Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Somaliland: Dib u Dhigistii Shirweyneha Kulmiye oo La Diiday

26 November, 2025
Image
Somaliland: Dib u Dhigistii Shirweyneha Kulmiye oo La Diiday
Share

Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa diiday tallaabadii uu Guddoomiyeha Kulmiye dib ugu dhigay shirweyneha Xisbiga Kulmiye oo uu muddo labo sannadood ku dhaw hore dib ugu dhigay, arrintaas oo waqtigaas kicisay muranno xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah. 

Tallaabadan Guddida, oo u muuqata dhirbaaxo ka dhan ah hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa loo cuskaday in go'aankii uu Guddoomiyuhu ku muddeeyay shirweyneha Xisbigu aanu waafaqsanayn xeerarka dalka oo dhigaya in Xisbiyadu sannad kaste qabsadaan Shirka Goleha Dhexe, shantii sannadoodna ay qabsadaan shirweyne. Go'aanka uu Guddoomiyuhu dib ugu shigay shirweyneha ayaa muddo saddex sannadood ah dib u sii dhigaya shirkii Goleha Dhexe, sida ay Guddidu sheegtay.

Go'aanka Guddida oo aanu xisbigu weli ka falcelin ayaa u muuqda isku daygii ugu xoogganaa ee korjoogteynta ku dhaqanka sharciga ee Xisbiyada Somaliland oo aad loogu dhaliilo in aanay hoggaamintooda sharciga ku dhaqin, isla markaana aanay xoogganayn korjoogteynta ay ku sameeyeen hay'adaha ay khuseysaa.

Shirweyneha Xisbiga oo markii hore qorsheysnaa horraantii bishii Oktoobar ayaa dib loo dhigay khilaaf gudeed dartii, arrintaas oo uga sii dartay loollan dhanka hoggaanka ah oo ka dhex jiray Xisbiga Kulmiye, iyada oo xubno siyaasiyiin ahi doonayeen in ay beddeleen Guddoomiyeha hadda ee Xisbiga, Maxamed Kaahin Axmed, waxana markaas abuuray muran sharci iyo xiisado bulsho.