Wednesday 19 November 2025
Iyada oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay taagnayd hadal-hayn dadweyne oo ku saabsan barnaamij uu cinwaankiisu ahaa ‘Fahanka Metalaadda, Dib u Eegista Dastuurka iyo Doorashooyinka Soomaaliya’ kaas oo uu qabanqaabinayay urur lagu magacaabo Consilient Reserch oo Hargeysa ku yaallaa, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ciidamada amniga ee Somaliland ay xabsiga u taxaabeen xubno ka mid ah dadkii qabanqaabinayay. Xubnahan la xidhay ayaa isugu jira Soomaali iyo ajaanib kale.


Ururkan oo sida ku cad bartiisa internet-ka qaata mashaariic badan oo ay ku jiraan kuwo la xidhiidha Sanduuqa Xasiloonida Soomaaliya ayaa waxa uu fidiyay martiqaad ku saabsan barnaamijkan doorashooyinka Soomaaliya oo uu muddo saddex cisho ah ku qabanayo Hargeysa. Arrintan ayaa kicisay falcelin dadweyne oo xoog uga muuqatay warbaahinta bulshada, iyada oo ay dhalinyaro badan oo reer Somaliland ahi ku dhaliileen xukuumadda in ay dabcisay isu furanka siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia. Iyaga oo ka jawaabaya hadalhayntaas bulsho, waxa ay boolisku qaadeen tallaabadan xadhigga ah oo sida muuqata ay isku hortaagayaan barnaamijkan.
Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay in barnaamijkan ku saabsan dastuurka iyo doorashooyinka Soomaaliya lagu qabto Hargeysa oo aan laga oggoleyn arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, tan iyo 1991-kii oo ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya, sannadkii 1960-kii, waxa se ilaa hadda loo hayaa ururka qabanqaabinayay oo ah Consilient Research.
Laamaha amniga iyo xukuumadda ayaan weli ka hadal barnaamijkan iyo tallaabada la sheegay in ay boolisku qaadeen midna.