Sunday 18 January 2026
Hargeysa- Somaliland ayaa maalinimadii khamiistii beenisay eedaymo la xidhiidha in ay ogolaatay martigelinta saldhig Milatari oo Israa’iil leedahay iyo dib dajinta dad ka soo barakacay marinka Qasa, arrintaas na ay aqoonsi kaga beddelatay Israa’iil. Somaliland ayaa wararkan oo muddooyinkii danbe warbaahinta ku jiray ku tilmaantay “ Warar aan sal iyo raad toona lahayn” oo la doonayo in lagu wiiqo go’aankeeda diblomaasiyadeed xilli uu gobolku ku jiro marxalad aad u ah xaasaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa sheegtay, xidhiidhka ay Israa’iil la leedahay in uu ku koobanyahay ‘Diblomaasiyad’ iyo tix gelinta shuruucda caalamiga ah, waxaanay ku nuux nuuxsatay in aanay jirin heshiisyo rasmiya oo ay gashay kuwaas oo la xidhiidha martigelinta saldhig ciidan iyo dib u dajinta shacabka Qasa, wararkaasna ay yihiin kuwo aan sal lahayn.
Beenintan ayaa jawaab u ah eedaymo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in ay Somaliland aqbashay saddex shuruudood si ay u hesho aqoonsiga Israa’iil kuwaas oo kala ah: Dib u dajinta Falastiiniyiin ka soo barakacay Qasa, Sal dhig ciidan oo ay Israa’iil leedahay kuna yaal Xeebta Cadan iyo ku biirista “ Heshiisyada Abraham” ee caadiyeynta xidhiidhka Israa’iil iyo waddamda Carabta.
Walow ay Hargeysa si adag u beenisay labada qodob ee hore haddana qodobka danbe ee “Heshiiska Abraham” ayaa noqday qodobka keliya ee dhabnimadiisu dibedda u soo baxday maalmihii u danbeeyey. Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyey runnimada warkaas iyo in ay Somaliland ku biiri doonto waddamada saxeexaya Heshiiskan isaga oo Somaliland ku tilmaamay “Dal Muslima, dimuqraadiya isla markaas na ah dhexdhexaad “. Sidoo kale warbixinno ka soo baxay saxaafadda Israa’iil ayaa wariyey in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi “Cirro” uu booqanayo Israa’iil badhtamaha bisha Janaayo isla markaas na uu ku dhawaaqi doono ku biiriska Heshiiska Abraham, isaga oo halkaas ku saxeexi doona is afgaradyo kale.
26-Kii Diisember, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsi rasmi ah u fidisay Somaliland isla markaas ay tahay “Dawlad madaxbannaan oo leh dhawrsoonaan” taas oo Israa’iil ka dhigtay dawladdii koowaad ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee tallaabadan ku dhiirrata. Si kastaba ha ahaato e aqoonsiga Israa’iil waxa uu dhaliyey xiisad siyaasadeed waxaana ka horyimid dawlado dhawr ah oo isugu jira Carabta, Midawga Afrika iyo Qaybo ka mid ah golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay.
Waxa arrintan dabka ku sii huriyey goobta Juqaarifadyadeed ee ay Somaliland dhacdo oo ah goob muhiima afkana ku haysa Baab almandab, taas oo kor u siiqaadday suuragalnimo hawlgalo iyo korjoogtayn amni iyo sirdoon oo Israa’iil ka fulin karto gobolka.
Dhanka kale waxa si weyn uga hortimid una canbaaraysay tallaabada Israa’ii, dawladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ku tilmaantay “ Fal sharci darro ah” iyo weerar ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, waxaanay ku goodiday in ay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci si ay u difaacdo midnimada Soomaaliya. Waxa iyana dhankooda bayaanno kala duwan oo lagu taageerayo midnimada Soomaaliya soo saaray Midawga Afrika iyo Waddamo xulafo la ah Soomaaliya.
Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxu u muuqdaa in uu furay bog cusub oo ah loolan iyo muran salka ku haya danaha kala duwan ee ku loolamaya Geeska Afrika. Somaliland dhankeeda waxa ay ku dedaalaysaa in ay xejisato guulaha siyaasadeed ee ay xaqiijisay, halka ay Soomaaliyana dhankeeda u aragto tallaabadan mid halis ku ah jiritaanka midnimada Soomaaliya.