Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Somaliland: Baahiyaha Aasaasiga ah Yaa Siyaasadda ku Matala?

2 August, 2026
Image
Somaliland: Baahiyaha Aasaasiga ah Yaa Siyaasadda ku Matala?
Share

Waxa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa cabashada dadka kelyaha loo sifeeyo iyo dhibaatada ku xeeran adeegga kelyo-sifaynta, oo ay baahida iyo adeeggu kala badanyihiin.

Xukuumadda uu Cabdiraxmaan Cirro gadhwadeenka ka yahay waxay ballanqaaday in ay tabashadan wax-ka-qabanayso, oo mishiinno dheeri ah la keeni doono, adeegyada kale ee ku mataanna wax-ka-qabashadooda xisaabta ay ugu jirto. Ilaa hadda, arrintu iyada oo ah ballanqaad kaliya, oo ay fulinteeda iyo mushkiladda furdaaminteeda bulshadu ka dhursugayso, haddana, hawshani ma aha mid ku kooban cabashada bukaannada xanuunkan qaba, ee waa mid dhammaanba taabanaysa adeegga caafimaadka Soomaalilaan, iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ee bulshada, sida: biyaha, laydhka, iyo waxbarashadaba.

Wax ka qabasho la’aanta cabashadan muddada soo taagnayd iyo sida ay uga falceliyeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa, oon dareen-la-qaybsi iyo garawshiiyo midna ka muuqan ayaa bulshadu gadood ka muujiysay, taas oo keentay in madaxweynuhu booqdo bukaannada kelyaha loogu sifeeyo Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.

Tani ma aha cabashadii ugu horraysay ee khusaysa adeegga kelyo-sifaynta ama adeegyada bulsho ee Soomaalilaan, mana noqon doonto tii ugu dambaysay marka la eego baahiyaha baahsan ee arrimaha bulshada ee waddanka ka jira.

Furdaaminta mushkiladaha hadda taagan ee tani ka kow tahay iyo baahiyaha arrimaha bulshada ee dalku waxay u baahanyihiin xal dhaafsiisan qaylo-dhaan kooban iyo wax-ka-qabasho ka fog dhiig-joojin deg-deg ah, walow arrinta hadda taagan ay falcelin degdeg ah aan laga maaransanayn.

Qofka aan karti, aqoon, iyo arrimaha taagan ee bulshadu la tacaalayso wax uu ka tarayo iyo xalka uu u sido aan marka hore la waydiin ee xisaabo kale lagu doortay waa qof ugu dudaya kalluunku muxuu la dabbalanayaa ee u socon la’yahay

Bulshada Soomaalilaan ee u jeellan waxqabad iyo masuuliyiin u diran oo aan isku dirin, hawsha hortaallaa way sal-ballaadhan tahay. Waxa kow ka ah, xulashada dad ku habboon xilka loo igmaday iyo la xisaabtankooda, tani waxa ay lama huraan u tahay xal u helidda dhibaatooyinka baahsan ee ku gadaaman bixinta adeegyada aasaasiga ah ee Soomaalilaan.

Toddobaadyadii u danbeeyay waxa Soomaalilaan ka qabsoomay shirarka golaha dhexe ee xisbiyada qaran oo durbaan iyo sacab ku furmay kuna dhammaaday. Eedda la xidhiidha arrimaha caafimaadka dalka iyo adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada waxay banka keentay kala war la’aanta bulshada iyo axsaabta iyo golayaasha u jooga in ay metelaan danaha dadweynaha soo doortay ama ay cod ka doonayaan.

Inta ka gadooday ee ay damaqday foolxumadda jirta waxa la gudboon in ay dib-u-eegis iyo ku noqosho ku sameeyaan cidda metalaysa iyo sababaha ay ku xulanyaan. Intii loogu durbaan tumilahaa cidda xil ummadeed u socota waa markeedii, isu-jifo ayaannunahay, iyo dano gaara, ee hadhowna laga caban lahaa karti daradooda, illeen digo iyo danbasbaa la kala iibsadee xaggee ka timi fajicisaddu.

Inta ka gadooday ee ay damaqday foolxumadda jirta waxa la gudboon in ay dib-u-eegis iyo ku noqosho ku sameeyaan cidda metalaysa iyo sababaha ay ku xulanyaan

Dhallinteenna waxa ina faran in aynu garwaaqsanno xukun daryeel, damqasho, iyo kartiba leh in aynu u qalanno, kaas oo soo saaristiisuna aanay ka baxsanayn awoodeenna maskaxeed iyo maaliyadeedba. Muddo kordhin kastaba hala sameeyee, fursadda codbixintu markay timaado danley siyaasadadeed sidii loo abuuri lahaa, la isugu abaabuli lahaa waa sida keliya ee duruuftan lagaga bixi karo, mustaqbal inoo qalmana aynu ku dhisan karno; wixii intaa dheer waa jibbo kooban oo aan meelna gaadhsiisnayn.

Qofka aan karti, aqoon, iyo arrimaha taagan ee bulshadu la tacaalayso wax uu ka tarayo iyo xalka uu u sido aan marka hore la waydiin ee xisaabo kale lagu doortay waa qof ugu dudaya kalluunku muxuu la dabaalanayaa ee u socon la’yahay.

Ugu danbayn, wax ka qabashada arrimahan aynu xusnay waxay u baahan tahay xukuumad xilkas ah, oo si dhab ah uga jawaabta baahiyaha caafimaad ee bulshada. Cabashada ka taagan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo qaabkii ay Wasaaradda Caafimaadku uga falcelisay waxay sii xoojinayaan shakiga laga qabo in xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay leedahay rabitaan iyo karti ay arrintan wax kaga qaban karto.

Sidaas darteed, muwaadiniinta Soomaalilaan waxaa la gudboon inay adeegsadaan dhammaan hababka sharciga ah ee ay cadaadis ugu saari karaan xukuumadda, si ay u helaan daryeel caafimaad oo tayo leh, la na awoodi karo, isla markaana loo siman yahay. Waa in ay sidoo kale, si joogto ah ula xisaabtamaan xukuumadda iyo hay’adaha loo igmaday adeegyada dadweynaha, gaar ahaan adeegyada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muddada dheer laga soo hagranyay.

Qoraallada kale ee qoraaga