Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Sirta Siraha: Maxaa Geerida ka Danbeeya?

12 June, 2026
Image
Cammaar Cabdalla  Qoraa iyo saxafi
Share

Ka dib siddeed sanno oo uu maqnaa, qoraaga Maraykanka ah ee Dan Brown — boqorka furfurista summadaha taariikhda iyo halxidhaalaha farshaxanka — ayaa dib u soo laabtay isagoo soo bandhigaya su’aashiisii ugu weynayd ilaa hadda: maxaa dhacaya marka aynu dhimanno?

Buuggiisa cusub ee “Sirta Siraha”, oo ah ka lixaad ee taxanaha mala’awaalka ah ee borofaysar Robert Langdon, Brown wuxuu ku dhex socdaalayaa safar xamaasad badan oo dhex maraya luuqyada magaalada Prague, isaga oo ku jira tartan lagu doonayo in lagu helo “furaha xikmadda ugu dambaysa”, oo ah sirta waxa ka dambeeya dhimashada. Sidii caadadiisa ahayd, wuxuu ka duulayaa dareenka akhristayaasha ee ah inay jecel yihiin inay helaan siro ama xaqiiqooyin mamnuuc ah.

Sheekadu waxay soo baxday 9-kii Sebtembar 2025, iyadoo isla wakhtigaas lagu daabacay 16 luqadood oo dunida ah. Daabacaaddii ugu horraysay ee Maraykanku waxay gaadhay milyan iyo badh nuqul, waxayna isla markiiba hoggaanka u qabatay buugaagta ugu iibka badan. Taasi waxay marag u tahay sida malaayiin akhristayaal ahi u sugayeen shaqadan, iyagoo la qabsaday isku-darka ashqaraarka leh ee xiisaha iyo aqoonta ee Brown, inkasta oo wada sheekaysiyada jilayaashiisu mararka qaarkood yihiin kuwo kooban oo oo guudmar uun ah, oo aan xulaynin qoto-dheerida suugaanta, dhinaca nafsadeed iyo bani’aadamnimo midna.

Waxa kale oo xusid mudan in weydiintan jiraalka ku saabsani aanay beddelin jilayaasha sheekada oo keliya, ee ay qoraaga laftiisana beddeshay. Brown, oo safarkiisa cilmi-baadhista ku bilaabay shaki badan, maanta wuxuu qirayaa inuusan mar dambe ka baqan dhimashada. Taasi waxay shaqadan siinaysaa qotodheeri shakhsiyeed. Haddaba, ma Brown ayaa isku dayaya inuu iska siibo jaakaddii qoraaga sheekooyinka xiisaha leh si uu u noqdo suugaanyahan dhab ah oo ay ku dhex nool yihiin su’aalaha waaweyn ee hal-abuurka suugaanta? Waxa kale oo isweydiin mudan, ma ku habboonyihiin su’aalahan waaweyni nooca sheekada oo ah dambi-baadhis iyo xawaaraha degdegga ah ee cutubyadeeda.

Prague magaalo qorsoodi leh

Brown wuxuu magaalada caasimadda u ah Jamhuuriyadda Czech iyo boqortooyadii hore ee Bohemia ka dhigtay masraxa dhacdooyinka sheekadiisa. Xulashada magaaladani ma ahayn mid iska timid, se waxa ay ku timid taariikhdeeda iyo sumcadeeda faantasiga leh awgeed, waxaa tan iyo xilligii Boqor Rudolf II lagu tilmaami jiray “Caasimadda Suufiyadda Yurub”. Boqorkaas ayaa magaalada ku ururiyey saynisyahanno, sixiroolayaal iyo fooxiyeyaal qarsoodi ah. Waddooyinkeeda suqduudka ah ee qarsoon, kaniisadaha iyo qalcadaha qadiimiga ah, iyo jawigeeda ay ka buuxaan siraha ayaa ka dhigay magaalada lafteeda inay noqoto jilaa sidiisa u taagan.

Borofaysar Robert Langdon wuxuu imanayaa Prague, badhtamaha jiilaalka, isaga oo ay weheliso gacalisadiisa cusub, Dr. Katherine Solomon, oo ku takhasustay cilmiga noetics-ka (cilmiga miyirka iyo fekerka).

Dr. Katherine Solomon waxay jeedinaysaa muxaadaro ay ku soo bandhigayso natiijada sannado badan oo cilmi-baadhis ah: aragti dhiirran oo sheegaysa in miyirka aadanuhu aanu ku koobnayn maskaxda oo keliya, balse maskaxdeennu tahay anteenno qaabbila farriimaha ka imanaya shabakad miyireed caalami ah oo naga weyn oo innagu hareeraysan. Fekraddan baaxadda leh waxay dhalinaysaa gunuunac iyo hadal-hoosaad dhex maraya dadkii joogay. Haseyeeshee, ka hor inta aan habeenkaasi soo dhammaan, dooddii aqooneed waxay isu beddelaysaa argagax iyo dhiig, marka mid ka mid ah dadkii ka soo qayb galay si arxan darro ah loo dilo, Katherine-na si qarsoodi ah loo afduubto, isla markaana la xado faylka dijitaalka ah ee xambaarsan xogta qiimaha badan ee cilmibaadhisteeda.

Fasiraaddan metafiisigga ah, oo Langdon markii hore u arkayay wax u dhow “hadal cilmiyeed aan macno lahayn”, waxay si degdeg ah isugu beddelaysaa xaqiiqo halis ah. Dhinac waxaa jira awoodo qarsoon oo saameyn leh oo aan oggolaan doonin in la faafiyo daahfurkan kacaanka ah (waana mawduuc soo noqnoqda oo laga helo shaqooyinka qoraaga The Da Vinci Code).

Kadibna waxaa bilaabmaya baacsi anfariir ah, Langdon-na wuxuu is arkayaa isagoo ku dhex hafanaya shabakad shirqoollo adag wada oo ay isku dhex milmeen hay’ado cilmiyeed oo qarsoon, ururro sir ah iyo hay’ado sirdoon oo caalami ah.

(Digniin: saddexda faqradood ee soo socda waxay ay faydayaan dhacdooyin muhiim ah.)

Markay dhacdooyinku sii kobcaan, waxaa soo baxaya in ujeeddadu aanay ahayn oo keliya in la aamusiiyo cilmibaadhaha, balse ay tahay in la xakameeyo furaha horseedaya sirta ugu weyn: xaqiiqada waxa ka dambeeya dhimashada. Waa sir ay qaar ka mid ah dawladaha iyo ururradu ka baqayaan in loo adeegsado beddelidda dheellitirka awoodda aqooneed ee dunida. Langdon iyo Katherine waxa lagu baacsanayaa waddooyinka qadiimiga ah ee Prague, gacan-ku-dhiigle wejiga qarsaday oo isu ekeysiiyay “Golem” ayaa ku daba jira, waxaana lagu qasbayaa inay tartan wakhtiga la galaan, si ay u ilaaliyaan xogta una badbaadiyaan noloshooda.

Cadaadisku wuu sii kordhayaa oo shabakadda khiyaanaduna sii fidaysaa, waxaa soo baxaysa in tifaftirihii Langdon laftiisu ku lug leeyahay shirqoolka, kadib markii la khiyaamay. Waxaa kale oo la ogaanayaa in mid ka mid ah xubnaha safaaradda Maraykanka ee Prague uu la shaqaynayo kooxda qarsoon si uu u ilaaliyo danaha saynisyahanno awood leh. Inta uu socdo baacsigu, waxa la soo bandhigayaa xog farsamo oo ku saabsan tijaabooyin dhab ah oo lagu sameeyay bukaanno miyir-beel ku jiray. Tijaabooyinkaas ayaa muujiyey in maskaxdoodu dirtay farriimo qarsoodi ah inta uu miyirku ka maqnaa, waxaana loo adeegsaday caddayn qayb ahaan taageeraysa aragtida Katherine.

Sheekadu marka ay marayso meesha ugu xiisaha badan, baadigoobku wuxuu ku hagayaa goob qarsoon oo ku hoos taalla kaniisadda weyn ee Saint Vitus, waa halka ay ku dhalatay sheekobaralayda Golem. Halkaas oo uu ka dhacayo iska horimaadkoodii ugu dambeeyey ee iyaga iyo gacan-ku-dhiiglaha. Laakiin yaabka ugu weyn ayaa ah in uu noolahani yahay mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow Katherine oo is qarinaya, kaas oo ay ku kalliftay hammi daran oo uu u qabay sumcad iyo waaritaan aqooneed. Waxa kale oo la ogaanayaa in qoraalkii la xaday uu yahay qayb ka mid ah buug da’ weyn, kaas oo ay diyaariyeen jiilal hore oo ka soo jeeda nasabiyad suufi ah oo ku guulaysatay inay furfuraan sirta “miyirka koonka”, afkana isugu gudbiyaan jiilba jiil. Sidaas ayuu loollan uga abuurmayaa tartan loogu jiro gaadhista dhaxalkan mamnuuca ah.

Qoraa ka tirsan wargeys Czech ah ayaa qoray si kaftan leh in Prague, oo markii horeba la daalaa dhacaysay qulqulka dalxiisayaasha iyo “madadaalada xad-dhaafka ah” ee xarumaheeda taariikhiga ah, hadda ay ku dhacday aafo cusub oo ah sheekada Dan Brown, taas oo keeni doonta dalxiisayaal dheeraad ah oo u ooman waxyaabaha layaabka leh.

Falanqaynta habraaca Brown

Dan Brown wuxuu ku ilaashaday “Sirta Siraha” habraaciisii ashqaraarka lahaa ee uu ku caan baxay. Qaar ayaa xitaa ku tilmaamay inay tahay sheekadiisii ugu xamaasadda badnayd uguna murugsanayd, halka kuwo kalena ay u arkaan inuu gaadhay heerka ugu sarreeysa ee buunbuuninta isagoo raadinaya xiiso.

Astaamaha ugu horreeya waa sheekada oo xawaaraheedu dheeraynayo. Cutubyada gaagaaban ee ku dhamaanaya meel xiiso iyo isweydiin leh ayaa akhristaha ka dhigaya mid si xiiso leh u booba bogga xiga, sida caadada u ahayd shaqooyinkiisii hore. Akhristuhu marna si buuxda uma nasto, waayo mar kasta waxaa sugaya jiiro cusub. Taasi waxay ka dhigaysaa sheekada, sida ay Washington Post ku sifaysay, “600 bog oo gurxan badan, kana buuxaan dilal iyo qalalaase.”

Astaanta labaad waa halxidhaalayaasha iyo astaamaha uusan Brown waligiis ka tegin. Akhristaha waxa lagu martiqaadayaa inuu qaato doorka baadhaha, isagoo daba socda summadaha ku dhex qarsoon Prague, qoraal qarsoodi ah oo loo yaqaan “Kitaabka Quduuska ah ee Shaydaanka”, iyo halyeeyga Golem oo isu beddelaya halxidhaalaha ugu muhiimsan. Golem waa noole mala-awaal ah oo lagu xusay Axdiga Hore iyo Talmuudka, waxana badanka la xardhaa isagoo dhoobo laga sameeyay, sixiroolayaal ama aqoonyahanno ayaana nolosha ku soo celiya.

Astaanta saddexaad waa isku-darka aqoonta baaxadda leh. sheekadu waxay isku daraysaa madaddaalo iyo xog aqooneed, iyadoo si faahfaahsan uga hadlaysa taariikhda iyo farshaxanka Prague, oo qarnigii 14-aad ahayd magaalada saddexaad ee ugu weyn Yurub. Waxa kale oo ay taabanaysaa culuum casri ah sida aragtiyaha miyirka, fiisigiska quantum-ka, iyo xitaa mashaariic dhab ah sida qalabka Neuralink ee Elon Musk.

Habkan, oo gorfeeye ka tirsan The New York Times uu si kaftan leh ugu sheegay inuu akhristaha ka badbaadinayo “ku hawloodka xog-ka-raadinta Google-ka”, iyagoo kuwo kalena u arkaan ku uruurinta xog aad ugu eg maqaallada Wikipedia. Hase yeeshee, Washington Post waxay xustay in Brown uu noqday mid ka xakameyn badan hakinta dhacdooyinka si uu u bixiyo casharro taariikheed.

Astaanta afaraad, waxaa jira jilayaal isku milaya xaqiiqada iyo mala-awaalka. Sheekadan waxa dib ugu soo laabanaya laba weji oo hore loo yaqaanay: Katherine Solomon, oo markii ugu horreysay kasoo muuqatay “The Lost Symbol” (2009), iyo Jonas Faukman, oo ah tifaftiraha Langdon. Dhab ahaantii, Jonas Faukman waa sawir kaftan ah oo ka turjumaya tifaftiraha dhabta ah ee Dan Brown, Jason Kaufman. Brown ayaa geliyay badhtamaha dhacdooyinka sheekada, xitaa wuxuu ka dhigay inuu la kulmo afduub, ilaa uu mar qosol leh kaga qaylisiiyey: “Waryaadhaheen, kani waa daabacaad buugaag oo keliya!” Dhanka kale, Langdon laftiisu wuxuu weli yahay — sida uu ahaa sheekooyinkii hore — borofiisar deggan oo aqoon badan, kaas oo ku tiirsan in uu adeegsado garaadkiisa iyo caqligiisa in kabadan rabshadda iyo gacan-ka-hadalka. Hase yeeshee, qaar ka mid ah faallo-bixiyaashu waxay xuseen in uu sheekadan dib u yar gurtay, isagoo boos u banneeyay shakhsiyadda Katherine.

Waxaa sidoo kale laga dhadhansadaa sheekooyinka Dan Brown loollanka soo jireenka ah ee u dhexeeya diinta iyo sayniska. Marka dib loo eego asalka Dan Brown, waxa aynu arkaynaa in uu ku koray qoys uu aabbihiis ahaa macallin xisaabeed, halka hooyadiina ahayd fannaanad ku takhasustay muusigga diimeed. Arrintani waxay raad muuqda ku reebtay sheekooyinkiisa. Sidoo kale, jacaylka uu u qabo summadaha iyo halxidhaalayaasha ayaa ka dhigay dhammaan sheekooyinkiisa kuwo ku dhisan xujooyin uu furfuro Robert Langdon. Xiisahani kuma eka qoraalladiisa oo keliya, balse wuxuu gaadhaa xitaa gurigiisa, guriga Dan Brown waxaa loo naqshadeeyay qaab u eg marinno isku dhex yaacsan oo waaweyn [maze] waa sida uu qoray weriyaha reer Morooko, Ayuub Waaja.

Ammaan iyo dhaleecayn kulul

Sida caadada u ah shaqooyinka Dan Brown, “Sirta Siraha” waxay dhalisay aragtiyo iyo falcelinno aad u kala duwan. Dhinac, dad badan ayaa soo dhaweeyay soo laabashada qoraaga, waxayna ku ammaaneen geesinimada fekradeed ee sheekada. Majalladda Kirkus Reviews waxay ku tilmaantay “dhacdooyin muhiim u ah taxanaha”, halka The Washington Post ay qortay in farxadda uu Brown ka helay qorista sheekadan ay tahay mid “la is qaadsiin karo”, isla markaana akhristaha u soo bandhigayso madadaalo weyn oo ku qasbaysa inuu si xamaasad leh u sii akhriyo bogagga.

Dhanka kale, sheekadu kama badbaadin dhaleecayn adag. Wargeyska Ingiriiska ee The Guardian wuxuu ku tilmaamay: “Hadal-tiro micne la’ oo heer-sarraysa bilow ilaa dhammaad.” Si kastaba ha ahaatee, isla wargeyskaas ayaa qiray in ay sheekadu madadaalo badan u leedahay qof kasta oo jecel nooceeda.

Wargeysku wuxuu dhaliilay qaabka sheeko-tebinta Brown oo aan wax badan iska beddelin, balse wuxuu si xariifnimo leh isu weydiiyay: Maxay tahay waxa uu Dan Brown sida saxda ah u sameeyo ee uu ku soo jiito malaayiin akhristayaal ah? Jawaabtu waxay ahayd xirfaddiisa aadka u sarreysa, ee tolidda sheeko leh soo jiidasho xooggan iyo is-goysyo isdaba joog ah, kuwaas oo akhriskeeda ka dhigaya waayo-aragnimo ay adagtahay in laga hortago.

Waxaa sidoo kale jiray dhaliilo ka timid saynisyahanno u arkayay in uu Brown faafinayo aqoon been-abuur ah isaga oo ku dahaadhaya sheeko xiiso leh (waana run in uusan si adag ugu hoggaansamin hab-raaca adag ee sayniska). Hase yeeshee, dhaleeceyntan, inkastoo ay iskeed u culus tahay, kamay hor istaagin sheekadu inay hesho iibka malaayiin nuqul, oo ay hoggaamiso buugaagta ugu iibka badan. Taageerayaasha Dan Brown waxay ka heleen wax kasta oo ay ka filayeen: halxidhaalayaal xiiso leh, xog cusub, iyo safarro xiiso leh oo ka dhacaya magaalooyin duug ah.

Buugga “Sirta Siraha”, Dan Brown wuxuu ku sii adkaysanayaa booskiisa, in uu yahay mid ka mid ah sheeko-tebiyaasha ugu xiisaha badan, ee ugu caansan xilligan casriga ah. Inkasta oo sheekadu aanay qancin doonin dhammaan dhadhannada faalo-bixiyaasha, isla markaana laga yaabo inay ka gaabiso quruxda sare ee qaabaynta suugaaneed, haddana si heer sare ah ayay ugu guulaysanaysaa inay soo bandhigto “habraaca” guushiisa dhistay: isku-darka qarsoodi, xiise iyo shirqoollo, oo lagu daray su’aalo falsafadeed oo waaweyn (iyadoo aan la bixin jawaabo), laguna qurxiyey socdaallo taariikheed oo dalxiis iyo madadaalo leh.

Dhab ahaantii, sheekadani — iyo guud ahaan taxanaha Dan Brown — waxay xaqiijinayaan in bini’aadamku jecel yahay furfurista siraha, xallinta halxidhaalayaasha iyo dabagalka sheekooyinka dambiyada. Qoraaga maqaalkani wuxuu aaminsan yahay in mawduucyada ugu muhiimsan ee ay tahay in gorfeeyayaashu iyo qoraayaashu qabtaan, waa in mustaqbalka sheekadu ku jiri doono isku-darka madadaalada, aqoonta baaxadda leh iyo culuumta casriga ah. Malaayiin akhristayaal ah ma iibsadaan buugaagta Dan Brown quruxda ereyadiisa awgeed, balse waxay u iibsadaan qaabka xirfadda leh ee uu isugu dhafo xiisaha iyo aqoonta.

Qoraallada kale ee qoraaga