Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Somaliland: 35 Guuro Leh Tilmaamo Gooni ah

18 May, 2026
Image
Somaliland: 35 Guuro Leh Tilmaamo Gooni ah
Share

Waxa maanta Somaliland looga dabbaaldegay munaasabadda 18-ka May ee sannadkan 2026, oo ku beegan 35 guurada ka soo wareegtay 1991kii, markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya, 1dii Juulaay 1960kii. Munaasibaddan oo la xuso sannad kaste, waxa ay hadda leedahay miisaan ka duwan sannadihii hore, marka loo eego isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa diblumaasiyadeed ee u dambeeyay. Sannadkan, waxa ay Somaliland xusaysaa iyada oo, markii ugu horreysay haysata dal ka mid ah Qaramada Midoobay oo aqoonsaday, arrintaas oo jidka u furtay filashooyin xooggan iyo ididiilo cusub.

​Dhacdooyinka muhiimka u ah Somaliland ee sannadkan lala akhriyayo xuska siddeed iyo tobabanka Meey waxa ka mid ah:

​Xidhiidhka cusub ee Israa’iil iyo Somaliland: Sannadkan dabbaaldeggiisu waxa uu ku soo beegmay iyada oo Somaliland ay dabayaaqadii sannadkii hore heshay aqoonsi dawladeed oo rasmi ah, kaas oo ka yimid dalka Israa’iil oo qaaday tallaabadii u horreysay ee lagu jabiyay dayrka muddada dheer ku meersanaa Somaliland. Arrin kale oo u muuqata muddeyn laga baaraandegay ayaa ah in isla maanta, 18ka Meey 2026, uu Danjirihii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya dalkaas, Dr. Maxamed Xaaji, uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Israa’iil, Isxaaq Hertsoog, oo kaga guddoomay xarunta madaxtooyada ee Israa’iil, taas oo kor u qaadday hadal-haynta dhanka diblumaasiyadda ee xuska sannadkan.

Saamaynta Gobolka: In kasta oo aqoonsigani uu Somaliland u furay albaab cusub oo caalami ah, ka dib 35 sanno oo go'doon ah, haddana waxa uu dhaliyay dareen iyo falcelinno kala duwan oo ka yimid dawladda Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo qaar ka mid ah waddamada deriska ah oo ka cabsi qaba isbeddello aanay qayb ka ahayn ama u socda dhan aanay dan u arkayn. Hase ahaato e, waxa muuqata in gobolku ku kala qaybsan yahay dhacdooyinkan. Labada dal ee ugu muhiimsan gobolka Bariga Afrika, waa Kiiniya iyo Itoobiya e, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday in ay ka jawaabaan dalabaadka Soomaaliya ee ku aaddan cambaareynta tallaabada Israa'iil iyo midda ay Somaliland hore ugu qaadday dhanka maxfallada dunida. Awoodo ka baxsan gobolka oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Masar ayaa ay, sidoo kale, isbeddelladani ku soo riixeen in ay si xoog leh ugu lug yeeshaan aaggan, gaar ahaan Soomaaliya, si gaar ahna ay isugu muuqdaan dalalka Israa'iil, Itoobiya iyo Imaaraatka, arrintaas oo jidka u furaysa loollan juquraafi siyaasadeed oo ay Somaliland u tahay xuddunta daneynta. 

Dabbaaldegyadii Maanta: Kumanaan dadweyne ah iyo ciidamada qalabka sida ayaa saaka isugu soo baxay fagaarayaasha waaweyn ee caasimadda Hargeysa, iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, iyaga oo soo bandhigay dhoollatus milatari, ciyaaro dhaqameed, iyo astaamaha Somaliland. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa khudbaddiisii xuska diiradda ku saaray midnimada shacabka, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta dimuqraadiyadda, waxana uu farriimo dejin ah u diray Soomaaliya, isaga oo xusay in Somaliland aanay waxtar mooyi waxyeello u yeelan doonin Soomaalida kale, arrintan oo u muuqatay in uu ku dejinayo walaaca Soomaaliya ka qabto aqoonsiga Somaliland oo sii kordha. 

Caqabadaha Gudaha: dhanka kale, waxa uu sannadkani ku soo beegmayaa xilli aanay Somaliland ka madhnayn caqabado ka haysta gudaha oo u baahan maareyn. Arrimaha gobolka Sool oo ay xaruntiisii Laascaanood ka maqan tahay gacanta Somaliland ayaa wali qayb ka ah caqabadaha haysta Somaliland. Deegaanno ka tirsan gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa hore loogaga dhawaaqay maamul loo bixiyay Waqooyi Bari oo ay gadaal ka riixayaan Dawladda Soomaaliya iyo dalalka taageersani. Gobolkan ayaa ay labo sannadood ka hor ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay xoogag deegaanka ah oo ay gacansiinayaan kooxo ka soo gurmaday meelo ka baxsan gobolkaas iyo ciidamada Somaliland, taas oo keentay in ay Somaliland, ugu dambeyn, ka baxdo degmada Laascaanood ee agagaarkeeda, in kaste oo ay xabbaddii joogsatayna welina waxa aan xal laga gaadhin nabad waarta, maxaabiistii la kala qabsaday iyo hannaanka siyaasadda. 

Dhanka kale, waxa dhawaan jiray isku-dhacyo beeleed oo saameeyay deegaannada galbeedka Somaliland qaybo ka mid ah, kuwaas oo laga gaadhay xabbadjoojin ay xukuumaddu hormuud u ahayd, ha se ahaato e weli u baahan xal kama-dambeys ah. 

Saameynta Dhaqaale: Somaliland oo ah dal muddo dheer ku jiray go'doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa ay sannadkan xusaysaa 18ka Meey iyada oo ay jiraan culeysyo dhaqaale oo ka dhashay colaadda Bariga Dhexe iyo xidhitaanka Marinka Hurmus oo muhiim u ah qulqulka badeecadaha iyo shidaalka ee Somaliland. Culeysyadaa dhaqaale waxa ay uga sii darayaan maciishadda bulshada iyo shaqo la'aanta horeba u faafsanayd.

Si kasteba ha ahaato e, waxa uu shacabka Somaliland si weyn ugu dabbaaldegayaan xuskan iyaga oo qaba ididiilooyin dib u cusboonaaday oo ku saabsan in qaddiyaddooda 35ka sano jirsatay ay tahay mid suuragal ah oo ay irrido hor lehi u furmayaan waxana ay xukuumaddu, dhankeeda, muujinaysaa in ay rejooyin cusub abuuri karto ka dib 35 sannadood oo aanay dunidu dhegeysan doodda Somaliland.