Tuesday 11 November 2025
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa dhawaan u gudbiyey Golaha Wakiillada xeerka diblumaasiyadda. Tallaabadani waa mid mudan bogaadin, balse waxay si cad u iftiiminaysaa daldaloollo muddo dheer jiray oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland iyo sida loo hago ama ay u shaqayso. Muddo 34 sanno ah, siyaasadda dibedda ee Somaliland waxay u muuqatay mid ku hawlgelaysay ka falcelinta dhacdooyinka maalinlaha ah, halkii ay ka ahaan lahayd mid qoran oo hagta jihada loo dhaqaaqayo. Wasaaradda arrimaha dibedda waxa ay ku guuldarraystay in ay samayso siyaasad rasmi ah oo qaran oo hagta jihada aqoonsi raadinta iyo danaha dibedda ee Somaliland.
Wasaaradda lafteedu kama muuqato ha’yad qaran oo leh qaab-dhismeed casri ah oo u dhigma miisaanka ay leedahay isla markaas na la jaan qaadaya dhigeeda iyo siyaasadda caalamiga ah ee dunida. Qaab-dhismeedka hadda jira wuxuu muujinayaa wasaarad aan lahayn waaxyaha laga ma maarmaanka u ah hawlaha qaran ee wasaaraddu u xil saarantahay sida waaxda cilmi-baadhista, waaxda la socodka siyaasadaha dalalka kale iyo isbeddelladooda, iyo waaxda qaabbilsan ilaalinta danaha qaranka ee dibedda ku xidhan.
Siyaasaddan oo lagu tilmaami karo jaanta rogan waxa laga dhaxlay go’aanno gole-ka-fuul ah—kuwaas oo ku salaysan safarro badan oo madaxdu dibedda ku gaalaa bixiso iyo hadallo qurux badan balse aan lahayn wax natiijo ah oo la taaban karo. Tusaale ahaan, jiritaanka siyaasaddan waxa si weyn looga dheehan karaa sida uu ku bilaabmay xidhiidhka Somaliland iyo Taywan. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waraysi uu bixiyey dhawaan waxa uu ku faah faahiyey sidii uu ku unkamay Xidhiidhka labo dhinaclaha ee ah ee Somaliland iyo Taywan, waxa uu sheegay xidhiidhka labada dhinac in uu ku bilawday “is-afgaran waa dhexmaray isaga iyo safiirkii Shiinaha u joogay Soomaaliya”. Waxa iyana tusaale kale ah socdaalladii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Kiiniya iyo Qadar kuwaas oo u muuqday kuwo aan ku fadhiyin qorshe iyo Istaraatiijiyad fog. Labadan dhacdaba, waxa laga akhrisanayaa in ayna siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland ku socon dhabbe sugan oo si xeeladaysan oo ku salaysan danaha Somaliland loo qaabeeyey.
Hab-dhaqanka ku salaysan falcelin siyaasadeed oo aan qorshe lahayn, taas oo ah siyaasad aan sugnayn, wuxu dhaawac weyn ku yahay dedaallada Somaliland ay ku doonayso in ay ku hesho aqoonsi caalamiya
Si kastaba, tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda hadda ayey ugu fursad iyo galaangal badantahay dhanka xidhiidhka caalamiga ah. Waxa jira daneyn isa soo taraysa siiba mid ka imanaysa Maraykanka oo ay sabab u yihiin isbeddellada gobolku, iyadoo dadka hadda hagaya ama ku dhaw siyaasadda arrimaha dibedda ee Waashintoon si cad ugu ololeynayaan Somaliland. Tusaale, Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyeha guddiga hoosaadka arrimaha dibedda ee waaxda Afrika ee Golaha Senate-ka, iyo John Moolenaar oo ka tirsan golaha wakiillada, isla jeerkaas na ah guddoomiyeha guddiga hoosaadka arrimaha Shiinaha, labaduba waxay si cad u muujiyeen taageerada ay u hayaan aqoonsiga Somaliland. Arrimahan oo dhan ayaa lagu tilmaami karaa fursad dahabi ah oo ay Somaliland ku dhisi karto xidhiidh istiraatiiji ah isla markaas na dib ugu qaabeyn karto siyaasaddeeda arrimaha dibedda ee ku jihaysan dunida kale.
Hab-dhaqanka ku salaysan falcelin siyaasadeed oo aan qorshe lahayn wuxu dhaawac toos ah ku yahay dedaallada Somaliland ay ku doonayso inay kaga mid noqoto beesha caalamka. Qaran kasta oo doonaya aqoonsi iyo saaxiibo joogto ah, waa inuu yeeshaa siyaasad arrimo dibedeed oo cad, wasaarad leh awood iyo qorshayaal laga fiirsaday, iyo qaab-dhismeed waaxyaysan oo shaqo kasta caddaynaya.
Somaliland, maaddaama ay orod iyo gucleyn ugu jirto sidii ay aqoonsi caalami ah uga heli lahayd dunida waxa huran in ay wax ka barato waddamada dhigeeda ah ee guul la taaban karo ka soo hooyey arrimaha dibedda, ama leh waayo-aragnimo la xidhiidhka hababka loo la xaajoodo dunida kale loona dhiso xidhiidh caalamiya oo nidaamsan. Waddamada ay isku kiiska iyo duruufta yihiin xaaladahoodu na isku dhawyihiin Somaliland ee ay wax ka korodhsan karto waxa ka mid ah sida aan qabo Taywaan oo ay hadda xidhiidh wacan leeyihiin iyo Kosovo oo Maraykanku aqoonsaday sannadkii 2008. Waa in ay Somaliland waddamadaas wax ka barato, la yeelato iskaashi dhanka Wasaaradda arrimaha dibedda ah.
Taywan kolka ay tahay, muddo dheer ayay kala kulmisay cadaadis dublumaasiyadeed iyo go’doomin caalami ah dalka Shiinaha, waxa se u jilib dhigtay cadaadiskaas iyo culaysyadaas ka imanayey Shiinaha, wasaaraddeeda arrimaha dibedda oo si fiican loo tayeeyey. Taas baa u fududaysay in ay hesho saaxiibo muhiim ah sida Maraykanka, isla markaana sumcad dhaqaale iyo amni ku dhisato. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Taywan Jooseef Wu, ayaa barnaamijka ‘Talk to Al Jazeera’ lagu wayddiiyey su’aal ahayd: “Qayb ka mid ah shaqadaadu waa inaad iib geyso Taywan, oo aad dunida ka gaddo, sideed ku sifayn lahayd Taywan? Sideedna ugu soo bandhigtaa markaad dunida ku wareegaysid?” Wuxuu ku jawaabay: “Taywan waa dimuqraadiyad qaan-gaadh ah, waxayna tusaale u tahay dimuqraadiyadda gobolka ay ku taallo. Waxa kale oo aan xoogga saaraa xidhiidhka sii kordhaya ee ganacsi iyo maalgashi ee shirkadaha Taywan la leeyihiin Yurub, Hindiya, Jabbaan, iyo Maraykanka.” Inkasta oo Somaliland ayna u horumarsaneyn sida Taywan, haddana waxa ay dalalka dunida kula saaxiibi kartaa kuna soo jiidan kartaa mandaqada ay ku taallo taas oo muhiim u ah isu gudubka dhaqaalaha dunida.
Somaliland waxay casharro muhiim ah oo la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka baran kartaa Taywan iyo Kosovo oo labaduba guulo la taaban karo ka gaadhay dhinacyadaas
Dhanka kale, Kosovo, markii ay goonni isu taagtay sannadkii 2008, waxay wajahday caqabado badan oo la mid ah kuwa Somaliland ku gudban, waxana hafiyey wayddiimo la xidhiidha xeerarka caalamiga ah, cadaadis diblumaasiyadeed, iyo dalal waaweyn oo kasoo horjeeda. Haddana, Kosovo waxay awoodday in ay muddo kooban aqoonsi ka hesho waddamo tiradoodu gaadhayso boqol dal. Sababtu waxay ahayd qorshe diblumaasiyadeed oo si xeeldheer loo maamulay kaas oo ay gadh wadeen ka ahayd wasaaradda arrimaha dibedda ee Kosovo. Sidaas awgeed, Somaliland waxay casharro muhiim ah ka baran kartaa labadaas dal. Intaas uun ma aha ee Somaliland waxa ay u baahantahay in ay qaaddo tallaabooyinkan:
Qorista siyaasad dibedeed oo rasmi ah: In la qoro siyaasad dibedeed oo rasmi ah oo aan ku dhisnayn aragti xisbi leeyahay waa muhiim. Aqoonsigu waa himilo qaran, ma aha wax ku goonni ah xisbi ama xukuumad gaar ah. Siyaasaddaas, waa in lagu mideeyo aragtida xisbiyada si isbeddelka siyaasadeed ee ku yimaadda xukuumadaha aanu saameyn ugu yeelan qorshaha wasaaradda, taas oo micnaheedu noqonayo in ay wasaaraddu yeelato tiirar iyo himilo siyaasadeed oo aan guur guurin oo ay sii anbo qaaddo hadba xukuumadda hoggaanka haysa.
Qaab-dhismeed wasaaradeed oo qaybsan shaqo ahaan: Wasaaradda waa in loo sameeyaa waaxyo cad oo shaqadoodu sugantahay sida waaxda siyaasadda dibedda, waaxda Istiraatiijiyadda iyo xidhiidhka caalamiga, waaxda dhaqaalaha iyo maalgashiga, waaxda warfaafinta iyo diblumaasiyadda dadweynaha.
Kobcinta kartida shaqaalaha iyo tababbar joogto ah: Shaqaalaha wasaaradda iyo diblumaasiyiinta waa in lagu qalabeeyaa xirfado casri ah iyo aqoon joogto ah si ay u noqdaan difaacyada danta qaran.
Isla xisaabtan iyo daah furnaan: Shaqooyinka wasaaraddu u xil saarantahay waa in ay noqdaan qaar hufan oo leh daah furnaan iyo banyaalnimo.
Gabo gabadii, Somaliland, waxay u baahan tahay siyaasad arrimo dibedeed oo qaran, mid aanay beddeli karin doorasho, xukuumad cusub, ama aragti xisbiyeed. Waa in xukuumadda, xisbiyada, iyo indheergaradka reer Somaliland ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha siyaasad arrimo dibedeed oo mideysan. Siyaasad arrimo dibedeed oo qaran waxay Somaliland ka saari kartaa jahawareerka siyaasadeed ee ay la daalaa dhacayso Wasaaraddu, waxayna abuuri kartaa mawqif qudha oo ay ku mideysan yihiin dowladda, mucaaridka, iyo shacabka. Haddii la doonayo in Somaliland hesho sumcad diblwmaasiyadeed oo la isku hallayn karo, waa in wasaaradda arrimaha dibedda loo arkaa tiir qaran, la dhisaa awooddeeda gudaha, loo diyaariyaa qorshe qaran oo cad. Ugu danbeyn Somaliland waa in ay wax ka barato waayo-aragnimada Taywan iyo Kosovo.