Skip to main content

Saturday 14 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Siyaasadaha Dhaqaale ee Liberaaliyadda Casriga ah

24 January, 2026
Image
Siyaasadaha Dhaqaale ee Liberaaliyadda Casriga ah
Share
Turjumaaddani waa qayb ka mid ah hordhaca uu Bare sare Robert W. McChesney ka bixiyey buugga Noam Chomasky ee “Dhiigmiirad: Liberaaliyadda Casriga ah iyo Nidaamka Caalamiga ah”, waxaanu ku iftiiminayaa dhabnimada Liberaaliyadda Casriga ah.

Liberaaliyadda Casrigu “neoliberalism” waa hannaanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee wakhtigeennan dunida jaangooya. Waxa lagu qeexaa siyaasado iyo waxqabadyo fursad u siiya shirkadaha dunida ugu tunka weyn inay kaalinta ugu muhiimsan ka ciyaaraan nolosha bulsho, si ay u helaan macaash ballaadhan. Hannaankani waa mid bilowgii xidhiidh la lahaa maamulladii Reagan [Maraykanka] iyo Thatcher [Ingiriiska], hase ahaatee, labaatankii sano ee u dambeeyey, Liberaaliyadda cusubi waxay noqotay waxa jaangooya siyaasadda iyo dhaqaalaha dunida, oo ay qaateen ururrada siyaasadda ee dhexdhexaadka ahi, kuwa bidixda soojireenkaa ah iyo kuwa midigta ahiba. Ururradaas iyo siyaasadahooduba waxay matalaan danaha maalgashadaayasha hodanka ah iyo shirkadaha ugu waaweyn dunida oo tiro ahaan aan kun gaadhin.

Marka laga reebo tiro kooban oo ah dadka akaadamiga ah iyo ganacsatada waaweyn, ereybixinta “Liberaaliyadda Cusub” maaha mid dadweynuhu aad u adeegsado, oo la yaqaano, gaar ahaan Maraykanka dhexdiisa. Ka sokow shaacsanaan la’aanta ereybixintan, hindisayaasha Liberaaliyadda Cusub waxa si fudud loogu qeexaa siyaasadaha suuqa xorta ah ee dhiirrigaliya dedaalka shakhsiga ah iyo doorashada uu leeyahay qofka wax iibsanayaa, sidoo kalena bogaadiya masuuliyadda shakhsiga ah iyo hal-abuurka ganacsi, kana soo horjeedda fadhiidnimada, wahsiga, bayrooqaraadiyadda, iyo xukuumadda shacabka ku nool ee aan wax wanaagsanba qaban karin, xitaa haddii ay niyadda wanaajisato. Dedaallo xayaysiis oo lagu ladhay olole guud oo shirkadaha waaweyni maalgaliyeen ayaa fekradahaas iyo ereybixinahaas ba siiyey kaalin lama taabtaan ah, sidaas darteed, waa dhif in sheegashooyinka Liberaaliyaddu u baahdaan cid difaacda, waxaanay maangalnimadeeda ugu jidbixisaa wax kasta, ha noqoto in ay ku dhuumato in ay dadka hodanka ah cashuurta hoos uga dhigto, in xeerarka deegaanka meesha laga saaro iyo xitaa in hannaanka waxbarasho ee guud iyo barnaamijyada taakulaynta bulshada la naafeeyo.

Sida dhabta ah, tallaabo kasta oo lagu farageliyo dhiigmiirashada shirkadaha waaweyni ku hayaan bulshadu waxa ay si toos ah u abuuraysaa tuhun ah in tallaabadaasi faragelinayso mabda’a suuqa xorta ah, oo ah mabda’ laga dhigay jidka keli ah ee maangalka ah, caddaaladda ah, sidoo kalena dimuqraaddiga ah, ee kala socoshada alaabaha iyo adeegyada [suuqa iskii is wada]. Kolka u doodayaasha Liberaaliyadda Casriga ahi ay heerka ugu sarreeya ee aftahamadooda adeegsanayaan, waxa ay u muuqdaan kuwo adeeg weyn u qabanaya saboolka iyo deegaanka, se cagsiga sidaas ay u muuqdaan, waxa ay jidaynayaan siyaasado hodanka kooban u adeega.

Saamaynaha xunxun ee siyaasadahan dhaqaale waa kuwo meel kasta ka jira, oo waafaqaya waxa qof kastaa ka filan karo: sii korodhka sinnaan la’aanta bulsho iyo dhaqaale, korodhka la arko ee bulshooyinka dunida ugu saboolsani gunta saboolmimada usii hoobanayaan iyo ka qatanaantooda saamigooda khayraad, deegaanka dhibaatooyinka waaweyni soo foodsaarayaan, dhaqaalaha caalamiga ah ee aan deggenayn, iyo macaashka aan wax hore oo loo dhigaa jirin ee hodanka kooban usii kordhaya. Dadka difaaca nidaamka Liberaaliyadda Casriga ahi kolka ay wajahaan xaqiiqooyinkan qayaxan, waxa ay ku doodaan in badhaadhe nololeed dambeeyo, oo uu si tartiib ah ku imanayo, bulshada badan ee silica ku jiraana dhex dabbaalan doonaan barwaaqada, waa haddiise hal shardi la ilaaliyo: in aan la faragelin siyaasadaha Liberaaliyadda Casriga ah; waa isla siyaasadaha masuulka ka ah sii libanlaabanka dhibaatooyinkan.

Ugu dambayn liberaaliyiinta cusubi ma keenaan, mana awoodaanba in ay keenaan e, wax difaac ah oo la taaban karo, oo u jidbixiya hannaankan ay rabaan inay dunida ku hagaan. Tan cagsigeeda, waxa ay keenaan – ama sida habboon, codsadaan – in aaminaad sidii diin ah loo aamino waajibnimada guusha suuq aan la faragashan. Waa aaminaad cuskanaysa aragtiyo qarnigii 19aad laga soo qaatay oo aan wax xidhiidh ah la lahayn dunida hadda jirta. Dadkan difaaca Liberaaliyadda Cusubi waxa ay haystaan dhufays kale, oo ah kan ugu dambeeya, waana in ay ku doodaan in aan la hayn wax lagu beddelo; bulshooyinkii Shuuciga iyo Hantiwadaagga Dimuqraaddiga ahaa, xitaa dalalkii xaddiga kooban ee barnaamijyada kaalmada bulshada bixin jiray, sida Maraykanku, dhammaan waa ay fashilmeen, sida liberaaliyiinta cusubi aaminsanyihiin. Sida ay ku doodaan, bulshooyinkaasi waxa ay qireen in Liberaaliyadda Cusubi tahay jidka keliya ee suurogalka ah; wuu noqon karaa jid gaabis ku jiro, se waa nidaamka dhaqaale ee xilligan suurogalka ah.

Bilawgii qarnigii 20aad, qaar ka mid ah dadkii dhaliilayey nidaamkii Faashistigu, waxa ay ku dhaliileen in nidaamkani yahay “Hantigoosad bilaa niqaab ah”, macnaha in Faashistuhu yahay hantigoosad badhaxtiran oo aan lahayn xuquuq iyo haayado dimuqraaddi ah, se waaqacu waxa uu ina baray in Faashistuhu sidaasna kasii xumaa. Hadda, Liberaaliyadda Cusub ayaa si dhab ah u ah “Hantigoosad bilaa niqaab ah”, oo metelaysa xilli ragga ganacsatada ahi heerkii ugu sarreeyey ee xadgudub ah wadaan, ugu colaad badanyihiin, welibana iskacaabbintii abid ugu taagta darrayd la kulmaan. Waa nidaam isagoo jawigan siyaasadeed ku jira isku dayaya in uu awoodihiisa siyaasadeed ku cabudhiyo dhinacyada suurogalka ah oo dhan, sidaas darteed, waa nidaam aad u adkaynaya in dabinnada ganacsatada laga gudbo, oo xitaa suurogal la’aan ka dhigaya in awoodaha dimuqraaddiga ah ee suuqa ku kacsan, awoodo ganacsina aan ahayni, ay sii jiri karaan.

Arrinkan dambe waxa aynnu si gaar ah uga dhex arki karnaa qaabka Liberaaliyadda Cusubi u cabudhiso awoodaha aan suuqa xidhiidhka la lahayn; sida ay u shaqaysaa ma aha keliya qaab nidaam dhaqaale ah, ee sidoo kalena waa nidaam siyaasadeed iyo dhaqan. Halkan waxa aynnu ka dheehan karnaa kaladuwanaanshaha ugu qayaxan ee u dhexeeya nidaamkan iyo nidaamkii Faashistaha, oo ahaa nidaam yasa dimuqraaddiyadda rasmiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada Hantiwadaagga ah ee sida weyn u abaabulan, sababtoo ah waxa uu ahaa nidaam ku dhisan cunsuriyad iyo qoomiyad.

Sidan cagsigeeda, waxqabadka Liberaaliyadda Cusubi waxa uu xaaladda ugu wanaagsan joogaa kolka uu helo dimuqraaddiyad rasmi ah oo doorasho ku dhisan, se dadweynaha iyo ururrada bulshada laga fogeeyey xogta iyo ka qaybqaadashada gaadhidda go’aannada macnaha leh [doorasho maqaarsaar ah]. Sida uu sheegayo hormuudkii Liberaaliyadda Cusub, Milton Friedman, buuggiisa “Hantigoosadka iyo Xorriyadda”: dhuuxa dimquraadiyaddu waa macaash samayn, xukuumad kasta oo qaadata siyaasado suuqa kasoo horjeedaana waa xukuumad dimuqraadiyadda kasoo horjeedda, iyadoo aan la eegin heerka taageero ee xukuumaddaasi haysato. Sidaas darteed, waxa habboon in shaqada xukuumadaha lagu koobo ilaalinta mulkiyadda gaarka ah, waajibinta iyo fulinta heshiisyada iyo in doodda siyaasadeed lagu koobo arrimaha kaalinta labaad nolosha kaga jira. (Arrimaha dhabta ah ee la xidhiidha waxsoosaarka iyo kalasocoshada khayraadka iyo hannaanka bulsho, waxa waajib ah in awoodaha suuqu jaangooyaan).

Liberaaliyiinta cusub, sida Friedman, oo fahankan dayrada ah ka sita dimuqraadiyaddu, wax dhib ah uma arkaan afgambigii millatari ee sannadkii 1973-kii lagu afgambiyey xukuumaddii Allende ee dalka Jili, oo si dimuqraaddi ah loo doortay, sababtoo ah, Allende waxa uu diiday in ganacsatadu gacanta ku hayaan bulshada Jili. Ka dib shan iyo toban sanno oo kelitalisnimo ah, oo weliba inta badan ahaa kelitalis arxandaran oo gacan kulul – dhammaan waxaasna lagu gaystay magaca suuqa xorta ah ee dimuqraaddiga ah – Jili waxa dib loogu soo celiyey dimuqraaddiyad maqaarsaar ah sannadkii 1989, iyadoo kolkan leh dastuur aan sinaba suurogal uga dhigayn in muwaaddiniinta Jili ka hoos baxaan xuurtada ganacsatada. Si kooban waa tan Liberaaliyadda Cusub: doodo iska macno la’aan ah oo ku saabsan qaddiyado aan saamayn lahayn, oo u dhexeeya xisbiyo hoosta iskala waafaqsan siyaasado taageersan ganacsatada, kolka laga yimaaddo kala aragti duwanaanta iska mala’awaalka ah iyo doodaha ololaha doorashada lagu galo. Dimuqraadiyadda waa la oggolyahay inta ay dooddeeda ka fogaynayso gacan ku haynta hodanka ama isbeddel, macnaha dimuqraadiyaddu inta aanay ahayn dimuqraaddiyad rasmi ah.

Qaabkan ayaa uu nidaamka Liberaaliyadda Cusub usoo saaraa natiijo dhib weyn wadata – muwaaddiniin aan siyaasad la socon oo danayn la’aan ku dhaqmaya: kol haddiiba dimuqraaddiyaddii doorashada lagu galay aanay saamaynayn wax badan oo noloshii bulshada ah, maangal marna ma aha in danayn badan la siiyo. Maraykanka laftiisa, oo ah halka lagu barbaariyo dimuqraadiyadda Liberaaliyadda Cusub, heerka ka qaybgalka dadka xaqa u leh in ay wax doortaan ee doorashooyinkii Koongarayska sannadkii 1998-kii, waxa uu gaadhay hoos-u-dhac aan hore loo arag, iyadoo saddex meelood meel dadkii wax dooran lahaa ka qaybgaleen.

Ka sokow walaaca qodobkani ku keeno axsaabtii soojireenka ahayd sida Xisbiga Dimuqraaddiga ee Maraykanka oo badanka soo jiita codadka dadka dabaqadda hoose, haddana hoos-u-dhaca ka qaybqaadashada codbixintu waa wax u wanaagsan oo dhiirrigelin u ah awoodaha kale, sababtoo ah sideedaba dadka u badan ee codbixinta aan ka qaybgelin waa saboolka iyo dadka dabaqadda shaqaalaha ah. Waxa lagu dedaalaa in la aaso siyaasadaha lagu rabo in kor loogu qaado danaynta codbixiyayaasha. Tusaale ahaan Maraykanka, labada xisbi ee ugu waaweyn, oo ay gacanta ku hayaan ganacsato, kaalmana ka hela shirkadaha waaweyn, waxa ay si cad u diideen wax ka beddelka xeerarka, si aanay u suurogalin samaysanka xisbiyo cusub oo siyaasado cusub wata (waa xisbiyo soo jiidan kara dad leh dano ka duwan danaha ganacsatada).

Kolka labadii xisbi ee u waaweynaa ay diidmadan qayaxan ay kaga soo horjeedaan qodobkan, siyaasadda doorashooyinku wax macno ah oo tartan iyo xorriyad doorasho sheegaya ma samaynayso. Heerka doodda iyo kala doorashada ee ka jirta doorashooyinka Liberaaliyadda Cusub waa heer ka fog dimuqraaddiyadda dhabta ah, una dhow heerka dalalka Shuuciga ah ee leh halka xisbi.

Marka intaa laga yimaaddo, weli waxa aan la qaadaadhigin saamaynaha xunxun ee Liberaaliyadda Cusubi ku leedahay dhaqanka siyaasadeed ee udubdhexaadka u ah xuquuqda madaniga ah. Sinnaan la’aanta bulsheed ee ka dhalatay siyaasadaha Liberaaliyadda Cusub, dhinac marka laga eego, waa mid wiiqaysa dedaalladii lagu rabay dhabaynta sinnaanta sharciga ee lagamamaarmaanka u ahayd kalsooni-siinta dimuqraaddiyadda. Shirkadaha waaweyni waxa ay haystaan awooddii ay ku saamaynayeen warbaahinta, kuna hafinayeen habdhaqanka siyaasadeed, waana wax ay imikaba sameeyaan. Hal tusaale aynnu soo qaadanno: iyadoo la raacayo siyaasadaha doorashooyinka Maraykanka, hodanka ugu dhaqaalaha badan, oo boqolkiiba 0.25% ka ah bulshada Maraykan, ayaa ku tabarruca boqolkiiba siddeetan tabarrucaadka siyaasadeed, halka shirkadaha waaweyni bixiyaan in ka badan toban lab inta ay bixiyaan ururrada shaqaaluhu. Dhammaan arrimahani waa maangal kolka la hoos joogo Liberaaliyadda Cusub, sababtoo ah doorashooyinku waxa ay ka tarjumaan mabaadi’da suuqa, waana in isle’eg tabarrucaadka iyo maalgashiyada ahi jirtaa. Waa arrin kale oo xaqiijinaya in aanay siyaasadaha doorashooyinku muhiimad siinin inta badan dadka, se keliya ay dammaanad qaaddo ilaalinta habdhaqannada shirkadaha waaweyn, oo aanay cidi la xisaabtamin.

Dhinaca kale, dimquraaddiyaddu, si ay u noqoto mid wax-ku-ool ah, waxa ay u baahantahay in dadku dareemaan in ay muwaaddiniinta kale ku xidhanyihiin, isku xidhnaantan bulshana ka dhex muuqato ururrada iyo mu’assasaadka aan xidhiidhka la lahayn suuqa. Dhaqan siyaasadeedka fayoobi waxa uu u baahanyahay ururro maxalli ah, maktabado akhris, dugsiyo dadweyne, ururro xaafadeed, jamciyado iskaashi, goobo dadweyne oo lagu kulmo, ururro khayri ah iyo dallado dadka metela, si dhammaan kuwani muwaaddiniinta ugu suurogaliyaan iskuxidhan iyo islafalgal. Hase ahaatee, Liberaaliyadda Cusub ee ka duulaysa fahankeeda ah “suuqa ayaa wax kasta ka horreeya”, keliya indhaheedu waa kuwo ganacsiga iyo suuqa haya. Halkii uu nidaamkani soo saari lahaa muwaaddiniin, waxa uu soo saaraa adeegsadayaal, samaynta bulshooyinna waxa beddel u ah samaynta suuqyo iyo goobo ganacsi. Natiijada kamadambaysta ahi waxa ay noqonaysaa bulsho kala daadsan, oo ka kooban qofaf aan dhinacna ku abtirsan, oo dareemaya walbahaar iyo ka go’doonsanaanta dadka.

Marka la soo koobo, Liberaaliyadda Casriga ahi waa cadawga koowaad ee dimuqraadiyadda dhabta ahi leedahay, weliba Maraykanka oo keli ah ma aha ee dunida oo dhan, sidaas baanay cadow ugu ahaan doontaa mustaqbalka.