacba ay siyaabo iska soo horjeeda u faragaliyeen duulimaadyada hawada, kana dhasheen walaacyo amni oo ku saabsan adeegsiga hawadooda.