Saturday 6 December 2025
Magaalada Niyuu Yook, oo lagu naanayso magaalada aan hurdada aqoon, waxay muddo dheer ahayd meel ay siyaasaddeeda gacanta ku hayaan kooxo awood iyo hanti isku darsaday. Koox go’aamin jirtay cidda xilka ku guulaysan karta iyo sida loo maamulo mustaqbalka iyo dhaqaalaha magaalada. Nidaamkaas siyaasadeed ee adag ee ay qoladani dejisay oo lagu naaneyso “siyaasadda rigliga – establishment politics,” wuxuu sannado badan ahaa mid aan la loodin karin. Ha se ahaato e, 4-tii Noofember, waxa ay dadka reer Niyuu Yook u muuqdeen kuwo go’aansaday in ay jabinayaan xeerkaas aan la qorin. Doorashadii maalintaas ma ahayn doorasho kali ah; waxay ahayd qaylo-dhaan siyaasadeed oo ka dhan ah nidaamkaa hore, cod muujinaya daal bulsho iyo rabitaan isbeddel. Dadku waxay codkooda siiyeen nin aan caan ahayn, aan hanti lahayn, ka iman dabaqadda sare, balse matalaya jiil cusub oo leh himilo iyo aragti ku saleysan sinnaan. Zohran Kwame Mamdaani, nin dhalinyaro ah, Muslim ah, asal ahaanna ka soo jeeda qoys qaxoonti ahaan ku yimid Mareykanka, ayaa noqday astaanta guushaas.
Mamdaani ma ahayn siyaasi ka yimid ama ay soo xusheen nidaamka dhaqanka noqday ee soo jireenka ahaa, mana uu lahayn magac qoys oo siyaasada magac iyo saameyn ku leh. Wuxuu ka yimid dabaqadda xoogsatada ee aan codkoodu muuqan in badan, balse wuxuu la yimid faham bulsho oo qoto dheer iyo rajo cusub oo ku dhisan sinnaanta iyo cadaaladda. Guushiisu waxay astaan u noqotay in dadka reer Niyuu Yook ay ka daaleen siyaasadda dabaqadda sare, una hamuun qabeen hoggaan ka tarjumaya baahiyahooda dhabta ah, mid aan ku dhisnayn isir, diin ama dhaqaale, balse ku saleysan karti, daacadnimo iyo adeeg bulsho.
Niyuu Yook, oo ah xarunta dhaqaalaha adduunka, hoyga Wall Street, xarunta Qaramada Midoobay, iyo halka laga hago ganacsiga caalamka, waxay leedahay miisaaniyad sanadeed ay ku shaqeeyaan golaheeda deegaanku oo gaadhaysa 115 bilyan oo doolar taas oo ka badan miisaaniyadda dalal badan oo dunida ka mid ah. Magaaladaas oo ah mid ka mid ah meelaha ugu saamaynta badan siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka, waxaa ku nool dad ka badan 8.5 milyan, kuwaas oo ka kala yimid daafaha dunida, mid kasta oo leh asal diimeed, dhaqan iyo af u gaar ah. Markan, Niyuu Yook waxay dooratay hoggaan si buuxda uga duwan madaxdii hore, qof aan kasoo jeedin silsiladda siyaasadeed ee dhaqanka soo jireenka ahaa, balse matalaya codka bulshada xoogsatda ah ee aan in badan codkooda la maqlin.
Doorashadani waxay noqotay calaamad cusub oo muujinaysa in mowjadaha siyaasadeed ee Maraykanka ay isbedelayaan, iyo in bulshadu muujisay dareen ah sida ay uga soo horjeeddo siyaasadda midigta fog ee waayadan dambe xoogga ku yeelatay masraxa siyaasadeed ee dalkaas.
Mamdaani waxa uu ka dhashay qoys aqooneed oo hal-abuur iyo fikir dheer lagu yaqaan. Aabbihii, Mahmood Mamdaani, waa aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacadda Columbia, isla markaana qoraallo waaweyn ka sameeyey xidhiidhka dawladnimada, gumaysiga iyo aqoonsiga bulshada ee Afrika. Hooyadii, Mira Nair, waa filim-sameeye caalami ah oo ku guuleysatay abaalmarinta Oscar ee Hollywood. Mamdaani carruurnimadiisii wuxuu ku soo qaatay magaalada Niyuu Yook, halkaas oo uu barashada siyaasadda iyo dhaqaalaha ku qaatay Bowdoin College, ka dibna muddo dheer la shaqeynayey ururrada bulshada ee xaafadaha danyarta ah sida Bronx iyo Queens.
Zohran Mamdaani wuxuu aaminsan yahay aragtida Hantiwadaaga Dimuqraadiga – Democratic Socialism taas oo ku salaysan in dawladdu door weyn ku yeelato ilaalinta caddaaladda bulshada, dhimista farqiga u dhexeeya dadka saboolka ah iyo kuwa maalqabeenka ah, iyo in adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo guryaha laga dhigo kuwo qof walba heli karo. Fikraddan, oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dhalinyarada jiilka cusub ee Generation Z intii uu waday ololihiisa Mamdaani, waxa si toos ah uga soo horjeestay nidaamka hantigoosiga adag ee Maraykanka oo awoodda siyaasadda iyo dhaqaalaha u gacan geliyey kooxo yar oo maalqabeen ah.
Markii uu ku biiray tartankii hordhac ahaaa – primary election, waxaa loo arkayay nin aan fursad badan lahayn. Wuxuu la tartamay siyaasiyiin caan ah, oo uu ka mid ahaa Andrew Cuomo, siyaasi ruugcadaaya oo muddo 40 sano ah xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Niyuu Yook oo ay taageersanaayeen maalqabeenada iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga oo doonayay in uu sii ahaado “xulashada establishment-ka.” Sidoo kale, xisbigiisa Dimuqraadiga si rasmi ah uma taageerin Mamdaani, sababta oo ah wuxuu u arkayay mid khatar ku ah nidaamka dhaqaale ee xisbigu aaminsan yahay.
Mamdaani iyo Cuomo waxay metelayeen laba garab oo aad u kala fog oo ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga, xilli uu sumcaddii xisbigani hoos u dhac ku yimid, guud ahaan dalka. Mamdaani iyo Cuomo waxay ahaayeen laba qof oo mid, waa Cuomo e, sumcaddiisu hoos u sii dhacaysay, laguna eedeeyay falal faraxumeyn dumar ah, taas oo ka dhigtay siyaasi aan lahayn wax dhiirrigelin ama rejeyn ku wajahan mustaqbalka; halka Mamdaani uu u muuqday mid wata rejadii, himiladii, iyo dhiirrigelintii siyaasadeed ee jiilka cusub. Doorasho ay dadku si aan hore loo arag uga qayb-galeen, waxa ay reer Niyuu Yook taageero weyn u muujiyeen qofka ay aaminsan yihiin in uu mudan yahay in uu Xisbiga Dimuqraadiga musharax u noqdo. Si kastaba ha ahaatee, ololihiisu wuxuu ahaa mid si xeeladaysan loo diyaariyey. Wuxuu bartilmaameedsaday bulshada danyarta ah, ardayda, iyo dadka shaqaalaha ah ee ay noloshu ku adag tahay. Hal-ku-dheggiisu wuxuu ahaa: “Dawladdu waa in ay u adeegtaa dadka shaqeeya e, ma aha in ay u adeegto kuwa saameynta siyaasadda raadinaya.”
Istaraatiijiyaddiisu waxay ku dhisnayd in uu si toos ah u maqlo codka shacabka. Wuxuu si cad u muujiyay in siyaasadda Niyuu Yook muddo dheer lagu jaangoynayay danaha maalqabeenka, halka dadka dabaqadda xoogsatada ahi aysan helin cid matasha. Fariintiisa ololaha wuxuu si firfircoon ugu gudbiyay baraha bulshada sida TikTok, Instagram, Facebook, iyo X (Twitter), taas oo dhallinyarada ka dhigtay laf-dhabarta ololihiisa.
Ololaha Doorashadiisu waxay ku salaysnayd arrimo bulsho oo taabanaya nolosha dadweynaha: kirada guryaha oo cirka isku shareertay, shaqo la’aanta dhalinyarada oo sii kordhaysa, iyo nolosha oo si joogto ah u sii adkaanaysay. Wuxuu ku ololeynayay in gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan basaska, laga dhigo lacag la’aan, in carruurta ka yar 5 sano ay helaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah, iyo in la abuuro shaqooyin dawladeed oo gaar ah oo dhallinyarada loogu talagalay.
Markii uu ololaha bilaabay, taageeradiisu waxay ahayd kaliya 1%, halka Cuomo uu lahaa taageero ka badan 70%. Laakiin, Mamdaani wuxuu diiday in uu noqdo ama taageero wayddiisto maalqabaneeda saameynta ku leh siyaasadda. Halkii uu, sidii dhaqanka ahayd, ku tiirsanaan lahaa ama adeegsan lahaa ololihisii xayeysiis iyo warbaahinta, wuxuu dhisay olole uu ugu magac daray “From the People, For the People – dadka ka timid, dadkuna leeyihiin”, Wuxuu ololaha ka bilaabay xaafadaha saboolka ah, wuu la fadhiistay, dhegaystay dhibkooda, isla markaana fahmay sida ay u nool yihiin.
Markii uu si cad uga hadlay qorshihiisa ah in uu basaska ka dhigayo bilaash iyo in caafimaadka carruurtu uu noqdo adeeg dowladeed, dad badan ayaa u arkay siyaasi dhab ah oo doonaya isbeddel.
Markii la shaaciyey doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Dumquraadiga dhexdiisa, May 2025, waxaa la filayay in Cuomo uu si sahlan ku guuleysto. Laakiin, natiijadii lama filaanka ahayd waxay ahayd in Zohran Mamdaani ku guuleystay 56% , halka Cuomo uu helay 46%. Magaalada oo dhan ayaa gilgilatay, waxaana la yidhi: “Magaaladii ay kooxda la yidhaa ‘Establishment’ go’aamin jireen cida guuleysaneysa ayaa, markan, codkeedii siisay nin dhalinyaro ah oo aan haysan lacag balse helay kalsoonida dadka.”
Doorashadii guud ee November 2025, Mamdaani wuxuu markale ku guuleystay codadkii ugu badnaa, isagoo noqday duqii ugu da’da yaraa iyo kii Muslimka ahaa ee ugu horreeyay taariikhda magaalada Niyuu Yook.
Guushiisa ka dib, warbaahinta dunida ayaa isweydiisay: maxay tahay sirta ka dambeysa arrintani? Jawaabtu waxay noqotay mid fudud: daacadnimo iyo faham bulsho. Wuxuu dadka tusay in siyaasadda aan lagu guulaysan lacag iyo barnaamijyo borobogaando ah oo laga sii daayo telefashanada iyo idaacadaha, balse lagu guulaysto kalsooni iyo xidhiidh toos ah oo lala yeesho dadka. Mamdaani wuxuu muujiyay in siyaasadda casriga ahi ay ku dhisan tahay fahamka nolosha dadka waana in aad aragti keento, dareentana in aad adigu qayb ka tahay xalka. “Haddii aan garan waayo dadka dhibkooda,” ayuu yidhi, “ma garan karo magaalada aan maamulayo.” Hadalkii uu jeediyey markii lagu dhawaaqay guushiisa, wuxuu yidhi: “Waqtigii aan sugaynay siyaasiyiin na badbaadiya wuu dhamaaday. Waa waqtigii aan noqon lahayn kuwa is-badbaadiya”
Guushiisu waxa ay astaan u noqotay daal iyo niyad-jab bulshada Niyuu Yook ka haystay nidaamkii siyaasadeed ee ay ganacsatadu gacanta ku hayeen. Dadyowga magaalada, gaar ahaan dhalinyaradu, waxay bilaabeen inay diidaan awoodda dabaqadda u sarreysa ee siyaasadda iyo dhaqaalaha isku haysata. Waxa ay ka daaleen sida siyaasiyiintu ugu adeegaan bangiyada, shirkadaha tignoolajiyada iyo maalqabeennada, iyagoo dayacay nolosha dadka caadiga ah. Sidaas darteed, ololaha Mamdaani wuxuu noqday mid ka dhan ah nidaamkaas. Waxay ahayd hirdankii u dhexeeyay establishment-kii duqoobay iyo jiilka cusub ee ku xidhan baraha bulshada. Jiilkan cusub oo noqday kuwa ka haajiray in ay dhegeystaan ama warka ka qaataan warbaahintii soojireenka ahayd, codkooda iyo dooddoodana ku soo bandhiga baraha bulshada.
Haddaba marka aynu eegno siyaasadda Somaliland, casharku waa mid si toos ah ugu habboon xaaladdeenna. Dunida maantu waa mid isku xidhan; waxa ka dhacaya Niyuu Yook, Nayroobi ama Hargeysa, waxay leeyihiin hal tiir oo isku mid ah; “dadku waxay doonayaan hoggaamiye noloshooda fahma, iyaga dhegeysta, waxii hore wax ka duwan wada, noloshoodana wax ka beddelaya.” Reer Somaliland maaha kuwo ka duwan dadkaas. Inkaste oo lagu eedeeyo in ay qabyaalad ku codeeyaan, haddana doorashooyinkii u dambeeyay ee dalka ka dhacay waxay muujiyeen in bulshadu si tartiib ah ugu socoto dhanka isbeddelka, baadigoobayaanna cid la timaadda aragti ka duwan dhaqanka siyaasadeed ee duugoobay ee aan dantooda wax badan ka ogeyn. Waxa ay tabayaan oo, in badan, maqan hoggaamin ku dhisan aragti iyo dareen ay ka qabto baahiyaha dhabta ah ee bulshada iyo waayahooda maalmeed, kuna hawlgasha dareenkaas iyo aragtidaas.