Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Somaliland Maxaa ay ku Waayi Kartaa Aqoonsiga Israa’iil?

17 August, 2026
Image
Recognition at what price? Somaliland’s soft power after Israel’s recognition
Share

26-kii Diisambar ee 2025, Israa’iil waxa ay noqotay dalkii koowaad ee xubin ka ah Qaramda Midoobay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan, tallaabadan oo keentay soo dhawayn ballaadhan. Warbaahinta caalamiga ahi waxa ay baahisay sawirrada bulsho reer Somaliland ah oo ku dabbaaldagaya calamada Israa’iil iyo Somaliland oo ay wada sitaan, arrinkan oo indhaha dunida kusoo jeediyay Somaliland. Sida Bulshada Somaliland aaminsantahay, aqoonsiga Israa’iil waxa uu ahaa rejo habsaantay oo muddo dheer la sugayey, dareenka dadka wada gaadhayna waxa uu ahaa in go’doonkii siyaasadeed ee 34-ka sanno socday uu soo idlaaday. Ha yeeshee, ilaa hadda, hal dal oo kale kuma soo biirin aqoonsiga Somaliland, sidan cagsigeedana, awooddii dabacsanayd ee Somaliland ayaa ay dharbaaxo kulul qabsatay.

Awoodda debecsan ee Somaliland

Ka hor Diisambar 2025, Somaliland lagama aqoon dunida marka laga reebo kooxo gaar ah oo takhasus u leh sooyaalka Somaliland, doodaha ku saabsanina waxa ay inta badan ku koobnaayeen madalaha akaaddamiga iyo siyaasadda. Muddadaas Somaliland waxa ay tusaale u ahayd nabadda, dawlad-dhiska iyo ismaamulka madaxabannaan. Beelihii dagaalka sokeeye galay waxa ay iskood isula qaateen nabad, waxaanay diideen in shisheeye soo farageliyo nabadayntooda, sidaasna waxa ku dhisantay dawlad dimuqraaddi ah oo gunta laga soo bilaabay. Sababtan awgeed, Somaliland waxa dunida looga arkay goob deggan, oo iftiin rejo tilmaamaya ka dhex ah gobol holcaya. Si kooban, Somaliland waxa ay qaddarin ku heshay guulaheeda, inta badanna waxa loo arkay dal guulaystay, si ka duwan dalalka la jaarka ah.

Sababta ayaa ay Israa’iil u aqoonsatay Somaliland?

Sababaha Israa’iil ku riixay aqoonsiga Somaliland waa sababo keliya aan ku koobnayn ka hortagiddeeda caqabadda ay ku hayaan kooxda Xuutiyiinta ee Gacanka Cadmeed u dhexeeyo iyaga iyo Somaliland. Dagaalka socda ee Iiraan lagula jiraa waxa uu daaha ka qaaday in Maraykanka laftiisu uu caqabado waaweyn kala kulmayo ilaalinta saldhigyadiisa iyo saaxiibbadiisa gobolka Bariga Dhexe. Sababtan awgeed, waxa aan la hubin in Israa’iil si badheedh ah ay saldhig millatari ku yeelanayso Somaliland.

Waxa kale oo aan la hubin, in Somaliland ay arrinkan oggolaan doonto, sababtoo ah tallaabo sidan ahi waxa ay ka dhigaysaa bartilmaameed. Si ka duwan Israa’iil, Somaliland ma laha nidaamyo difaac oo horumarsan, awoodna u leh inay bulshada Somaliland ka ilaaliyaan weerarrada. Sidaa awgeed, waxa aan maangal ahayn inay Somaliland badhtanka u gasho dagaallo gobol oo aan si toos ah xidhiidh ula lahayn danaheeda lagama maarmaanka ah.

Lafagur iyo gorfayn xooggan oo la sameeyey waxa ay muujinayaan, in Israa’iil, halkii ay aqoonsiga Somaliland uga dan lahaan lahayd ku furdaaminta caqabado hadda taagan, sababta rasmiga ah ee aqoonsigan ku riixayaa ay yihiin xisaabo jiquraafi-siyaasadeed oo muddada fog ah, si gaar ahna, ka hortagidda iyo carqaladaynta isku dayga Turkigu ku rabo inuu ku xididdaysto Geeska Afrika, oo uu noqdo awood ka calanwallaysa gobolkan muhiimaddiisu sii kordhayso. Turkigu waxa uu si xooggan u maalgashaday Soomaaliya oo uu ku leeyahay mid ka mid ah safaaradihiisa ugu weyn iyo saldhigyo millatari, iyo Itoobiya. Israa’iil gudaheeda, waxa si sii xooganaysa Turkiga loo arkaa cadaw jiquraafi-siyaasadeed oo ay waajib tahay in laga hortago. Raysalwasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa dhawaan si cad u sheegay in Turkigu yahay halis istiraatiji oo kobcaysa. Waxa uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Ordagaan ku tilmaamay in uu yahay “Cadaw horumaraya oo halis badan, kuna dedaalaya cunaqabataynta Israa’iil”.

Xaaladda Istiraatiijiyadeed ee Somaliland

Go’aanka Somaliland ay ku gaadhay inay xidhiidho diblumaasiyadeed iyo istiraatiiji ay la yeelato Israa’iil waa go’aan si qayaxan fasir uga bixinaya cadaadisyada gudeed ee Somaliland haystay, kuwaas oo intooda badan ay dalal shisheeye sababeen. Dalal dhawr ah oo saamayn leh ayaa kasoo horjeeda madaxbannaanida Somaliland. Jabbuuti oo Somaliland la deris ahi waxa ay si ballaadhan uga faa’idaysataa Itoobiya oo ah dal bilaa bad ah, tirada dadkiisuna boqol malyan kor u dhaafeen. Itoobiya waxa ay ganacsi ahaan ku tiirsantahay dekedaha Jabbuuti. Sidaas darteed, dekedda Berbera, oo uu Imaaraadka Carabtu si xooggan u maalgaliyey, waxa loo arkaa deked tartan la geli karta Jabbuuti. Sidaas darteed, Jabbuuti waxa ay Somaliland la aqoonsanyahay u aragtaa mid halis suurogal ah ku ah danaheeda dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed. Cabsidani waxa ay sii xoogaysatay kolkii Somaliland iyo Itoobiya saxeexeen is’afgarad, sannadkii 2024, oo mid ka mid ah qodobbadiisu uu Itoobiya u oggolaanayey inay bad hesho iyadoo lagu beddelanayo aqoonsiga Somaliland. 

Waxa arrinka sii adkeeyey, loollanka joogtada ah ee ay Itoobiya iyo Masar ka wadaan gobolka iyo khilaafkooda ku salaysan biyaha Niilka. Waxa intan dheer, in Soomaaliya – oo ay taageersanyihiin Turkiga, Shiinaha, Sacuudiga, Masar iyo Qadar – ay si xooggan uga soo horjeeddo madaxbannaanida Somaliland, kuna dedaalayso hurinta iyo ka faa’idaysiga kala qaybsanaanta iyo khalkhalka gudeed ee Somaliland. Kol haddii caqabadahani jiraan, la yaab ma laha in Somaliland ku dedaasho inay dhinac kasta oo suurogal ah ay ka hesho taageero, oo ay soo dhawayso.

Halista soo foodsaartay awoodda debecsan ee Somaliland

Ka sokow sababtaas sare ee maangalka ah, haddana Somaliland kamay badbaadin dhaliilo xooggan oo loo soo jeediyey, oo cabbiraya inay Somaliland jid khaldan istiraatiijiyad ahaan qaadday ka dib u dhawaanshaheeda Israa’iil. Waxa aad u faafay mawjado tebin ah oo si taban wax uga sheegaya Somaliland, oo ay horkacayaan warbaahin caalami ah, sida warbaahinta Turkiga ee TRT, Al-Carabiya iyo Aljaziira. Sheekadii koowaad ee la falkiyey waxa ay ahayd in aqoonsiga Somaliland lagu xidhay shardi ah in si xoog ah dhulkeeda loogu raro Falasdiiniyiin, waxaanay ahayd sheegasho ay Somaliland iyo Israa’iil si xooggan u diideen. Hadda, ka dib markii ay caddaatay sheegashada ah in qasab lagu rarayo Falasdiiniyiintu uu yahay war waxba kama jiraan ah, waxa la beddelay tebintii. Waxa dedaalka la isugu geeyey in Somaliland laga dhigo “dal masiirkiisii sharwade gacanta ka galiyey”, sida weriye caan ah oo Aljaziira ka tirsan uu cabbiray mar uu waraysi la lahaa xildhibaan baarlamaan oo reer Somaliland ah.

Siyaasadda laba wajiilaynta

Sidaas oo ay tahay, kolka si qotodheer loo baadho, dhaliilaha Somaliland loo soo jeediyey waa kuwo aan lahayn gundhig sax ah. Ilaa hadda, Somaliland waxa ay Israa’iil la samaysay xidhiidho diblumaasi uun. Kamay qayb qaadan hawlgallo millatari oo Qasa ka socda, manay fududayn, sidoo kale lamay safan Israa’iil dagaal ay dal muslim ah ku qaadday. Waa qodobbo ay ku guuldarraysteen dalal muslim ah oo Somaliland ku eedeeyey xidhiidhka Israa’iil.

Intii uu socday dagaalka Qasa, ganacsiga ay is weydaarsadeen Masar iyo Israa’iil waxa uu sameeyey kor u kac gaadhay 199 milyan oo doollar, halka heerka ganacsi is weydaarsiga Urdun iyo Israa’iil uu gaadhay 41 milyan oo doollar. Turkigu waxa uu bilawgii sheegay inuu laalay isweydaarsigii ganacsi ee kala dhaxeeyey Israa’iil, se warbixino ka dib soo baxay waxa ay xusayaan in weli xidhiidhadaa ganacsi sii jiraan. Dagaalkii Qasa ka dib, Masar waxa ay Israa’iil la gashay heshiis gaaska dabiicigaa ah oo qiimahiisu ku kacayo 35 bilyan oo doollar. Sidoo kale, xilligan uu socdo dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan oo dal Musima ah, dhammaan dalalka ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijku waxa ay heerar kale duwan taageereen Maraykanka iyo Israa’iil. Si kooban, inta badan dhaliilaha Somaliland loo soo jeedinayo ee lagu salaynayo dhaliilo ka cabbiraya la garab noqoshada Falasdiiniyiintu, waa dhaliilo ay sababayaan cabsida jiquraafi-siyaasadeed ee dalalkani qabaan.

Gaabiska Istiraatiijiyadeed ee Somaliland

Ka sokow been abuurka iyo xeeladaysiga qayaxan ee ku jira dhaliilaha loo soo jeedinayo Somaliland, haddana sumcaddii caalamiga ahayd ee Somaliland waa ay dhaawacantay, muran la’aan. Somaliland waxa ay ku guuldarraysatay falkinta tebin xooggan oo liddi ku ah beenaha laga faafinayo, waxaanay si weyn uga maqantahay madalaha lagu gorfaynayo qaddiyaddan. Xitaa dalalka Galbeedka, oo si xooggan ay hoos ugu dhacday taageeradii bulsho ee loo hayay Israa’iil, waxa ay isku xidhayaan xidhiidhka ay Somaliland la yeelatay Israa’iil iyo Netanyaahu. Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah inay Somaliland si dhokhso ah u dejiso istiraatiijiyad taabbagal ah oo lagaga hortago ololayaasha cadawga ah, una ilaalisa awooddeedii dabacsanayd ee ay tobannaanka sanno soo dhisaysay.

Badnaanta faca dhallinyarada ah ee waxbartay awgood, Somaliland ma la’a dad xirfad leh. Se, awood la’aanta inay waajahdo dhaliilaha iyo beenaha la falkinayo – ee awooddeedii debecsanayd wiiqaya – waa wax ka tarjumaya dhibaato qaabdhismeed oo qotodheer. Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn waa sida aan xil la isaga saarin magacaabista mansabyada sare. Si la mid ah xukuumadihii hore, waxa muuqata in xukuumaddan joogtaa ay magacaabista wasiirrada, la taliyayaasha iyo masuuliyiinta sarsare ay ku salayso isku dhawaanta iyo heerka taageerada siyaasadeed, halkii xoogga la saari lahaa khibradda, waxbarashada iyo kartida. Inta badan, waa laga gaws adaygaa in la magacaabo murashaxiin karti iyo aqoon leh, waxaana lagu beddeshaa dad taageero ama maalgelin bixiyey xilligii ololaha doorashada. Natiijada arrinkan ka dhalataa waa in dad aan u qalmin ay hayaan xilalkii sare. Waa arrin wiiqaya awooddii haayadeed, sidoo kalena hoos u dhigaya awoodda go’aan qaadashada ee xukuumadda, oo xadaynaya awoodda ay Somaliland ku waajihi karto caqabadaha dibadda.

Qoraallada kale ee qoraaga