Skip to main content

Tuesday 15 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Somaliland iyo Baahida Isbeddelka Dhabta ah: Dhibaatadu Ma Hoggaan Ayay Tahay Mise Nidaam?

13 August, 2026
Image
Somaliland iyo Baahida Isbeddelka Dhabta ah: Dhibaatadu Ma Hoggaan Ayay Tahay Mise Nidaam?
Share

Bulshooyinku waxay dawladnimo u samaystaan ujeeddo aasaasi ah: inay helaan nolol ka wanaagsan tii ay la'aanteed ku noolaan lahaayeen. Haddii dawladdu awoodi waydo inay dadkeeda siiso amni, caddaalad, adeegyo tayo leh iyo fursado dhaqaale, waxa meesha ka baxaya ujeeddadii loo aasaasay dawladnimada. Dawladdu ma aha magac, calan ama kursi siyaasadeed; waa heshiis iyo ballanqaad ay bulshada la gasho cidda ay xilka u dhiibanayso, iyada oo awoodda maamulka lagu aamminayo masuuliyiinta loo doortay si ay uga shaqeeyaan danta guud ee bulshada, ee aan loogu adeegayn dano gaar ah. Halkaas ayay ka bilaabataa cabbirka guusha ama guul-darrada dawlad kasta.

Dawladda shaqaynaysa waa mid dadkeeda dareensiisa in jiritaanka dawladnimo uu leeyahay faa’iido muuqata. Waa dawlad leh hay’ado awood leh, nidaam maamul oo hufan, qorsheyaal qaran oo cad iyo masuuliyiin ku shaqaynaya isla xisaabtan. Marka ay dawladdu ka fogaato ujeeddadii loo aasaasay, waxa bilaabma hoos u dhaca kalsoonida dadweynaha iyo su’aalo laga keeno nidaamka dawladnimo.

Sanadihii u dambeeyey Somaliland waxa sii xoogaysanayey cabashooyin ka imanaya bulshada ee ku saabsan xaaladda adeegyada aasaasiga ah iyo dhaqaalaha dalka. Dadku waxay ka cabanayaan qiimaha sare ee korontada, adeegyada caafimaadka, tayada waxbarashada, biyaha iyo culayska dhaqaale ee sii kordhaya. Cabashooyinkani ma aha oo keliya kuwo ku wajahan adeeg gaar ah, balse waxay muujinayaan dareen guud oo ah in isbeddelladii siyaasadeed ee dhacay aanay weli shacabka u beddelin isbeddel muuqda oo dhinaca nolosha ah.

Dhibaatada Somaliland maanta haysata ma aha oo keliya cidda hoggaanka haysa ama xisbiga talada haya, balse waa dhibaato ka qoto dheer oo ku saabsan qaabka uu u dhisan yahay nidaamka dawladnimo. Muddo dheer, isbeddellada siyaasadeed waxay inta badan ku koobnaayeen in la beddelo masuuliyiin iyo xisbiyo, halka aan si qoto dheer loo taaban nidaamka maamul, tayada hay’adaha iyo habka adeegyada dadweynaha loo gaadhsiiyo.

Somaliland waxay leedahay dawladnimo jirta, laakiin caqabadda jirta ayaa ah in nidaamkeedu aanu weli gaadhin heer uu si joogto ah u qorsheeyo mustaqbalka, u fuliyo qorshayaasha qaranka, isla markaana u cabbiro natiijooyinka adeegyada uu bulshada siinayo. Nidaamka jira waxa uu inta badan ku tiirsan yahay hawlo kooban sida ururinta cashuuraha, ilaalinta amniga iyo bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda, laakiin waxa ka maqan qorshe qaran oo isku xidhan oo ku wajahan horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maamulka iyo siyaasadda dibadda.

Dawlad ma aha oo keliya hay’ad ilaalisa amniga iyo cashuur ururisa, balse waa nidaam leh himilo iyo jihayn fog. Waa inay awood u yeelataa inay qeexi karto ama qorsheyn karto halka ay doonayso in dalka gaadhsiiso shanta, tobanka ama labaatanka sano ee soo socda, iyo sida ay u fulinayso qorshahaas. Haddii aanay jirin aragti qaran oo cad, waxa adkaanaysa in la kala ogaado waxa ay dawladdu hiigsanayso iyo sida loo cabbirayo waxqabadkeeda.

Tani waa halka ay ka bilaabato dhibaatada Somaliland: Hay’adaha dawladdu way jiraan, laakiin awooddooda, nidaamkooda shaqo iyo hufnaantooda weli waxa ka jira daldaloolo waaweyn. Waxa jira xafiisyo iyo wasaarado badan, laakiin mararka qaar ma muuqato qorshe cad oo qeexaya waxa laga filayo, cidda mas’uulka ka ah, iyo sida loo qiimaynayo natiijada ay keenaan.

Daciifnimada Hay’adaha Dawladda: Meesha Dhibaatadu Ka Bilaabanto

Dhibaatada ugu weyn ee nidaamka dawladnimo ee Somaliland maanta haysataa waxay salka ku haysaa hay'adaha dawladda oo aan weli u dhisnayn in ay keenaan horumar iyo adeeg bulsho oo waara. Muddo ka badan soddon sano oo dawladnimo jirtay, waxa weli muuqata in habka maamulku u shaqeeyaa ku koobanyahay hawl socodsiin uun, halkii uu noqon lahaa nidaam leh qorshe cad, himilo fog iyo natiijooyin la cabbiri karo.

Dawlad xoog leh laguma dhiso doorashooyin iyo hoggaamiyeyaal isbeddela oo keliya. Waa se in la dhiso hay'ado awood leh, leh shaqooyin qeexan iyo isla xisaabtan. Somaliland waxay guulo ka gaadhay dhinaca nabadgelyada iyo dhismaha nidaamka siyaasadeed, laakiin hay'adihii dadweynaha u adeegayay iyo kuwii ilaalin lahaa isla xisaabtanka ayaan weli gaadhin heerkii laga filayay.

Wasaarado iyo hay'ado badan ma laha qorsheyaal istaraatiiji ah , mana jiraan tilmaamo lagu cabbiro waxqabadkooda. Taasi waxay sababtay in shaqada dawladda badankeedu ku soo ururto socodsiinta hawl maalmeedka iyo bixinta mushaharaadka, halkii xoogga la saari lahaa sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka bulshada.

Daciifnimada hay’adaha waxa kale oo laga dareemayaa waaxda fulinta iyo awoodda ay u leeyihiin inay si madax-bannaan uga jawaabaan arrimaha bulshada. Dawlad shaqaynaysa waxay u baahan tahay wasaarado iyo hay’ado awood u leh inay xalliyaan dhibaatooyinka ku jira, iyada oo madaxweynuhu diiradda saarayo dejinta jihada guud ee dalka iyo siyaasadaha qaranka.

Hase yeeshee, Somaliland waxa marar badan ka muuqata in arrimo badan oo ay ahayd inay xalliyaan hay’adaha qaabilsan ay ugu dambayn gaadhaan xafiiska madaxweynaha. Tani waxay muujinaysaa in hay’adihii loo igmaday hawlahaas aanay weli lahayn awood ku filan, nidaam kormeer oo shaqaynaya iyo karti ay ku qaataan masuuliyadda go’aamada muhiimka ah.

Tusaale ahaan, markii ay shirkadaha isgaadhsiintu ku heshiiyeen qiime go’an oo ay ku iibinayaan adeegyada interneetka, cabashadii bulshada ka dhalatay waxay u baahatay faragelin ka timaadda madaxtooyada. Sidoo kale, cabashadii dadweynaha ee ku saabsanayd adeegga sifaynta kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxay noqotay arrin u baahatay in madaxweynuhu si toos ah uga hadlo oo uu soo dhexgalo. Labadan dhacdo waxay muujinayaan caqabadda ka jirta nidaamka hay’adaha, gaar ahaan awoodda hay’adaha fulinta ee la xidhiidha kormeerka, nidaaminta iyo xal u helida dhibaatooyinka jira.

Dawladnimada casriga ahi kuma dhisna in xal kasta laga sugo hoggaanka ugu sarreeya, balse waxay ku dhisan tahay hay’ado awood leh oo shaqadooda gudan kara, lehna masuuliyad cad. Marka hay’aduhu daciif noqdaan, culayska maamulka wuxuu ku ururaa hal meel, taasina waxay wiiqaysaa awoodda guud ee nidaamka dawladnimada.

Arrintan waxa si cad looga dheehan karaa qaabka loo diyaariyo miisaaniyadda qaranka. Miisaaniyaddu waa inay noqotaa qalabka ugu muhiimsan ee lagu hirgeliyo qorshaha horumarinta dalka, hase yeeshee miisaaniyadihii sida ay loo dhigay ee ay ku shaqaysaa waa bixinta kharashaadka hawlgalka (recurrent expenditure) sida mushaharka shaqaalaha, amniga, shidaalka, qalabka xafiisyada, safarrada iyo kharashaadka maamulka. Qaybta loo qoondeeyo horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaaluhuna aad bay u kooban tahay.

Warbixin uu Machadka ISIR soo saaray sannadkii 2025 ayaa muujisay in 62% miisaaniyadda dawladda dhexe ay ku baxdo mushaharka shaqaalaha, halka 6% oo keliya loo qoondeeyey mashaariicda horumarinta, 1%-na lagu maalgeliyey hantida ma-guurtada ah. Tirakoobkani wuxuu si cad u muujinayaa halka ay mudnaanta miisaaniyaddu taallo.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waxay tahay in aan si joogto ah loo soo saarin warbixinno faahfaahsan oo dadweynuhu ku ogaan karaan sida loo fuliyey mashaariicdaas horumarinta, degmooyinka laga hirgaliyey iyo saamaynta ay bulshada ku yeesheen. Daahfurnaan la'aantaasi waxay adkaynaysaa in la qiimeeyo in lacagaha loo qoondeeyey horumarintu gaadheen ujeeddadii loogu talagalay iyo in kale.

Shan iyo tabankii sanno ee u dambeeyey, xukuumadihii is beddelay midkoodna si muuqata uma beddelin qaabka loo qorsheeyo miisaaniyadda qaranka. Waxa weli xooggan habkii miisaaniyadda loogu diyaarin jiray daboolidda kharashaadka maamulka, halkii laga dhigi lahaa mid lagu maalgeliyo adeegyada bulshada, koboca dhaqaalaha iyo kaabayaasha dalka.

Dhinaca kale, eexda ka jirta habka shaqaalaysiinta, karti-darrada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la'aantu waxay sii wiiqeen awoodda hay'adaha dawladda. Marka aan la caddayn shaqada hay'ad kasta iyo cidda ka masuulka ah natiijada la filayo, way adkaanaysaa in la helo adeeg hufan ama masuul la waydiiyo sababta wax u qabsoomi waayeen.

Dhibaatada maanta ka muuqata caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada kale ee bulshada ma aha mid ka dhalatay dhaqaale yari oo keliya. Waxay ka tarjumaysaa nidaam dawladnimo oo aan weli si buuxda u dhismin, iyo hab maamul oo aan awood u lahayn inuu khayraadka qaranka u beddelo adeegyo iyo horumar ay bulshada dareento.

Xalku Muxuu Yahay?

Taariikhda dalalka soo maray marxalado la mid ah tan Somaliland maanta ku jirto waxay muujinaysaa in horumarku aanu ku iman beddelka hoggaamiye keliya, balse uu ku yimaaddo isbeddel nidaam oo lagu sameeyo habka ay dawladdu u shaqayso. Dalal badan oo markii hore lahaa hay’ado daciif ah, dhaqaale xaddidan iyo caqabado bulsho ayaa horumar sameeyey markii ay xoogga saareen dhismaha hay’ado adag, qorshe qaran iyo nidaam maamul oo ku dhisan karti iyo isla xisaabtan.

Dalalka sida Singabuur iyo Kuuriyada Koonfureed. waxay ka soo gudbeen marxalado adag iyagoo aan ku tiirsanaan shaqsiyaad keliya, balse waxay dhiseen nidaamyo ay hay’aduhu ka awood badan yihiin hoggaamiyayaasha. Waxay mudnaanta siiyeen shaqaale dawladeed oo karti ku dhisan, qorshayaal qaran oo muddo dheer ah, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo in miisaaniyadda qaranka loo isticmaalo horumarinta adeegyada bulshada iyo koboca dhaqaalaha.

Casharka ugu weyn ee Somaliland ka qaadan karto waa in ay fahanto in dal aan lahayn hay’ado xooggan iyo qorshe qaran aanu horumar waara gaadhi karin. Isbeddelka dhabta ahi wuxuu u baahan yahay in la beddelo nidaamka shaqada dawladda, lana dhiso hay’ado shaqayn kara xitaa marka hoggaamiyayaashu is beddelaan.

Hase yeeshee, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: yaa hoggaaminaya isbeddelkan Somaliland? Xaaladda maanta jirta waxay muujinaysaa in aanay weli muuqan siyaasiyiin leh aragti cad oo ku saabsan dib-u-habaynta nidaamka dawladnimo. Haddii la eego sida ay u fekeraan iyo sida ay u maamulaan marka ay xilka hayaan, waxa muuqata in siyaasadda Somaliland weli inta badan ku wareegsan tahay tartanka kursiga, qaybsiga awoodda iyo beddelka masuuliyiinta, halkii ay xoogga saari lahayd dhismaha hay’adaha iyo xallinta dhibaatooyinka bulshada.

Xukuumadda hada jirtaa iyo xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay talada dalka la wareegaan waxay u baahan yihiin inay ka gudbaan siyaasadda ku dhisan ololaha doorashada una gudbaan siyaasadda ku dhisan qorshe, cilmi iyo aragti qaran. Haddii isbeddel kasta uu ku koobnaado in qof la beddelo ama xisbi kale yimaado, balse nidaamkii shaqada dawladda uu sidii hore u sii socdo, dadweynuhu ma dareemi doonaan isbeddel ku yimaada hab-nololeedkooda.

Sidaas darteed, halka uu xalku ka bilaabmayo maanta waa dhismaha wacyiga bulshada. Bulsho fahamsan dhibaatada haysata, garanaysa xuquuqdeeda, awoodna u leh inay la xisaabtanto madaxdeeda waxay noqon kartaa xoogga ugu weyn ee keeni kara isbeddelka. Haddii siyaasiyiintu aanay diyaar u ahayn inay hormuud ka noqdaan dib-u-habaynta nidaamka, waa in bulshada lafteedu noqotaa awoodda dalbanaysa isbeddelka.

Halkan ayay kaalinta indheergaradka, aqoonyahanka, warbaahinta iyo dadka saameeya fikirka bulshada muhiim ka tahay. Waxaa loo baahan yahay in la abuuro dood joogto ah oo ku saabsan gaabiska ka jira adeegyada bulshada, daciifnimada hay’adaha, maamulka khayraadka qaranka iyo masuuliyadda siyaasiyiinta.

Maanta baraha bulshada waxay noqdeen goobta ugu weyn ee lagu dhiso aragtida bulshada. Waa aalad aan u baahnayn kharash badan, balse u baahan abaabul, aqoon iyo fariin cad. Haddii doodaha bulshada, cabashooyinka iyo dalabaadka dadweynaha si nidaamsan loogu gudbiyo baraha bulshada, waxay abuuri karaan cadaadis bulsho oo ku qasba xukuumadaha iyo xisbiyada inay dib u eegaan habka ay u shaqeeyaan.

Cabashooyinkii dhawaan ka dhashay adeegyada sifaynta kelyaha waxay muujiyeen sida codka shacabka marka uu noqdo mid abaabulan uu awood ugu leeyahay inuu arrin muhiim ah geliyo ajandaha dawladda. Tani waxay caddeyn u tahay in wacyiga bulshada iyo awoodda shacabka ay yihiin aaladaha ugu muhiimsan ee lagu abuuri karo isla xisaabtan.

Ugu dambayn, Somaliland waxay u baahan tahay in ay ka gudubto fikirka ah in isbeddelku mar walba ka yimaaddo xafiiska madaxweynaha ama xisbi siyaasadeed. Isbeddelka dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa marka la helo bulsho wacyi leh, hay’ado la xisaabtama, iyo siyaasiyiin lagu qasbo inay ka shaqeeyaan danta guud.