Saturday 14 March 2026
Waa dhif in aad akhrido ama dhegeysato falanqeyn ku saabsan siyaasadda adduunka ee Maraykanka oo aanad maqal erayga loobbi. Waa sax oo Maraykanka waxa lagu tilmaamaa waddan ay dimuqraadiyaddiisa, iyo xukunkiisa ay saameyn xooggan ku leedahay ‘lacagtu’ waxana ay inta badan martaa istiraatiijiyadda ‘loobbiga’ heer ay gaadhay in falanqeeyeyaasha qaarkood ay nidaamka Maraykanka ku tilmaamaan ‘dimuqraaddiyadda loobbiga’. Sidaa awgeed, loobbigu waa hannaan ay kooxo gudeed iyo dalal shisheeyeba isugu dayaan in ay galaangal iyo saameyn ku yeeshaan Maraynkanka, waana sababta ay Soomaaliya, sannadkii u dambeeyay, ugu bixisay lacag gaadhaysa boqollaan kun oo doollar si ay isu hortaagto codka isa sii taraya ee aqoonsiga Somaliland oo lafteedu adduun lacag ah ku bixisay in codkeeda iyo magaceedaba laga maqlo Waashintoon. Haddaba, waa maxay loobbigu? Halkee ayaa uu ka yimid? Sidee ayaa uu se u shaqeeyaa? Wayddiimahaas ibofurka ah ayaa aan qoraalkan kooban ku eegi doonnaa si aan wax uga fahanno sida ay u shaqeyso siyaasadda Maraykanku.
Loobbigu, eray ahaan, waa barxadda hore ee laga galo xarumaha ay ka mid yihiin hoteellada, xarumaha maamul iyo xafiisyada ee inta badan loogu talagalay ‘sugitaanka’ – loobbiga hoteelku waa barxadda gudaha ee la fadhiisto ee u dhaw qaabbilaadda oo ay ka dhacaan kulamada aan rasmiga ahayn, isla markaana ah marinka ay ku kulmi karaan dadka baxaya iyo kuwa soo galayaa. Haddaba, waxa aad sawirataa qof ay shaqadiisu tahay in uu loobbigaas fadhiisto, isaga oo ugaadhsanaya dadka saameynta leh si uu u barto, ula sheekeysto, isla markaana ka dhaadhiciyo aragti iyo mashruuc uu doonayo in uu hirgalo, isaga oo adeegsanaya qancin iyo in uu dan tuso. Sidaasi waa iyada oo fudud. Ha se ahaato e, imika waa suuq dhan oo ay ka shaqeeyaan shirkado aad u mug weyn oo ka ganacsada ‘xidhiidhka’ dadweyne, kuwaas oo malaayiin doollar ku qaata iibgeynta siyaasado gaar ah, mashaariic iyo muuqaal-hagaajin loo sameeyo kooxo, shirkado iyo dawlado.
Hannaanka loobbigu siyaabo kale duwan ayaa uu ku soo abuurmay, waxana la tilmaami karaa in intii ay koox awood lehi jirtayba (dawlad), ay jirtay cid ama koox “wax ka soo dhammeysaa” oo ah ujeeddada dhaqanka loobbiga. Ingiriiska ayaa la tilmaamaa in qarnigii 16aad ay ka bilaabantay fekradda loobbiga oo nidaamsani. Xilligaas, dad ay bulshadu soo diratay ayaa loobbiga baarlamaaka ku sugi jiray xildhibaannada si ay uga la hadlaan danta bulshada ay ka socdaan. Ha se ahaato e, loobbiga dhabta ahi waxa uu ka bilowday Maraykanka oo ah dalka ay weli ugu xooggan tahay siyaasadda ku dhisan loobbigu. Kolkii uu Maraykanku dhismayay, aad ayaa ay mudnaan u lahayd tixgelinta dadweynuhu waana la dhiirrigalinayay in la dhegeysto, arrintaas oo suuragalisay in ay kooxo iyo shakhsiyaad isu abaabulaan in ay metalaan gudbinta danta iyo aragtida dadweyneha oo ay gaadhsiiyaan sharci-dejiyeyaasha iyo xukuumadda. Muddo dabadeed, waxa ay noqotay shaqo bullaashay oo ay saameyn ku leeyihiin shirkadaha iyo maalqabeennada waaweyn oo lacag ku bixiya suuqa loobbiga ee saameynta siyaasadda. Arrintani waxa ay bilowday loollan iyo dagaallo saameyneed oo u dhexeeya kooxaha loobbiga, goleyaasha xukuumadda iyo sharci-dejinta iyo dadweyneha, iyo tuhunno kala duwan oo dad badan oo Maraykan ahi ka qabaan cidda ay xukuumaddoodu u shaqeyso, saameynta loobbiga awgeed.
Marar badan ayaa ay Dawladda Maraykanku isku dayday in ay nidaamiso ama xakameyso loobbiga, waxa ay ka soo saartay xeerar nidaaminaya, iyada oo la oggol yahay in danta dadweyneha la metali karo loona ololeyn karo. Haddana, dhaqanka loobbigu weligii kama madhnaan tuhunnada musuqa iyo dillaalidda siyaasadda, waxana aad loo xusuustaa fadeexaddii loobbi ee dhacday sannadkii 2006, waqtigaas oo nin Jamhuuri ah oo caan ku ahaa siyaasadda loobbiga lagu helay in uu ku kacay khiyaano iyo musuq baahsan oo uu ka galay dadka asalka ku ah dhulka Maraykanka ee la yidhaahdo ‘Hindida’.
Jack Abramoff, oo caan ku ahaa loobbiga siyaasadda, waxa lagu helay in uu u loobbi gareynayay dadka Indiyaanka ah, isla markaana uu ka loobbi gareynayay, si uu ugu qaaliyeeyo lacagta ay bixinayaan; isaga ayaa u doodayay, haddana waxa uu sameeyay loobbi lid ku ah, iyada oo ay ku lug yeesheen xildhibaanno ku jiray Kongereeska, waxana ay ka qaateen malaayiin doollar, intii ay socotay hawshan oo soo bilaabantay sagaashanaadkii. Arrintani waxa ay keentay in wax laga beddelo Xeerkii Loobbiga (Lobbying Disclosure Act 1995) waxana la soo kordhiyay Xeerka Hoggaaminta Daacadda ah iyo Daahfurnaanta Xukuumaada (Honest Leadership and Open Government Act of 2007) kaas oo sii xakameynaya dhaqannada uu loobbigu ka mid ah.
Sidaas oo ay tahay, dhaqanka loobbigu waxa uu ka mid yahay agabyada ugu saameynta badan ee jiheeya siyaasadda Maraykanka, gudaha iyo dibeddaba. Dalal badan oo dunida ku yaalla ayaa si xad-dhaaf ah u maalgashada loobbiga Maraykanka, si ay u ilaashadaan masaalixdooda ama u saameeyeen go’aannada siyaasadeed ee uu Maraykanku ka qaadanayo. Sannadkii la soo dhaafay, 2024, waxa Maraykanka galay lacag lagu qiyaasay 4.5 bilyan oo doollar oo looga dan lahaa in lagu saameeyo siyaasadda Dawladda Federaalka ee Maraykanka. Dhanka dibadda, metalan, dalal ay ka mid yihiin Sucuudi Carabiya, Imaaraatka, Jabbaan, Shiinaha, Qadar iyo, xitaa, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo ayaa ka mid ah dalalka lacagta badan galiyay in ay saameeyaan go’aannada Maraykanka, iyaga oo u maraya suuqa loobbiga. Waxa, haddana, ku biirtay Soomaalida oo doonaysa in ay murqo dhaqaale oo taag daran isugu xoog-sheegato Waashintoon dhexdeeda.
Dhab ahaan, loobbigu waxa uu u shaqeeyaa siyaabo aad u murugsan oo aan ka madhnayn ‘shuqul dillaal’ oo aan mar kaste daacad ahayn. Ha se ahaato e, marar badan loobbi uu dal leeyahay ayaa laga yaabaa in uu ku saabsan yahay dal kale oo saddexaad. Metalan waxa laga yaabaa in loobbi Maraykanka uga shaqeynaya dal shisheeye uu riixayo in Maraykanku uu go’aan gaar ah ka qaato, ama aanu ka aqaadan, dal saddexaad oo ay dano kaga xidhan yihiin dalka maalgashanaya loobbiga. Waxa suuragal ah in arrinta Soomaaliya iyo Soomaalilaan ay ku lug leedahay loobbiyo dhaafsan kuwa ay iyagu xidhiidhka la leeyihiin. Danaha siyaasadeed waa xadhko guntimo badan oo murugsanaan leh.
Ugu dambeyn, illaa intee ayaa uu loobbigu saameeyaa siyaasadaha Maraykanka? Runtii, dawladda Maraykanku waa mishiin siyaasadeed oo aad u weyn; waxa mishiinkaas laga hagaa meelo badan iyo goleyaal kala duwan. Sharciyo badan oo wax dabraya, goleyaal is xakameeya, ha’ayado sirdoon oo awoodda xogta ku haga fekerka dawladeed, iyo loobbiyo iska soo horjeeda oo si firfircoon uga shaqeeya dano iska soo horjeeda. Sidaa awgeed, guusha loobbigu waxa ay ku xidhan tahay arrimo aad u badan oo dhinacyo kala duwan ka saameynaya fekerka siyaasadeed ee Maraykanka. Tusaale ahaan, dal lacag kooban ku bixiyay loobbiga ayaa ka saameyn badan kara dal si mug leh u maalgashaday waxana farqiga sameynaya inta jiho ee dano gaar ah ka leh dalkaas iyo halka uu kaga jiro masaalixda istiraatiijiga ah ee Dawladda Maraykanka. Qodobbo badan oo dalkan loobbiga maalgashanaya ku saabsan ayaa fududeyn kara ama adkeyn kara shaqada ay kooxda loobbigu u qabanayso.