Saturday 6 December 2025
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, oo ka dhoofayay Madaarka Cigaal ayaa la kulmay carqalado kaga yimid ciidamada amniga oo isku dayay in ay joojiyaan qaar ka mid ah dadkii la socday, taas oo keentay in ay ciidamadu kor u ridaan rasaas. Arrintan ayaa, markii dambe, keentay in Madaxweyne hore, Biixi, uu lug ku galo madaarka, isaga oo sidaas ku maareeyay xiisaddii ka dhalatay gelitaankiisa.
Xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo xubno ka mid ah bulshada ayaa dhacdadan si adag u cambaareeyay, iyaga oo Xukuumadda ku eedeeyay in ay beegsatay Madaxweynihii hore, waxana ay ka dalbadeen in ay sharraxaad ka bixiso tallaabadan oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin.
Dhanka kale, ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay baadhitaan ku sameynayaan dhacdada, iyada oo uu afhayeen u hadlay sheegay in arrintan loo xidhay labo askari oo ku eedeysan in ay rideen rasaas goortaas uu Madaxweynihii hore ku sugnaa irridda hore ee madaarka Cigaal. Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay maamuus u hayaan Madaxweyneyaashii hore oo uu ka mid yahay Muuse Biixi.
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa isaguna dhankiisa ku tilmaamay dhacdadan mid nasiibdarro ah, isaga oo sheegay in Madaxweyneha hore aanu socdaalkiisa hore u soo ogeysiin maamulka madaarka, si loogu diyaariyo hab maamuuska ku habboon, arrintaasina ay keentay ismaandhaafka dhex maray isaga iyo dadkii la socday.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli uu oogan yahay khilaaf siyaasi ah oo ka dhex jira xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo ay isku maandhaafsan yihiin hoggaanka hadda ee Xisbiga oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin, iyo garab uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Muuse Biixi. Muranka ayaa daaran shirweyneha Xisbiga oo lagu go'aaminayo hoggaanka Xisbiga oo ah ubucda khilaafka.
Dhawaan ayaa ay Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyadu ku gacansaydhay go'aan uu Mudane Maxamed Kaahin dib ugu dhigay shirweynihii Xisbiga, waxana ay ku sheegtay sharcidarro. Go'aankaas Guddida ayaa uu degdeg u soo dhaweeyey Madaxweyne hore, Muuse Biixi, isaga oo ku sheegay mid sharciyadda ku soo celinaya hoggaanka Xisbiga oo uu ku tilmaamay mid ay dhalinyaro majaraha ka du'day.
Guddoomiyeha Kulmiye ee hadda iyo Kuxigeenkiisa ayaa, iyaguna, si adag u dhaliilay mawqifka Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyehoodii hore, Muuse Biixi, oo ay ku tilmaameen in uu abuurayo khilaaf aan jirin isla markaana uu kala qaybinayo xisbiga.
Loollanka Kulmiye, iyo ku sii jiritaanka siyaasadda ee Madaxweynihii hore ayaa u muuqda mid sii jiitaminaya xiisadihii siyaasadeed ee ay Somaliland ku soo jirtay sannadihii la soo dhaafay ee hoggaaminta Muuse Biixi Cabdi.