Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

​Somaliland iyo Israa’iil: Kulan Heer Sare ah iyo Heshiisyo Iskaashi

15 June, 2026
Image
​Somaliland iyo Israa’iil: Kulan Heer Sare ah iyo Heshiisyo Iskaashi
Share

​Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku saabsan iskaashiga labada dal, kuwaas oo aasaas u noqonaya xidhiidh waara oo ku salaysan dan-wadaag, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.

​Madaxweyne Cirro ayaa intii ay kulamadu socdeen ku ammaanay Raysal Wasaare Netanyahu geesinimada uu ku qaatay aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland waxana uu sheegay in ay Somaliland qaddarin weyn ugu hayso. Dhanka kale, Raysal Wasaaraha Israa'iil iyo Wasiirka Dibedda ayaa tilmaamay xidhiidhka labada dal yahay mid adag oo aanay cidna dib u celin karin.

​Maxay Arrintani uga Dhigan tahay Somaliland?

​Arrintani waxa ay Somaliland uga dhigan tahay yool diblumaasiyadeed oo weyn, waxana ugu muhiimsan in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn oo keliya mid laba geesood ah, balse uu yahay farriin culus oo loo dirayo beesha caalamka lagagana jabiyay xayndaabkii culsaa ee 'ibafurka' aqoonsiga Somaliland oo muddo dheer ahaa tallaabo la isku tuurtuuro. Israa’iil oo ka mid ah dalalka leh saameyn weyn oo siyaasadeed iyo mid sirdoon ayaa uu aqoonsigeedu uu u gogol-xaadhi karaa in dalal kalena ay beddeli karaan mowqifkooda ku aaddan Somaliland, arrintaas oo ah werwerka u weyn ee ay qabto Soomaaliya.

​Dhanka kale, iskaashiga labada dhinac ee dhanka amniga iyo iskaashiga ciidan ayaa Somaliland u noqon kara nooc damaanad amni ah oo ay kaga gaashaaman karto hagardaamooyinka loollannada gobolka ee ay dalal kale ku lug leeyihiin, in kaste oo lafteedu qayb ka noqon karto hardanka gobolka.