Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Socdaalladii Kiristoofar Kolombas: Daahfur mise Duullaan?

15 March, 2025
Image
kolombas
Taalada Kolombus oo banaanbaxayaal soo rideen. (Photo by MERY GRANDOS HERRERA/AFP via Getty Images)
Share

Doofaarrada aan gudnayn,

Diinlaawaha gaalku dhalay,

Maxay dulin faafiyeen,

Maxay samo duudsiyeen,

Maxay godob daaqsadeen,

Maxay denbi xoogsadeen,

Maxay dabar soo xardheen,

Maxay dabin soo shaqleen,

Danbeed maran soo asleen,

Waxay dumiyeen aqoon,

Ilaa dura soo taxnayd…

—Maxamed Ibraahin W. (Hadraawi), Dabahuwan, 1995.

Badda xeelligeeda ayay ka arkayaan doonyo waaweyn oo ay guud saaran yihiin rag cadcadi, ma garanayaan oo si argagax leh ayay uga arag buuxsanayaan. Labo ka mid ah ciidanka qudhgoynta iyo qafaalashada u qaabilsan boqortooyada Mayan waxa ay u dhaqaaqayaan dhanka raggii cadcaddaa ee waageeniida ahaa. See Jaakwaar oo waxa maankiisa wehel u ah samatabixinta wiilkiisa yar iyo xaaskiisa Sefen oo god cadawga arxanka daran ay kaga gabbatay iyada oo uur leh. Muuqaalka u dambeeya ee Filinka Apocalypto (2006), waxa aynu arkaynnaa Jaakwaar, xaaskiisa iyo ilmihiisa oo si wadar ah buur guudkeed uga daalacanaya raggii tirada badnaa oo daafta soo caga dhigtay.                   

Mel Gibson oo ah jilaa, filin agaasime iyo soo saare ku isiran carriga Maraykanka, waxa uu ina la wadaagayaa sheeko dhacday ka hor  tegitaankii iyo duullankiii Kiristoofar Kolombas (1451-1506) ee Woqooyiga Ameerika. Kiristoofar Kolombas sida tariikhyahannada iyo aqoonyahanka laga xigto waxa uu ku dhashay magaalada Jeenowa ee waddanka Talyaaniga, wuxuuna ka dhashay qoys Kiristan ah. Sida uu tibaaxayo maqaalka Christopher Columbus ‑ Facts, Voyage & Discovery”, socdaallada uu ku tegay qaaradda Ameerika, waxay dhan yihiin tiraba afar safar. Kolombas  safarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku taariikhaysan yahay Ogos 3, 1492. Waxa uu diyaar garowgiisu ka bilawday dekedda Baalaw Istiila ee dhacda Koonfurta Isbayn. Waxa uuna halkaas ka shiraaqday doonyihiisii saddexda ahaa ee Niña, Pinta iyo Santa Mari. 12 Oktoobar, 1492, ayuu caga dhigtay Jasiiradihii Bahmas, gaar ahaan jasiiraddii Gunhaanii. Socdaalka Kolombas waxa uu ahaa mid had iyo gooraale salka ku haya is fidin, isa sarraysiin, addoonsi, boob, dhac iyo gumaadka tolkiisa reer Yurub kula socdeen ummadahaas.

Curiska “The First in the Indies: Columbus Establishes the Town of Isabella on Hispaniola”, sida uu tilmaamayo Kolombas waxa uu socdaalkiisii labaad ku gaalaabixiyay, Hisbanyoola isaga oo laylinaya ku dhowaad toddoba iyo toban doonyood iyo qiyaastii kun iyo laba boqol oo nin, oo ciidan iyo hawlwadeenno isugu jira. Wixii intaa ka dambeeyay waxa uu si is-daba jooga u gaadhayay jasiirado, magaalooyin cammiran iyo dhul dahabku ceegaago, wabiyo iyo buuro ay ka mid yihiin: Jumayka, Guwaadhaluub iyo Ferjin.

Safarkiisii saddexaad sida taariikhda laga xigto, waxa uu ahaa, bishii Maarso 1498, waxana uu gaadhay Seelukaar de Barameeda, Kaaro iyo xeebo ka mid ah Koonfurta Ameerika. Socdaal kasta waxa uu lahaa qiso murugo leh, dulmi iyo duullaan naf iyo guuyo ah.

Socdaalkiisii ugu dambeeyay waxa uu ku gaadhay Sentarka Ameerika. Kiristoofar markii uu tegay qaaradda Ameerika, sida uu ku xusay buugga xasuusqorkiisa ah, dadkii uu u qaatay Hindida gudguduudani way marti sooreen oo way soo dhoweeyeen, gobannimadii dadkii uu la kulmay iyo arwaaxdii dahabiga ahayd ee ku jirtay, ayaa sababtay in aanu wax iska caabbin ah kala kulmin, sida uu ku sheegay warbixintii uu boqaraddiisa la wadaagay. Waxa uu ku yidhi: “Siday ila tahay kuwan si ka sahlan sidii aan horay ugu haystay baa loo qabsan karaa, waxay ila tahay in ay diinta Kiristanka qaadanayaan, boqorkayga iyo boqoraddaydana ay jeclaan doonaan.” Dhallanrogga dhaqanka, afka iyo diintu, waa mid ay ka sinnaayeen dhammaan reer Yurubkii isku fidiyay dhulalkii iyo arligii aanay abbooggag ku ahayn, waana farsamo iyo xeelad uu gumaystuhu u adeegsan jiray la gumaystaha, sida uu xusay Farantis Faanoon oo ahaa aqoonyahan dhimir. Reer Yurubku markii ay Afrika yimaaddeen waxay fanteeyeen diimihii asalka ahaa ee dadka dhaladka ahi haysteen. Dr. Xuseen Bulxan sida uu ku tibaaxayo buuggiisa “In-Between Three Civilizations”,isaga oo xiganaya hadalkii aqoonyahankii iyo aabbihii cilmiga diimaha ee Afrika Joon Samuwel Mbiiti waxa uu yidhi, “Markii ay reer Yurub Afrika yimaaddeen waxay gebi ahaanba cawaan ku tilmaameen diimihii abboogaagga ahaa ee dadka Afrikaanka ahi aaminsanaayeen, halka kuwoodii ay ku tilmaameen kuwo lagu badbaadayo”. Ummadihii la gumaystay lama dhicin oo keli ah khayraadkii daabiiciga ahaa, aasaartoodii iyo dhulkoodii. Waxa se la asal guuriyay aaminaadahoodiiAqoonyahankii iyo taariikhyahankii Afro-Ameerikaanka ahaa ee Dr. Yuusuf Bin Joonaan (1918 – 2015) ayaa waxa uu leeyahay odhaah caan ah oo tidhaahda, “Diintu waa ilaahaynta dhaqanka dadka, sidaa darteedna diintu waxay xoojisaa dadka ay dhaqankooda matasho”. 

Qoraagii Isbaanishka ahaa ee Bartoolami de Laaskaasas (1484 – 1566) waxa uu buug yarihiisa A Short Account of the Destruction of the Indies”, ku tilmaamayaa bahalnimada dadyawgii Isbaanishka iyo guud ahaan dadkii reer Yurub ee duullaanka ku qaaday Ameerika , iyo sida oo kale dadnimadii, gobannimaddii iyo samihii dadkii dhaladka ahaa. Waxa uu si qoto dheer uga faalloonayaa martisoorkii iyo deeqsinnimadii dadkii dhaladka ahaa ee halkaas degganaa iyo in ay ahaayeen dad nabad jeclaa oo dulmiga ka caagganaa. Halka uu Isbanishka ku eedayey gefafkii bahalnimada ahaa, daldalaaddii, dadnimotirkii iyo sumcaddilkii ay u gaysteen diinta Kiristanka. De Laaskaasas wuxuu si faahfaahsan uga sheekaynayaa qisadii xanuunka badnayd ee dhex martay Isbaanishkii dad cunka ahaa iyo ugaaskii Haatni (Hathney) ee Kuubbadii uu ka arrimin jiray loogu tegay, ka dibna lagu daldalay hilaaddii 1511. Ugaas Haatni, inta aan la daldalin waxa loo keenay wadaad Kiristan ah oo ka badbaadiya naarta (waa sida ay rumaysnaayeen e), raggannimadii iyo damiirkii ugaasku waa diiday in uu qaato diinta dahab caabudka ah ee arxanka daran.

Sida oo kale, waxaa iyadana duullaan lagu qaaday afkii bulshada. Kolombas waxa uu markiiba ku kacay fal ah in uu dooriyo oo tirtiro sooyaalkii iyo jiritaankii dadkii dhaladka ahaa. Kolombas waxa uu ku baraarugsanaa haddii uu afka tirtiro, in uu tirtiray jiritaankii, taariikhdii, ilbaxnimadii iyo dhaqankii bulshadaas. Waxa uu sidoo kale ku baraarugsanaa in cidda afka maamuusha ay caqliga iyo adduun-aragga bulshada maamusho. Qoraaga iyo noofalistaha reer Kiiniya ee Guugi wa Tiyaango  waxa uu ku tibaaxay buuggiisa "Decolonising the Mind", in luuqad waliba ay leedahay labo dabci oo kala ah: in lagu wada xidhiidho iyo in ay kaydiso oo xanbaarto dhaqan bulsheed. Dhaqankuna sidiisaba waa hannaan lagu gudbiyo laguna garto sawrac ummadeed. Sida oo kale, afku waa awood waana agab qaada aydhiyoolajiyadaha bulsheed. Waana tii uu abwaan Salaan Carrabay si suugaamaysan u tilmaamay awoodda afka, ee yidhi,Afku wuxuu la xoog yahay /magliga xawda kaa jara.” Kolombas markii uu soo caga dhigtay jasiiradihii iyo dhulkii ugu horreeyay Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan jasiiradihii Bahaamas, waxa uu mid kasta beddelay magacyadii xerudhalanka ahaa ee ay dadka dhaladka ahi ula baxeen si ay jiraalkooda, lahaanshiyahooda iyo sooyaalkoodaba u xejistaan.

Sida ku cad warbixintii uu boqoraddiisa u diray, waxa uu ku yidhi, “Jasiiraddii koowaad ee aan helay waxaan u bixiyey ‘San Salvador’ aniga oo ku warinaya magaca boqorka weyn ee waxaas oo dhan sida la yaabka leh iigu deeqay. Hindidu waxay iyagu ugu yeedhaan ‘Guanahani.’ Midda labaad waxaan ku magacaabay  jasiiradda ‘Santa Maria de Concepcion.’ Ta saddexaadna ‘Fernandina.’ Tan afraadna ‘Isabella.’ Tan shanaadna ‘Juana.’ Sidaas baan anigu mid kasta magac cusub u siiyay.” (Fiiri buugga, Gumeystow lagula dood). Kolombas waxa uu ku dhiirraday in uu magac geddiyo dhul uu ku cusub yahay oo aanu hore u arag, sida oo kale waxa uu sawir xun ka bixiyey dadkii qaaraddaas degganaa. Waxa uu boqoraddiisa ku qanciyay in dadka uu u tegay ay yihiin dad cawaan ah oo caws hoosta ku xidhan, dumarkooduna ay naasa qaaqaawan yihiin. Waa mid qof kasta maankiisa ku soo dhacda kolka laga warramayo dadkii dhaladka ahaa ee uu Kolombas mooday Hindida cascas. Sheeko xariireedda Kolombas uu xilligaas ku qalin shubanayey boqoraddiisa waxa ilaa iminka isla sidii u tebiya, qoraayo iyo filin agaasimayaal uu ka mid yahay Gibson.        

Dadyawga dhaladka ah ee uu Gibson ku sheegay cawaan doofaarka qaydhiin cunta, buulasha yar yar dhexdoodana isugu galmoota, dumarkooduna naasa qaaqaawan yihiin, diimaha cawaantana haystay, waxaa ilbixiyey oo ka samatabixiyey noloshaas raggii caddaanka ahaa ee dhulkaas qabsaday. Filinnada uu ka mid yahay The Last of the Mohicans”, oo laga jilay sheekada noobasha hanatay ee uu qoray qoraagii Ameerikaanka ahaa ee Jeemis Fenimoore Kuubar waxa gebi ahaanba  burinaysa sheekada De Las Casas  ee “A Short Account of the Destruction of the Indies”, iyo buugga “They Came Before Columbus”, ee uu qoray taariikhyahankii iyo antraboljistihii Afro-Ameerikaanka ahaa ee Ivan Van Sertima .

Hernaan Koortes markii ugu horreysay ee uu u safro Miksiko waxay ahayd Febraayo, 1519. Wuxuu xilligaas hoggaanka u hayey duullaankii Miksiko iyo qabsashadeedii. Koortes markii uu dhulkaas tegay wuxuu indhaha ka qaaday arlo aan ahayn tii looga sheekayn jiray, ee cawaantu degganayd. Wuxuu ku arkay, ahraam iyo daaro waaweyn, beeraha xayawaanka (zoo), biyo mareenno qaab farshaxannimo leh u dhisan, jidad orodka loo asteeyay iyo beero dalaggu ka soo go’o.  Koortes waxay ku noqotay xaalad afkalaqaad ah, waxa uuna yidhi, hadal la yaab ah oo odhanaya: “Waxan noloshay Yurub kumaan arag.” U fiirso meeshaas waxaa xilligaas ku noolaa dadkii dhaladka ahaa ee laga tebiyay sheekooyinka ku sifaysan; cawaanta iyo bahalnimada.

Sida Ivan Van Sertima kaga warramay barnaamijka “The people”, oo ahaa mid bixi jiray Siddeetamaadkii.  Waxa uu Ivan ku doodayaa in xidhiidh durugsan oo is dhexgal iyo gacansi isugu jira uu ka dhexeeyay dadkii Afrikaanka ahaa iyo sida oo kale dadyawgii kale ee Maraykanka degganaa. Adhaxda fikradeed ee dhiganihiisa They Came Before Columbus” waa in ka hor Kolombas iyo reer Yurubkaba uu xidhiidh ka dhexeeyay dadyawgii qaaraddaas abboogagga ku ahaa iyo boqortooyooyinkii Afrikaanka ahaa. Ivan waxa uu u cuskanayaa in madaxyada Olmec oo si farshaxamaysan u xardhan laga helay badhtamaha Megsiko iyo caddaymo kale oo ku qotoma xaqiiqooyin. Erayga daahfur waa laga masaxay dokumintiyadii akaadamiga, ka dib khudbad uu Konkarayska ka jeediyey Ivan Van Sertima. Waxaa biya-kama-dhibcaan ah duullaanka cad ee dadnimatirka ah ee lagu qaaday qaaraddaas iyo dadkeedii, in aanay sinnaba daahfur u ahayn.  Sannadkii 1507 ayaa uu Maartin Wedsimular xardhay maab iyo khariirad sidata magaca ‘Americas waa dhulkii lagu duulay oo sita magac cusub. Wedsimular waxa uu ugu magac daray Amerigo ‘Vespucci ‘oo ahaa badmaax Talyaani ah. Vespucc waxa uu tegay dhulkii Kolombas ku tilmaamay Hindiya, waxaana uu naqdiyey xogta khaldan iyo habawgii aqooneed ee haleelay, kolkii la gaadhay dhulkaas, waxaana uu tibaaxay in aanay Hindiya ahayn, ay se tahay dhul cusub. Inta badan waxa uu sheegane ku noqday dhaliisha xogihii iyo qoraalladii Kolombas. Waana doodda ugu weyn ee uu cuskaday Wedsimular markii uu dhulkaas ugu magac darayay.      

Dhammaan warbixinnadaas iyo qoraalladaas sore, waxay tilmaamayaan in Kolombas socdaalkiisu aanu ahayn daahfur, se uu ahaa duullaan cad oo lagu asal guuriyay bulsho dhan xaddaaraddoodii. Geesta kale waxay muujinayaan in bulshadaasi ay dhaqanayd oo aanay ahayn cawaan, se ay yihiin ummad qiyam sare ku abtirsada. Sidaa awgeed waa barkumataal xogaha marinhabaabinta ah ee ku salaysan in Kolombas dhul cusub daahfuray. Waana xaqiiqo tilmaamaysa waxa la yidhaahdo, “Eurocentric”, oo ah in aqoontu Yurub ubuc u tahay oo ay allifeen, ummadaha kalena ay daalacdeen. Waa jaad ka mid ah gumaysiga cusub ee tacliinta la geliyay, waana shaqo u baahan gumaysi ka bi’in (decolonization), sal iyo baar ah.

Ugu dambayntii, aqoonyahanno iyo sooyaalyahanno reer Yurub ah ayaa qaatay tariikho gacan-ku-rimis ah oo xanbaarsan boogayn ku astaysan wixii loogu yeedhay, “Daahfurkii Kolombas”, taas oo lagu sumcad dilay bulshooyinkii ku noolaa qaaradda Ameerika. Waxa jira khuburo isir baadhayaal ah iyo tariikhyahanno kale oo beeniyay qaabka loo tebiyay tariikhada Ameerika ee ku salaysan socdaalladii Kolombas.