Qayb ka mid ah sawirrada hadal-jeedinta: “Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Abbaareed (1991 - 2024).”
Muxaadaradda oo uu jeediyey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo khabiir ku ah maamulka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, waxa lagaga hadlay isbeddelladii siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland laga soo bilaabo maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxweyne Biixi , iyo sida maamulladii kala dambeeyey u waajaheen diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah.
Waxa aanu u mahadnaqaynaa dhammaan intii ka soo qaybgashay barnaamijka.