Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Somaliland oo la filayo in ay heshiisyo Ganacsi la gasho Israa’iil

6 February, 2026
Image
Somaliland eyes trade deal with Israel, offers access to minerals
Share

Somaliland oo aqoonsigeedii u horreeyey ee Rasmi ah ka heshay Israa’iil ayaa la filayaa in ay heshiisyo iyo iskaashi ganacsi oo la xidhiidha Khayraadka dabiiciga ah la gasho Israa’iil. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo u warramay wakaaladda reuters ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay heshiisyo ganacsi oo dhex mara Israa’iil. Waxaanu shaaca ka qaaday in ay socdaan wada hadallo loogu gogol xaadhayo heshiis ganacsi oo labo gaasood ah, isla mar ahaantaana ay Somaliland ku rejo wayntahay Iskaashi dhex mara labada dhinac.

Madaxweynaynuhu isaga oo sii faah faahinaya qodobkan ayaa waxa uu tilmaamay ilaa iyo hadda in aanu jirin wada ganacsi iyo maalgelinta Somaliland uga timid Israa, iil waxaa se uu muujiyey in ay qabaan rejo 100% oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgelinta Israa’iil, haatanna ay ku hawlanyihiin in ay dawladda Israa’iil iyo shacabkeeda la yeeshaan iskaashi dhaqaale iyo maalgelin.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay ka midho dhalinta khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan dhulkeeda kuwaas oo ay ku jiraan macdanno, shidaal iyo gaas si loo soo jiito maalgashiyada Israa’iil.

“Somaliland waa dal qani ku ah khayraadka sida macdanno, shidaal, gaas, khayraadka badda, beeraha iyo tamarta”, Madaxweyne Cirro waxa uu intaas ku daray “ Waxa aanu haysannaa hilib, kalluun, iyo macdanno iyaguna (Israa’iil) waxa ay u qabaan baahi, sidaas awgeed wada ganacsiga waxa lagu ibo furi karaa qaybahan waaweyn. Fursaduhu sidoodaba xad ma leh”

Dedaalka ay Somaliland ugu jirto iskaashiga iyo maalgeshiga khayraadkeeda ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu jiro tartan caalami ah oo sii kordhaya kaas oo salka ku haya silsiladaha sahayda tamarta nadiifta, baabuurta ku shaqeeya korontada iyo tiknoolajiyadda casriga ah oo ay baahi u qabaan warshadaha iyo dawladaha waaweyn. Sidaas awgeed masuuliyiinta Somaliland waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wada ganacsi isla markaasna la isku hallayn karo.

Dhanka kale Madaxweyne Cirro waxa uu tibaaxay in uu “ Xidhiidh fiican la leeyahay Maraykanka” isla markaas na uu rejaynayo in uu Madaxweyne Donland Trump uu aqoonsan doono Somaliland.

Tan iyo kolkii Israa’iil aqoonsatay Somaliland 26-kii Diisember waxa isa soo taraya dalalka iyo haayadaha ku hawlan siyaasadda ee xiisaynaya saamaynta Somaliland ee Geeska Afrika oo ay kaga taallo goob istaraatiiji ah oo muhiim ah.